WARARKII WARGEYSKA OGAAL CADADKIISII MAANTA OO ISNIIN AH 19MAY 2008

“U dulqaadanmayno in ay lunto geedi socodkii dimuqraadiyadu” Siilaanyo

“Caafimaadka lama wada-wadaago, xoolaha lama wada wadaago, darajada lama wada-wadaago, ee waxa kaliya ee ummadu ay wada-wadaagtaa..” Md, Rayaale
“Madaxweynaha Mudadii waxay kaga ekayd 15, May, wada hadalo ayaa noo socda waxana aad Ilaahay nooga baridaan inay ku dhamaato is af-garad….” Siilaanyo
“Reer Booramow hadii uu Rayaale na dulmayo naga qabta oo hanagu eegina” Faysal Cali Waraabe


 Hargeysa (sl.no) 19 may 2008 – Siday u cabiri doonaan dareenada Siyaasadeed iyo muranka aan welli xalka laga gaadhin ee qiyaasta biya dhiciisu mugdiga ku jirto?
Ma muujin doonaan tanaasulaad iyo dareen ka turjumi kara filashada Shacbiga ay hogaamiyayaasha u yihiin?
Ma milicsan doonaan waayaha nolosha bulshada la deriska ah iyo sicir Bararka xadhka goostay?
Ma saadaalin doonaan himillo rajo iyo waji furan horseed u ah?
Ma ka tegi doonaan hal hays, wax cusub oo aan la ogoynse daaha ma rogi doonaan? Su’aalahaa iyo qaar kaleba waxay qayb ka ahaayeen filashadii dadku ku eegayeen, islamarkaana ka dhawrayeen hogaamiyayaasha siyaasadeed ee munaasibadaha 18-ka May shalay ka khudbadeeyay Fagaarayaasha inta badan Gobolada Dalka Gaar ahaan Magaalada Burco oo ay ku waabariisteen Hagaamiyayaasha Xisbiga Kulmiye, Boorama oo uu ka dhex-toosay Hogaanka sare ee UCID iyo Hargeysa oo Xukuumadu xooga saartay iyadoo dhinacyadan la filayo inay maanta sii anba qaadaan wadda xaajoodka muranka siyaasadeed ee ka dhashay Mudo kordhinta Guurtida sidii balantu ahayd.
Inkastoo saadaasha dadku kala duwanayd, aynu ku Horayno Hargeysa.
M. Rayaale
“Maanta waxa ay kaga duwan tahay sannaddihii hore ee aynu xusji jiray, dhamaan Somaliland Goboladeeda oo dhan ayaa laga xusayaa munaasibadan, guulaha ay ciidamadu gaadheen ee suuragaliyay inaynu xuduudaheenii iyo Goboladii inaga maqnaa gaadhno ayaa ah ta keentay in meelo aan laga xusi jirin xuskan maanta laga xuso.” Sidan waxaa hadalkiisa ku bilaamay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo shalay shacbiga reer Hargeysa kala hadlay Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa, Mudane Rayaale oo wakhtigii xilka loo soo doortay ku ekaa 15-ka May, Islamarkaana mudo kordhinta Guurtidu u samaysay muran ka ooganyahay waxaa uu dadka ku guubaabiyay is garabsi uu bulshada ku booriyay, Islamarkaana waxa uu ku dooday in Xukuumadiisu mudadii uu xilka hayay dedaal u gashay horumarinta dalka. “Waxa astaan inoo ah midnimada Qaranka, wada-jirka dal ahaaneed iyo dad ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno, taas ayaanaynu ku gaadhaynaa himiladeena dhaw iyo ta fog labadaba, taas ayaana ah ta aynu ku xusayno sannad-guurada 17-aad.” Ayuu yidhi md, Daahir Rayaale. Waxaana uu in taa ku daray oo uu yidhi. “Nabaddgalyadu waa arrinta ugu mihiimsan, shacabka reer Somaliland waxaan aad uga mahad-naqayaa sida qiimaha leh ee ay mar kastaba nabadgalyada dalkooda ugu feejigan yihiin ee ay ugu soo jeedaan. Bini aadamka Illaahay abuurtay waxyaabaha kale oo dhan way ku kala duwan yihiin, oo caafimaadka lama wada-wadaago, xoolaha lama wada wadaago, darajada lama wada-wadaago, ee waxa kaliya ee ummadu ay wada-wadaagtaa waa nabada.”
Muranka mudo kordhinta Xukuumada aqoonsiga uga baahan Mucaaradka Mudane Daahir Rayaale si sarka xaadis ah ayuu uga hadlay. “Waxaan idiin sheegayaa Xukuumad ahaan iyo Xisbiyada Qaranka wada-hadal ayaa noo bilaabmay, si fiican ayuu noogu bilaabmay, waxaananu rajaynaynaa balan dambe oo noo qabsooma insha Allaahu inaanu wanaag ku dhamaysano wixii noo dhiman.” Ayuu yidhi
Dhinaca wax qabadka ayuu sidoo kale milicsaday. “Safarkaygii ugu dambeeyay ee aan Imaaraadka ku tagay wixii aan kala soo kulmay Riigii ugu horeeyay oo ceelashii ugu horeeyay Koonfurta Hargeysa ka qodi doona hadii illaahay yidhaahdo, maadaama ay xagaa ka biyo la’adahay magaaladu, maantana wuu joogaa oo shalay ayuu ka soo degay Berbera.” Ayaa ka mid ahaa hadalkiisa Md, Rayaale waxaana uu sheegay in dunida oo dhan ay soo foodsaartay cuno yaraani, sidaa darteed-na waxaa uu soo jeediyay in la tabco oo wax lagala soo boxo dhulka.
Waxa kale uu soo qaaday baaqyada Beesha Caalamka iyo qaramada midoobay kaga hadlaan wixii la isku odhan jiray Somaliya waxaana isaga oo arrintaa ka hadlaya uu yidhi.“Waxaan maqlayay UN-ta oo leh Soomaaliya Ciidamo ha la keeno, fariinta aan halkan uga dirayaana waxa ay tahay UN-ta iyo beesha Caalamku waa in aanay iska indho tirin xaqiiqada dhabta ah ee taala, oo laba dal oo la kala yidhaahdo Soomaaliya iyo Somaliland ayaa jira, oo midna yahay dal jira oo dimuquraadi ah oo shaqaynaya, midna baaba’ay, anaga oo rajaynayna in Illaahay dhibaatada ka saaro (Koonfurta Soomaaliya), maadaama ay jaarkeena yihiin. Beesha Caalamkana waxay ummadani xaq u leedahay ayaanu waydiisanaynaa inaanu ka helo.” Md Daahir Rayaale Kaahin waxaana aynu kaga gudbaynaa khudbadaa uu la horyimi shacbiga. “Waxaan ku boorinayaa bahda warbaahinta iyo qolyahayaga siyaasaduba inay dadka ka ilaaliyaan wax ala wixii xajiimaynaya wada-noolaanshaha iyo wada jirka shacbiga reer Somaliland , taas oo caqabad ku noqon karta geedisocodka horumarkeena.”
A. Siilaanyo
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo magaalada Burco kaga qaybgalay Xuska 18 May ayaa tilmaamay goobtii u horeysay ee lagaga dhawaaqay gooni isu-taaga Somaliland (Burco), waxaana uu ugu horayn hanbalyo u jeediyay Shacbiga reer Somaliland. Waxa Axmed Siilaanyo tilmaamay in Somaliland haysato Nabad gelo iyo Xasilooni. “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Kulmiye waxaan aad iyo aad u salaamayaa dawaynaha reer Somaliland ee xusaya 18may. Burcana waa halkii ugu horaysay ee laga taago calanka Somalind” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Waxanaynu halgan ugu jiray, in aynu dalkeena dhisno oo aynu horumar gaadhno iyo xasiloone, markaa manta waynu haynaa nabadii. Laakiin, dibu u dhacyo ayaa jira”
Axmed Siilaanyo waxaa uu sheegay in dib u dhacyada oo ay ka mid-yihiin shaqo la’aan iyo musuq-maasuq uu keenay maamulka jiraa, “Anagu KULMIYE ahaan, ma yeelayno in Geedi-socodkii Dimuquraadiyada in la waxyeeleeyo, ma yeelayno in ay waxaas oo Camal-la’aan ahi idin haysato, ma Yeelayno In Dhalin yaradu tahriib uga Haajiraan Dalka, waxaas oo dhana Waxa sababtay Siyaasad Xumada Xukuumada maanta Jirya ”
“Wixii caalamku inagu qiimaynayay madmadow ayaa soo galay” “hase yeeshee hadii ay wax inaga qaloocdeen waxa loo baahan yahay inaynu toosino” ayuu raaciyay
Isagoo ka hadlaya Axmed Siilaanyo wadahadalada la xidhiidha mudo kordhinta Guurtidu samaysay iyo muranada kale ee siyaasiga ah waxa uu yidhi. “Waa ogtihiin oo Madaxweynaha way ka dhamaatay Mudadii oo waxa ay kaga eekayd 15, May ee aynu soo dhaafnay Sadexda Cisho, wada hadalo ayaa noo socda oo waxa aanu isku noqonayanaa 19 May, (Maanta) waxana aad Ilaahay Nooga Baridaan in uu noogu dhamaado is Afgarad,” “Laakiin u dulqaadanmayno in ay lunto geedi socodkii dimuqraadiyadu” ayuu yidhi. Waxaana uu ku booriyay shacbiga inay ilaaliyaan Nabad -gelyada
Faysal Cali Waraabe
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Cali Waraabe oo isagu magaalada Boorama kaga qayb-galay Xuska 18-ka May ayaa khudbad uu dadweynaha magaaladaasi uu u jeediyay waxaa uu kaga hadlay xaalada dalka wakhtigan guud ahaan, Muranada siyaasadeed iyo xisbi ahaan ku talagalkooda.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID isaga oo ka hadlaya wada hadalada u socda Axsaabta waxa uu sheegay inay si weyn ugu rajo weyn yihiih in guul iyo is afgarad lagu soo gaba-gabeeyo, “Waxa ka soo baxay aan is aragno oo aan tashano ayaa ugu waynayd oo aan ka wada hadalnay waana ta ugu muhiimsan ee lagaga bixi karo duruufaha jira.” Ayuu yidhi waxaa uu ku guubaabiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama inay taageeraan cida garta ku taagan “Walaalayaal, reer Booramow hadii uu Rayaale na dulmayo naga qabta oo hangu eegina” Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID
Waxaana uu ka cudur daartay, tabashooyinka laga qabi karo weedhaha siyaasadeed ee ka soo yeedha. Faysal Cali Waraabe waxaa uu u muuqday Fagaaraha Boorama nin ku haysta taageero.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wax yar ka dib khudbadaasi ayuu hadana shir Jaraa’id ku qabtay hotel Rays ee magaalada Borama waxaanu kaga hadlay arrimo kala duwan. Gaar ahaana waxaa uu eedayn ugu jeediyay Ismaaciil Cumar Geele oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka nacabka u ah Somaliland .
Mar wax laga waydiiyay sida ay qorsheeyeen inay ku soo buuxiyaan Xubinta Xisbigoodu u soo xulay komishanka ee ka maqan waxa uu yidhi “Waan ku soo dhaqsanaynaa waana shuruud ay lacag badani ku xidhan tahay in xubnihii komishanku soo dhamaadaan anagu lugta ma jiidayno ee waan ku soo dhaqsanaynaa”,
In kasta oo Gudoomiyaha UCID si weyn ugu dhaganaa in la sameeyo diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha ka hor doorashooyinka, hadana su’aal arrintaa laga weydiiyay waxa uu sheegay inay ka soo horjeedaan in diiwaan gelintu noqoto aalad loo isticmaalayo muddo kordhinta,waxana uu yidhi “haddii ay noqoto diiwaan galintu mid la yidhaah ma suurtoobayso ee xukuumada xilka haloo kordhiyo, anigu waxa aan taageersanahay inta ka soo horjeeda.”
Dhinaca kale, sida ay ku soo waramayaan wariyeyaashayada Ceerigaabo, Laascaanood, iyo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka kale oo dalka, munaasibadda xuska 18 May si weyn ayaa shalay looga wada qayb qaatay iyada oo dalalka dibaddana ay jaaliyadaha reer Somaliland ay ku qabteen munaasibado miisaan leh.
Somaliland: Aragtiyaha caalamku ka bixiyay muranka siyaasadeed iyo rajada wadahadallada
By: Al-Motairi
Hargeysa (W. Wararka)- “Cadowga Somaliland, ayaa aaminsanaa in khilaafaadka siyaasadeed ee xilliyadan ka taagnaa Hargeysi ay horseedi doonaan kala-daadasho iyo burbur,” sidaa waxa lagu bilaabay maqaal uu qoray suxufi reer Tansaaniya ah, oo lagu faafiyay shabakaddaha wararka dalkaas.
Tan iyo intii la maqlay khilaafaadyada siyaasadeed ee ka dhexeeyay Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland, waxa aad dhegaha u taagayay dad badan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ku nool, isla markaana marka laga yimaado dadka u dhashay dalka, waxa iyaguna indhaha ku hayay Somaliland inta badan dhinacyada taageera Somaliland. Sidaas daraadeed, inkasta oo warbaahinta caalamka qaarkood u qirayaan inaanay Somaliland wax badan kala mid ahayn Soomaaliya, hadana waxay qaarkood muujinayaan in xukuumadda Somaliland hanaanka dimuquraadiyadeed ee ay qaadatay aanay si dhab ah uga tarjumayn. Waxayse warbaahinta caalamku aad u soo dhawaynayaan sidii degdega ahayd ee tanaasulaadku u yimaadeen. “Mar labaad, awoodii Somaliland ay u lahayd wadahadalka laga yeesho khilaafaadyada ayaa soo noolaatay. Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa isku raacay inay dib u riixdaan xilliga doorashooyinka. Somaliland , sida u caadada ah, waxay mashaakilaadkooda gudaha ku xaliyaan wadahadal, iyaga oo aan wax taageero ah ka helin dunida kale; had iyo jeerna waxay mashaakilaadyada yimaada kula tacaalaan hirgelinta habab iyaga u gaar ah oo ay xalka ku raadiyaan.” Sidaa waxa lagu faafiyay maqaal uu daabacay Wargeys ka soo baxa dalka Sucuudiga. “Ujeeddooyinka Somaliland, ayaa badbaadinaya danaha dadkooda, isla markaana kala fogaanta siyaasadeed ee xilligani ma geyaysiin karto inay u muuqdaan muuqaalka foosha xun ee Soomaaliya haatan ku jirto. Aad bay u wanaagsan tahay in la arko hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee Somaliland mucaarad iyo muxaafad-ba oo ka tanaasulaya kala fogaanshahoodii si ay dalkooda u badbaadiyaan. Tani waa mid gaar u ah reer Somaliland .” Sidaana waxa shalay daabacay Wargeyska The Time ee ka soo baxa dalka Tansaaniya. “Xisbiyada mucaaradku waxay isticmaalayaan xuquuqaadkooda dastuuriga ah iyo xaqa ay u leeyihiin inay ka dalbadaan madaxweynuhu inuu xilka iska casilo, maadaama ay dhamaadeen mudadii xilka loo doortay, waana calaamad muujinaysa qaan-gaadhnimada dimuquraadiyada.” Ayuu wargeysku qoraalkiisa ku raaciyay.
Shabakadda wararka esteem.com, ayaa iyana faafisay maqaal arrintaa la xidhiidha. “Labadaba Mucaaradka iyo Xukuumaduba waa inay xasiloonida dalkooda mudnaanta koowaad siiyaan, isla markaana hadii aanu dalka Somaliland jirin, Rayaale muu noqdeen madaxweyne, mucaaradkuna kumay dagaalameen booska hogaamineed.” Ayaa ka mid ahaa qoraalkii shabakaddaas. “Dawladda iyo mucaaradkuba waa inay fahansanaadaan in beesha caalamku si dhaw ay u eegayaan, oo sumcadii dalkooda dhaawac ku iman karo. Waa inay ogaadaan in cadowga Somaliland uu uga shaqaynayo si adag sidii ay u guuldaraysan lahayd dimuquraadiyada Somaliland , ee beesha caalamkana loo marin-habaabin lahaa.” “Xoghayaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrikaanka Dr. Frazier waxay xustay in maamulka Washington ay sugayaan natiijooyinka ka soo baxa doorashooyinka, waxaanay tilmaantay in maamulka dalkaasi uu go’aan kama dambays ah ku gaadhi doono natiijaddaas. Tani waa mid aad ugu muhiimah madaxbanaanida Somaliland , qarannimadeeda iyo dimuquraadiyadda.” Ayuu raaciyay qoraalkaasi.

Kulmiye maxaa ka qabsaday Boorama?
“Waa la soo dhaafay wakhti 20 sano ay dadkeenu sacabka Tumayeen” Ismaaciil Muumin Aare
Boorama-(Ogaal) – Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Aadan X.Muxumed Aaye oo ay wehelinayaan Ismaaciil Muumin Aar md, Ibraahim Aadan Qaalib oo labaduba ka tirsan xisbigaas ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Rays ee magaalada Borama kaga waramay talaabo la xukuumadu isku hortaagtay sida ay sheegeen iyo sida loola dhaqmay mar lagu gudo jiray u dabaal dega xuska Munaasibada 18 May 2008.
Gudoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Awdal Aadan X.Muxumed Aaye oo shirkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay micnaha mucaaridadu ay tahay toosin.”Xisbiga Kulmiye falkii maanta (Shalay) lagula kacay waxa uu ahaa dhaliil wayn oo ay yeelatay xuskii munaasibadani waxa ay ahayd in maadaama xisbigu yahay Xisbiga Koowaad ee Mucaaridka ah, in loo ogolaado kalmadii ku haboonayd iyo wakhtigii ku haboonaa labadaba mase dhicin taasi oo waa lanaga hor joogsaday in fariintayada aanu u gudbino dadwaynaha waxaanan tirsanaynaa cadaalad darro.”
Ismaaciil Muumin Aar ayaa sheegay in wakhtigan uu dalku u bislaaday Dimuqraadiyad waxwalbana ay haboon tahay in runta laga sheego, waxa isaga oo hadalkiisa sii wata uu ummada ku dardaaray inay ka waantoobaan sacabo tunka ay u samaynayaan xukuumada waxaanu yidhi ”waa la soo dhaafay wakhti 20 sano dhan oo ay dadkeenu sacab uun tumayeen walise dhaqankaasi dadbaa ka waantoobi la’a waxaanan leeyahay waar runta ka sheega, haloo sacabo tumo xilkuna waa meerto ee hala ogolaado in la tartamo oo cid walba ay hiigsan karto”.
Waxa kale oo uu Musharaxa Ismaaciil Muumin Aar si kulul u canaantay gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige oo uu ku tilmaamay mid isagu fuliya shuruuc aan la ogayn cid soo amartay waxana uu yidhi “waxa xaflada ka muuqatay in labadii xisbi qaran la kala jeclaysanayo oo midna la soo dhawaynayo midna ood cadaad ah la isaga hayo, waxa la noo diiday in microphone-ka aan qabsano xukuumada gobolka awdal ayaase ka masuul ah waxa kasta oo dhacay waxaanse ognahay in dadka reer awdal ay yihiin kuwo iyagu nabada jecel oo aan dhag u dhigay isla markaana aan raali ka ahayn waxa uu samaynayo maamulka gobolku.”
Mudane Ibraahim Aadan Qaalib Oo Isaguna ka hadlay Kulankaasi ayaa tilmaamay in falka lagula kacay Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal ay tahay talaabo khaldan “Waxa ay ku dhaqmayaan masuuliyiinta gobolku waa wax dadka iska horkeenaya oo ceeb ah ee ha ka foojignaadaan, Qaanuunka dalkana waxa fashiliyay madax banaanila’aanta hayadihii tarjumi lahaa guurtiduna waxa ay ku milantay xukuumada ee ha ciyaaraan kaalintooda”
Somalia: Dad uu ka mid yahay Ilmo yari oo weeraro lagu dilay
Kismaayo (Ogaal/Press TV)- Ilmo yar oo 10 sanno jiray iyo laba qof oo kale oo mid ka mid ah ahi ahaa Shaqaalaha Hay’adaha gargaarka ee ka hawl gala Somalia midkood, ayaa shalay lagu dilay meelo kala duwan oo Somalia ah.
Wiilka yare e 10 jirka ah iyo oday da’ ah, ayaa dhintay ka dib markii ay koox budhcad ahi weerar ku qaadeen Bas ay saarnaayeen gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Somalia . Odaygan dhintay ayaa awow u ahaa wiilka lala dilay. Sidoo kale waxa dhaawac halis ahi soo gaadhay siddeed qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii rakaabka ahaa ee Baska saarnaa.
Budhcadda weerarka ku qaadday gaadhiga Baska ah, ayaa Rasaas ku furay ka dib markii sida uu weriyay TV-ga laga leeyahay dalka Iran ee Press TV, ay isku dayeen inay joojiyaan Baska, si ay lacag baad ah uga qaadaan. Hase ahaatee, uu darawalkii Basku isku dayay inuu la baxsado Rakaabka.
Dhinaca kale, Koox kale oo hubaysan ayaa toogasho ku dishay mid ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha gargaarka ee ka hawl gala Magaalada Kismaayo. Marxuumka la dilay ayaa waxa uu u ahaa Madaxa barnaamij ay Ha’yadda Horn Relief oo ka shaqaysa nabadda iyo horumarku ka wadday Magaalada Kismaayo.
Ra’iisal Wasaaraha Kenya oo beeniyay inay ilma-adeer yihiin Barack Obama
Nairobi (Ogaal/Daily Nation)- Ra’iisal Wasaaraha dalka Kenya, Mr. Raila Odinga, ayaa dedafeeyay inay ilma-adeer yihiin Musharaxa jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Mr. Barack Obama.
Sida uu sheegay Afhayeenka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM, ahna Ra’iisal Wasaaraha Kenya Mr. Odinga, dedafaynta Ra’iisal wasaaruhu ee arrintani waxay ka dambaysay ka dib markii bishii hore ee April ay laba Baadari oo Diinta Kiristaanka ahi sheegeen in Mr. Odinga iyo Obama ay yihiin Ilma-adeer, Mr. Odinga-na uu yahay nin aaminsan mabda’a Hanti-wadaagga, tababarna ku soo qaatay bariga dalka Jarmalka. Halka Mr. Obama ay ku sheegeen inuu yahay nin Muslim ah. Isla markaana ay labadoodu saacad walba wada hadlaan. “Tilmaamahaa aan caqli-galka ahayni waa kuwo looga dan leeyahay dhaleecayn dhinaca sumcadda ah” sidaa waxa yidhi Afhayeenka Mr. Odinga, Salim Lone oo u waramayay Jariiradda Sunday Nation (Daily Nation) ee ka soo baxda dalka Kenya . Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in arrintani tahay mid looga dan lahaa in sumcadda Raila Odinga wax loogu dhimo intii uu ku gudo jiray Doorashadii dhiiggu ku daatay ee dalka Kenya . “Dacaayadahaa ah in Ra’iisal-Wasaare Odinga yahay Hanti-wadaag, waxa looga dan lahaa in hoos loogu dhigo sumcadda Raila Odinga intii ay socdeen ololihii Doorashooyinkii dalka ka dhacay” ayuu raaciyay Salim Lone, afhayeenka Raila Odinga.
Mr. Barack Obama, musharaxa jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka, waxa uu ka soo jeedaa deegaanka Nyangoma-Kogelo ee galbeedka dalka Kenya . Halkaas oo qaar badan oo ka mid ah qaraabadiisa, oo ay ka mid yihiin Ayaydii hooyo iyo adeerkii ay ilaa hadda ku nool yihiin.
Barack Obama iyo Ra’iisal Wasaaraha Kenya , ayaa ka soo wada jeeeda qabiilka la yidhaahdo Luo, oo ka mid ah qabiillada ugu ballaadhan Kenya . Arrinta kale ee xusidda mudan, ayaa ah in ay labadooda hooyo ka soo wada jeedaan hal qabiil. Taas ayaa la aaminsanyahay inay kalliftay in lagu tilmaamo niman ilma-adeerro ah. Hase ahaatee, Afhayeenka Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay inaanay ilma-adeer ku ahayn qabiilka ay ka soo wada jeedaan awgeed. Balse ay qabiilka Luo ee ay ka soo jeedaan labada Masuul, ay dhaqan ahaan ilma-adeerka u yaqaanaan carruurta ay dhalaan laba qof oo qabiilkaasi ka soo jeeda.
Dhinaca kale, bilihii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mr. Barack Obama uu Muslim yahay, ka dib markii mid ka mid ah Website-yada lagu baahiyay sawir uu xidhan yahay dharka muslimka, isla markaana uu la sawiran yahay Sheekh ka mid ah Soomaalida deegaanada Waqooyi-bari ee dalka Kenya .

Maanta ma noqon doontaa 28-kii February oo kale?
Barkhad M. Kaariye
Waxay la tiicayeen umalkii iyo dhaawacii ka soo gaadhay dhibaato bar-bilowgeedu ahaa dhacdo madaxa la kacday 27-kii bishii December 2007. Waxa wali dhegahooda ka sii guuxaya sanqadha Rasaasta lala dhacayay maatida iyo xoogga bulshada oo dhalinyarada ah. Waxa Maskaxdooda ku sii sawiran sawiro naxdin leh oo araga indhuhu gudbiyeen. Qiiqa madow ee ka baxayay Guryaha hurushoobay ama bes-beelay, Maydadka dadka sida Qoryaha la deebiyay ama nolosha lagu dubay iyo dhiigga dadkii Faashashka iyo Mindiyaha lala dhacay, ayaa sidoo kale ahaa sawiro aan wali ka bixin Kaydka Maskaxda ee xusuusta.
Waxa aanay wali ka samrin ilaa 2-Kun oo qof oo eheladooda ahaa oo la jarjaray badankooda, waxa kaga sii damaq badan iyaga laf ahaantooda oo aan nolol wacan haysan, badankooduna dibad-yaal yihiin ama Qaxooti. Sidaas oo ay tahay, ayaa haddana ay in badan aad u jeclaayeen inay dhegahoodu maqlaan hal Kelmad ka soo yeedha dhinacyadii sababta u ahaa dhimashada intaas oo qof iyo dhaawaca in ku dhaw 3-kun oo kale. Waxay diyaar u ahaayeen inay kelmaddaas ku doorsadaan tirada intaa le’eg ee ka dhimatay, oo ay kaga samraan. Muddo laba bilood ah ayay sugayeen inay maqlaan kelmaddaas, kuwaas oo ku rejo waynaa inay mar uun maqli doonaan. Waliba akhriste ku darsoo, waqtiga ay diyaarka u ahaayeen inay maqlaan kelmaddaas oo ay ku qancaan, waxa wali sheegnay sii qoyan raadadkii dhibta, oo sawirka ugu ballaadhani ahaa dadka qaxootiga ah ee Cudurada iyo biyo-la’aantu hayso.
Dalku waa Kenya , dhacdada bar-bilowga u ahayd dhibaatada ay dadku gocanayeen waa ku-dhawaaqiddii natiijadii Doorashooyinka dalkaas, oo kalliftay dhimashada ilaa 2-kun oo qof muddo laba bilood gudahood ah ku naf waayay. Kelmadda ay dadku inta badan sugayeen waxay ahayd WAANU HESHIINAY. Iyaga oo ka sugayay inay kelmaddaasi ka soo yeedho dhinacyadii siyaasadda ee Mucaaradka iyo Muxaafadka (ODM iyo PNU). Laga soo bilaabo 27-kii December 2007 ilaa February 2008 ayay naawilayeen inay mar uun maqlaan kelmaddaa. Taas oo ay aakhirkii maqleen.
Wada hadallada iyo dhexdhexaadinta labada dhinac ayaa socday muddadaas. Waxa gadh-wadeen ka ahaa dhexdhexaadintaa Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Mr. Kofi Annan, oo aakhirkii ka midho dhaliyay.
Waxay sidaa ahaataba, 28-kii bishii February 2008, abbaaro 5:08 galabnimo ayay ahayd markii wel-welkii ka hayay shacabka reer Kenya in uu kulankaasi midho-dhal noqon doono iyo in kale, uu meesha ka baxay, ka dib markii waqtigaa lagu dhawaaqay in labadii dhinac ee Mucaaradka iyo Xukuumaddu ay ku heshiiyeen in khilaafaadka la dhammeeyo oo dawlad wadaag ah la dhiso.
Somaliland laga soo bilaabo bishii 10 April 2008, oo ahayd waqtigii ay Golaha Guurtidu muddo-kordhinta u sameeyeen Madaxweynaha hadda sharciyaddiisa laga wada hadlayo Md. Daahir Rayaale Kaahin. Intii ka dambaysay waqtigaa Axsaabta Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inaanay Rayaale u aqoonsan doonin Madaxweynaha Somaliland wixii ka dambeeya 15-kii May ee aynu ka soo gudubnay.
Ka hor intii aan la gaadhin waqtigaa, ayaa waxa bilaabmay dhaqdhaqaaqyo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac ee Mucaaradka iyo Xukuumadda. Inkasta oo qaar ka mid ahi aanay midho-dhal noqon, haddana aakhirkii waxa suurto gashay in kulamo laysugu keeno.
Qof kasta aragti uu ka haystayba 15-ka May waxa dhacaya, oo oo runtii calaamad-su’aal saarnaa mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, markii ay waqtigii 15 May ka hadhsanayd ilaa 12 saacadood, ayay suurto-gashay in kulankii ay isugu yimaadeen dhinacyada Siyaasadda ee dalku, oo ay kulamadii hore wakiillo ka ahaayeen Masuuliyiin kala mansab duwani. Waxa si fool-ka-fool ah isugu hor fadhiistay Masuuliyiinta ugu saraysa saddexda Xisbi Qaran, ama aan si kale u yidhaahdeen Labada Guddoomiye Xisbi iyo Madaxweynaha oo waqtigaa aan wali muran galin Madaxweynenimadiisa. Laga soo bilaabo maalintaa oo ahayd Maalintii arbacadii toddobaadkii hore, oo ay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin kulmen, waxay dadku ka dhursugayeen waxa ka soo baxa kulankaa, oo la odhan karo qof kasta oo bulshada ka mid ahi wax uu qabtay way yarayd inuu u kuurgalo inuu ogaado maxsuulka ka soo baxa shirkaa mooyaane, oo la filayay in habeenimadaa ay bisha May 15 noqonaysay lagu dhawaaqo. Hase ahaatee, inkasta oo aan kulankaa waxba ka soo bixin, haddana waxa loogu ballamay kulan dambe oo laysugu yimaado maanta oo ay bishu tahay 19 May 2008.
Haddaba, isweydiintu waxay tahay, SHACABKA SOMALILAND MAANTA MA U NOQON DOONTAA 28-KII FEBRUARY EE SHACABKA KENYA KA GUDBEEN HALKA MAANTA AY IYAGU TAAGAN YIHIIN?
Dabcan, dadku waxay isweydiinayaan, maxaa ka soo bixi doona kulanka maanta? Isaga oo uu qof waliba jecel yahay in kulankani ka soo baxdo kelmaddii ka soo afjartay kulankii Xukuumadda iyo Mucaaradka Kenya ee ahayd, WAANU HESHIINAY. Isla markaana la soo afjaro khilaafka siyaasadeed, oo lagu soo dabaallo is-af-garad iyo isu-tanaasul. Taas oo looga fadhiyo Siyaasiyiinta oo ay ugu horeeyaan saddexda hoggaamiye Xisbi. Waana inay maanka ku hayaan siyaasiyiintu in umaddu u baahan tahay degannaansho iyo wada-noolaansho, oo aan lagu kala durkin ficilo iyo hadallo loogu adeeganayo dano gaar ah oo ay ugu danaysanayaan maslaxaddooda siyaasadeed.
Shalay iyo Jawiga Muuqaalkii fagaaraha Beerta Xoriyada
Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Waxay ahayd goob amaankeeda aad loo adkeeyay, waxa dacalada ka joogay ciidamo aad u gaashaaman, inta aanad gaadhinba waxa dhegaha dadka ku soo dhacayay codadka heeso wadani ah, oo ka soo duulayay cod-baahiyayaal qaylo dheer oo lagu sii diyaariyay halkaas iyo meelo badan oo badhtamaha magaalada ah. Waxay goor-sheegtu miridho yar dhaaftay 7:00-dii subaxnimo ee shalay markii aanu gaadhnay fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa, oo sida caadada ah sannad kasta lagu qabto xusaska noocan oo kale ah. Waxa si is-daba joog ah ugu soo qul-qulayay halkaas dadweyne aad u tiro badan. Dabcan ujeedada ay u soo baxeen wakhti hore, ma dedna, waa xuska maalinta gooni-isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa dadka qaarkii ku xardhanaa dhabanadooda iyo Wejiyadooda Calanka Somaliland oo qalin ah, dadka qaarkii ayaa soo huwaday calanka Somaliland , waxaana laga dheehan karayay wajiyadooda farxad iyo shucuur aad u saraysa, oo muujinaysa maalinta Qaran ee la xusayo. Hase ahaatee, waxa farxadda dadka qaarkii kala dhantaalay, ka dib markii loo diiday inay ka gudbaan qaar ka mid ah Irridaha laga galo madasha. Halka qaarkoodna gacanta askartu ula tagtay.
Cabdillaahi Cali waxa uu ka mid ahaa dadka u soo kallahay ka qaybgalka xuska 18-ka May, waxa gacanta ula tagay oo garaacay qaar ka mid ah Ciidankii Ilaalada goobta. Halkaas oo markii dambe lagu qaaday mid ka mid ah baabuurta Ciidamada ee meesha ku sugnaa. Diidmada dadka loo diiday inay halkaa ka gudbaan, waxa u dheeraa haddidaad.
Albaabada laga galo madasha Xusku ka socday, ayaa ahaa kuwo la moodayay in Ciidamada hor taagani ku ballameen inaan Suxufi kaliya la siin daynin, marka aad eegto sida loo celcelinayay Suxufiyiinta intii aan baabuur la soconin.
Dadka tirada badan ee cad-ceedda taagnaa waxay sugayeen in ay halkaasi kala hadlaan masuuliyiinta wadanka ugu sareysaa, maadaama xaalada lagu jiraana tahay mid aad u xasaasi ah.
Inkasta oo uu Madaxweyne Rayaale ka dib dhacay waqtigii uu sanadkii hore xuskan-xuskiisii yimid oo ahayd 8:02 subaxnimo, haddana waxa uu soo gaadhay Fagaaraha Xuska goor-sheegtu waqti ay dul taagnayd 8:45 daqiiqo, isaga oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin. Sida caadiga u ah Madaxweyne Rayaale, waxa hor iyo hareerba ordayay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada.
Md. Rayaale wuu ka lebbis duwanaa sidii looga bartay sanadkii hore iyo sidoo kale Xusaska caadiga ah ee noocan oo kale ah, oo uu caadiyan xidho Suudh. Waxa uu xidhnaa Garan ay ku xardhan tahay ‘Waa muqaddas madax-banaanida Somaliland…Waan jeclahay Somaliland ..18 May’ iyo ereyo la mid ah. Waxa uu sidoo kale xidhnaa Koofiyad uu wajahadda hore kaga sawiran yahay Calanka Somaliland.
Waxa uu albaabka dambe ka soo galay dalaalnimada kaligeed hadhka ka leh beerta Xorriyada, oo loogu taloglay inay Masuuliyiinta Golayaasha iyo Xisbiyada Qaranku fadhiistaan. Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa isku gedaamay goobtaas, oo ay fadhiyeen Masuuliyiin badan oo ka kala tirsan Golayaasha iyo Axsaabta Qaranka. Maadaama, madaxweyne Rayaale aan looga baran inuu dhinaca dambe ee dadka ka qarsoon ka soo galo fagaaraha ay Masuuliyiintu fadhiistaan, dadku ma arkaynin intii hore oo dhan. “Madaxweynihii miyaanu iman, waa tan Ilaaladiisii meesha qarisaye?” su’aashaasi waxay ahayd mid ay isweydiiyeen raxan ka mid ah dadkii madasha ku sugnaa oo taagnaa meel aan sidaa iiga sii fogayn. Sababtoo ah, iyaga oo aan arkaynin Madaxweynaha, ayaa haddana waxay dareemeen dhaqdhaqaaqa xooggan ee ciidamada ee madasha ku soo kordhay. Hase ahaatee, dadweynihii waxay mar kaliya ku war heleen Madaxweynaha oo soo taagan fagaaraha qaybtiisa sare ee khudbadaha loogu talo galay oo ay garab-tuban yihiin Madaxweyne-xigeenka iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, isla markaana u diyaar-garoobay qaadashada salaanta cutubyo ciidamada ka tirsan. Wejiyada dadka iyo dareenkooda guud ayaa laga dareemi karayay jawaabta ay dareen ahaan ka bixiyeen labbiska Madaxweynaha.
Madaxweyne Rayaale 9:02 ayuu bilaabay khudbad aad u koobnayd marka loo eego tii ay dadku ka sugayeen. Taas oo isku celcelin ahaan socotay muddo ka yar 9 daqiiqo ah. Wuxuu kaga hadlay arrimo aan sidaa u sii badnayn. Inkasta oo aanay dadku sacab badan u tumayn khudbadda Madaxweynaha, haddana waxa sacab la isla oogsaday markii uu Madaxweyne Rayaale sheegay inuu dalka keenay Riig lagu soo saari doono Biyaha. Sacabkaas oo laga dareemi karayay in biyo-laaantu tahay baahida waqti xaadirkan dadka haysa.
Wuxuu rejo ka muujiyay shirka ay maanta isugu iman doonaan Axsaabta Qaranka iyo Xukuumaddu, oo uu sheegay inuu ka filayo inay wax wacani ka soo baxaan. Wuxuu qaaday ballan kale oo dadka qaarkii ula muuqday mid ka mid ah ballan-qaadyadii uu hore munaasabadaha noocan oo kale ah ka shaacin jiray. “Dawladdu waxay ballan qaadaysaa inay dalalka jaarkeeda ah nabad kula noolaato…dalalka ay wax inoo dhaxeeyaan inay ka hawlgasho inaynu heshiis la saxeexano ayay dawladdu ballan qaadaysaa” weedhahasi waxay ka mid ahaayeen ballan-qaad uu Madaxweyne Rayaale halkaa ka shaaciyay.
Md. Rayaale waxa uu u muuqday nin in badan ku soo talo galay inuu ka gaabsado hadallada uu odhan jiray Mucaaradka iyo sidoo kale ku faanka waxyaabaha qaarkood oo uu sheegi jiray inay Xukuumaddiisu qabatay. Waxaanu khudbaddaa kooban gunaanadkeedii hadalkiisa ku soo gebogabeeyay, “Runtii maanta umaan iman inaan khudbad dheer halkan ka jeediyo, oo waanigii dhawaan labada Gole ka hor jeediyay. Laakiin kaliya waxaan u imid inaan idinkala qaybgalo farxadda Xuska 18 May”
Isku soo wada duuboo, marka loo eego khudbadaha Masuuliyiintu halkaa ka yidhaahdeen, Muuqaalka madasha iyo guud ahaan Magaalada Hargeysa, Munaasibaddan 18 May ee sanadkani la odhan karaa waxay ahayd mid guud ahaan ka duwan kuwii hore ee la midka ahaa.
Degmada Wajaale iyo damaashaadka Fardaha
Wajaale (Ogaal) – Xuskan maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ayay dadweynaha ku nool Degmada Wajaale si weyn u muujiyeen shalay.
Boqo laal qof oo ka mid ah dad-weynaha ku nool degmada Tog-wajaale ee ka tirsan gobolka Gabiley ayaa saaka munaasibada maalinta qaran-nimada Samalliland ee 18 may u xusay si ka duwan sidii looga dabaal degay magaalooyinka kale ee dalka, waxaa subaxdii hore dadwaynaha oo isugu soo baxay meel fagaara ah waxay qaarkood ku dabaal dagayeen koox farda ah oo gaashaaman iyo dhalin yar aad u tiro badan oo ku labisnaa dhar lagu muunadeeyay ama u eg calanka Somaliland.
gudoomiyaha degmada Wajaale Qawrax Muuse oo dad-waynihii halkaa isugu soo baxay la hadlay ayaa sheegay inay Tog Wajaale tahay, meel ka sokow qaranimada ay la wadaagto dalka madax banaanideeda degmanimo dhamays tiran tahay wakhtigan, dakhligeediina gaar looga dhigay.
waxaa kaloo isaguna ka mid ahaa odayada halkaasi ka hadlay Cismaan Miigane Suldaan oo faahfaahiyay Taariikhda Wajaale oo uu ku tilmaamay mid facweyn leh, oo ganacsiga caan ku ah.
Xuskan maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may si weyn looga dareemay Magaaladaasi, taasoo sababteeda wariyayaashu ku sheegeen inay tahay mid ka dhalatay dakhliga degmadaasi oo madax-banaanaaday ka dib markii dhawaan la magacaabay, waxaana ay dadweynaha magaaladaasi xasuusisay oo uu waliba ka xamaasad badnaa Sanadguurada qaranimada Itobiya (Hayaa-Gunbod) oo laga dareemi jiray magaaladaasi xuduudka ku taala. Iyadoo aan xusaskii hore ee qaranimada Somaliland sidan oo kale looga xusi jirin. “Sanadihii hore xuska 18 may inay jirtay iyo in kale mabaanu ogayn oo dakhligii lagu samayn lahaaba oo dhan waxaa la gayn jiray Gabiley” Sidaa waxaa yidhi Maxmuud Sheekh
Iyadoo magaaladaasi si weyn weli ay uga socoto dareeno ka dhan ah Maamulka Gebilay oo iyagu ka hor jeeda sida lagu soo waramayo madaxbanaanida dakhliga Wajaale oo muran ka dhex-abuuray labada dhinac

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: