Xisbiga Kulmiye oo faahfaahin ka bixiyay Go,aamadii ka soo baxay Wadahadaladii u socday Mucaaridka iyo Madaxweynaha.


“Waa caadi adduunkoo dhan qofka meesha fadhiyaa [xilka haya] ilaa cidii beddelaysay ay timaado isagaa sii fadhiyeya, laakiin…” M.Biixi.

Hargeysa (sl.no), 21may 2008 – Kulankii saddexaad ee xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradku ka yeeshaan wadahadallada ku saabsan xal-u-helida arrimaha siyaasadeed ee ay sida weyn isugu maandhaafsan yihiin, ayaa shalay la iskula qaatay isfaham ku wajahan jadwalka qabsoomida doorashooyinka iyo qodobo kale oo ku xidhiidhsan hirgelinta hawlahaas.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi shir-jraa’id oo faahfaahin ka bixiyey arrimihii la iskula qaatay kulankaa xalay fiidkii ku qabtay guriga Guddoomiyaha KULMIYE ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in farsamo ahaan la isla gartay in doorashada hore ay dalka ka dhacdo 15 December 2008, ta labaadna qabsoonto 15 March 2009, isla markaana ay golayaasha sharci-dejintu wax-ka-beddel ku-meel-gaadh ah ku sameeyaan xeerka diiwaangelinta doorashooyinka, si loo waafajiyo jadwalkan cusub.
Md. Muuse Biixi oo faahfaahin arrimaha kulankii lagu falanqeeyey, waxa uu yidhi; “Ajandaa shirkii manta [shalay] lag hadlay waxa uu ahaa soo jeedin qabyo oo ay keeneen Komishanka Doorashooyinku iyaga oo soo tilmaamay waqtiga u horreysa ee doorasho ka qabsoomi karto dalka, Komishankuna waa hay’adda u xilsaaran inay muddeeyaan waqtiga doorashooyinku qabsoomayaan sidaana waannu ku waafaqsanahay, waxayna sheegeen inay doorashooyinka qaban karaan ta hore 15 December 2008, doorashada dambena 15 March 2009.


Arrintaa farsamo ahaan markii Komishanku soo gudbiyeen sababihiina ay soo raaciyeen, rag xisbiyada qaranka ah oo la socodayna ku soo waafaqeen waxa ay noqotay in waqtigaas uu noqonayo waqtiga u horreeya ee doorasho la qaban karaayo, waxayna noqotay duruuf aan la dhaafi karin.
Hase ahaatee waxa loo baahday mushkiladda meesha taala maaha goormaa doorasho la qabanayaa ee waxa loo baahday in la hubiyo in aanay doorashadaas halkeedaa ka dhaqaaqin ayaa la isku raacaya, taas qoladayada mucaaradku waxaannu soo jeedinay in loo baahan yahay dammaanad xagga sharciga ah oo muddadaa Komishanka Doorashooyinku qabtay, wixii qadar kale ku yimaadda mooyaane in xagga sharciga isha iyo qodaxdaba laga dhammeeyo in waqtigaa doorashadu ku qabsoonto.
Waxaannu isla qaadanay in xeerka diiwaangelinta qodobadda ku jira ee doorashada xanibaya ee ay ka mid tahay in labadii doorasho lix bilood u dhexeeyaan in doorashadn maanta ah oo kaliya laga saaro oo dib hay’adaha sharciga loogu celiyo.
Haddii awood innaga xoog badani xagga Ilaahay innagaga timaaddo oo sababa in muddada la isla qaatay doorashooyinku dib uga dhacaan in aan hay’adaha sharci-dejintu siiba Guurtidu soo faragelinin heshiiskaa xisbiyada iyo Komishanku isla qaateen, waliba Golaha Guurtida oo qoladayada mucaaradku aan baqdin ka qabno dhawr jeer oo hore wax kor kordhisay, arrintaa oo aannu isla qaadanay ayaa farsamo ahaan dib loogu celiyey Komishanka iyo xisbiyada.
Waxaanna loo baahday in hay’adihii sharciga ee Baarlamaanka dib loogu celiyo qodobadda wax laga beddelayo ee xeerka diiwaangelinta, waxaanna la isla qaatay in maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Sabtida saddexdaa maalmood in hay’adaha sharci-dejinta qodobaddaa wixii ay ka saxayaan lagu celiyo. Shirkayagii afraadna Axadda toddobaadka dambe la isugu yimaaddo.”
Gebagebadii hadalka uu Muj. Muuse Biixi Cabdi shirkaa jaraa’id ka jeediyey su’aalihii suxufiyiintu waydiiyeen iyo jawaabihii uu ka bixiyeyba waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Kulankii xisbiyada iyo xukuumaddu yeesheen miyaad kawada hadasheen muddo dhammaadkii Madaxweynaha iyo waxa laga yeelayo?
Jawaab: Horta ajandayaal baa jira oo kolba qodob baa lagalayaa maanta waxa lagu dheeraaday qodobkan cayimida muddada doorashooyinka, laba qodob oo kale ayaa meesha nooyaal, midi waxa weeyaan dawladda waqtigeedii wuu dhammaaday ee haddii aynu doorashada waqti u qabano oo heshiino, waxa laga wada hadli doonaa dawladda doorashada ina gaadhsiinaysaa waa noocee waa in iyana laga heshiiyaa, waanna ajande kale oo noo laaban, waxa kale oo iyana noo laaban qodob kale oo ah labada doorasho ee madaxtooyada iyo deegaannada teebaa muhiimada inoo leh oo aynu so ojor marinaa, ma ta madaxtooyada, mise ta deegaannada qolobana figrad gooniya ayey wadataa, labadaa arrimood wali doodoodii iyo go’aan ka gaadhistoodii maanaan gaadhin.
S: Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka waqtigoodii wuxuu dhammaaday 15 May 2008, markaa ma la odhan karaa xisbi ahaan waxaad aqoonsateen sharciyadii xukuumaddu halka sanno Guurtidu ugu jordhisay?
J: Maya, sharciyadda muddo-kordhinta Guurtida horena waannu u diidnayn, haddana waannu diidanahay, laakiin midbaa jirta iyaduna, maamulkasta sida adduunka loo dhaqmo kursigii lama banayn karo, malaha iminkana caqliyad taa odhanaysaa ma jirto, markaa waxaannu ku dadaalaynaa annagu in horta la helo waqtiga doorashada oo la isla wada qaato, qodobka labaadna waxa weeyaan yaa ina gadhsiinaya waqtiga la iska qaatay, inta labadaa qodob laga heshinayo waa caadi adduunkoo dhan qofka meesha fadhiyaa [xilka haya] ilaa cidii beddelaysay ay timaado isagaa sii fadhiyeya, laakiin waxaannu ka wada hadli doonaa maamulka waqtiga la isla qaatay in doorashooyinku dhacaan ina gaadhsiin doonaa maa mid noocee ah.
S: Haddii ay doorashooyinku ku qabsoomiwaayaan waqtigan cusub ee la isla qaatay ee bilaha December 2008 iyo March 2009, ma isla soo qaadeen xukuumadda tallaabada lagaga gudbayo?
J: Haa, horta bani’aadam ayeynu nahay, bani’aadamka oo dhammaina waqtiga uu qabsado qadarka Allana halkiisaa la dhigaa, horta waxaannu kolka hore ku dadaali oo aannu aad uga fakir qadar kale oo Ilaahay nagu keeno mooyaane in aanay mar dambe doorashadu dib-u-dhicin oo inta bani’aadam dadaalo waannu ka dadaali doonaa, taana yuhuunteedu way naga wada muuqatay, haddii ay timaaddo in wax innaga awood wayni doorashada dib-u-dhigaana waa arrinta aannu doonayno in aanay cid kale soo faragalin oo Gole Guurti ama Gole Baarlamaan ahi oo arrintaa ka hadalkeeda iyo go’aan qaadashadeeda loo daayo saddexda xisbi qaran iyo Komishanka.

Source: Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: