MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE KAAHIN OO SHIR JARAA´ID KU FAAH-FAAHIYEY HESHIISKII XUKUUMADA IYO AXSAABTA MUCAARIDKA AH

Hargeysa (sl.no), 03june 2008 – Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Faah faahin kaga bixiyay, heshiiskii ay wada jirka u gaadheen saddexda Xisbi Qaran, Diiwaan gelinta inagu soo fooda leh iyo arrimo kale oo xiiso badan.

Madaxweynaha oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu u mahad naqay Weriyayaasha ka soo qayb galay shirka Jaraa’id, waxana uu ku bilaabay ‘’aniga ayaa maanta idiin yeedhay aad ayaad u mahad san tihiin, waxa aan idinku yeedhay beryahanba shir ayaa noo socday anaga iyo asxaabta kale ee Qaranka, markaa madaxweynuhu muxuu la aamusan yahay ayay dadku is weydiinayeen, isagu weli ma hadlin, sababta ugu muhiimsan ee runtii kulankan aan u qabtay waa taas, waxa aan idiin sheegayaa run ahaantii, Somaliland intii jecelna in ay ku faraxdo, intii necbaydna in ay ka naxdo ayuu warkaygani daarran yahay oo ah in aan idiin sheego run ahaantii in aanu heshiinay anaga iyo Asxaabtii Qaranku, aanu ku heshiinay in dalkan khilaafkii jiray aanu soo afjarno, aanu isu diyaarino doorasho xaq iyo xalaal ah haddii ilaahay yidhaahdo, anagoo xukuumad ahaan weliba saaxabadyo shaki badan oo ay qabeen in aanu ku dawayno in doorashada Madaxtooyada la soo horeysiiyo oo shakiga ay qabeen waxa uu u badanaa had iyo jeer dawladu iyadaa dib u riixaysoo cimri dherer mar kastaba diiwaan gelintii lagama gaadhsiine dib ha loo sii riixo, taa laftigeeduna in ay dawo u noqoto tanaasul in aanu samayno oo ta Madaxtooyada aanu soo horeysiino, si kalsooni dhexdayada uga abuurno labada doorashaba waa la galayaa, ilaahay cida uu garto ama ummadu u codayso ayaa kursigan markastaba iman doonta, in aanu is jiid jiidano in aanay noqon oo aanu Masuuliyad ku wada shaqayno ayaanu isku afgaranay Gudoomiyayaasha Asxaabta iyo xukuumadaba’’.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sheegay in waxyaabo badan inagu wareegsan yihiin, cadow badana inagu wareegsan yahay, mar kastana ku farxa marka ay maqlaan Somaliland Muran ayaa ka jira, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxa inagu wareegsan waxyaabo badan, cadow badan oo inagu wareegsan baa jira, mar kastaba ku farxa marka la yidhaahdo muran ayaa la isku haystaa, kuwaasi in aynaan ka farxin ayaanu isla garanay (Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka) run ahaantii, ujeedo ahaan, qodobadu waa kuwii hore la idiinku soo gudbiyay ku noqon maayo, oo akhris uma baahna horebaad u qorteen oo habeenkii shirka ka soo baxnayba waanu idiin soo gudbinay, waxa kale oo aanu ku heshiinay in haddii ay wax dhacaan in aanu sidii hore isaga dhawaano oo kulankayagu uu bato, waayo Somaliland dalkan ayay wada leedahay, kan wanaagiisa ayaynu dhamaanteen wax ku nahay, ka madax, ka shicib iyo mid kastaba, masuuliyadaa qaran in aanu wada qaadano ayaanu isla garanay ‘’.

Madaxweynuhu waxa uu Bulsho weynta reer Somaliland ugu Bushaareeyay in Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadu heshiisay, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxaanjecelahay in shacbiga reer Somaliland u sheego uguna bushaareeyo in aanu heshiinay, wax khilaaf ah oo imika taaganina in aanu jirin, wixii halkaa ka bilaabmayna in aanu hore u sii socono haddii ilaahay yidhaahdo, waxyaabaha kale ee inagu xeeran ee caalamka inagaga socda ee inagu soo wajahan ka hadalno, arrimaheena Local Issue sidaa uga gudubno, hawshaana aanu gacan ka siino Komishanka doorashooyinka, xukuumad iyo Asxaaba sidii iyaguna xilkooda u gudan lahaayeen, anagoo iyagana u rajaynayna in ilaahay u fududeeyo xilkaasi’’.

Mudane Rayaale isaga oo ka hadlaya waxyaabaha muranka keenay waxa uu ydihi ‘’Shaqadaa muranka keentayna waa Diiwaan gelinta oo inagu cusub, runtiina inoo noqonaysa ayaan odhan karaa waxa ugu qiimaha badan ee dalka u soo kordhay, waa markii u horeysay ilaa 1991-kii Identity ka duwan Somali aynu samaysanayno, oo Somalilander Identity ayaa ku jira mashruuca oo jinsiyad aynu leenahay markii u horeysay, tani waxay noqon doontaa Identity aynu inagu leenahay ay inoo samaysanto, qiimo badan ayay inoogu fadhidaa.”

Madaxweyne Rayaale isaga oo la dardaarmaya Saxaafada waxa uu yidhi; “Farriintayadu meel ma gaadho xukuumadda, idinka ayaa meelo badan gaadhsiiya markaasi maanta waxa aan idinku yeedhay in aad warkayga meelihii aad gaadhsiin jirteen gaadhsiisaan, mar kastana waxa aan idinkula dardaarmayaa warbaahin ahaan in aad xil qaran haysaan, qoraladiina mar kasta wixii dhaawac u gaysanaya karaya mustaqbalkiina inaad waddaniyadu mar kastaba jirto, taxadirkeeda aad

samaysaan, waxa idinka wax badan idiin tarayn. News-ka mar kasta waa la sheegaa, runtana waa la sheegaa, balse qaran kastaaba waxa uu leeyahay wararka qaarkood oo aan waxba tarayn waa la tuuraa, idinkana waxa aan idiin rajaynayaa in aad noqotaan saxaafad la mid ah kuwa dalalka horumaray, noqotaana kuwo la yidhaahdo waa Joornaalkii qiimaha lahaa ee ay qoladaasi qoraysay ayaan nin kasta oo Journalism ah jecelahay, si aad u noqotaan berri ka maalin Joornaalada wax la waydiiyo ee saadaasha siyaasadaha qora insha Allaahu waxa aad ku gaadhi doontaan xaqaa’iqa oo aad raadisaan oo qoraalkiinu xaqaa’iq iyo run ku salaysnaado, taana insha Allaahu waad gaadhi doontaan,” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku soo gebagebeeyay.

Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: