XAFLADII XIDHITAANKA DUGSIYADA DEGMADA ALLAYBADAY EE SANNADKA 2007/2008 OO SAAKA LAGU QABTAY ALLAYBADAY . 04.Jun.2008 (Sawiro)

 
Sannada dugsiyadeedkii 2007/2008 waxaa Dugsiyada Degmada Allaybaday ka jiray:
Qiyaastii 2 000 arday oo ku jira dugsiyada Degmada, taas ay 750 gabdho yihiin. 13 dugsi oo ka furan dhamaan dhulweynaha Degmada ALLAYBADAY. 35 macalin ee dugsiyada wax ka dhigaa oo dhamaantood qurbo joogto mushaar joogta ah siiso bil walba. Dugsigii sarre oo la dhisay. 4 dugsi hoosaad oo dhismo cusub helay. Agabkii waxbarashada oo ay dhamaan dugsiyada Degmadu heleen. Cunto laga bixiyo dhamaan dugsiyada Degmada. Degmada Allaybaday waa degmada qudhaata ee dhulweyn Somaliland ee ay dhamaan caruurta skuulada tagaan ay bilaasha ku dhigtaan.

Waxa saaka xaflad balaadhan oo loogu tallo galay dhamaan dugsiyada Degmada Allaybaday lagu qabtay iskuulka H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib xafladaasi oo ahayd xafladii xidhintaanka sanad dugsiyeedka 2007-2008 taas oo si wayn ay uga soo qayb galeen marti sharaf ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Allaybaday, Mudane Xasan Cabdi Cali, Xoghayaha UHWA Mustafe Cabdi Cali iyo Gudoomiyaha UHWA Malaysiya, Axmed Ismail Geedi, Maamulayaasha dugsiyada magaalada Allaybaday, Waalidiin iyo Marti sharaf kale oo badan, hadaba ugu horayn waxa Xafladaasi lagu furay Aayado Quraan ah,intaasi kadib waxa iyana halkaasi ka hadlay laba arday oo ka mid ah ardayda iskuulka kuwaasi oo iyana ku qudbadeeyay English iyo Carabi qudbadoodaasi oo ku sahabsanayd faa’idada ay waxbarashadu leedahay. 

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada, Mr Xasan Cabdi Cali oo ugu horayn mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Ururka Waxbarashada Degmada Allaybaday iyo Wasaarada Waxbarashada wuxuuna ku bilaabay hadalkiisii sida tan wuxuuna sheegay inay Degmada ka hirgaleen mudadii uu xilka Gudoomiyenimo hayay 10 iskuul taasi oo ay hirgaliyeen UHWA iyo Wasaarada Waxbarashada JSL iyo Maamulka Degmada Allaybaday, waxa kale oo Gudoomiyuhu usoo jeediyay Guddida Waalidiinta iyo Macalimiintaba in la iska kaashado siddii loo hurumarin lahaa waxbarashada

 

Sannada dugsiyadeedkii 2007/2008 waxaa Dugsiyada Degmada Allaybaday ka jiray:

qiyaasii 2 000 arday oo ku jira dugsiyada Degmada, taas ay 750 gabdho yihiin.

13 dugsi oo ka furan dhamaan dhulweynaha Degmada ALLAYBADAY.

35 macalin ee dugsiyada wax ka dhigaa oo dhamaantood qurbo joogto mushaar joogta ah siiso bil walba.

Dugsigii sarre oo la dhisay.

4 dugsi hoosaad oo dhismo cusub helay.

Agabkii waxbarashada oo ay dhamaan dugsiyada Degmadu heleen.

Cunto laga bixiyo dhamaan dugsiyada Degmada.

 

18 Jaaliyadoo oo qurbo jooga oo deeq joogta ah u soo dira dhamaan dugsiyada Degmada

 

 

 

Waxaa halkaa Qudbadado dhaadheer ka jeediyay, Gudoomiya ururka wadaniga ah SOSAPO, Mr. Ahmed Muse Muxumed, 3 maamule ee dugsiyada magaalada ku yaala, Caaqilo, xubno ka socda wasaarada waxbarashada, wakiilada laamaha UHWA, Dadkaaso dhamaan ka hadlay faaidada waxbarashada iyo qiimaha ay u leedahay wadankeena.

 

 


Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

 

 

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND 

 

 

.Sannad dugsiyadeeda 2009/2010 waxaa ka soo baxaayo dugsiga sarre Allaybaday ardii ugu horeysay, Suaasho waxay tahay halkeebay Ardaydaadiisa ka heli doonaa Jaamacad boarding ah ?

 

 

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

 

 

 

 

 

Email:

 

 

 

 

 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

hilqadm@hotmail.com

 

Website:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

http://www.allaybaday.com/ 

 

 

 

 

 

 

 
 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: