XISBIGA MUCAARADKA AH EE KULMIYE OO CADDEEYEY IN AANU DHAMEYSTIRNAYN HESHIISKA XUKUUMADA IYO MUCAARADKU

Hargeysa (sl.no), 05 june 2008- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa mar kale caddeeyey in nuxurka qodobada ka soo baxay wadahadaladii u socday xukuumadda iyo axsaabta

mucaaradku aanay ahayn heshiis buuxa oo la wada gaadhay, balse uu ahaa aasaaska heshiis aan dhammaystiranayn oo la filayey in la kala saxeexdo.

Sidaana waxa daboolka ka qaaday Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku faah-faahinayey madmadow uu sheegay inuu ka muuqdo nuxurkii laga lahaa qodobadii hor-dhaca ahaa ee ka soo baxay kulankii saddexda geesood yeesheena.

Waxaannu sheegay in sababta heshiiska oo kala dhiman war-murtiyeedka looga soo saaray ay ahayd si aan xisbiyadu u kala hadal, isla markaana loo siiyo warbaahinta.

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isaga oo arrintaa ka hadlayey, waxa uu yidhi; “Sidaad ogtihiin kulankayagii ugu dambeeyey ee axsaabta mucaaradka ah iyo xukuumadda ee maalintii Axaddii, waxa lagu gaadhay heshiis ummadda inteeda badani ku diirsatay. Heshiiskuna asal ahaantiisuna wuxuu ku yimaadaa tanaasul aad waxna ka qaadato waxna ka tagto.

Doodda halkaa ka dhacday marar aad bay u adkayd, laakiin Ilaahay mahadii sidii inoo caadada ahaan jirtay wadahadal baynu ku dhammaynay. Heshiiskii haddaba aannu maalintaa qaadanay nuxurkiisii waata lagu soo saaray qoraalka saddexda xisbiba saxeexeen, balse qoraalkaasi heshiiskii oo tafatiran may ahayn ee waxay ahayd war-murtiyeed nuxurkii shirkaa ka soo baxay ah oo loogu talogalay in warbaahinta la siiyo oo wax wadajir ahi saddexda xisbi ka soo baxaan, si aanaan u kala hadlin, laakiin faahfaahinta iyo heshiiska inta ka dhiman intuba way dambeeyaan. Markaa waxaan doonayaa in aan u sheego dadka sida khaldan u fahmay in qodoban lagu heshiiyey in aannu heshiiskii oo dhan oo la kala saxeexday ahayn ee isaga oo dhan uu dambeeyo.”

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa kale oo uu ka xogwaramay qodobadii ugu adkaa ee la isku mari waayey intii wadahadaladu socdeen, isla markaana doodaha adag laga yeeshay, kuwaas oo uu xusay in markii dambey la xaliyey iyaga oo danta dalka iyo dadkaba eegaya. “Annaga iyo xukuumaddu waxaannu isku haynay Madaxweynaha oo waqtigiisii la doortay uu ka dhammaaday, isaga iyo xukuumaddiisuna waxay ku adkaysanayeen kordhintii Guurtidu inay sharci ahayd, annaga oo ah xisbiyada isbeddel-doonka ee doonaya inay wax wanaajiyaana, waxaanu lahayn Guurtidu inay sharci tahay iyo in aanay ahayn, in ay wax kordhin karto iyo in aanay kordhin karin iskuma hayno, laakiin waxaynu isku haynaa qodobka keliya ee Guurtidu wax ku kordhin kartaa waa nabadgelyo-darro, taasina Somaliland kama jirto, sidaa daraadeed kordhinta ay soo saareen sharci kuma dhisna. Arrintaa waanu isku mariwaynay, iyana inay mawqifkoodii ka kacaan way diideen, annaguna in aannu kaayagii ka kacno waanu diidnay, maxaa xal noqday? Haddii halkaa lagu kala kici lahaa dadkan iyo dalkaniba khasaare ayey ahaan lahaayeen, marxalada aynu ku jirnaana mid aynu taa u baahnayn may ahayn. Waxa markaa la goostay waar bal horta taa aynu halkaa iska dhigno, sida aynu mushkilada kaga bixi karnaa waa iyadoo sida ugu degdega badan doorasho la qabto ka soo horreysa muddada Guurtidu qabatay, tii baa la isla qaatay, waxaannu go’aankaasi furay wax weyn,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaannu isla garanay in Komishanka doorashooyinka loo daayo oo iyagu waqtiga ugu horreeya ee ay qaban karayaan ku qabtaan, inay soo dhammeeyaan oo ay heshiiskan ka mid noqdana waa la sugayaa. Waxa kale oo isla qaatay in diiwaangelintii dhibaato kasta ha lahaatee la sameeyo. Sidoo kale, waxa kale oo muran ka taagnaa labada doorasho, heshiiskani wuxuu suurtogalay markii la isku afgartay in doorashadii Dawladaha Hoose meesh ka baxdo, si diiwaangelintiina waqti u hesho.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in aannu heshiiska la gaadhay dhammastirnayn, laakiin ay jiraan qodobo kale oo la isla qaatay oo aan weli dhinacyadii laga sugayey ka soo dhammaan.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxa jiray arrimo aan qoraalka la saxeexay ku jirin, laakiin heshiiska ka mid ahaa, waxaana ka mid ah; qodobka 5aad ee heshiiska waxa ku qoran in qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi karin Doorashada Madaxtooyada la laalo, kuwaas oo carqalad ku ah Doorashada Madaxtooyada. Markaa Baarlamanku waa inuu Xeerkii dib ugu noqdaa oo ay qodobadaa meesha ka saaraan, arrintaa waxa loo xilsaaray Madaxweynaha si uu Baarlamanka isugu yeedho, taa weli waa la sugayaa heshiiskana qayb bay ka tahay. Qodobka 6aad ee heshiiska oo leh haddii doorashadu dhici waydo saddexda xisbi iyo Komishanku waxay soo gooyaan ayey Guurtidu ansixinaysaa, markaa Guurtidu in aanay wax dambe kordhin damaanad baa looga baahan yahay, si qodobkaa heshiiskan loogu lifaaqo, taasna waxa loo xilsaaray Madaxweynaha inuu Guurtida ka soo dhammeeyo, iyana way maqan tahay. Waxa kale oo heshiiska ku jira qodobo sheegaya in xisbiyadu yeeshaan isku xidhnaan iyo wadatashi joogto ah. Arrintaa waxa keenay annagu [xibiyada mucaaradka ah] waxaannu ka cabbanaa in xukuumaddu adeegsato hantida iyo awooda Qaranka ee inaga wada dhaxaysa ee ay ka mid tahay miisaaniyadda, booliska iyo warbaahinta dawladdu, waxaad moodaa in xisbiga UDUB iyo dawladdu isku milmeen, taa waa nalaga garawsaday oo guddi sagaal qof ka kooban baa loo saaray, si ay arrimahaa uga soo taliso.”

Mar uu ka hadlayey Guddoomiyuhu qaabka KULMIYE ahaan ay u doonayaa in loo xadido awooda dawladda waxa uu yidhi; “In awooda dawladda la xadido waxbaanu ka diyaarsanay, waxaannu taageersanahay qoraal horeba inoogu yaalay oo la yidhaa ‘Code of Codent’ oo Komishanku ku shaqayn jiray, in sida xeerkeenu aannu u oglayn adeegsiga hantida qaranka, taana in la adkeeyo, in aanay dawladdu waxay awood leedahay in aanay ku isticmaalin xisbiyada mucaaradka ah, in aan hay’addaha dawladda sida wasaaradaha aanay midab-takoorin axsaabta mucaaradka ah oo waxay xaq u leeyihiin ka duudsiyin iyo in badhsaabada, booliska iyo taliyayaashooda iyo maarayada gobolada iyo degmooyinku aanay isu arkaan inay u shaqeeyaan Qaranka ee aanay isu arag inay xisbi u shaqeeyaan.”

Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in xisbigoodu tanaasulaad ka sameeyey halkii looga baahnaa, isla markaana aanay hadda jirin wax xagooda ku baaqi ah. Marka heshiiskaasi soo dhammaystirmo ee saddexda Guddoomiye saxeexaana loo awlgali doono sidii deeqbixiyayaasha looga dalbi lahaa inay soo daayaan lacagtii diiwaangelinta.

“Waxa sida aad maqasheen jira in Komishankii iyo xubno ka tirsan saddexda xisbi Nairobi tagayaan bishan 13-keeda, waxay la tagaan waa inay haystaan oo heshiiskii oo saxeexan oo loo xafladeeyey la tagaan, haddii kale waxay la tagaan ma haystaan. Markaa waxaannu jecelnahay in heshiiskaasi si dhakhso ah u soo tafatirmo oo loo saxeexo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii sufiyiintu waydiiyeen Guddoomiyaha iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Madaxweynuhu wuxuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay inuu yahay Madaxweynaha xaqa ah, kaas oo ka mid ahaa qodobadii ugu waaweyn ee xisbiyada mucaaradku ku doodayeen, KULMIYE ahaan arrintaa miyaad ku raacsan tihiin oo waad ogolaateen inuu Madaxweynaha sharciga ah yahay?

Jawaab: Horta heshiisku wuxuu dhammaanayaa sida caadiga ah ee dunida oo dhan lagaga dhaqmo marka wax la kala saxeexdo, iminka waaniga idiin sheegay oo arrimo ayaanu isku afgaranay, kuwaas oo heshiiska qayb muhiim ah ka ah, laakiin heshiis dhammaaday oo weli la saxeexay ma jiro, marka taasi timaado ee la saxeexdo ayey su’aashaa jawaabteeduna joogtaa, laakiin inta weli heshiisku qabyo yihiin arrintaasi way laaban tahay, isagu [Rayaale] hadduu sidaa u haysto xor buu u yahay.

S: Guddoomiye; heshiiska aad gaadheen oo aad sheegeen inuu ku soo baxay wadahadal iyo isu tanaasul, waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in aannu heshiiskani ahay mid ku yimi wadahadal ee uu yahay mid deeqbixiyayaashu dusha idin ka kaga keeneen, arrintaasi ma jirtaa imise ma jirto?

J: Maya, horta beesha caalamku aad bay inoo taageeraan intaan anigu arkayna wax dan ah mooyee weli wax xun dusha inagamay saarin, had iyo jeerna waxay isku dayaan inay isku keen keenaan. Markaa ma in ay nala hadleen oo talo bixiyaan mooyee iyagu mar kasta way ka foojigan yihiin inay wax inagu khasbaan. Qodobka Diiwaangelinta haddii aannu diidi lahayn annagu KULMIYE ahaan dee nagumay khasbi karayn, qodobka ah in doorashada degaanka la laalo ee labada xisbi ee kaleba aanay doonayn dee kumay khasbi kareen haddii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha UCID ka tanaasulin. Xisbiyadu wixii ay dan u arkeen ayuun bay qaateen, haddii talo wanaagsan la siiyeyna way qaateen, dad talo xun siiyey oo doonayey in meesha lagu kala kacana way diideen, laakiin wax deeqbixiyayaashu nagu khasbeen ma jirto.

S: Waxaad qiraysaa in aasaaskii heshiisku yahay qodobada aad soo saarteen, waxa hadhayna sidaad ka dhawaajinayso waa farsamooyin yaryar, markaa miyaanay ahayn markaad inta hadhay leedihiin heshiiskii weli muu dhammaan in aad ku carqaladaynaysaan KULMIYE ahaan heshiiskii?

J: Maya, midhkaa aan runta ka sheego, qoraalka heshiiska la soo saaray aniga magacaygaa ku saxeexan kelmad kasta oo halkaa ku qoran waan ogolahay, kelmad kasta oo halkaa ku qoran Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka xisbigu way ogol yihiin, KULMIYE siduu u dhan yahay wuu ogol yahay, midhkaas ayaanu madmadow idinka gelin. Haseyeeshee, qodobada kalena qaar la isku diidan yahay maaha oo maanta carqaladi ka iman karto, ee waxa la sugayaa uun fulintoodii.

S: Guurtida in dammaanad laga soo qaadaa ma idiinla muuqataa arrin aan fududayn?

J: Haddii saddexda xisbi iyo xukuumaddu ku adkaystaan in la keeno waa laga soo qaadi karaa oo waxay ku diidaan waaba gardaro.

S: Waxyaabihii xisbiyadiina mucaaradku aad ugu dheganaydeen waxa ka mid ahaa in dawlad-wadaag ah la sameeyo, in aydaan aqoosanayn Madaxweynaha 15-kii May kadib, arrimahaasi ma kuwa aad ka tanaasusheen ayey ku jiraan, mise kuwo soo socda?

J: Annagu sida xaqiiqdii muuqata heshiiskan 90% (boqolkiiba sagaashan) annagaa sii daynay, sababta aannu u ogolaanayna waa danta ummadda, laakiin waxa weeye xukuumadduna siday rabtay may wada helin, annaguna sidaanu rabnay maanu wada helin.

TogdheerNews
Hargaysa

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: