Laba baabuur oo waday lacag gaadhaysa 350 milyan oo lagu qabtay kaantaroolka barri ee Laascaanood.

 

Laascaanood(sl.no) 17 may 2008 – Waxaa shalay galab lagu qabtay kaantoroolka barri ee magaalada Laascaanood laba baabuur oo nooca ssomaalidu utaqaan waraadka kuwaas oo ka yimi magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland kuna socda Gobolka Sool.

Baabuurtan ayaa waxaa qabtay ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan kaantoroolka barri ee magaaalada Laascaanood kadib markii ay halkaasi soo istaageen baabuurtan oo ka timi magaalada Boosaaso iyadoo baabuurtani ay usocotay magaalooyinka Gobolada SSC gaar ahaana dhanka Hawdka sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool.

Waxa ay hadda ku xaraysan yihiin baabuurtan waday lacagta gaadhaysa 350 milyan saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood waxaana halkaasi ku haya oo la wareegay ciidamada Police-ka ee magaalada Laascaanood iyadoo ay hadda socoto baadhitaan ku aadan ujeedada lacagtan loogu soo diray Gobolka Sool waqtigan.

Masuuliyiinta Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxa ay shabakada afnugaal u xaqiijyeen in lacagtan ay soo direen maamulka Puntland una soo direen sidii hawlgal loogu samayn lahaa taas oo ay ugu talo galeen inay ku fusho hawlgalo ka dhici lahaa Gobolka Sool iyo Cayn taas oo ay masuuliyiinta maamulka Puntland ku tilmaameen inay tahay hawlgalo mudooyinkii udanbeeyay ay ka wadeen agaasi.

Hadaba lacagtan maamulka Somaliland ee Gobolka Sool uu qabtay ayaa waxa ay tahay lacagtii ugu horyasay ee intaa le’eg oo ay qabtaan lacagtaas oo ka timaada maamulka Puntland una soo diraan Gobolka Sool iyo Cayn si hawlgalo ka dhan ah maamulka Somaliland halkaasi looga qabto.

Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: