SENATOR BRACK OBAMA OO KU DHOW IN UU NOQDO MUSHARAXA XISBIGA DIMOQRAADIGA

Mineapolis(sl.no)May 30, 2008 – Tartanka mudada dheer qaatay ee u dhaxeeya musharaxiinta xisbiga demoqraadiga ayaa waxa uu soo gaaray xilli Senator Barack Obama u muuqdo musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Mussharaxa kursiga madaxweynha ee xisbiga dimoqraadiga ayaa waxa looga baahanyahay in uu la yimaado madasha shirweynaha xisbiga ee lagu qaban doono magaalda Denver ee gobolka Colorado bisha soo socota eeAugusto, ugu yaraan codka 2,026 ergo, Sen. Obamaa ayaa waxa uu heystaa codka 1,981 ergo waxa una u baahanyahay 45 cod oo kali ah, halka Sen. Hillary Clinton oo ah musharaxa la tartamaya Sen. Obama ay heysato codka 1,782 ergo una baahan 244 cod oo kale.

Tartankan u dhaxeeya labadan musharax ee isku xisbiga ah waa Sen. Obama iyo Sen. Clinton ayaa waxa uu soo maray marxalado kale duwan, kaas oo dadka arimahan indha-indheeyo ay sheegeen in uu raad xun ku yeelan karo musharaxa kama dambeysta ah ee la tartami doona John McCain oo u sharaxan xisbiga Republican-ka.

Waxaa xusid Mudan muranka ba`an ee ka taagan codadka ergada laga soo doortay gobolda Michigan iyo Florida, labadan gobol ayaa waxaa xisbiga Dimoqraadiga ku ciqaabay in aan codkooda la xisaabin kadib markii ay doorashooyinkooda ka soo hormariyeen waqtigii xisbiga ugu tala galay. Sen. Obama ayaan magaciisa lagu arkin goobahii laga codeeynayey ee gobolka Florida, halkaas oo ay Sen. Clinton ku qaadatay codadka labdan gobol, arintan ayaa waxa ay dhalisay muran ba`an oo dhaxeeya xisbiga Dimoqraadiga. Gudi arintaan loo xil saaray ayaa waxa ay kulmi doonaan maalinta Sabtida Mar 31.

Sen. John McCain oo ah musharaxa la filayo ee Xisbiga Republican-ka ayaa dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilay siyaasad Sen. Barack Obama, waxuuna ku tilmaamey nin aanan aqoon badan u la heyn dhibaatooyinka wadanka heysta oo kamid yahii Dhaqaalaha iyo dagaalka Ciraaq, halka Sen. Obama uu sheegay in Sen. McCain uu heysto siyaasada qaldan ee Madaxweyne Bush, “Dadka mareykanka ah uma babac dhigi karaan afar sano oo kale oo ah siyaasada Madaxweyne Bush” ayuu yiri Sen. Obama mar uu lahadalayey dadweynaha Mareykanka

Dadka Mareykanka ayaa si gaar ah ugu xulanaya madaxweynahooda mustaqbalka arimaha ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Qorshaha ku aadan dagaalka Ciraaq, iyo Caafimaadka.

Source:Hiiraan Online

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: