AXMED SIILAANYO OO MARKII UGU HOREYSAY KA HADLAY ARAGTIDIISA SHIRWEYNAHA BEESHIISA UGA FURMAY BURCO

“Shirkaasi wada tashi baan maqlay in uu yahay, wax dhibaato ah oo ku jira mid qaran iyo mid xisbiyada ugu jira midna ma jiro “

Axmed Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku tilmaamay shirweynaha beesha

uu ka soo jeedo uga furmay magaalada Burco mid ujeeddadiisu la xidhiidho guud ahaan danaha qaranka Somaliland iyo degaanka, sidaa darteedna aannu wax shaqo ah ku lahayn xanta suuqa laga sheegayo ee ku saabsan in lagaga hadlayo arrimo siyaasadeed oo beesha dhexdeeda ah.

Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Madaarka Hargeysa, ka hor intii aannu gelinkii dambe ee shalay safar shaqsi ah ugu kicitimo dalka Boqortooyada Ingiriiska.
“Shirkaasi wada tashi baan maqlay in uu yahay, wax dhibaato ah oo ku jira mid qaran iyo mid xisbiyada ugu jira midna ma jiro, waxaaanan u malaynayaa in uu yahay mid odayaashii dhaqanka iyo dad uu isugu tagayaan, sidaan ka warqabana shirkaasi waa shir caafimaad qaba oo aan cidna dhibaato u lahayn, wararka suuqa laga sheegayo ee la leeyahay cid baa loola jeedaana anigu waxaan qabaa inay yihiin uun dacaayad.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu shirkaa jaraa’id faahfaahin kaga bixiyey dhinacyo kala duwan oo wax laga weydiiyey, kuwaasoo ay ka mid yihiin ujeeddada socdaalkiisa Ingiriiska, qaybsanaanta xisbigiisa dhexdiisa ee ku wajahan heshiiskii ay dhowaan wada gaadheen xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ah, in ay Madaxweyne Rayaale ka dalbadeen inuu sameeyo xukuumad wadaag ah, aragtidiisa ku wajahan kooxda la baxday isbeddel-doonka ee ka tirsan KULMIYE, qaddiyadda urur-siyaasadeedka QARAN iyo arrimo kale.

Ugu horreyn, Axmed-Siilaanyo oo ka warramayey ujeeddada safarkiisa, waxa uu yidhi; “Ujeeddada socdaalkaygu waxay u badan tahay mid shaqsi ah oo aan ugu kicitimayo dalka Ingiriiska, inkasta oo aanay ka madhnaan doonin hawlo xisbiga ku saabsan oo aan iyagana wax ka soo qaban doono, waxaanan rajaynayaa inaan si dhakhso ah dalka ugu soo laaban doono insha Allaah.”

Md. Siilaanyo oo ay Madaarka Egal International Airport ee caasimadda Hargeysa ku sii sagootiyeen saddexdiisa guddoomiye-ku-xigeen, Afhayeenka iyo xubno kale oo ka mid ah KULMIYE oo la weydiiyey aragtidiisa ku wajahan kooxda la baxday Golaha Isbeddeldoonka ee xisbigiisa ka tirsan, isla markaana si weyn u dhaliila hoggaanka xisbiga, ayaa isagoo aad u dhoolla-caddaynaya waxa uu yidhi; “Annaguba waxaannu doonaynaa isbeddel siyaasadeed oo dalka ka dhaca. Kuwaa anigu waxba ka odhan maayee qolooyinkaa magacaa isbeddel doonka la baxay waad ogaydeen oo shirweynihii xisbigu wuu dhacay cid baana lagu doortay, xaal-xaalka gudahayagana annagaa iska dhammeysan, wax welwel ah ma qabnee, balse welwel wuxuu ku hadhay cidda aan weli shirweynaheedii qabsan, mana doonayo inaan ka hadlo arrimaha xisbigayaga dhexdiisa, qoladaasna waxa ku jira rag dhowaan xisbiga ku soo biiray, wayna dhici kartaa in cid wax tabato marka wax la doorto, idinka [suxufiyiinta] ayaana ka markhaati ah sidii uu u dhacay shirweynihii KULMIYE ee lagu doortay hoggaanka cusub, waxaanay ahayd madal furan oo si xor iyo xalaal ah loogu tartamayey, mana ahayn wax meel madow iyo qol gaar ah lala galay.’

Mar la weydiiyey Guddoomiyaha KULMIYE sida uu u arko heshiiskii ay dhowaan wada gaadheen axsaabta mucaaradka ah iyo xukuumadda oo xisbigiisu sheegay in aan weli la dhammaystirin waxyaabihii labada dhinac ka wadahadleen iyo dareeno shaki leh oo laga bixiyey heshiiskaa, ayaa waxa uu markale ku celiyey in waan la dhammaystirin arrimihii wadahadallada xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, isla markaana ay jiraan heshiis kale oo laga gaadhay qodobadda khilaafku taagnaa, balse waxa uu ka gaabsaday inuu caddeeyo heshiiska cusub ee uu sheegay inay wada gaadheen Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradku.

““Heshiisku wadahadal socda ayuu ahaa oo marba qayb baa la gaadhayey, maanta [shalay] qaybo la soo dhammeeyay ayaa jira, qaar aan ku heshiinay in baarlamaanka la horgeeyo dhawrka casho ee soo socda ayaa jira, qaar weli qabyo ah ayaa jira, al xaasilna imika gunaanad buu joogaa, waxaanan aad ugu kalsoonahay ama iminka aan ogahay inay mareyso meel aad u fiican.”

Waxa kale oo Axmed-Siilaanyo qiray in arrimihii xisbi ahaan ku soo bandhigeen wadahadalladii u dhexeeyey axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda in la dhiso dawlad wadaag ah oo doorashooyinka dalka gaadhsiisa, “Annaga ayaa Madaxweynaha u bandhignay in la dhiso dawlad wadaag ah, haseyeeshee annagu qaabkii dawlad-wadaaga siyaabo badan markii aannu eegnay wey nala noqon weyday, laakiin waxa nala habboonaatay in la sameeyo wax lagaga gaashaanto inaan dulmi badani dhicin oo cid qudhihi adeegsan hantida qaranka, gaadiidka qaranka, danaha qaranka wax layskaga ilaasho oo aanu u sinnaano sida warbaahinta qaranka oo kale, iyagana tallaabooyinkaa wax baannu kaga wada heshiinay dhinacay u tahayba wax soo baxay iyo wax soo bixi doontaba.

Markaa waxaan idin odhan karaa meel aad iyo aad u fiican ayay noo marayaan, waxaanan odhan lahaa dadku kalsooni badan ha qabeen, ha laga daayana buuqa laga sameynayo ee laga dhigayo cid adkaatay iyo cid laga adkaaday, haddii dan iyo maslaxad laysla garto oo loo arko wax dalka, axsaabta, dawladda iyo kuligeen inoo wada dan ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Md Siilaanyo waxa kale oo uu caddeeyey in ay xisbi ahaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale u arkaan mid ku-meel-gaadha ah ilaa intaa la gaadhayo doorashada Madaxtooyada.

Isagoo ka jawaabayey su”aal ku saabsanayd in doorashada madaxtooyada ee xukuumadda ku heshiiyeen in la soo hormariyo ay albaabka ka xidhayso sida ururka QARAN iyo muwaadiniinta doonaysa inay urur furtaan, waxa uu sheegay in hadda ay jiraan saddex xisbi qaran, isla markaana arrintaasi tahay mid u taal qaranka Somaliland, isagoo xusay inay xisbi ahaan hore u taageersanaayeen, haddana taageersan yihiin urur-siyaasadeedka QARAN, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Doorashooyinka iyo qaybgalka arrimaha siyaasadda waannu taageersanahay, balse xuquuqda meeshaa taallaa waa hawl qaran oo dhan taal, arrintaasna weli cid islama meel dhigin, annaguna xisbi ahaan weligay waannu taageersanayn qolada QARAN, waana rag ay had iyo jeer KULMIYE aad isugu dhow yihiin.”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha oo la weydiiyey in ay kala hadleen Madaxweyne Rayaale inuu sii daayo dad tuhun siyaasadeed u xidhan oo xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxa uu caddeeyey in arrintaasi ka mid tahay qodobadda ay ku soo bandhigeen wadahadalladii mucaaradka iyo xukuumadda, “Madaxweynaha xalay [habeen hore] oo u dambaysay ayaan kala hadlayey dadka u xidhan arrimaha siyaasadeed oo uu ku jiro wiilka Abshir la yidhaahdo, waxaannu ii ballanqaaday inuu eegayo ciddii dulmi ku xidhan,” ayuu Axmed-Siilaanyo hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: