Xubintii Cusbayd Ee Komiishanka Doorashooyinka Ee Xisbiga KULMIYE Oo Xilkii Loo Dhaariyey Iyo Madaxweyne Rayaale Oo u Magacaabay Masuuliyiin Cusub Gobolka Buuhoodle.

Hargeysa(sl.no) 29 may, 2008 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa Maanta Wareegtooyin uu Soo Saaray Ku Magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Somaliland .Waxa kale oo isla Maanta Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska iyo Taliye ku xigeenka ee Gobolka Buuhoodle.

Sida waxa lagu sheegay Waraxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge.

Madaxweynuhu isaga oo tix geliyay qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee gobolka Buuhoodle u leeyahay dhismaha Qaranka iyo baahida loo qabo Buuxinta Jagooyinka Maamulka Gobolka ,waxa uu u magacaabay Mudane C/rashiid Yuusuf Kooriye Jaamac inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle , Mudane Yuusuf C/laahi Maxamuud Hangool uu isna la wareego xilka Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Buuhoodle.

Sidoo kale , waxa uu Madaxweynuhu iyana u magacaabay Mudane Axmed Faarax Cali ‘’Dhaga-cade’’ Taliyaha Qaybta Booliiska ee Buuhoodle , Mudane Ibraahim Maxamed Cabdi uu isna ahaado Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska ee Gobolka Buuhoodle.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu farayaa Masuuliyiintaasi uu xilka u magacaabay in ay la wareegaan xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa kale oo Maanta loo dhaariyay Mudane Cali Maxamed C/laahi oo ah xubinta cusub ee Xisbiga KULMIYE u soo Magacaabay Guddida Komishanka Doorashooyinka , xubintaasi cusub ee Komishanka oo Maanta uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare waxa goob joog ka ahaa oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha Somaliland , waxana uu bedeli doonaa xubintii hore ee KULMIYE oo jagada iska casilay.

Hadhwanaag

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: