MACALINKA WEYN EE CIYAARAHA FUDUD JAAMAC MAXAMUUD AADAN “KARAACIIN” IYO KOOXDIISA OO WACDARO KA DHIGAY OSLO GAAR AHAAN ABUBAKAR KAKI OO DHIGAY REKORD CUSUB OO 800 BOQOL EE MITIR AH.

Oslo(sl.no), 06 june 2008 – Bislett Games: Macalinka Weeyn ee cayaaraha fudud Jaamac Maxamuud Aaden ( Karaaciin) iyo Kooxdiisa oo wacdardhigay Oslo gaar ahaan Abubakar Kaki oo jabiyay rikoorka juunyarka 800 miter.
Waxaa shalay dhacday cayaaraha ugu qiimo badan wadankan Norway magaalada Oslo waxaana loo yaqaanaa Bislett Games waxaana martida orodyahanada iyo macalimiintooda lagu soo dhaweeyaa Hotelka ugu dheer ee magaalada Oslo oo la yiraahdo Oslo Plaza,waxaan loo fuliyaa dhamaan adeegyada aay u baahanyihiin.

Jaamac Karaaciin
Hadaba waxaa sharaf noo ahaayd in aan ku qaabilno Hoteelka kuna soo dhaweeyno Macalinka caanka ah ee lagu magacaabo Jaamac Karaaciin oo ah halyeey taariikh ku leh mujtamaca Somaliyeed meel kastooy joogaan waxaa uu Jaamac ku soo barbaaray magaalada Burco waxaana uu ka mid noqday oradyahanadii ka qaaybgalay tartankii dugsiyada goboladii somalia sanadkii 1976 kadib waxaa uu Jaamac u soo wareegay in uu ka mid noqdo orodyahanadii la qaatay ee waliba loo xulay xulka qaranka Somaliyeed , Jaamac waxa uu soo hooyay bilado badan oo qaarada Afrika iyo carabtaba uu ka soo hooyay,waxaa uu u wareegay Jaamac wadanka Mareeykanka oo uu ku dhameeystay waxbarashadiisa ilaa Heer Jaamacadeed.Jaamac waxa uu noqday tababare caalami ah waxaana uu soo tababaray wadamo badan sida Sacuudiga,UAE,bahrein,iyo hadda oo UU TABABARO Sudan waxaana uu Jamac caan ku yahay shaqsiga soo saara ragga ugu caansan dunida Jamac waxa uu hadda hayaa inanka dhalinyarada ah ee la yiraahdo Abubakar Kaki Khamiis oo 18 ah Sudani ah kuna caan baxay 800 meter iyo dhalinyaro kale oo badan oo qaar kood aay somali yihiin sida Axmed oo u orda USA iyo dhalinyaro badan oo kale.Waxaana Shaly jaamac aad u soo dhaweeyay dhalinyaro badan iyo asxaabtiisa qaar ka mid. Akhristoow yaanan hadal kugu Daalin ka bogo sawirada iyo jawigii shalay Farxadii Markii uu Kaki guulaaystay 800 oo ahaayd cayaartii meesha ugu tunka weeynaayd Midhii Jaamac oo guul la hoyday xalay.

Abubakar Kaki oo Ubaxii guusha la ordaya hambalyo iyo sacab badan lagu qaabilayo garoonka.
Waraabacadde oo u Hambalyeeynaya Guusha macalinka Orodyahankii hore ee Sacuudiga Sacad iyo Jaamac Kraaciin Wxaa si wanaagsan u soo dhaweeyay, Turbashaash, Alfanaan Cabdirisaaq, iyo Xassan waraabacadde oo si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Norway.
Jaamac iyo Xidigii Hore ee Sacuudiga Sacad oo ahaa ragii uu soo saaray Jaamac.Waxaana uu Jaamac salaan u soo gudbinayaa dhamaan dadkii taageerada la garab taagnaa ee reer Norway iyo Jaaliyadaba ahaa .

Source: Somalilandsports.net

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: