MUSHARIXIIN MADAX-BANAAN OO SHEEGAY IN AY U TAR-TAMAYAAN MADAXTINIMADA DALKA

Hargeysa(sl.no) 01june 2008 – Laba nin oo kala ah C/raxmaan Maxamed Axmed (X.Samatar) oo ka soo jeeda G/Hargeysa iyo Kayse Cali Garaad Maxamuud Cali/Shire oo isna ka soo jeeda Sanaag/Bari ayaa shalayHargeysa kaga dhawaaqay inay Murashixiin madaxbanaan kaga qayb gali doonaan doorashooyinka Madaxtooyada ee fooda inagu soo haya.

Labadan Nin ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen in C/raxmaan Maxamed Axmed uu isku soo taagi doono Jagada Madaxwayne-nimada isagoo isagoo ah Musharax Madaxbanaan halka Kayse Cali Garaad Maxamuud uu isna isku soo taagi doono jagada Madaxwayne ku xigeenka,waxana ay qoraal ay shirkaasi Jaraa’id ka akhriyeen uu u qornaa sidan:-

“Hadii aanu nahay labada muwaadin ee kal ah .

1: Abdiraxmaan Maxamed Axmed X. Samatar ( Madaxweyne)

2: Kayse Cali Garaad— maxamuud Cali Shire ( M. ku Xigeen )

waxa aanu shacbiga Reer Somaliland iyo Saxaafada u sheegaynaa

1: markaan eegay : marxalada siyaasadeed ee uu Dalku marayo oo aanu mudo dheerna dhagaysanayanay muranka Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa Saddexda Xisbi Qaran ee UDUB, UCID IYO Kulmiye

2: marka aanu araganay : in ishaysigoodu halis u yahay Ummada Mustaqbalkeeda.

3: marka aanu aragnay : cabsida ay ka qabaan Dadwaynahu mustaqbal markay Doorashadu dhaco sida ay ugu heshiin doonaan natiijada ka soo baxda tirada cododka , Raga maanta ku heshiin la,a kordhinta Dastuuriga ah ee Guurtida.

4: marka ay noocadaato baahida wayn ee Dadka iyo Dalku u qabaab helitaanka musharax madax banaan oo aan ka socon saddexdan Xisbi ee ku yoo yoo tamaya masiirka Ummada iyo Aayaha Dalka.

5: markaanu si qoto dheer u darisnay Dastuurka Dalkeena iyo Sharciyada aynu u codaynay.

6: markaan araganay Qodobka Dastuurkeena ee tirsigiisu yahay 22aad ee Xuquuqda muwaadinka iyo Faqradiisa 1, 2, oo xaq siin karta in muwaadin kastaa ka qayb gali karo Tartanka Doorashada Qof ahaantiisa .

7: marka aanu Akhrinay Qodobka 82aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya Shuruudaha looga baahanayahay Musharaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen

8: marka aanu isku qancinay in aanu dhammaan shuruudaha buuxinayno.

9: marka aanu ku qanacnay in loo baahan yahay helitaanka isbedel siyaasadeed, in Dimuquraadiyadi ka hanaqaado Dalka iyo in Doorasho Xor iyo Xalaal ah

10: Dalka ka dhacda . waxa aanu Go,aan sanay ,

A: in aanu isku soo taagno Tartanka Doorashada Madaxweynaha ee soo socota annaga oo kaga qayb galayna Musharaxiinta madaxa banaan oo aan ka socon xisbi Urur iyo Koox toona, waxa aanu maanta oo ay Bishu tahay 30\5\2008 waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu u taaganahay murashixiin Madax banaan oo jagada Madaxweyne u taagan iyo Madaxweyne ku xigeen una mari doona waaxda sharciga iyo Dastuurka

B: waxa aanu muwaadin kasta oo jecel Dalkiisa iyo Dadkiisa ugu baaqaynaa inuu ka soo qayb galo tartanka Doorashada Madaxweyne ee soo socda si ay Dadka iyo Dalku u helaan hogaan caafimaad qaba oo danaynaaya horumarkooda , waxaan ugu baqayaa waxa garaadka Reer Somaaliland meel kasta oo ay joogaanba in cidii danaynaysa Dadka iyo Dalkoodu u soo gurmato oo ay ka soo qaybgalaan Tartanka Madaxnimada si loo helo hogaan daacad u ah Ummada . loogana xoreeyo Kooxahana isku haysta kursiga . 1991kii ilaa maanta ishaysigoodu Dalka Curyaamiyay .

ugu danbayntii waxaan shacbiga somaliland uga balan qadaynaa in wixii maanta ka danbeeya Barnaamijkayga siyaasadeed ugu soo gudbin doono warbaahinta Madaxabanaan inta ka horaysa fasixida ololaha tartanka Doorashada .

ilaalinta sharciga awgeed waxaan u balan qaadaynaa shacbiga iyo Dawladaba in aanaan umari dooni musharaxnimadayada dariiqa sharci darro ah oo aanan ku kici doonin waxa qas iyo rabshado ku keena Dadka iyo Dalkayaga waxaan idiin rajaynayaa Guul iyo Horumar

intaasi ka dib Suxufiyiintii shirkaasi jaraa’id ka qayb gashay waxay waydiiyeen labadaasi nin Su’aalo u dhacay sedan:-

S:Waxaan ogaydeen in ururkii Qaran inay xadhig la martay ururkii siyaasadeed ee ay sheeganayeen, Markaasi idinka sideebay idiinku suurgo galaysaa inaad tartantaan?

J:Horta Ururka iyo Shaqsigu way kala duwan yihiin Annagu waxaan doonaynaa xuquuqdii shaqsi ee ka qayb galka Tartanka doorashada , Annagu ma aamin sanin in Ururka Qaran uu sharci ka horjoogsaday .
Waxaanan adaygsanaynaa oon ka doodaynaa nidaamka aynu qaadanay, haddii wax laga badalayana Sharcigii halagu noqdo.

S:C/raxmaan hore waxaad ugu jirtay Xisbiga Udub, inaad ka baxdayna maad sheegin markaa Maxaad Murashaxnimadda Xisbigaaga dhexdiisa uga soo bilaali wayday?

J:Xisbigu Mabaadii ayuu leeyahay Markaa mabda;a uu dhaqmayaa haddii uu ku qancin waayo waad iskaga baxaysaa.

Marxaladii aan markii hore Xisbigaasi ugu jiray waa kala Labo markaasi Anniga iyo qayrkayba waxaan leeyahay Xisbiga uu doono haku jiree waa loo baahan yahay Murashixiin madax banaan.

waaheen.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: