Madaxweyne Ku-xigeenka oo Shir Jaraa’id Shalay Ku Qabtay Hargeysa kagana Hadlay Arimo Kala Duwan.

Hargeysa, (sl.no) – Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Shalay shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadaly arimo badan oo dhinaca sharciga iyo khilaafaadka siyaasiga ah oo dalka soo maray kuwaas oo dhamaantood uu sheegay in lagaga baxay wada hadal iyo is af-garad oo rag u kacay rabina taageeray.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland waxa uu shirkiisa jaraa’id ee shalay ka akhriyay qoraal dheer oo uu kaga hadlay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, arimaha dhinaca sharciga, xaaladihii dalku soo maray iyo sidii loo xaliyay iyo muranka maanta u dhexeeya xukuumada iyo asxaabata mucaaridka ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin qoraalkii dheeraa ee uu ka akhriyay shirkiisa jaraa’id ee uu ku qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:

“Marka hore waxaan salaan iyo faraxad iyo rayn-rayn u dirayaa dhamman Shacbi-weynaha Somaliland meel kastooy joogaan. Waxaan ugu habalyaynayaa maanta oo ay Somaliland gaadhay qaangaadhkii ay qaan gaadhi jireen dhalinyaradu oo ay maanta gashay Sannadkii 18aad ee dib ula soo noqoshadii xornimadeenii aynu kala soo noqonay Somaliya, kadib markii aan la mahadin isu taggeenii.

Maanta waxa ah wax lagu faano in inankii Somaliland uu yahay Gaashaan-qaad taladii waddankana uu soo geli doono dhawaan Somalilandna ay ka baxday curdan-dhadhintii ay isu bahaysteen cadawga gudaha iyo ka dibadduba.

Haddaba, haddii aan dib ugu noqdo sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay Somaliland iyo jaran-jarooyinkii ay soo martay waxaan soo marnay dhacdooyin farabadan oo faraxad iyo naxdinba leh, Ilaahayna inaga samata saaray qalooc badan oo loo geystay Qaranka.

Wadanku wuxu soo maray halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray wixii hanti taalayna haddii ay tahay (hanti ma guurto ah iyo mid guurto ahba 100 sannadood mar keliya ay baaba’day). Taas waxaa lagu ilaabay Xornimadii qaaliga ahayd ee la helay iyadoo mar ciiddaba laga quustay.

Haddaba, nasiib-darrada jirtay waxay ahayd in wadanka markii la soo galay iyadoo loo kala socdo laba garab oo ah mid Siyaasiya iyo mid Ciidan iskuna xidhnayn isna aaminsanayn, waddankana la xoreeyey.

Haddaba, Axdi qarameedkii SNM wuxuu qorayey in labada Sannadood ee u horreeyey ay wadanka hoggaanka u qabtaan SNM Hoggaamiyaha markaa hayaana uu noqdo Madaxweynaha, Xukunkana hayo muddo laba sannadoo ah. Waxaana naasiib u yeeshay Madaxweynihii marxuum C/raxmaan Axmed Cali iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac inay hoggaanka wadanka u qabtaan muddadaas. Shirkii u horeeyey oo laysugu yimid Burco 1991kii ayaa lagaga dhawaaqay lasoo noqoshadii Somaliland 18 May, taasoo ku noqotay lama filaan siyaasiyiin badan lakiin u dhacday sidii Alla doonaayey dadkii uu doonaayeyna ku fuliyey in ay Somaliland madax-bannaanideeda ku dhawaaqaan. Rag u badnaa Jabhaddii S.N.M iyo waxgaradkii ayaa kelifay in lagu dhawaaqo, in yar oo Siyaasiyiin ahna way ku weheliyeen.

Haddaba, nasiib darrada dhacday waxay noqotay labadii garab ee Siyaasiga iyo Askariga ahaa si fiican umay calfan labadaa sannadood ee talada dalka ay hayeen iyaga oo dagaal hubaysan iskaga hor yimid, dagaalkiina lagu fuliyey qaab qabiileed. Taasoo galaafatay in ay ku nafwaayaan nafo badan qaar badanina ku laxaad beeleen dad badanina ku baro kaceen muddo ku dhaw sannad Magaalada Berbera ay haawanaysey. Hantidii Somaliland ee ka badbaaday dagaalkii horena halkaa ku socotay, nasiibwanaag beelihii fidnada la dhex dhigayna waxa lagu heshiisiiyey Sheekh, ilaahayna heshiiskaa u geliyey hawo caafimaad oon reebin turxaan dambe.

Madaxweyne C/raxmaan Alla haw naxariisktee, waxa lagu xasuutaa dulqaad qayrul cadiya, gaadhiga waxa lagaga dejiyey suuqa badhtankiisa rasaas ayaa loogu soo geliyey Madaxtooyada. Waxaana nasiib wanaag ahaa inaanu kursiga ka cararin looguna yimid, haddii u ka tegi lahaana laba dambe ismay haybsateen, waxa ka mid ahaa hadalladiisa. “Anigu waxaan jecelahay inaynu koonfur yeelno nidaamka Co-federal laakiin haddii la soo noqoshadiina ku adkaysanaysaan 20 (labaatan) sannadood waydin gaadhi waxaad doonaysaan.”

Somaliland mar labaad bay isugu timid Shirweynihii ka dhacay Boorama 1993kii oo socday 5 bilood halkaana lagu soo unkay dawlad cusub oo hor leh oo uu hoggaaminaayo Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ku-xigeena u yahay C/raxmaan Aw-Cali Faarax. Madaxweynihii hore ee C/raaxmaan Axmed Cali-na wuxuu si sharaf leh ugu wareejiyey munaasibadaas Madaxweynaha lagu doortay Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Muddadaa dheer ee Shanta (5) bilood ah arrimo badanbaa lagu gorfeeyey laguna xalliyey waxa lagu aasaasay Axdi qarameed cusub oo waddanka lagu hago. Waxaa lagu sameeyey laba Gole sharci-dejin (Guurti iyo Wakiillo) waa markii ugu horeeysay ee ay ka dhex muuqdaan Beelaha darifyadu labada Gole ee Sharcidejinta. Sidaana lagu soo gunaanaday laguna doortay Madaxweyne Cigaal May 5, 1993kii. Laguna caleemo saaray laguna soo gelbiyey Hargeisa, halkaasoo ay ka muuqatay jawi farxadeed oo markale quluubtii Beelaha Somaliland ilaahay isku soo jeediyey.

Muddada xilka loo igmadayna oo ahayd Saddex sannadood iyadoo markii dambe lagu daray 18 bilood ilaa shirka dambe ka qabsoomayey. Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu markiiba ku dhaqaaqay in uu dhiso dawladdiisii oo u badan Saraakiishii garabka S.N.M, taasoo ka cadhaysiisey garabkii ka soo hor jeeday.

Wuxuuna unkay Saddex Ciidan Qaran oo ah Milatari, Boolis iyo Asluuba leh. Wuxuu dib u kiciyey hay’adihii dawladda oo dhan. Dhammaan wuxuu hubkii kala wareegay Maleeshiyooyinka daadsanaa wadooyinka min Berbera, ilaa galbeed. Taasoo saamayn weyn ku yeelatay in dawladdu badhida dhulka dhigto. Waxa kale oo uu waddanka u sameeyey lacagtan Somaliland Shillin, iyo isaga oo Beelihii isu soo dhaweeyey walaaleeyeyna, laakiin nasiib darada dhacday waxay noqotay markii lacagta Somaliland taalay bil dalka in dagaal lagu curyaaminaayo dalka, dib loo bilaabay oo ay wadaan siyaasiyiin laakiin lagu kicinaayo qaab qabiil. Sababta oo ah hadii ninka siyaasiga ahi aanu waqtigaa ku hurin qaab qabiil waanu u soconayn dagaal.

Waxaanu noqday dagaalkii u dheeraa ee wiiqa Somaliland xag nafood, xag dhaqaale, xag dhisme dibna u bur-buriyey kaabayaashii dhaqaale oo dhan, dagaalkaas oo huray Badhtamihii 1994kii socdayna ilaa dabayaaqadii 1996kii taasoo ilaahay ka badbaadiyey in Somaliland marlabaad ku dhacdo Haawiya ama meel aan laga soo qaban karin. Sababtoo ah dagaalkaasi wuxuu isaga booday min Hargeisa ilaa Togdheer isaga oo naafeeyey oo bur-buriyey Golihii Wakiillada ee waqtigaa jiray ee uu hoggaaminaayey Xaabsade una kala jabiyey laba qaybood. Mushkiladda Golaha kala jabisay waxay ahayd Dastuur la samaynaayey si shirka soo socda loo hor dhigo waxaana waday Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal isaga oo la kaashanaaya Khabiir Soodaani ah.

Mar saddexaadbaa Somaliland isugu timid shirkii ugu ballaadhnaa ee abid Somaliland isugu timaaddo oo ka dhacay Hargeisa October 1996 ilaa February 23 1997.

Halkaa waxa lagu unkay.

Hirgelintii dastuurkii ku-meel-gaadhka ahaa oo loogu talogalay in uu shaqeeyo Saddex sannadood lakiin sii shaqaynaayey Shan Sannadood oo dambe, duruuf ku gadaaman awgeed. Dib-u-habayntii calanka Somaliland oo lagu xardhay tawxiidka Ilaahay. Beelihii laga tirada badnaa oo saami laga siiyey laguna soo daray labadii Gole Sharci-dejinta ee kala ahaa Guurti iyo Wakiillo. Iyadoo dib loo doortay mar labaad Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo ku-xigeenkiisii Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Bilawgii 1998kii waxa ku timid waddanka xaalad deg-deg ah oo dadweynihii Somaliland ka fajicisay ka dib markii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu dhiibay istiqaalad aan la filayn, taasoo dad badani u arkayeen xag-xagashadii badnayd ee kaga timid xagga mucaaridka iyo Golayasha qaranku in ay sabab u ahayd. Hadba marka xaaladaha noocaas oo kale yimaadaanna.

Waa in labada Gole ee Sharci dejinta (Guurti iyo wakiillo) in laga yeesho shir deg-deg ah si ama looga yeelo ama looga diido, 48 saacadood gudahood Shirguddoonka labada Gole waxay isugu yeedheen dhammaan wixii kaga jiray labada Gole Guurti iyo wakiillo shir deg-deg ah. Shirkiina waxa la galay laba cisho ka dib, shirkii ay wada galeen labada Gole way ka diideen istiqaaladdii Mudane Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhammaantood saddex mudane mooyaane.

Laba wiig ka dib Cigaal wuxuu codsaday in laysugu yeedho labada Gole si uu arrimo muhiim ah ugala hadlo arrimahaasina waxay noqdeen markuu bilaabay hadalkiisa maanta waxaan doonayaa in aan idiin caddeeyo mawqifkaan ka taaganahay Somaliland.

weligay maan qaadan Baasaboor laaji ah.

qaddiyada Somaliland waxaan u xidhnaa 12 sannadood. Maanta in aan ku aarsado mooyaane maan filay in la yidhaa Somaliweynbuu nagu wadaa. Haddaba waxaan idiin sheegayaa 164 kiinaa Mudane ayuunbaa waddanka koonfur geyn kara ama ka joojin kara. Haddii ay noqoto in aad Somaliweyn ku celisaan, maalintaasaan qaadanayaa Baasaboor laajiya waddankana ka baxayaa.

Muddo yar ka dib siyaasiyiintii Somaliland waxay ku eedeeyeen Cigaal in aanu rabin in uu waddanka geliyo doorashooyin xalaal ah rabana in uu kursiga ku fadhiyo inta ka hadhay cimrigiisa abidkii. Arrinkaas Marxuum Cigaal wuu ka gilgishay isaga oo is baraxayana wuxuu kaga jawaabay arrimahan soo socdsa:

Wuxuu mar keliya daboolka ka qaaday miiskana soo dhigay dhawr Xeer oo is huwan, June 1999kii kaabista iyo wax ka beddelka Dastuurka Qaranka. Xeer nidaamiyaha Axsaabta (Xeer No # 14).
Xeerkii doorashooyinka qaranka ee xeer No.
# 20 oo xambaarsanaa dhawr Xeer oo ay ka mid ahaayeen.
Xeerkii doorashada degaanka JSL. Xeer # 20/1
Xeerkii doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL. Xeer # 20/3
Xeerkii doorashooyinka Golaha Guurtida JSL. Xeer # 20/4
Xeerkii doorashooyinka Madaxtooyada JSL. Xeer # 20/2

Xeerarkaas oo mar keliya lagu soo gambiyey Golihii Wakiillada ee waqtigaas joogay waxay ku noqotay dhakafaar iyo af-kala qaad, talana waxa lagu soo ururiyey “Oodo dhamceed siday u kala horreeyaan ayaa loo kala guraa” Xeerarkii la keenay dhammaantood geesbaa loo dhigay.

Markii ay arkeen raggii waday falqalalada in Marxuum Cigaal arrinku ka dhab tahay oo markii hore mashqaca la gelinaayey si looga hor keeno ummadda oo la yidhaahdo Somaliweyn ayuu meesha u fadhiyaa, ee intaanu inna iibin aynu iska qabanno waxa lagu soo oogay inuu galay khiyaamo qaran oo ay wajib tahay in maamuuska laga xayuubiyo waxa lagu soo oogay qodobka 96 ee Dastuura oo sheegaaya laba qodob oo kala ah:-

a) khiyaamo qaran “high treason”

b) ku xad-gudubka dastuurka

Markaa waxay ku soo eedeeyeen in uu jabiyey 30 qodob in ka badan oo dastuurka ah, markay dooddu socotay muddo. Arrinkuna galay weerar iyo weerar celin, waxay ku dambaysay in loo codeeyo, oo la yidhaahdo codaynta ma waxaan ka dhigannaa qarsoodi mise gacan tag, codayntaas ayaa la galay waxa ku guulaystay kooxdii wadatay qarsoodiga waxay ku heleen 39 cod, halka kooxdii kale ee doonaysay gacan-taag ay heleen 36 cod. haddaba haddii uu xaalku noqday qarsoodi waa in la sameeyaa waraaqihii lagu guraayey sanduuqa sidaa awgeed ayuu Shirguddoonku gartay in 30 daqiiqo la qaato biririf si codaynta loogu soo noqdo, waa laysugu qururixiyey codayntiina waxay ku dhammaatay muxaafidkii oo helay 38 cod iyo mucaaridkii oo helay 37 cod, halka hal cod ka xumaaday. Halkaa waxa ku burburtay eedayntii Madaxweynaha ee lagu eedaynaayey sida uu qoraayo qodobka 96aad ee Dastuurka

Qodobka 96aad

Eedaynta iyo Maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha, ku-xigeenka Madaxweynaha.

Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha lagu soo oogo dembiyada kala ah:-

Khiyaamo Qaran (High Treason) ama

ku xad gudub Dastuurka.

Waxa ku soo oggi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne ku-xigeenka dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiillada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, Golaha Wakiilladuna wuxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiillada badhkood iyo mid ah (Absolute Majority).

Golaha Wakiilladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiilladu adeegsan karaa qareemo madax-bannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.

Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Madaxkamadda Sare oo dhaqaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiilladu, iyadoo Madaxweynahu ama Madaxweyne ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxu ku ansixin kara eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.

Haddaba, markii ay socon wayday eedayntii Madaxweynaha ee lagu soo eedeeyey in uu dastuurka jabiyey ayaa loo gudbay in la kaabo waxna laga beddelo dastuurkii si afti shicibeed loogu bandhigo datuurkana waxa loo marayaa sida qodobkan hoos ku qoran 126 ee wax ka beddelka iyo kaabista Dastuurka.

Qodobka 126aad

Waxa-ka-beddelka iyo kaabidda Dastuurka.

Soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh:-

Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado Golaha Xukuumadda.

1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha Wakiillada.

1/3 (Saddex Meelood Meel) tirada guud ee Golaha Wakiillada.

Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna.

Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa ay Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtidu ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha Wakiilladu aqlabiyadda tiradiisa ku go’aansado in loo baahan yahay wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda.

Wax-ka-beddelka qodob ama qodobbo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee Golaha Wakiillada iyoGolaha Guurtidu uu mid waliba goonidiisa isugu raaco.

Haddii Golaha Wakiilladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo celinaayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.

Qaabkaasi waa qaabkii loo marayaayey in wax laga beddelo waxna lagu daro, dabcan Xukuumaddii Marxuum Cigaal way soo martay qaabkii loo maraayey sida kor ku xusan waxayna soo bandhigeen 96 qodob oo ah daraafkii labaad kaasoo kii ka horeeyey ee ku meelgaadhka ahaana wuxuu ka koobnaa 151 Qodob.

Labadii Gole ee sharicidejineed Guurti iyo wakiillo daraafkaas waxay ka yeesheen shir ballaadhan waxaana laysku qanciyey in nuqulkaas cusub ee ay soo samaysay Xukuumaddu gees layskaga dhigo guddi cusubna loo saaro si ay nuqul cusub u keenaan.

Labadii Gole wuxuu midba gees u soo saaray 10 xildhibaan. 20 kaas xildhibaan 2 bilood gudahood waxay ku soo dhigeen nuqul cusub oo ka kooban 110 qodob, halkuu kii ku meelgaadhku ka ahaa 151 qodob.

Dhacdadaas waxa ka horaysay oo uu xaq u leeyahay Golaha wakiilladu in ay maraan jaranjarada Dastuurka 126/5 oo dhigaaya

Haddii Golaha Wakiilladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo celinaayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.

Waxa xusid mudan oo ah arrin lama ilaawaan ah maalintaa qaranku wuxuu galay khatartii u weynayd 82kii Mudane ee Golaha fadhiyey maalintaas nin dhintay ayaa ka maqnaa. Waxaa la galay codayntii. (41 cod ayaa oggolaaday) (waxaana diiday 40 cod), halkaana waxa ka muuqada in maalintaa mudaneyaal farabadani ay doonayeen in qaabkii beelaha loo fadhiyo oo lagu noqdo axdi-qarameedkii Allana Qarankii wuu ka badbaadiyey oo waxaannu ku helnay hal cod.

Waxa kale oo xusid mudan guddidii loo saaray kaabista iyo wax ka bedelka dastuurka ee ku soo ururiyey 110 ka qodob markii Gole waliba goonidiisa ugu codeeyey hal hal qodob ayaana loogu codaynayaa qodobkiiba, waxa la doonayaa in uu helo 2/3 saddex daloolow labad dalool tirade guud ee Gole kasta. Nasiib darro 20 qodob ayaa waayey codayntii kuna noqday sidoodii hore. Waxa xusid mudan qodobbo badan oo garsoorka waxa ka tari lahaa maalintaas afkay goosteen. Waxa nasiib wanaag noqday in 31 kii May 2001 dastoorkii loo bandhigay afdi shacbiyeed waxaannu ka kooban yahay Dastuurka loo codeeyey 130 qodob guulna ku dhammaatay ka dib markii 97% ay yidhaahdeen HAA. Arrinkaasi wuxuu noqday guul u soo hoyatay Somaliland. Waana xadhiga keliya ee aan ku socono hadda la’aantiina aynaan jirneen.

Ooddii labaad ayaa kor loo qaaday oo noqday xeerkii Axsaabta xeer No. #14

Daraafkii u horreeyey ee ay soo dhigtay xukuumaddii Marxuum Cigaal wuxuu ku salaysnaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa. Haddaynu soo qaadanno metal ahaan qodobka 11aad ee nidaamka siyaasadeed muu xaddidayn xisbiyada qaranka waxaanu ka koobnaa 2 qodob oo sidan u dhigan:-

1. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, tallo-wadaag, dimuquraadiyad iyo hanaanka Xisbiyada badan.

Xisbiyada siyaasiga ah iyo hab-dhismeedkooda waxa qeexi doona Xeer.

Haddaba, haddii aynu wax ka taabanno Xeer nidaamiyaha Xisbiyada uu soo gudbiyey Xukuumaddii Marxuum Cigaal wuxuu ka koobnaa 19 qodob, haddii aan ka soo qaato Afar (4) qodob oo ka mid ah qodobadii uu soo jeediyey qodobadii xukuumadii uu hoggaaminaayey Marxuumku sidan bay u dhignaayeen:-

Q. 12aad.

Ururkasta oo siyaasi ah oo shuruudaha buuxiya (Komishanku) u ansixiyo inuuka qayb galo doorashada Dawladdaha Hoose ee marka doorashadu dhaco ka hela 20% tirada codadka ee Gobol kasta ayaa loo aqoonsan doonaa inuu noqdo xisbi siyaasi ah lana siin doonaa shahaadada aqoonsiga, haddii aanu burin sharic/sharciyo ka mida shuruucda doorashooyinka.

Q. 13aad.

Haddii hal urur siyaasi oo keliya uu ku gulaysto sida ku cad qodobka 12aad wuxuu guddigu magacaabi doonaa oo uu u aqoonsan doonaa Ururka Siyaasiga ee qudha ee ku xiga tirada Codadka.

Q. 14aad.

Haddii, Ururada Siyaasiga ahi midna ku guulaysan waayo sida ku qeexan qodobka 12aad, wuxuu guddigu magacaabi doonaa oo u aqoonsan doonaa xisbi, labada urur ee siyaasi ee tirada codadka ugu badan ka hela doorashooyinka Gobollada oo dhan.

Q. 19aad.

Komiishanka Diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah iyo ansixinta axsaabta qaranka, wuxuu ka koobnaan doonaa afar xubnood iyo guddoomiye uu magacaabo Madaxweynuhu, muddada xilkooduna wuxuu noqonayaa shan sanno (5) waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, markii la kaabay waxna laga beddelay Dastuurkii Qaranka, qodobkii 11aad wuxuu isku beddelay qodobka 9aad ee Dastuurka rasmiga ah ee Aftida Qaran loo qaaday kana kooban Saddex qodob oo kala ah:-

Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah Nabad, talo-wadaag, dimuquraadiyad iyo hannaanka Xisbiyada badan.

Tirada Xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badan karaan saddex (3) Xisbi.

Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo Xisbi siyaasi ah waxaana reebban in Xisbi lagu dhiso Gobolaysi iyo Qabyaalad.

Sidii labada Gole ugu codeeyeen Qodobka 9aad ee dastuurka.

Wakiillada Ogol = 56 diidan = 5 Aamus = 3

Guurtida Ogol = 62 diidan = 4 Aamus = 0

Haddaba, Golihii Wakiillada waxay dabar adag saareen Xeer # 14 iyagoo Xeerkii Xukuumadda Cigaal soo gudbisay gees iskaga dhigay una arkayey in haddii Xeerkiisa la qaato uu la mid yahay kooshinkii 1969kii imanna karto in waddanku yeesho kun urur oo ku dhisan Qabiilaysi waddanka gelin karta qalalaase.

Golahaasi Sharci-dejineed wuxuu xaddiday muddadii Guddida Diwaangelinta iyo Ansixinta ee qodobka 2aad Xarafkiisa (d) oo odhanaaya.

Guddidu waxay xilka sii haynaysaa muddo 6 bilood ah markay ansixiyaan saddexda Xisbi ee ku guulaysta doorashooyinka qaranka.

Golihii Wakiilladu isagu wuxuu ku soo koobay Xeerkaas # 14, toddoba 7 qodob oo keliya si buuxdana ugu codeeyey.

Haadaynu dib u milicsanno Golihii hore ee Wakiilladu wuxuu is-hor-taagay muddadii dheerayd ee xubnaha diiwaangelinta iyo ansixinta Xisbiyada oo u dhignaa mudadoodu waa 5 sanno Goluhuna ku soo ururiyey 6 bilood muddadoodii inay ka dambayso anisixnta xisbiyada qaran lana sii kala daayo. Xeerkaas isaga halkaasaa lagaga gudbay. Madaxweyne Cigaal uu degreeto ku ansixiyey Xeer Madaxweyne 26/2000 August 6 2000.

Haddaba, Xeer No. # 14 wuxuu dhalay Xeer No. 20 oo isagu iftiiminaayey wax badan oo ka qabyo ah Xeer No. # 14. Madaxweyne ku ansixiyey Xeer # 20 Digreeto No. 130/2001 Digreeto Dec 4, 2001 Xeerkaasu wuxuu koobayey marka hore doorashooyinkii dawladdaha hoose, tii G/Wakiillada iyo Madaxtooyada, nasiibdarro khilaaf ba’an awgeed waxa meesha ka baxay doorashdii Golaha Wakiillada Xeerkiina waxa loo kala qaaday Xeer No. 20/1 oo noqday kii Golaha Deegaanka iyo Xeer No. 20/2 oo noqday kii Madaxtooyadda. Xeer No. 20/3 oo noqday kii Golaha Wakiillada.

Haddaan soo qaato Xeer No. 20 qodobkiisa 11aad oo ka hadlaaya komiishanka doorashooyinka xarafkiisa (c) wuxuu dhigayaa:-

Muddada komiishanka Doorashooyinku waa 5 sanno oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiilladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.

Eeg Xeer No. 20 qodobkiisa 34aad, ciwaankiisuna yahay Ururada u gudbiwaayey Xisbi oo sidanna u dhigan:-

Ururada ku guulaysan waaya in ay u gudbaan Xisbi haseyeeshee, doorashada Golayaasha Deegaanka ee degmooyinka qaarkood ku guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah in ay ku biiraan saddexda Xisbi ee la ansixiyey midkood

Waqtigii ay ahayd in la galo Xeerka Golaha Wakiillada Xeer # 20/3 khilaaf ba’an oo soo dhex galay Golaha Wakiillada ayaa dib laysaga dhigay khilaafkaana waxa bud-dhig u ahaa saami qaybsigii Gobollada Dalka.

Goluhu wuxuu u saaray laba guddi oo ka kooban Muxaafid iyo Mucaarid si ay u soo bandhigaan wax laga duulo, muddo dheer ka dib waxay soo dhigeen daraafkii u horreeyey una dhignaa sidan:-

Doorashadii 60kii sida wax loo qaybsaday waxay noqotay 4 Degmo oo lahaan jiray 5 kursi, Togdheer oo lahaan jirtay 6 kursi iyo Hargeisa oo lahaan jirtay 7 kursi.

Guddidu iyada oo ku xisaabtamaysa korodhka Shacabka Somaliland waxay ku dhufteen kuraastii Gobol walba 2.5 waana sidan hoos ku qoran:-

Awdal 5 x 2.5 = 12.5

Hargeisa 7 x 2.5 = 17.5

Saaxil 5 x 2.5 = 12.5

Togdheer 6 x 2.5 = 15

Sool 5 x 2.5 = 12.5

Sanaag 5 x2.5 = 12.5

Guddidu waxay garatay faraqqa dheeraadka oo noqday laba kursi, kursi waxa loogu daray Hargeisa oo noqotay 18 kursi, Awdal oo aad u cabanaysayna waxa loogu daray hal kursi waxayna noqotay 13 kursi. Dadaalkaa ay gashay guddidu wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay, ka dib markii Gobol dhami ka dareeray Golaha, Golihiina ku sigtay in uu bur-buro sidii kii ka horreeyey. Talo rag kama dammaatee waxa la gaadhay in doorashada Golaha Wakiillada dib laysaga dhigo muddo saddex sannadood ah waxaana kordhisay Guurtida oo raacaysa qodobka dastuuriga ah ee 42aad faqradiisa 3aad oo dhigaysa:

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranaayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Markii laysku af-gartay in dib loo dhigo xeerka lagu soo dooranaayo Golaha Wakiillada maadaama ay ka timid carqalad iyo is af-garanwaa badani, ayaa muddadoodii dib loogu riixay ilaa 2005. Mudane Cigaal wuxuu soo magacaabay guddidii diwaangelinta oo ka kooban toddoba (7) xubnood oo la jaanqaadaysa qaabkii ay u ansixiyeen Golaha Wakiilladu. Xeer No. #14.

Waxa kale oo la ansixiyey Xeer # 20/1 oo ah kii deegaannada iyo xeerkii Doorashada Madaxtooyadda Xeer # 20/2

Xukuumaddii Marxuum Cigaal waxay ku dhawaaqday oo ay ka soo saartay Degreeto ururadii in ay furan yihiin laysna diwaan geliyo.

Waxa dhacday in la waayey urur is diwaangeliya iyada oo qof waliba ka baqay in aanu kursi ka helayn Marxuum Cigaal, nasiib-wanaag waxa dhiiraday oo is diwaan geliyey Ururkii UCID oo uu hoggaaminaayo Faysal Cali Waraabe.

Rag maanta ururada ka madax ahi siyaasadda waabay ka fadhiisteen, waqtigii Cigaal waxaanay ku dhawaaqeen in ay siyaasadda ka fadhiisteen waddankana way ka baxeenba, in kasta oo ay soo noqdeen markii Marxuum Cigaal wafaaday soona galeen siyaasaddii.

Muddadii Xukuumaddii Marxuum Cigaal oo uu dhammaadayba waqtigeedii waajibna ku noqotay Guurtidu in ay ku darto hal sanno oo dambe si ay u dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Eeg go’aanka guurtida numberkiisu yahay GG/JSL/KL-Fadhi-16/Go’aan/3/1/2000 taariikhduna ahayd January 12 muddada kordhintuna ka bilaabmaysay 24/02/2002 – 14/02/2003 waxa is weydiin leh dadka maanta leh maxay Guurtidu u kordhisay maalintaas ma waxay ku jireen “Asxaabul Kahaf”.

Si kastaba haw-dhacdee Marxuum Cigaal muu calfan muddadii muddo kordhinta xaggii Ilaahayna wuu u boqoolay May 03, 2002 kuwii moodaayey in uu waligii jiraayana waxay ku noqotay filanwaa iyo anfariir.

May 5, 2002 waxa dhacay arrimo layaab leh dhammaan raggii ay is hayeen ee ay ku colloobeen siyaasadda hadday yihiin Salaadiin, hadday yihiin Cuqaal, hadday yihiin Waxgarad, Siyaasiyiin waxay dhammaantood yimaaddeen qabrigiisii rag ka mid ahina waabay bud-dhigeen.

Dhacdooyinkii ka dambeeyey ama sooyaalkii taariikheed ee ka dambeeyey taariikhdii cigaal laga bilaabo May 2002 waxay ku fiicnayd in uu qoro qof aan aniga ahayn sababtoo ah, Anigaaba Ilaahay igu soo tuuray daa’iradii Xukuumadda, aniga oo horena ugu jiray daa’iradda Golaha Wakiillada waxaan noqday Mudanihii u horreeyey ee laga soo doortay Golaha Wakiillada kumana jirin raggii u kaambayn garaynaayey Madaxweyne ku-xigeenka beeshaan ka soo jeedina waabay diidanaayeen haddana qaddar Ilaahay ayaan ku imid.

Ka dib markii Madaxweyne Rayaale loo dhaariyey in uu noqdo Madaxweyne, Rayaale waxa loo soo bandhigay in muddada loo kordhiyo 3 sannadood laakiin wuxuu yidhi Somaliland sidaa ku iibsami mayso haddaanay dhicin doorashooyinka ina sugayaa. Madaxweyne Rayaale wuxuu ka codsaday Guurtida in muddo 3 bilood ah lagu daro muddadii hore ee sannadka ahi markay dhammatay si ay u dhacdo doorashada Madaxtooyaddu oo waqti habboon loogu helo waqtiga doorashada Madaxtooyadda.

Eeg Go’aanka guurtida ee no. GG/JSL/KALFADHI/19AAD/GO3/1/2003 kuna taariikhaysnaa 23/02/2003 ilaa 15/05/2003 sida Alle looga bartay waa inoo sakhiray in ay dhacdo Doorashadii Madaxtooyaddu hadallo badani ha galaan oo ha gasho Maxkamadda Dastuuriga ah. Waxaan nahay dawladdii u horaysay ee aan la ictiraafin ee qabatay doorasho iyada oo aanay cidina ku dhiman.

Haddaba, haddaynu dib u milicsanno Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin, maxay ku tallabsatay, waxay si geesi nimo leh u fulisay:-

Doorashadii Golaha Deegaanka JSL oo u dhacay si habaysan iyada oo wax khilaaf iyo khal-khal ahi waddanka gelin.

Fulintii Doorashadii Madaxtooyadda ee ka dhacay waddanka dhammaantii iyada oo iyana ilaahay inoo sakhiray.

waxa xusid mudan horena aan u soo sheegnay in golaha Guurtida iyo Wakiilladuba 2003dii bilawgiisii iyaga loogu daray Saddex sannadood oo ay labadaba Guurtidu kordhisay koodii iyo kii wakiilladaba ayaa waxa mar labaad Miiska yimid arrintii Golaha Wakiillada oo ahayd in ay doorasho galaan xeerkoodiina hore laysku qabsaday, waqtigaana dib loo dhigay ayaa mar dabme saaxadda timid, iyada oo sidii u cakiran. Halkii barigii hore ay ka bilaabantay markii lays mari waayeyna. Labada Gole Wakiillo iyo Guurti waxay dib u korodhsadeen Saddex (3) sannadood iyaga oo ku sababeeyey Waddanka oo diwaangelin la geliyo mooyaane doorasho dhicimayso, taasi waxay sababtay in ay isu boodaan Saddexdii Xisbi oo ay ku heshiiyaan saami qaybsigii Gobollada, soona saaraan qoraal rasmi ah oo ay ku saxeesan yihiin saddexda xisbi, iyo saami qaybsigii Gobollada sidanna u dhacay:-

Hargeisa 18 kursi

Awdal 13 kursi

Saaxil 10 kursi

Togdheer 15 kursi

Sool 12 kursi

Sanaag 12 kursi.

Markii heshiiskaasi dhacay Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale wuxuu dacwad ka dhan ah labada Gole ee Sharcidejinta u gudbiyey Maxkamadda dastuuriga ah isaga oo leh isu kordhinta ay isu kordhiyeen labad Gole ee weliba ay ku codeeyeen saddex daloolow laba dalool arrinta Somaliland adduunku ka iibsamimayso. Siiba arrinta muddo kordhinta Golaha Wakiillada oo ah iyagu kuwii metelaayey shacbiga Somaliland Golaha Wakiilladu hadduu ku sii jiro qaabkaa beelaha dib-u-dhac weyn ayaa ku imanaaya ictiraafkii Somaliland. Sidaa awgeed waa in Maxkamaddu go’aan rasmi ah ka gaadhaa. Eeg Go’aanka ay ka soo saartay Madaxkadda Dastuuriga ahi MS/DD/01/05 ee 26/02/2005 kuna burburisay go’aankii labada Gole ee Sharcidejinta.

Halkaa waxaan doonayaa in aan u muujinno dadka had iyo jeer qora sooyaalka taariikheed ee sooyaalka Golaha Wakiilada UDUB waxy ku lahayd 62 Mudane oo taageersan haddii uu meesha jiro kursi jacayl xukuumaddu waxay haysan lahayd Mudaneyaashaa faraha badan ee taageersan.

October 2005 ayay qabsoontay doorashadii Golaha Wakiilladu una dhacday si nabadgelyo ah wax khilaaf iyo rabshad ahina kama dhicin. Waana mid Ilaahay loogu mahad naqo. Mudaneyaashii ka soo baxay doorashada UDUB waxay ku yeelatay 33 xubnood halka ay Kulmiye ku yeesheen 28 Xubnood, UCID 21 xubnood.

Haddaba, dhacdooyinkaa layaabka leh ee dhacay waxa weeyi Mudaneyaashii ka soo baxay Kulmiye iyo UCID intay ku shireen Ambasadoor iyaga oo garabmaray qaabka Dastuuriga ah ee loo dooran lahaa ayay ku doorteen Ambasadaar Hotel Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku-xigeenka labadba. Hab-raacuna waa sida ku qoran Dastuurka Qodobkiisa 44aad oo dhigaya:-

Iskugu yeedhidda Golaha cusub.

Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (Soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii maalinta 45aad (shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aamada doorasho.

Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya Shirka xubinta ugu da’da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.

Haddaba, hab raaca loo dooranaayo shirguddoonku waa sida kor ku qeexan ee uu sharxaayo distoorku, halkaa markiiba waxa ka dhashay muran dasuuri ah markii shirka laysugu yimidna murankii wuu sii laba kacleeyey xubantii ugu da’ada weyneyd qudheedu may marin jidkii toosnaa maalintaana waxaa burburay shirkii ay Goluhu isugu yimaaddeen arrinkaana waxa ka galay dhex-dhexaadin Golaha Guurtida.

Waxay ahayd maalin igu reebtay mahadho aanan weligay ilaabay. Subaxdii ay sheegaysay Guurtidu go’aankii ay ka gaadheen murankii Shirguddoonka Golaha Wakiilladu cidda uu noqonayo Guddoomiyeyaasha Golaha iyo sida ay u qaybiyeen. Annigu waxaan is lahaa ugu yaraan kursiga koowaad haddii laydinka qaado ka labaad baad helaysaan laakiin waxay noqotay arrin fajiciso ah markii ay saddexdii kursiba siiyeen mucaaridka sidaana go’aan ku gaadheen aniga iyo X. Cabdi waraabe hadalku waabu naga booday, waxaanu igu yidhi waxaan jiray boqol iyo dheeraad waxaan u soo joogay waxaydaan u soo joogin ee qaata taladayda. Aniga iyo Madaxweynuhu sidaasaan ku qadannay iyada oo nagu keentay xanaaq ay naga xanaaqeen 33kii Xubnood ee UDUB oo yidhi maxaad arrinka noogu soo celin weydeen.

Haddaba, Golahan guurtida ee maanta ay Mucaaridku diidanyihiin sharciyaddiisa iyo go’aan qaadashadiisa waa kuwa maalintaa go’aamiyey go’aan adag oo annaga nagu ahaa dhirbaaxo culus siiyeyna saddexdii kursi ee shirguddoonka Mucaaridka.

Haddii aynu u sii gunda degno, halkay sartu ka qudhuntay.

Xeerka # 37/2007 Xeerka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha yaa lahaa arrinkiisa ama soo badhigidiisa ?

Waxaa lahaa Commission-kii hore iyo khabiirradii iyaga la talinaayey.

Daraafkii koowaad ayay soo hor dhigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lasoo axadhay.

Golaha Xukuumadda ayaa la-hor-keenay oo iyaduna sii feermaysay.

Waxa loogu gudbiyey labada Gole ee Sharcidejinta oo iyaguna muddo u dhex socday toos-toosintiisa. Laguna soo celiyey Madaxweynaha si uu u saaro feermadii u dambaysay, eeg Xeer # 42aad dhaqan-galkii Xeerkani waxa uu dhaqan-galay marka uu Madaxweynuhu saxeexo faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro.

Dulucda hadalkaygii waxa weeye, Commission-kan cusub oo u soo qoray Madaxweynaha qoraal ay leeyihiin qodobo farabadan halla beddelo, halkaasna waxa ka bilawday is-maan-dhaafkii u horreeyey.

Waxa is weydiin leh Xeerkan yaa laali kara.

Wuxuu leeyahay Qodobka 39aad oo ah waajibaadka hay’addaha Sharic Fulinta. Oo sidan u dhigan:-

Madaxda Dawladda, Hay’addaha sharci fulinta, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Xisbiyada siyaasiga ahba waxaa xil ka saran yahay ku dhaqanka iyo meel-marinta Xeerkan.

Qodobka 40 aad oo ah Ciqaab, sidanna u qoran:-

Qofkasta oo jebiya ama ku xad gudba qodob ama qodobbo xeerkan ka mid ah waxaa lagu ciqaab marinayaa si waafaqsan xeerka ciqaabta guud ee dalka.

Qodobka 41 aad oo ah Nasakhaad, sidanna u qoran:

Xeerkani waxa uu nasakhayaa ama burinayaa dhammaan xeerarka ama qodobbada xeer oo ka hor imanayaa Xeerkan.

Waa kuwan qodobbada ay sartu ka qudhuntay eeg qodobka 12aad (dhaqan-galka Diiwaangelinta). Una qoran sidan:-

Komishanku waa in uu dhaqan-geliyaa diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ugu yaraan muddo lix bilood ah ka hor maalinta doorashada.

Diiwaan-gelintu waxa ay soconaysaa muddo aan ka yarayn hal bil kana badnayn saddex bilood.

Komishanku isagoo adeegsanaaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco isla markaan baahiyo xilliga loo cayimay Diiwaan-gelinta iyo dhamman wixii xog ah ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin in ay ogaadaan.

Komishanka waxaa ku waajib ah in uu baro isla markaana ku wacyi-geliyo muwaadiniinta muhiimadda ay diiwaan-gelintu leedahay.

Si arrintaa loo suurto-geliyana Komishanku waa in uu u diyaariyaa barnaamij qayb ka ah geeddi-socodka Diiwaan-gelinta oo loogu talo-galay in lagu baro laguna wacyi-geliyo dadweynaha in ay isu diyaariyaan doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xilliga la bilaabaayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, isaga oo ku soo saaraaya digreeto Madaxweyne ka dib marka uu helo soo jeedinta komishanka doorashooyinka qaranka muddo shan iyo toban maamlood gudahood ah.

Qodobka 13aad

Ansixinta Diiwan-gelinta Cod-bixiyeyaasha.

Komishanka ayaa ansixinaaya Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase ahaatee, Komishanku waa in uu furo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha muddo aan ka yarayn bil gudaheed,, lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta si loo diiwaan-geliyo cod-bixiyeyaasha cusub iyo wixii is-bedel ku yimid cod-bixiyeyaashii hore loo diiwaan-geliyey, isla markaa kaadhadhka cod-bixinta ee hore loo bixiyey waxay noqonayaan kuwo ansax ah.

Haddaba, su’aasha hore aan ka jawaabo cidda laali kartaa ee u leh awood waa Maxkmadda Dastuuriga ah ka dib marka sidaa ay dacwad ugu gudbiso labada Gole ee Sharcidejinta iyagoo la kaashanaaya fulinta kuna wada socda arrinka iskuna waafaqsan. Hay’adii qaada tallaabo taas ka duwan waxay gashay khiyaamo qaran. Waxaanay ku xad-gudubtay qodobka 42aad oo dhaqan galay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga kuna soo ururinayaa qodobaadan hoos ku qoran:-

laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey 1997 sharicyadda keliya ee wax kordhisa ee uu dastuurku siiyey inay wax kordhiso waa Guurtida iyada oo kordhinteeda ku salaynaysa qaab sharciyadeed oo dastuuri ah, maantuun may kordhin. Guurtidu ugu yaraan 7 jeer ayay wax kordhisay iyada laftoodu waa mar labaadkii ay isu kordhiyeen sababta oo ah cid kale oo wax kordhisa ayaan ku qornayn Dastuurka markii gees walba laga eegay. Eeg Qodobbada Dastuurka ee ay ka mid yihiin 42 faqraddisa 3aad. Aynu hore u soo qornay, eeg qodobbada 83 oo ka kooban shan qodob. Oo ah hab-raaca doorashada oo sidanna u qoran:-

Qodobka 83aad Ee Dastuurka.

Habka Doorashada.

Waxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha lagu dooranayaa qaabka doorashada guud oo toos ah; isla markaana qaarsoodi ah iyaga oo isku lammaan

Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa la qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore,

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusubi kala wareegaan xilka muddo bil ah gudaheed.

Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin liistada hesha codadka ugu tirada badan.

Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.

Cayimaadda maalinta doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa iska leh komiishanka doorashooyinka qaranka iyagoo raacaya qodobka 8aad ee xeerka doorashada ee lambarkiisu yahay 20 ee soo baxay 2001 oo u dhigan sidan:-

“Komiishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanaayo doorashooyinka si waafaqsan dastuurka, waxaanay ku soo bixi doontaa Digreeto Madaxweyne.

Go’aanka Golaha Guurtidu kama muuqato cayimid maalinta doorashada, balse waxay ku sheegeen go’aankooda sidan:-

“Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxaa laqaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka sida ku cad qodobka 83aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka JSL.

Komiishanku wuxuu xaq u leeyahay in uu muddo qabashada doorashooyinka sameeyo kadib marka la helo korodhsiimo sharicyeed oo waafaqsan dastuurka, kuna cad qodobka 8aad ee xeerka doorashooyinka dawladdaha hoose iyo Madaxtooyadda. Haddii aan korodhsiimo dhicin maamulkii dawliga ahaana uu meesha ka baxo, ayaa tartanka loo qabanayaa? Yaase qabanaya socodsiinaaya hawlihi qaranka?.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “nin is-faanshay waa ri’ is-nuugtay”, wax yar baan ka taabanayaa Maamulka Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale waxyaabaha ugu muhiimsan ee la soo qaadan karo, in kasta oo ay ku fiican tahay in marka laga baxo saaxadda Siyaasadda cid kale qorto.

a) Waxa ugu muhiimsan doorashooyinkii xorta ahaa ee

waddanka laga qabtay oo aan ka dhicin dalal badan oo Afrikaan ah oo uu qabtay waddan yar oo aan la aqoonsan

Doorashadii Golaha deegaannada 2002.

Doorashadii Madaxtooyo 2003.

Doorashadii Golaha Wakiillada 2005.

Maantana diyaar loo yahay in la galo diwaangelin, Doorashadii Golaha Deegaanka, tii Madaxtooyadda.

b) Maanta waxbarashada waddanku waxay gaadhay min

Magaalo ilaa Tuulo ardayduna waxay caga-cagaynaysaa ilaa 200,000 (Laba boqol oo kun) oo arday marka laga tego ta Private-ka ah iyo Jaamacado badan oo waddanka laga furay oo ku tusinaysa horumarka waddanku halka uu maraayo.

c) Caafimaadkii iyada oo la og yahay itaalkeena maanta way yar

tahay degmo aanu ka furnayn MCH.

d) Waxa xusid mudan miisaaniyadda dalka halkay gaadhay la odhan karo way 4 jibaarantay markii maamulkani la wareegay talada.

Waxa xusid mudan in saddexdii ciidan qaran tayadoodu maalin

walba kor u kacayso hawgu xoog bato Ciidanka Qaranku.

Waxa xusid mudan maalintii Madaxweynaha lagu rasaaseeyey Laascaanood wuxuu yidhi “waxaan uga soo baxay in aan Magaalada dhib intaa ka badani ka dhicin ee mark hore tayada ciidankeena aynu kor u qaadno”. Maanta waxa la og yahay Ciidankeena Qaranku halka uu joogo min Sool ilaa Sanaag, waxa la odhan jiray ciidanka fadhiya furinta ilaa Adhi-caddays maxaa lala sugayaa?.

Waxay ahayd istiraatijiyada ay Ciidanku u fadhiyeen Adhi-cadays in Ciidanka iyo dadku is bartaan, oon loo qaadan ciidan wax qabsanaya, waataa maanta sahashay in xadkii lagu dhawaado. Waxa dib loo kiciyey wixii qolfoof ahaa ee taangiyo iyo baybayo ahaa, gawaadhidii hore oo badankooda la beddelay. Ciidankeenii oo maanta fadhiya Sool ilaa Sanaag meeshii loo baahdana ka hawl-geli kara. Ammaantaana waxa leh Maamulka imika jira iyo Saraakiisha Ciidanka.

Waxa xusid mudan in Saaraakiishii yarayd ee S.N.M. tababaro dibadda loogu diray ilaa heer Akadami, diyaarna u yihiin maanta in ay qaataan darajadii sarkaalnimada, taana Ilaahay haynoo fududeeyo. Haddaanu ilaahay innagu xasilin nabadgelyada horumar noocay doonto ha ahaatee lama gaadheen, hay’adduhuna kuma soo dhiradeen in ay dalka yimaadaan, ku dheeraan maayo oo halkaasaan kaga baxayaa.

Waxaan u soo degayaa talada kama dambaysta ah ee aan u gudbinaayo shicib-weynaha Somaliland.

Waxaan dhacdooyinkan u soo xusaayey in dhacdadan maanta taala ay waddanka soo mareen dhacdooyin ka adag rag iyo rabbibaana u kacay, waana laga gudbay waxa waajib ah marnaba in aan laga maarmeyn talo wadaag. Waxaan u soo jeedinayaa shacbi weynaha Somaliland mar labaad marar hore oo badan waan ka hadlay xaaladaha adag ee inagu soo foolka leh muxaafid iyo mucaarid in si wada jira loo hirgeliyo gacan adagna laga geeysto.

Waxa inagu soo foole cunto-yaraan maadaama adduunka ay ka dhacday cunto-yaraani dadkii wax beeran jirayna ay cuntadii dadkooda u xidheen.

Waxaan hore u odhan jiray haddii dagaal dhaco bariiska Hindiya iyo Tailand iyo Sonkorta Baraasiil helimaysaan.

Waxa kale oo waajib ah dawladdu haw horaysee in gacan bir ah lagu qabto xaalufka iyo gubista la gubaayo dhirtii wadanka. Maanta dhirtii birimageydada ahayd sida galoolkii Iwm meesha way ka baxeen.

waxaan ku soo ururiyey.

Marka hore dadka dhirta gubaaya in tallabo adag laga qaado xukuumad ahaan, dadweynuhuna gacan ka geysto.

In deg-deg loo raadiyo beddelkii ay wax ku shidan lahaayeen hadday tahay dhuxul dhagay, haday tahay gaas iyo hadday tahay khamiirinta digada xoolaha oo gaas laga sameeyo, waa in maskaxdu shaqaysaa ee aanay gacantu shaqayn.

Waxa ka mid ah aafooyinka ka dhashay gubista dhirta boholo, dooxooyin, nabaadguur ciidii oo badda gashay.

Waxaan u soo jeedinayaa Xisbiyada Mucaaridka ah inaynu gacmaha is qabsanno oo wixii khilaafana lagu dhammeeyo walaaltinimo, waddanku wuu innaga dhexeeyaa berri haddii aad iga hesho waxaan ku leeyahay “faddal walaal dhibbaad iga furatee”, dhibaato badanina way taalay, sababtu waa waddan sagxadda laga soo bilaabay kuna cibra qaata taariikhda sooyaalka ah een soo sheegay.

Adduunweynahana waxaan ka codsanaynaa in Somaliland la ictiraafo oo aan dib indhaha looga qarsan maadaama ay qaangaadhay buuxisayna dhammaan shuruudihii dawladnimo’’.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: