GOLAHA WAKIILADA OO COD AQLABIYAD AH KU ANSAXIYEY MIISAANIYAD SANADEEDKA 2008

Guddoomiyaha iyo gudd. ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada

Hargeysa, (sl.no) 30,may 2008 – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Odoroska Miisaaniyadda Dalka iyo Dekedda Berbera oo dhan guud ahaan Wadartoodu 3,252,463,142 (Saddex boqol oo Bilyan laba boqol iyo laba iyo konton milyan, afar boqol saddex iyo lixdan kun iyo boqol iyo laba iyo afartan shilin).

Una kala qaybsamaysa Miisaaniyadda Dawladda dhexe 280,610,081,921 laba boqol iyo sideetan bilyan lix boqol iyo toban milyan kob iyo sideetan Kun iyo sagaal boqol iyo kob iyo labaatan Dekadaa Berbera 19,642,381,221 Sagaal iyo taban bilyan lix boqol iyo laba iyo afartan milyan sadex boqol iyo kob iyo sideetan kun laba boqol iyo kob iyo labaatan.miisaaniyad Sanadeedkii 2008-da, ee xukuumada Dhexe iyo dekada Berbera.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayuu gudoomiyuhu ku war galiyay Mudanayaasha madasha ka soo xaadiray oo tiradoodu dhamayd 57 Mudane, in doodihii Miisaaniyadda la dhamaystiray ka dibna nuxurkii doodu ku soo ururay ayuu yidhi sidan:

“Dooda Miisaaniyaddan oo goluhu si sharaf leh uga dooday waxay ku soo ururtay laba qodob oo kala ah, in la ansixiyo iyo in aan la ansixin, markaa waxaan soo jeedinayaa miisaaniyadaasi waxay dhan tahay 3,252,463,142 (Saddex boqol oo Bilyan laba boqol iyo laba iyo konton milyan, afar boqol saddex iyo lixdan kun iyo boqol iyo laba iyo afartan shilin). Una kala qaybsamaysa Miisaaniyadda Dawladda dhexe 280,610,081,921 laba boqol iyo sideetan bilyan lix boqol iyo toban milyan kob iyo sideetan Kun iyo sagaal boqol iyo kob iyo labaatan Dekadaa Berbera 19,642,381,221 Sagaal iyo taban bilyan lix boqol iyo laba iyo afartan milyan sadex boqol iyo kob iyo sideetan kun laba boqol iyo kob iyo labaatan. Markaa mudanayaasha taageersan in sidaa lagu ansixiyo gacanta ha taageen.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiiladdu.

Markii Gudoomiyuhu Mudanayaasha ka dalbaday in loo ansixinta Miisaaniyadda iyo lifaaqa ay Wasaaradda Maaliyadu soo raacisay, ayaa codkii loo qaaday waxa ogolaaday 54-Mudane, Waxa diiday 2-Mudane, ma jirin cid ka aamustay Gudoomiyuhuna muu codayn, waxaana halkaa ku ansaxday Miisaniyada 2008-du oo ay la socoto lifaaqa Wasaaradda Maaliyadu, ku cadaysay lacagaha loo qoondeeyay doorashooyinka iyo badalaada lacagta Shilin Somaliga ah ee laga isticmaalo Magaaladda Burco.

Miisaaniyadda uu Maanta Golaha wakiiladu ansixiyay ayay Xukuumadu golaha soo hor dhigtay 06, bishan May ee aynu ku jirno, sidoo kale ayay miisaaniyad sanadeedkani tahay tii ugu badnayd ee xukuumadu diyaariso tan iyo intii Somaliland jirtay, Miisaaniyadan ayaa sidoo kale noqonaysa tii ugu buuqa yarayd isla markaana ugu dhakhsaha badnayd marka loo eego sida ay golaha wakiiladda kaga soo gudubtay.

Is-fahamka wanaagsan ee dhex maray Gudida dhaqaalaha iyo wasaaradda maaliyadda ayaa loo tiriyaa inay qayb ka qaadatay hore u ansixinta miisaaniyadan, gaar ahaan marka loo eego kuwii ka horeeyay, waxa kale oo xusid mudan in Golaha wakiiladda ee xiligan jooga oo ah kii ugu horeeyay ee shacbigu soo doortaan ay isku dhacyo badani u dhexeeyeen iyaga iyo xukuumadda kuwaas oo ay ugu waynayd buuqii iyo is mari waagii miisaaniyad sanadeedkii 2007-dii oo keentay in golaha wakiiladda iyo xukuumadda midba tiisa ku adkaysto, sidaana uu ku dhamaaday sanadkaasi iyada oo dabayaaqadii sanadkii hore Wasaradda Maaliyadu sheegtay in lagu sii dhaqmi doono. Miisaaniyadd sanadeedkii 2006, halka golaha wakiiladuna kaga tilmaameen mid meel ka dhac ku ah sharciga dalka.

Si kastaba ha ahaatee ansixinta miisaaniyadani waxay meesha ka saaraysaa dib u dhacyo ku iman kari lahaa hawlaha doorashooyinka soo socda, sidoo kale ayay noqon kartaa mid wadada u furi karta wada shaqayn fiican oo dhex marta Golaha sharci dajinta [wakiiladda] iyo golaha fulinta [xukuumadda] balse waxa hadana muuqata dad badan oo hoosta ka xariiqaya in ay jiraan waxyaabo keenay in golaha iyo Wasaaradda maaliyada xidhiidhkoodu fiicnaado, dadkan ayaa waxyaabo kala duwan ku andacoonaya, laakiinse sida muuqata si wayn ayaa loo soo wada dhaweeyay ansixinta miisaaniyaddan.

Faysal Maxamed Xassan

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: