JENDAYI FRAZER OO XAQIIJISAY IN MAAMULKA MADAXWEYNE BUSH DOONAYO INAY XAFIIS DIBLOMAASI KA FURTAAN HARGEYSA

Seattle (sl.no),  01 june 2008 – sarkaalka ugu sareeya ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika , Jendayi Frazer , ayaa sheegtay inuu Maamulka Madaxweyne George Bush ee Maraykanku doonayo inay xafiis diblomaasi ah ka furtaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale , Frazer waxay nasiib darro ku tilmaantay inaanu midowga Afrika weli go’aan ka gaadhin qaddiyada Ictiraafka Somaliland , iyadoo xustay in taasi ay raajisay go’aankii ay dawlada Maraykanku ka gaadhi lahayd in ay Somaliland u ictiraafto qaran madax banaan.

Ms Jendayi Frazer oo Khamiistii ina dhaaftay Muxaadaro loogu magac daray ‘’Mustaqbalka Afrika iyo Siyaasadda Arrimaha Dibada Maraykanka’’ ka jeedisay hoolka William H. Gates ee Jaamacada Washington oo ku taal Magaalada Seattle ee gobolka Washington.

Jamaal oo shahaadada Loo yaqaano Ph.D ka diyaarinaya jaamacada Washington ayaa Jendayi Frazer waydiiyay su’aal ahayd ‘’Su’aashaydu waxay ku saabsan tahay Somaliland , dhawr bilood ka hor , Madaxweynaha Somaliland ayaa Washington DC yimid , ka dibna adiga ayaa Somaliland tegay , inkastoo tegistaadu ay aad u raagtay , hadana dadka reer Somaliland aad ayay ugu riyaaqeen booqashadaadii , haddaba ma noo sheegi kartaa sida uu yahay xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland?’’.
Frazer oo su’aashaasi ka jawaabaysa ayaa waxa ay tidhi ‘’Waa dhab waxaa aad sheegtay , Madaxweynaha Somaliland wuu noogu yimid Maraykanka , aniguna waan tegay Somaliland , xidhiidhna waanu la leenahay Somaliland , waxyaabo badan oo wanaagsana way qabsadeen ,Somaliland dimuqraadiyad baa ka jirta , doorashooyina way ka dhaceen qaar kalena way soo socdaan , markaa arrimahaas oo dhan baanu danaynaynaa oo aanu kala shaqaynaa Somaliland.
Waxa kale oo aanu Somaliland wadaagnaa oo aanu iska kaashanaa arrinta la dagaalanka Argagaxisada.
Ms Frazer waxa kale oo ay ka hadashay arrinta ictiraafka iyo mawqifka ay ka taagan tahay xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay George Bush, waxaanay tidhi ‘’markay arrinta ictiraafka noqoto, anagu waxaanu nidhi waxaanu sugaynaa oo aanu filaynay inay midowga Afrika tallaabada hore qaadaan , waxaanu rajaynaynay inay go’aan ka gaadhaan arrintaas , nasiib darrose midowga Afrika weli arrintaas go’aan kamay gaadhin , taas baana raajisay go’aankayagii’’.
Ugu danbayntii , waxay Jendayi Frazer sheegtay inay xukuumada Maraykanku damacsan tahay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furato Magaalada Hargeysa ee Caasimada u ah Somaliland.

Haatuf

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: