Ciidamada Police-ka oo hubka dhigis dhanka shacabk ah ka wada magaalada Laascaanood.

Laascaanood(sl.no) 29,may 2008 – Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay ciidamada Police-ka ee Gobolka Sool ay magaalada Laascaanood ka wadeen hawlo ay wax ugu qabanayaan dhanka amniga kana hor tagayaan cid kasta oo kasoo horjeeda amniga magaalada waxna u dhimaysa bulshada magaalada iyo habsami usocodka ganacsigeeda.

Waxaa maanta ka bilowday magaalada Laascxaanood hub ka dhigis lagu samaynayo dadka shacabka ah ee sida aan sharciga ahayn u wata hubka fudud taas oo magaalada Laascaanood ka ahaa wax caadi ah oo aan indhaha dadku la yaabin ama soo jiidan iyadoo inta badan dhalinyarada magaaladu si wayn ugu xaragoon jireen.

Ciidamada Police-ka ee magaalada Laascaanood ayaa waxa ay bilaabeen inay dadka wacyi galiyaan una sheegaan inay guryahooda ku haystaan hubka ay la dhexmari lahaayeen magaalada Laascaanood gudaheeda iyadoo sidoo kalena ku amray dadkaasi in laga qaadi doono hubkooda haddii ay lasoo baxaan.

Dhawr qof oo shacabka magaalada ah ayaa waxaa laga qaaday hubkii ay la dhexmarayeen kadib markii ay soo baxeen awaamiirtan ay ciidamada Police-ku ku amrayaan dadka shacabka ah inay hubkooda xaraystaan iyadoo hubkaasi ay ciidamada ku hayaan saldhigyadooda magaalada Laascaanood dadkii lahaana la faray inay iska tagaan.

Arintan ayaa waxaa si wayn usoo dhaweeyay dadka shacabka ah ee magaalada Laascaanood iyadoo ay horay ujirtay in aysan jirin tan iyo intii maamulka Somaliland la wareegay gacan ku haynta magaalada dad badan oo sita hub lana dhex mara magaalada taas oo dhalisay in amniga magaalada uu si buuxda usoo noqdo, noqdana mid la isku halayn karo.

Hadaba arintan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Taliyihii Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool xilkii laga xayuubiyay kaas oo ay dad badani ku eedayn jireen inuu ragaadiyay hawlihii shaqo ee Police-ka ee ay mar hore qabsan lahaayeen iyadoo xilkaasi loo soo magacaabay taliye kale.

Afnugaal News Desk

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: