URURKA QARAN OO DAREEN SHAKI LEH KA BIXIYEY HESHIISKA XUKUUMADA IYO AXSAABTA MUCAARIDKA AH

Hargeysa (sl.no) 03 june 2008 – Urur-siyaasadeedka sharciyaddiisa lagu muransan yahay ee QARAN, ayaa ku tilmaamay heshiiska saddexda xisbi qaran ka gaadheen khilaafayadii siyaasadeed ee u
dhexeeyey mid madaxda saddexda xisbi ku doonayaan in aan cid kale kula tartamin saaxadda siyaasadda Somaliland.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray maanta Mr. Maxamed X. Maxamuud Xirsi oo ka tirsan ururka QARAN, kaas oo uu ku faahfaahiyey aragtidooda ku wajahan kala horreysiinta doorashooyinka iyo qodobo kale, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:


“Waa farxad in saddexdii xisbi qaran ee xukuumaddu gogosha u fidisay ay heshiiyeen. Markii la maqlay heshiiskaana aad ayey ugu farxeen reer Somaliland gudo iyo dibadba.
Waxa aynu ognahay in Soomaaliya oo kulan uu uuga socdo maalmahan jabuuti ay inta ugu liidata ku guulaysan waayeen isa soo horfadhiisi. Haddaba waa guul in aynu wada hadalno, danta umada eegno (sida heshiilka ku xusnaa) go’aana gaadhno. Waxase markii qodobada siddeeda ah lagu dhawaaqay uu shacabku isku dayay bal in heshiiska aadka ugu hanka waynaa uu fahmo.
Fililshadii shicibka:
* In go’aankii Guurtida ee muddo-kordhinta wax laga yidhaahdo.
* In la xuso taariikho go’an oo la qabanayo doorashooyinka dawladaha hoose iyo madaxtooyada.
* In sharciyada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo muddadan ay galeen wax laga yidhaahdo,
* In sharciyadda iyo distoorka lagu dhaqmo oo loo qabto doorashooyinka sidii ay distoor ahaan u kala horreeyeen (maxaa yeelay dib-u-dhiga doorashooyinka dawladaha hoose waxa uu duudsiyayaa xaqii ka qaybqaadashada ururrada siyaasiga ah).
* In diiwaangalinta wax cad laga yidhaahdo lana muddeeyo.
* In dooddii dawladda wadaagga ah oo si murugsan loo soo bandhigay wax cad laga yidhaahdo.
Haddaba, waxa u baahan in aynu is xusuusino in loo baahan yahay in nidaamkan diimoqraadiyeed ee aynu qaadanay ee innagu cusubi uu maanta galay marxaladdii u horreysay ee ay ku caddaanaysay in aynu fahamsanahay arimahan.
* In madaxwaynuhu si dhab ah u dhaqangalinayo nidaamka diimoqraadiga ah diyaarna u yahay in uu si sharaf leh uga dago xilka marka ay muddadiisu dhammaato, xisbigiisana ku dhaqo hab dimoqraadiya oo xalaal ah, cidda tartamaysana si xor ah looga soo doorto xisbiga.
* In axsaabtu dhammaan u arkaan inay yihiin madal u dhex ah shacabka Somaliland oo barnaamij hago oo aan qof iyo kooxi iska lahayn. Qof kasta oo reer Somaliland ah oo barnaamijkaa ku qanacsanina xaq u leeyahay inuu madaxweyne xisbiga gudihiisa isaga soo sharixi karo isaga oo aan laga sheegan xibiga, lana carqaladayn loona qabiil sheegan.
* In madaxda axsaabtu muujiyaan inay diyaar u yihiin in ka dagayaan xilka musharaxnimada, haddii aan hoggaankooda lagu qanacsanayn, si xalaal ahna ula tartamayaan ciddii jecel inay la loollanto ee ka mid ah muwaadiniinta.
* In axsaabtu ilaaliso shuruucda iyo distoorka, iyaga oo maanta waliba haysta Golihii Wakiillada ee sharci-dajinta ahaa.
* In aannu noqon distoorku shaadh le’eg oo loo fasilay axsaabta (haysta golihii sharci-dajinta) iyo xukuumadda oo aanay ku heshiin in ay gaar isaga dhigaan madashii ka qaybqaadashada siyaasadda.
Haddaba, walaalayaal iyada oo wax lagu farxo uu yahay heshiiskaasi haddana waxa ka uraya arrimo dhawr ah:
1. Ka qaybqaadashadii siyaasadda oo cidi isku gaar yeelayso, una diidayso cid kasta oo damac lihi inay ay ku wehiliso, taasina hubaal yeelan mayso cidhib fiican.
2. Tixgalin la’aan distoorkii iyo xusul-duubasho in la helo uun kursiga ugu sarreeya, maxaa yeelay, kala hormarinta doorashooyinka iyo duudsiga ka qaybqaadashada ururrada siyaasiga ahi waxay tusaysaa sida saddexda xisbi ugu heshiiyeen, in aan cid madasha siyaasadda ku wehelin.
3. Dad badan oo ummadda ka mid ah oo leh culumo, aqoonyahan, waxgarad, mujaahidiin, askar, shaqaale dawladeed iyo shicibwayne uma arkaan in saddexda hoggaan ee maanta xayndaabtay hoggaankii siyaasaddu yihiin kuwa ugu fiican ee ummadda hagi kara, madmadow badana way ka sheegayaan, iyana waxay leeyihiin (waa hoggaanka saddexda xisbi eh) annaga uun baa doorashadii shan sanno ka hor iyo ta maantaba nagu khasban tihiin, haddaba walaalayaal maxaa xal ah?
Sharciyadda ha lagu dhaqmo, diimoqraadi ayeynu nahay, qofku xaq ayuu u leeyahay in la doorto waxna uu doorto, baarlamaan xor ah oo ummaddu soo dooratay ayaynu leenahay, isa soo xidhay, xaga madaxdeennaa macangagnimada muujiyey ee danta gaarka ah ka hormarinaya danta guud, waxa dheer sharciyadii oo iyana wakiilo afka danta axsaabta iyo xukuumadda ku hadlayaa fadhiyaan kana yeelay xeerarkii qaar loo jaangooyay sadexda xisbi, waa nimanka, iyada oo xaalkii dalku sidan u cakiranyahay fasax is cayntaariyay.
Haddaba walaalayaal maxaa xal nabadeed ah? Dalkeenuse halkuu ku socdaa? Innaga oo og xaaladaha bulsho ee badan ee wax ka qabashada u baahan?

Marxaladdan aynu galaynaa waa marxaladdii aynu wax noqon lahayn, waa marxaladdii uu abwaan Qaasim ka gabyay ee uu lahaa “Mar uun buu daf soo odhan nabsigii diinku soo siday eh” ee walaalayaal DADKEEDII AYNU XULANO”.

 

 

Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: