ODEY MINGISTE RAALIGELINTA UU BIXIYAA WAA SAAMBUUSE LAGU EEDAAMAY OO GABAL U DUMAY

Abwaan reer Togdheer ah oo la odhan jiray Abyan ayaa gabay uu tiryey, waxa ku jiray meeris iminka noqday hadal murtiyeed markasta lagu maahmaaho. Meeriskaa ayaa ahaa: *Nin haddii uu hadal gabaan ka yahay wuu gagabiyaa…..Gadhka lagama eego iyo Cirida Guudka kaga taal…..Waa naag Garayskii ka go’ Gabay Xumaadaa*

Ninkan Odayga ah ee Isku-naanaysa Mengiste muu sahamin jiray mana uu u meelday jirin hadalada gefka xambaasan ee uu warbaahinta soo gaadhsiin jiray. Qofka Binu-aadmiga ah mar ama laba jeer wuu gefaa ama qaldamaa, laakiin Oday Mingiste wixii ka soo burqan jiray waxay ahaayeen Aflagaado taxane ah oo aan xad lahayn oo uu waliba saxaafada u adeegsanaayey. Su’aasha la Is-weydiinayo iminka ayaa ah maxaa ku kalifay Mr. Mingiste in uu Si Badheedh ah Xisbi Qaran oo dadka oo dhami u siman yihiin uu ugu gefo.

Jawaab…….Qoomiyada Somaalidu maaha dad sir badan oo wax qaraiya, badhitaan yar oo aan sameeyey ayaan ku ogaaday in Oday Mingiste uu jeeddo ka lahaa Qoraladiisii hore ee uu iminka uu u qiil-doonayo.

Su’aasha kale ee iyana u baahan in wax laga ogaado ayaa ah, Maxaa ku kalifay Odayga in uu Badheedhahiisii Aflagaadada ahaa uu maanta raali-galin u raadiyo.

Jawaab…. Ninman ay kaftan-wadaag leeyihiin Oday Mingiste oo u dhuun-daloolala ujeedooyinkii uu ka laha Qoraaladiisii hore ayaa iminka si toos ah u yidhi, Saaxiibkayo Mingiste oo dhawaan socdaal ku tegay dalkii wax uu waji-gabax kala kulmay Xisbigii Qandaraaska ku siiyey Qoraaladii hore, iyaga oo waliba ku qanciyey Qoraaladaadii Aflagaadad xambaarsanaa waxba cidna may yeelin anagana waxaba noomay tarin. Sidaa iyo Salaama.

Mr. Mingiste oo iminka ku sifaysan laba jeer khasaar ayaa Raagalinta uu Bixinayaa ay tahay Saambuuse lagu Eedaamay oo Gabal u dumay, Xisbiga kulmiyana aan Qiimo u samaynayn. Ciwaanka ah *Muuqaalka Dhabta ah ee uu Odaygu Isticmaali jray waxa uu ka soo minguuriyey Maqaal Anigu Osman ahaan aan lahaa oo la odhan jiray Muuqaalka dhabta ah ee Maxkamadaha Muqdishu. Dhacdadanina waxa ay u baahan tahay Raali-galinteeda.

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: