XUKUUMADA OO HESHIIS SHIDAAL BAADHIS AH LA GASHAY SHIRKAD IIBSATAY NATIIJADA SAHANKII BAADHISTA KHEYRAADKA SOMALILAND

Hargeysa (sl.no) 31 may 2008 – Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis la galeen shirkaddii u horreysay oo hawlo shidaal-baadhis ah ka fulin doonta dalka,
kadib markii shirkaddaas oo laga leeyahay waddanka Norway, fadhigeeduna yahay Ingiriiska oo la yidhaa Asante Oil UK Limited ay ku qanacday natiijo hordhac ah oo laga soo saaray sahamintii shirkadda TGS ku samaysay khayraadka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Eng. Axmed Ibraahim Suldaan, ayaa waraysi khaas ah oo uu shalay siiyey Jamhuuriya, waxa kale uu faahfaahin kaga bixiyey safar dhawaan isaga iyo Wasiirku kaga qaybgaleen shirar caalami ah oo ka dhacay dalka Maraykanka, kaas oo uu sheegay in waxyaabo badani uga soo qabsoomeen Somaliland iyo sidoo kale halka uu marayo hawlihii sahaminta ee ay waday shirkadda TGS.

Md. Axmed Ibraahim Suldaan waxa kale oo uu deedafeeyey warar sheegaya in shirkadda African Oil ay hawlo shidaal baadhis ah ka bilaabayso maamul-goboleedka oo iyagu qorshaha ku darsaday deegaano ka tirsan xadka Somaliland. Waxaannu heshiiskaasi ku tilmaamay mid riwaayad ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay wax shidaal qodis marnaba ka bilaabi Karin dhul Somaliland ka tirsan.

Agaasimaha waxa ugu horreyn la waydiiyey waxay kala socdaan shirkadda heshiiska la gashay Maamul-goboleedka Puntland ee la sheegay inay shidaal qodis ka bilaabayso deegaamo ka tirsan dhulka Somaliland, waxaannu ku jawaabay; “Haddii aan si dhab ah uga waramo shirkadahan la leeyahay waxay heshiis la galeen Puntland, horta waxaan idiin sheegayaa Somaliland iyo Puntland in aan dalna ka dhaxayn dawladdani ka dhaxayn.

Maabka Somaliland wixii ka baxsan inagu ma maamulno, waxay doonto ha noqotee, waxase inaga ina khuseeya wixii soodinteena ku jira. Waxaan doonayaa in dadweynaha reer Somaliland kala gartaan xad in aynu la kala leenahay Puntland ama Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, waana xadad cad oo qeexan, wixii markaa gudaheena soo gala meeshuu doono ha ka yimaadee waa cid ku soo xadgudubtay dhulkeena, waajibaadka innaga saaranina waa in aynu difaacno dalkeena.

Arrinta shirkadaha Range Resource iyo African Oil wax cusub maaha ee waxa laga sheekaynayey labadii sanno ee u dambaysay, annagu ma ogin meel ay wax ku kala saxeexdeen inay run tahay iyo inay been tahay ee waxaannu shabakadaha wararka ku aragnaa inay Puntland heshiis wada galeen, waxaas oo dhami annaga nama khusayso. Waxa hadda iyo jeer lagu raftaa su’aal annaga mar nala soo waydiiyey oo ay na soo waydiisay shirkad la yidhaa Lundin Patrolium, maadaama waxa meesha ka socday aannu ka warhayno waxaannu ku nidhi, idinka waxay wax idinka dhexeeyaan Range Resource iyo cid aanay hawli naga dhaxayn. Sidaa darteed wax wadahadal ah oo aannu idinla galaynaa haba yaraatee ma jirto, si cad baanu ugu sheegnay markii aannu ka urinay inay nimankaa [Puntland] wada shaqayni ka dhaxayso helkeedaanu ku xidhnay.

Iminka waxa la leeyahay alaab bay la soo degeen, balookyada la sheegayaa waa dhul ballaadhan oo qaybina Puntland ka gasho qaybina Somaliland ka tirsan tahay, wax ina khuseeya maaha, laakiin maalinta hadalku taagan yahay waa marka soodimaha Somaliland la soo hungureeyo.”
Eng. Axmed Ibraahim Suldaan oo ka jawaabayey su’aal ahayd, maadaama shirkadda Puntland heshiiska la gashay meelaha u qoondaysan ay ka mid yihiin dhul Somaliland leedahay, qalabkii hawsha ay ku bilaabaysanay keentay, saamaynta ay arrintaasi Somaliland ku yeelanayso, waxa uu yidhi; “Wax saamayn ah oo ay inagu yeelanaysaa ma jirto, laakiin haddii ay somaliland wax ka bilaabaan difaacu dadka oo dhan buu u yaallaa.”

Agaasimaha oo la waydiiyey sababta keentay in Somaliland oo aan marnaba la barbardhigi Karin maamul-goboleedka Puntland ay ugu suurtogali wayday inay wax baadhitaan shidaal ah samayso ee Puntland u suurtogaliyey, waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa innaga iyo wixii la odhan jiray Soomaaliya markay noqoto arrimaha baadhitaanka shidaalka iyo khayraadka dhulka waxaynu isku jirnaa inta cirka iyo dhulku isku jiraan, innagaa ka horreyna oo waxa inoo suurtogalay dalka dhammaantii in aynu sahamin ka samayno oo ay diyaaradi samayso, waxa inoo suurtogalay baddeena in sahamin laga sameeyo, si sharci ah oo aannu musuqmaasuq ku jirin ayeynu inagu shaqada u qabsanaa, afar shir oo adduunku isugu yimi ayaanu ka qaybgalnay, kuwaas oo lagu bandhigo cid waliba khayraadka ay haysato. Afartaa shir ee aannu ka qaybgalnay wax Soomaalidii kale sheegayana oo yimi oo wax laga waydiiyey ma jiraan, wax jiraba maaha. Puntland waa meel fawdo ah oo aanay waxba ka socon, waa tuug iyo tuug kalkaal, waxani wax jira maaha ee waa shirkad doonaysaa inay lacag hesho oo sheerar bay iibisay dhawaan, wax been ah oo aan jirin iyo khayraad aan cidi ogayn bay meesha ka sheegtay, waxay damceen inay macluumaadkaa ku iibiyaan sheerar oo ay lacag badan oo malaayiin ah ka helaan, si iyaga iyo kuwa maamulka isku sheegayaa u kala qaybsadaan, ujeedad dhabta ah ee ay leeyihiin waa intaa ee wax qodis ah soo suurtogalaysaa ma jirto, waayo marka wax la qodayo waxa ka horreysa nabadgelyaa ka horreysa, waad ogtahay in aan nabadgelyo meesha ka jirin, annagu waxaannu aamisanahay riwaayad weeye.”

Eng. Axmed Ibraahim oo la waydiiyey su’aal ahayd shirkadda African Oil waa shirkad wayn oo la yaqaan, waddamo badana shidaal baadhis ka soo samaysay ee si fudud baa loo odhan karaa riwaayad bay dhigaysaa oo waxba kama jiraan waxay wado, waxa uu ku jawaabay, “Waxa laga yaabaa ajande qorsoon bay leeyihiin, laakiin waqtigan wax shaqo ah oo ay ka qaban karayaan ma jirto, taa iyaguna way ogyihiin caalamkuna wuu ogyahay.”

Agaasimaha waxa kale oo la waydiiyey ujeedada safaro dhawaan ay dibadaha ugu kicitimeen oo la sheegay inay shirar kaga qaybgaleen iyo waxa uga soo qabsoomay, waxaannu ku jawaabay, “Safarkaanu tagnay wuxuu ahaa mid aannu kaga qaybgalnay shirar kala duwan oo kala ahaa Ingiriiska iyo Maraykanka. Ingiriiska waxaannu kula kulanay oo aannu wadahadlo iswaydaarsanay shirkad Norway ah oo Ingiriiska degan magaceedana la yidhaa Asante Oil UK Limited, taas oo daynaynaysa khayraadka dalkeena, annaguna markii muddo aannu wada xidhiidhaynay aannu u aragnay shirkad arrintaa aqoon iyo dhaqaaleba u leh heshiisyo hordhac ah ayaanu ku yeelanay, waxaannuna kula ballanay inay dalka yimaadaan, waanay yimaadeen oo halkan ayaanu heshiiskii oo aan weli dhammayn kula galnay. Markaa iyada oo aanay weli soo bixin macluumaadkii TGS ayey ka sii hordeegeen oo ay iibsadeen.

Waxaannu haddana tagnay Maraykanka oo ay ka jireen shirar caalami ahi oo adduun waynuhu carwo ku soo bandhigo wixii khayraad jira, waxaanna ka soo qaybgala ilaa toban kun oo aqoon yahay dhinaca shidaalka aqoon u leh. Annagu wixii aannu macluumaad haynay inkasta oo aynu nahay dal curdin ah oo lagu tacadiyey, wixii uu hore u kabadayna laga gubay, haddana wixii aannu helnay ee la isku soo ururriyey muddadii ay Wasaaraddu jirtay iyo wixii ka qabsoomay sahamintii ay sameeyeen shirkadda la yidhaa TGS oo badda iyo berigaba ah hordhacoodii, ayaanu la tagnay, waxa nala siiyey qol aannu ku soo bandhignay. Shirarka caalamka dawladda waliba maalin bay hadashaa oo ay ka hadashaa waxa loo joogo, annagu khudbadayadii waanu jeedinay, si fiicana waa naloo dhegaystay. Intii aannu halkaa joognay la kulamo badan baanu yeelanay, qolo Chine ah baanu la kulanay oo danaynaya arrimaha shidaalka, qolyo kale oo Maraykan ah baanu la kulanay. Waxyaabaha ay maqlayanaa ee ay ku soo dhiiranayaa waxa ka mid ah markii aannu sahaminta wadnay in Ilaahay inoo suurtogeliyo in laba bilood badda ku jiraan maraakiib sahamin waday, diyaaradii sahaminta beriga waday waxay ku duulaysay joog qoriga AK47-ku gaadhayo, haddana si nabad ah ayey ku dhammaysay.”

Sidoo kale, mar la waydiiyey Agaasimaha maadaama shirku ahaa mid caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen waddo la aqoonsan yahay, qaabka weftigooda loola dhaqmayey waxa uu ahaa, isaga oo ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Waxa naloola dhaqmayey Jamhuuriyadda Somaliland, kaadhadhkayga iyo hawlaha kale markaanu qaadanayno waxa naloola dhaqmayey sida dawladdaha kale ee madaxbannaan loola dhaqmayo si la mid ah ayaa nalola dhaqmayey.

Waxaannu halkaa ku bandhignay macluumaad mug weyn dadkii soo jiitay oo ay xiiseeyeen, waxa ka mid ah faa’iidada aannu ka helnay halkaa waxa jira dad aan kala aqoon Somaliland iyo Soomaaliya, waxa ka soo baxay in innaga iyo Koonfurta la ina kala ogyahay, waayo kaadhka nala siiyey waxa ku qornayd Somaliland.”

Ugu dambayntii waxa la waydiiyey Agaasimaha waqtiga ay odhan karaan waxbaan soo saaraynaa ama aannu ku guulaysanay, isaga oo ka jawaabayeyna waxa uu yidhi; “Horta waxaan dadka u sheegayaa ganacsiga shidaalku waa qorshe mustaqbal oo dheer, waayo waxay arrinta shidaalku socotaa 25 ilaa 30 sanno, marka laga bilaabo soo sahamintiisa ilaa dhammaadkiisa.

Markaa waxaan leeyahay qaybtii ugu adkayd waxaan filayaa inay inaga dhawdhawdahay, waxaaanan leeyahay waa arrinta keliya ee dhaqaale ahaan dadkeena baahan ee shaqo la’aantu hayso, haddii Ilaahay inoo suurtogeliyo si degdeg ah looga bixi karo, haddii maamulkeeda la hagaajiyo. Waxaan rajaynaa sannadkan 2008-da ee aynu ku jirno dabayaaqadiisa ilaa sannadka 2009-ka in qodista la bilaabo.”

Xigasho..Jamhuuriya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: