GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND AYAA DUUDUUB KU ANSIXIYEY LIFAAQA KAABISTA IYO WAX-KA-BEDELKA XEERKA DIIWAAN GELINTA DOORASHOOYINKA XEER NO.37

Hargeisa(sl.no), 10 june 2008 – fadhiga golaha wakiiladda oo ay fadhiyeen 44mudane,ayuu gudoomiyaha golaha wakiiladu ka dalbaday in loo cadeeyo laba soo jeedimood oo kala ahaa in lifaaqa xeerka duuduub loogu codeeyo iyo in wax ka bedel lagu sameeyo waxaana ogolaaday duuduub in lagu ansixiyo 33mudane, 8mudane way diideen,laba mudanena way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codayn.

Ka hor intaan codka loo qaadin wax ka bedelka iyo kaabista lifaaqa xeerka diiwaangalinta waxa uu gudoomiyaha golaha wakiiladu xildhibaanada ka dalbaday in la tixgaliyo codsiyada madaxweynaha, axsaabta iyo komishanka doorashooyinka isla markaana heshiiskooda wadajirka ah duuduub lagu ansixiyo.

xildhibaan max’ed nuur caraale (duur) oo ka mid ahaa xildhibaanada diiday in duuduubka lagu ansixiyo ayaa soo jeediyay lifaaqa xeerka inaan duuduub lagu ansixine la waafajiyo sharciga iyo xeerar ka kale ee doorashooyinka maadaama golaha wakiiladu qaranka wakiilad ugu yihiin shuruucda loo samaynayo waxaanu soo jeediyay afartan qodob:

1) in loo yeedho komishanka qaranka si goluhu wax uga weydiiyo soo jeedintan iyadoo la raacayo xeer hoosaadka golaha wakiiladda.

2)in aynu si rasmi ah u gudano masuuliyada in saaran maadaama sharci dajintu aanay ahayn inta danaynaysa kuraasta madaxtooyada oo aynu saxno gefka sharci ee aan xusnay.

3)in la kordhiyo mudada ay xuseen ee shanta maalmood ah oo laga dhigo muddo bil ah, si ay dadku u helaan fursad ay isku diiwaan galiyaan.

4)in xeerka laga saaro qodobka guracan ee 8/4 ee dhigaya in qofku ka codeeyo goobta uu iska diiwaangaliyo oo kaliya, lana tuuro qodobka 4/3 ee soo jeedintan oo sheegaya in qofku codsado goobtuu ka codayn doono, laguna bedelo in muwaadinku iska diiwaan galiyo halkuu doono kana codeeyo halkuu doono iyadoo kaadhka loo sameeyo meel laga daloosholaguna hubiyo kaadhka jiritaankiisa computerka

gudoomiyaha gudida shuruucda ee golaha wakiiladda C/raxmaan cismaan caalin (C/raxmaan dheere) ayaa isna golaha u akhriyay talo soo jeedin ay gudidoodu soo saareen saaka taasi oo ay sheegeen markay dhinac walba ka eegeen inay isla garteen in sideeda lagu ansixiyo soo jeedinta madaxweynaha axsaabta iyo komishanka doorashooyinka qaranka.

Source:waaheen.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: