Kornayl Sheikh Hassan Dahir Aways oo ka Mafsuuday Hadal Tiikhtiikh si ah oo uu Abdillahi Yussuf ka Yidhi Daaha dabadiisaa oo ku Jahaysnaa Sheikh Shariif.

Qormadii Osman Abdillahi Sool
Mashruuca lagu magacaabo Dib-u-heshiisiinta Somalida oo marba meel lagu qabto ayaa iminka ka socda Jabouti, Hoogaamiyaasha Kooxha Somalida ee ku hirdamaaya Colaada ka oogan Dalkooda ayaa ku caanbaxay talo-xumo, Axmaqnimo, Cadawnimo iyo Hunguri salka ku haya Madaxnimo jacayl ku yimaada kaligii-talisnimo loo adeegsado Xoogag Shisheeye. Waxa muuqta oo si cad u shaac baxay in Kooxdii Asmara dhabarka laga jabiyey, kadib markii labadii Aayatuleh Sheikh Dahir Aways iyo Sheikh Shariif la kala fogeeyey. Abdillahi Yussuf oo ka soo badbaaday dagaal qadhaadh oo lala beegsaday markii uu Xamar ka soo dhoofaayey ayaa markii uu Jabouti yimi bixiyey laba war oo kala gadisan, Warkii uu siiyey Ergada Qaramada Midoobay ayaa ahaa…………Ciidamada Ethiopia ka bixi maayaan Somalia ilaa Dawladayda dagaalka laga joojiyo oo waliba la keeno ciidamo kale oo bedela ku Ethiiopia.

Warkii kale ee Abdillahi uu Daaha dabadiisa ka yidhi oo ka farxiyey Wadaadka Dad-dilka ah ee Daahir Aways ayaa Isna ahaaa…….Kooxdan Jabouti ku sugani waa Shaqsiyaad kooban Cidna ma Metelaan, Saaxiibadoodii Asmara joogay way kala tageen oo Dib uguma Noqon karaan, Kuwa Gudaha Waddanka ka Dagaallamayana wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya ma jiro, Iyagaa ku Go’doonsan Jabuuti oo meel ay maanta uga dhaqaaqaan la’ ama aan garanayn, Marka waxa loo baahan yahay in ay Dantooda gartaan oo ay ka faa’iideystaan Cafiska loo fidinayo, Hadday doonayaanna ay Magaalada Muqdisho noo raacaan”.

“Heshiis haddii la gelayo waxaa lala galaa Cid Awood ay ku fuliso leh waxa ay Saxiixday, Haddiise Shantii qof oo meel isku uruursada ee tidhaahda Mucaarad baan nahayba lala hadlo oo la Buunbuuniyo sow Caawin meeyso in Hadba uu Group intuu isku leexdo yidhaahdo Annagana hanalala hadlo?, Waxaasi waa wixii Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho gaadhsiiyey dhawr iyo Labaatanka. Mana Habboona in Caalamku uu Buunbuuniyo 6 -7 Qof oo ka soo cadhootay Raggii ay ka tirsanaayeen oo Maanta Xitaa haddii la yidhaahdo ha lala heshiiyo oo Qodobo ha lala Saxiixdo, Meel ay ula laabtaan ama cid ay ka dhaadhicin karaan Heshiiska ay galaan oo ku Taageereeysa aanay jirin”.

“Ragga Dagaalka kula jira Dowladdayda oo ay Nabadda iyo Colaadduba ka go’do waa la Garanayaa , Waa Wiilasha Qoryaha sita ee ku sugan Gudaha Waddanka ee Miinooyinka Waddooyinka ku Aasaya, Ciidamada Dowladdana hadh iyo habeen weeraraya, Caalamkuna Arrinkaa wuu la socdaa, Xubnahan Hadda Jabuuti joogaa Waa iska Qaxooti lafahooda uun Wakiil ka ah, Ragga Hubeysan ee Gudaha Waddanka ku jira Qaar baa u hadlay oo sheegay In Shaqsiyaadka Jabuuti jooga aanay Metelin, Wax Heshiis ahna aanay u soo qaadi karin, Marka Heshiis aan Natiijo keeni karin Anigu ma Qabo in Waqti lagu Lumiyo, sidaas ayuu Yidhi Abdillahi oo ka xog waramay wax uurkiisa jiifa iyo Rajada uu ka qabo Natiijada ka soo bixi karta Shirka ay Kooxdiisu kula qaadaneyso Magaalada Jabuuti garab ka mid ah Isbahaysiga sheegta Dib u Xoreynta Soomaaliya. Dahir Aweys oo naqdiyey xog-waranka Odayga ayaa isna yidhi, Abdillahi run-buu ka sheegay Burburka Isbahaysiga ku yimi. Aniga iyo shariifka mid kaayana gacanta waxba uguma jiraan, Dagaalkan waxa hogaaminaaya Al-shabaab iyo Xoogaga gudaha ku jira, Isaga oo Sheikh Dahir sii wata hadalkiisii ayuu hadana yidhi * Abdillahi Yussuf wuu ka been sheegay dhinciisa waanu ka meermeeraaya in uu runta ka sheego, Abdillahi laftiisa iyo dadkii Somaaliyeed iyo waliba dalkii Somalia waa la haystayaa gancata ugu jira Ciidamada Ethiopia. Waxa uu ku afjaray Sheikhu hadlkiisii Anaga iyo Kooxda Abdillahi mid kaayana Talo gacanta uguma jirto. *Qudhaanjowna ku Quuso*

By: Osman Abdillahi Sool……freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: