Wararkii u Dambeeyey ee Kulamada Xukuumadda iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka

Hargeysa (sl.no)- Kulan ballaadhan oo qaatay muddo lix saacadood ah oo ay gelinkii dambe ee shalay markale isku soo horfadhiisteen Madaxweyne Rayaale iyo

hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ah, ayaa ku dhammaaday iyadoo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, kadib markii sida la sheegay labada dhinac isku weydaarsadeen doodo dhaadheer oo salka ku haya arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin.

Ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola kulankaas ayaa xaqiijiyey xalay in labada dhinac ku kala aragti duwanaayeen doodahooda, isla markaana aannu jirin wax tanaasul oo ay miiska wadahadalka la yimaaddeen, waxaanay ilahaasi tibaaxeen in ugu dambayntii la isla qaatay in la sii wado wada-xaajoodyada, dhinacyaduna shirar gooni-gooni ah ka soo yeeshaan afkaaraha lays dhaafsaday, kadibna kulan saddexaad isugu soo noqdaan Isniinta foodda innagu soo haysa oo ah maalin kadib xuska dabbaaldegga maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May 2008.

Kulanka dhexmaray muxaafidka iyo mucaaradka oo ay dhinaca xukuumadda uga qaybgaleen Madaxweyne Rayaale, Ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha oo aan isagu ka qaybgelin kulankii koowaad ee labada geesood iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, iyadoo KULMIYE-na ay u metelayeen saddex xubnood oo kala ah Guddoomiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo labadiisa ku-xigeen Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Faarax, halka xisbiga UCID ay uga qaybgaleen Guddoomiyaha Eng. Faysal Cali-waraabe, Xoghayaha Guud Maxamed Xasan Baashe iyo Afhayeenka xisbiga Mr. Xasan Xuseen, waxana la sheegay in dhinacyadu isku waydaarsadeen doodo dhaadheer oo dulucdoodu ku qotonto arrimaha sida weyn laysugu khilaafsan yahay oo ay xuddun yihiin go´aankii muddo-kordhinta Golaha Guurtida, dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weliba qabashada doorashooyinka soo fool leh ee golayaasha degaanka iyo Madaxtooyada.

Kulanka wejiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya xukuumadda iyo axsaabta mucaaradka ah oo socday intii u dhexaysay 2:00 duhurnimo ee shalay ilaa 8:00 fiidnimo ee xalay, ayaa la sheegay in gunaanadkii labada geesood iskula waafaqeen in la isugu soo noqdo kulan saddexdaad, kadib marka dhinacyadu gaar-gaar uga soo shiraan doodaha iyo aaraahda lays dhaafsaday, si xal kama dambays ah looga gaadho khilaafyada cakiran ee waqtigan dalka ka aloosan.

Labada geesood ee muranku u dhexeeyo ayaa kulankii u horreeyey ee wadahadallada oo u furmay Arbacadii la soo dhaafay waxa ay ku heshiiyeen arrimo ay ka mid yihiin; in la joojiyo dacaayadaha laysu marinayo qalabka warbaahinta, in layska dhawro wixii waxyeellaynaya nabadgelyada, iyadoo si weyn loogu dhegtaagayo natiijada kama dambaysta ah ee ka soo baxda kulamada u bilowday xukuumadda iyo mucaaradka, kuwaas oo khilaafkoodu si weyn u gilgilay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamka ee daneeya arrimaha Somaliland.

Isha: Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: