Somaliland Oo Amartay In Dhulkooda Loo Masaafuriyo Laba Ka Mid Ah Saddex nin Oo U Xidhnaa Argagixiso


Hargeysa (sl.no) 30 may 2008 – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay amartay in la masaafuriyo laba nin oo dhammaystay xukun ay Maxkamadda sare ee Somaliland ku riday, ka dib markii Maxkamadu ku heshay fal
Argagixiso ah oo ay lacag Itoobiyaan ah ku dhaceen duleedka degmada Wajaale, sannadkii 2003.
Labadaas nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha Muqdisho iyo kililka shannaad ee Soomaalida Itoobiya, ayaa waxa toddobaadkan u dhammaaday lix sannadood oo xadhig ah, oo uu Madaxweyne Rayaale ugu bedelay xukun maxkamadda sare ku riday oo ahaa 12 sannadood oo xadhig ah.

Labadan nin oo uu saddex ku ahaa muwaadin u dhashay Somaliland oo uu magaciisu yahay Yaasiin Khaalid Cismaan oo isaga si rasmi ah loo sii daayay, waxa la sheegay in hay’adaha ammaanka Somaliland amar ku bixiyeen in labadaas nin ee aan Somaliland u dhalan gacanta lagu hayo tan iyo inta la masaafurinayo. Hase yeeshe warku waxa uu sheegay in la sii daayay ninka dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Ogaden Mr. Maxamed Cabdi Xaamud (Jacfar), ka dib markii ay odayaal reer Somaliland ahi dedaal ka galleen mastaafurintiisa, waxaanu hadda si xor ah u joogaa magaalada Hargeysa. Laakiin ciidanka Booliska ayaa weli gacanta ku haya Yaxye Cabdiraxmaan Cali oo la sheegay in loo diyaarinayo sidii loogu mastaafurin lahaa magaalada Muqdisho ee uu ka soo jeedo.
Raggan ayay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay fuliyeen hawlgal ay ku dhaceen lacag ku dhow hal milyan oo Itoobiyaan ah oo ay lahaayeen dad ganacsato ah oo u safrayay gudaha wadanka Itoobiya. Maxkamada sare ee Somaliland ayaa saddexdan nin ku xukuntay min 12 sannadood oo xadhig ah. Laakiin waxa xadhigoodaas loogu bedelay lix sannadood, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale qaatay go’aankaas.

Source Geeska Africa

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: