“IGAD iyo AU-du waa in aanay Horseed ka Noqon inay Burburto Dimoqraadiyadda Somaliland ka Jirta”Wargeyska American Chronicle

Washington (American Chronicle..7Juun.)- “Beesha caalamka oo ay ku jiraan ururro-goboleedyada qaaradda Afrika, waxay si gaar ah isha ugu hayaan dimoqraadiyadda iyo midnimada ay ku tallaabsadeen shacbiga reer Somaliland, taas oo u suurtogelisay inay dhistaan bulsho ku naaloonaysa nabadgelyo iyo dimoqraadiyad is-barkan, balse waxay dunidu ka gaabisay in la garowsado

horumarka dimoqraadiyadda iyo hannaanka dawlad-wanaagga ay hanteen reer Somaliland oo mudan in loogu abaalgudo aqoonsi caalami ah oo la siiyo, si ay ummadaha jira ee caalamka uga mid noqdaan.” Sidaa waxa lagu sheegay maqaal dheer oo uu shalay daabacay wargeyska American Chronicle, isla markaana uu diyaariyey qoraa lagu magacaabo Abdulaziz Al-mutairi oo ah suxufi wax ka qoro mandaqadda Bariga Dhexe iyo Afrika iyo weliba arrimaha xuquuqal-insaanka.


Qoraagu waxa uu si qotodheer uga xog-warramay arrimaha dimoqraadiyadda, dawlad-wanaagga iyo nabadgelyada buuxda ee ka jirta dalka Somaliland iyo weliba sida loogu baahan yahay in dunidu u fidiso aqoonsi caalami ah.

Mr. Al-mutairi waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka Somaliland ku guulaysteen, isla markaana hadh iyo habeenba heegan u yihiin, ugana go’antahay sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo xasilloonida ka hanaqaaday dalkooda, sidoo kalena miiska wadahadallada ku dhammaystaan wixii khilaafyo ah ee soo kala dhexgala, iyagoo aan haba yaraatee gacan shisheeye ka helin wax taageero ah, waxaannu intaa raaciyey inay dhowaan xalliyeen arrimo ay ku muransanaayeen oo ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo golayaasha degaanka.

Waxa kale oo suxufigu maqaalkiisa ku canaantay Urur-goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika in si xoog leh uga gaabiyeen inay ku dhiirradaan aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu xusay inay sababtay cabsi ay ka qabaan inuu gobolka iyo qaaraddaba u horseedi doono silsilado dhibaatooyin wata oo la xidhiidha gobollo iyo dalal Afrikaan ah oo ku dayan doona dariiqa gooshada ee Somaliland qaadday.

Mr. Abdulaziz Al-mutairi waxa uu tilmaamay in IGAD iyo AU-du raaceen warbixintii ay sannadkii 2005 soo bandhigeen weftigii xaqiiqo-raadiska ee Midowga Afrika u diray Somaliland oo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee ururka Mr. Patrick Mazimhaka, kuwaas oo caddeeyey in qaddiyadda Somaliland tahay mid loo tixgeliyo si ka duwan arrinta Soomaaliya, maadaama Somaliland dhinac kasta ka horumar fiican tahay Soomaaliya, iyadoo guddiga xaqiiqo-raadisku meesha ka saareen baqdinta ah in ictiraafka Somaliland dhibaato u horseedi doono qaaradda Afrika.

“IGAD iyo AU-du waa inay qaataan doorkooda kaga beegan inay caawiyaan meelaha dimoqraadiyaddu ka jirto ee ku yaal qaaradda madow ee Afrika, isla markaana raacaan siyaasadda Midowga Yurub ka qaateen Kosovo. IGAD iyo AU-du waa in aanay horseed ka noqon inay burburto dimoqraadiyadda Somaliland ka jirta, halkii ay kaga dayan lahaayeen dariiqa dimoqraadiyadeed ee Somaliland qaadday oo runtii tusaale fiican u noqon kara guud ahaanba waddamada Afrika,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mr. Abdulaziz Al-mutairi.

“IGAD iyo AU-du way ogyihiin in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala laba dal ahaayeen waqtigii gumaystaha oo Somaliland 26kii June 1960 madaxbannaanideeda ka qaadatay maxkamiyaddii Ingiriiska, balse ay si khalad ah ugu biirtay 1dii July 1960-kii Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray. IGAD iyo AU-du waxay ogyihiin in shacbiga Somaliland 23 sannadood ku noolaayeen dhibaato iyo xasuuq ay kala kulmeen midnimadii Soomaaliyada koonfureed ee sida khaladka ah ugu biireen. Haddaba, iminka intaa in le’eg ayey IGAD iyo AU-du doonayaan in Somaliland ku sii jirto dhibaatada iyo xaqiraadda aanay u qalmin. Somaliland ururka IGAD, Midowga Afrika iyo beesha caalamkaba ugama baahna taageero dhaqaale iyo mid dimoqraadiyadeed, balse waxay ka doonaysaa in loo aqoonsado inay tahay dal jira oo dunida ka mid ah.”

Waxa uu qoraagu ku soo gunaanaday faalladiisa in beesha caalamku aad u danaynayo arrinta Somaliland, hase ahaatee markasta sheegaan in aqoonsiga Somaliland ay u daba fadhiisan doonaan AU-da, sidaa darteedna loo baahan yahay in ururka Midowga Afrika indho caafimaad qaba oo dhinaca fiican u janjeedha ku eegaan qaddiyadda, isla markaana waqtigani yahay xilligii ugu habboonaa ee lagu dhawaaqi lahaa ictiraafka Somaliland, marka loo eego sida ay u buuxiyeen dhammaan shuruudihii dawladnimo looga baahnaa oo dhan.

TogdheerNews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: