HAY´AD SAMAFAL NORWEJI AH OO SOMALILAND TAGTAY, HAWLO CAAFIMAADKU UGU HOREEYANA WAX KA QABAN DOONTA

Hargeysa(sl.no), 09 june 2009 – Wasiirka beeraha somaliland Adan Axmed (dhoola yare) ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay hay’ad cusub oo Norway ah oo dalka Somaliland ka shaqayn doonta

Wasiirka beeraha somaliland Adan Axmed (dhoola yare) ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay hay’ad cusub oo Norway ah oo dalka Somaliland ka shaqayn doonta.
Wasiirku waxa uu kulankan ka sheegey in ay hay’adani ka shaqeyn doonto dhinacyada beeraha, caafimaadka , waxbarashada iyo beeraha . iyagoo shaqadooda ka bilaabi doona dhinaca caafimaadka oo ay u soo diri doonaan dalka dhakhaatiir ka hawl gali doona cusbtiaalada hargeysa, iyo burco , isla markaana wax ka dhigi doona jaamacadaha caafimaadka ee hargeysa iyo Amoud University .
Wasiir aadan Axmed Cilmi ayaa sheegey in uu ku farax san yahay in ay hay’adani dalka timaado, isagoo kula kulmay dalka Norway Muddo laga Joogo laba sano oo uu u Gudbiyey inay Somaliland Yimaadaan oo ka hawl galaan.


Mr: Roney oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Haya’adani ayaa isna uga mahad celiyay soo dhaweynta , waxaanu ballan qaaday inay Somaliland kale shaqeyn doonaan dhinacyada Kobcinta iyo hourmarka caafimaadka , cusbitaalada , waxbarashada beeraha iyo biyaha.

Source: Gabileynews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: