Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Markii U horeysay Fidmo Iyo Kala Fogayn Ku Tilmaamay Goboladii Uu Dhawaan Magacaabay Madaxweyne Rayaale.

Hargeysa(sl.no) 24 may 2008 – Xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynayay Xubno ka tirsan Qurba-jooga Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, oo uu hogaaminayo Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbigaas Maxamed Ibraahin-dhagawayne (Qabo), maanta lagu qabtay Huteel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Ucid Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha guud ee Ucid, Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Ucid iyo xubno kale oo ka tirsan Xisbiga.

Ugu horeyna waxa ka hadlay munaasibadaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay inuu aad ugu farasaxyahay soo dhawaynta xubnahan Xisbigooda ee qurba-jooga ah, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aanu maanta halkan ku soo dhawayno Maxamed Ibraahin, oo xisbigan kaalin way ka soo qaatay kor u kicintiisa iyo wax ka qabashadiisa muddadii uu joogay, waananu soo dhawaynaynaa isaga iyo xubnaha la socda ee qurba jooga Xisbiga ah iyo beesha uu Maxamed ka soo jeedaba.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxa uu u mahadnaqay Saxaafada Madaxaliga ah ee Madaxa-banaan ee Somaliland, oo uu sheegay in ay wax badan oo dalka horumarkiisa ah qabatay, isla marrkaana ay haatan macluumaadka dalka gaadhsiiyeen meel kasta oo dunida ka mid ah, gaar ahaan muwaadiniinta gacanta ku haysa Tv-yada hadda hawadagalay ee dunida inteeda badan laga daawado ayuu mahad-naq gaar ah u soo jeediyay Faysal.

Faysal Cali Waraabe isaga oo la hadlaya Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu yidhi, “Kol haday dawladii inaga dhicisawday oo ay fadhiid noqotay, gaar ahaan xaga Saxaafadda, oo Illaahay shacbigeenii awoodaa siiyay, waa Illaahay mahadii. Maantana Saxaafada ayaa lagu dagaalamayaa, oo waxa socda dagaalkeedii illaa iyo hadana shacbiga ayaa wata, dawladiina way ka dheereeyeen, waayo waad ogtihiinoo Idaacadii way iska fadhiisatay, waana inaynu ka tashanaa dawladu kol hadii intay keentay Idaacadii ku guuldaraysatay oo ay ka hadlin kari wayday,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Guddoomiyaha UCID,”Oo dadku 17 sannadood ayay dhaga la’aayeen oo ay ku socdeen Idaacadaha shisheeye, ee waa inaynu dadka gaadhsiino, oo dawlada waxaan u soo jeedin lahaa inay fasaxdo Idaacadaha.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka xogwaramay arrimihii muranada siyaasadeed ee dalka dhawaanahan ka taagnaa, “Hadii aan ka hadlo arrintii muranka siyaasiga ah, waxaynu in yar u jirsanay in 16-kii sannadood ee aynu jiray tacabkeenu bur-buro. Laakiin inagu dad Islaam ah ayaynu nahay, Diinteena ayaa dhigaysa in la wada-tashado, oo la wada-shawro, waayo Nabigeenii Muxamed (SCW) isaga oo waxyi ku soo degayo ayuu hadana la tashan jiray Saxaabadiisii. Markaa taladu adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola, meel xun ayaynu maalmihii dhawayd gaadhnay, cadawgeenuna saacada ayuu inoo tirnayay, shacbigeena iyo dadka ina jecelina way naxsanaayeen Illaahay ayaana ina badbaadiyay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

“Guddoomiyaha Golaha Wakiilladuna dedaal wayn ayuu ka galay xalinta khilaafaadkaa, laakiin rag libin isuma ogola oo kolkuu soo dhaweeyay ayay qaar suuldaareen, balse tacabka aanu ku heshiinay ee halkan lagu soo gaadhay waa midhihiisii, waxaananu jecelahay in aanu habeenka Isniinta ah soo afjarro.” Ayuu hadalkiisa ku sii ladhay oo uu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Isla markaana waxa uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha UCID, in aan dalka Somaliland wakhtigan dhex oolin wax la isku dilaa, maadaama aan la ictiraafsanayn Somaliland, “Waxaan jirin inaynu ku dagaalano maaha, oo Somaliland weli may taabo gelin, Kursi aan la aqoonsanayn oo Qaramada midoobay aanay ictiraafsanayn, oo xataa Itoobiyadaa aan laga ictiraafsanayn inaynu isku dilo maaha, ee waa inaynu xalaalaynaa, horena waynu ugu dhex dagaalanay, inaynu maanta ku dagaalanaana waa inoo doqonniimo. Laakiin waa inaynu hada ku dagaalanaa hagaajinteeda iyo wax ka qabashadeeda.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Mar uu ka la hadlayay Xukuumadda hada talada haysana waxa uu yidhi Faysal, “Qoladan dhadhansatay Maqalkana (qasnada), waxaan leeyahay hadaad caqli ku keeni waydaan dee waad duminaysaane ogaada, oo sidii Orgi yar oo hooyadii jaqaya hadaad sii gujisaan waa la idiinku imanayaa oo qaar idinla caqliya oo naaska doonaya ayaa jira. laakiin anagu naaska dooni mayno ee Qaranka ayaanu doonaynaa, una ogolaan mayno labadaa Orgac ee mid waliba naaska doonayo.”

Guddoomiye Faysal waxa uu dhibaato iyo fidmo ku tilmaamay Gobolada Madaxweyne Rayaale dalka ka magacaabay, isaga oo sheegay inay yihiin kuwo kala qoqobaya dadka walaalaha ah ee dalka Somaliland wada dega, oo qolaba meel ku xanibmayso.

“Waan ka xumahay Madaxweynuhu inuu fidmo ku soo dhex tuuro dalkiisii, oo wax Gobolo la yidhaa ayuu ku soo dhex tuuray, anigu fidmo ayaan taa u arkaa. Gobolo iyo Degmooyin waa loo baahan yahay in la daadejiyo. Laakiin, waxa loo baahan yahay in dhaqaale ahaan iyo arrimihooda oo dhan la qorsheeyo, hadii la yidhaahdo reer walba Gobolkaa qaado dee Somaliland-na ma jirayso. Markaa hadii aynu diidno inaynu wax wada yeelano, oo reer Hargeysa la diido inay Gobol wada yeeshaan dee Laascaanoodna ina yeeli mayso inay Somaliland ka mid noqoto.” Ayuu yidhi Eng. Faysal.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaa hadii aynaan inagii is ogolayn maxaad ugu yeedhayseen reer Laascaanood markay lahaayeen Majeerteeniya ayaanu noqonaynaa oo Reerkayagii ayaanu u tagaynaa.”

“Waxaan leeyahay Gobol marka la leeyahay waa la magacaabayaa, waa wax loo baahan yahay, laakiin waa inuu noqdaa mid dhaqaale ahaan iyo deegaan ahaan isbixinaya, marka ummada wax loo qorshaynayana maaha in la yidhaahdo reer Hebelaw Gobol ayaan ku siiyay, reer hebel Gobolka xagay la tagayaan, hadii reerba Gobol qaatana waynu kala go’aynaa oo waxaynu noqonaynaa sidii Libaaxii midba kayn gali jiray, ee waxa u soo gala ku dili jiray, inaga ayaa isku dilayna tan ee waa in dadku wax wada yeeshaa.” Ayuu haddalkiisa ku sii ladhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe.

Isaga oo sharaxaad ka bixinaya maamulka iyo shaqaalaha dawladana waxa uu yidhi Guddoomiyuhu, “Hadaad tagtid Xafiisyada dawladeena qaar waalan ayaa Agaasimayaal ah qaarkood, macnuhuna waxa weeye reernimo ayuun baa loo siiyay xilka ee dan lagama laha inuu wax hagaajiyo ee reer ayuun baa keenay, waxa jira Wasaaraddo intii la sameeyay aanu Madaxweynuhu intuu soo horfadhiistay odhan maxaa kuu qabsoomay, maxaad qorshe halkan ka leedahay, kuwaa qaarkood Madaxweynuhu maba yaqaan ayaa laga yaabaa, sidaana dal laguma dhisi karo ee waa in meel walba cida ku haboon loo dhiibaa, himiladeeda iyo qorshaheeduna u dejisnaadaan, laakiin hebel iska magacaw ayaa maanta dalkeena ka socota, taasina dawladnimo maaha, ee anaga ayaa bedali doona insha Allaahu.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Sidoo kale, waxa isna halka ka hadlay Maxamed Ibraahin-indhoweyne isagu ahaa ninka ugu horeeyay kooxda soo dhawaynta loo sameeyay, Maxamed waxa uu mahad-naq balaadhan u soo jeediayay guud ahaanba Xisbiga UCID, gaar ahaana Masuuliyiinta sare ee Xisbigaas.

Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Maxamed Ibraahin-indhoweyne (Qabo), “Anigu ma ihi qabaw ku raaga Qurba-jooga ah, ee waxaan ka mid ahaa dadkii dalkan u soo halgamay dib u xorayntiisa.”

Isla markaana waxa uu hambalyo u diray guud ahaanba Culimada Somaliland, gaar ahaan Culimada reer Hargeysa, oo uu sheegay in ay waxbarida dhalinyarada ee dhinaca diinta wax badan ka qabteen. “Culimada waan u hambalyaynayaa, waxaanan leeyahay xaga Xisbiyada ku soo dhawaada, wax idinka maanacayaa ma jiro, oo Xisbiga Ucid qodobada ugu horeeya sharcigiisa waxay tilmaamayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Ibraahin,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa sii raaciyay oo uu yidhi, “Saddex kalmadood ayaan odhanayaa saddexda Xisbi, Xisbi Xukuumiga UDUB waxaan leehay ruux cimriyay ma noolaado wax kasta oo la caqiimeeyaba, Xisbiga Kulmiye waxaan leeyahay camalkaa kuma seego wax lagaa canaantaba, waxaanan leeyahay raggaanu isku mujaahidiinta ahayn ee ku jira kukacaydu waxay ahayd barigaynu xeryaha joognay ee cagta u dhiga, Xisbiga Ucidna waxaan leeyahay Calafkaa kuma seego wax lagaa canaantaba, ee waxanu helaynaa waa qoraal, xanteena jirta ee ah Xisbiyada midna waa xukuumigii oo wuu idin boobayaa, midna hebalo iyo niman hamku siiya ayuu hayaa, ee diiwaan-gelintan dadkii ka cabanayaan hadii ay dhufays noqotay aynu dadnta ummada ka hormarinno oo doorashada aynu galo.”

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibadaa soo dhawaynta ahayd ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Ucid Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Ucid Maxamed Xasan Baashe (Talaata-codle), waxaanay si diiran ugu soo dhaweeyeen hadaladooda Maxamed Ibraahin-indhawayne iyo xubnaha Qurba-jooga ah ee la socday, iyaga oo ugu mahadnaqay sida ay ugu dedaalaan hawlaha Xisbigooda.

Hadhwanaagnews.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: