Wer deg dega: Madaxweyne Rayaale Iyo Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Oo Kulan Isku Soo Horfadhiistay


Hargeysa (sl.no) – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada Xisbiga Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] iyo Faysal Cali waraabe ayaa kulan hor dhac ah oo ay kaga arrinsanayaan khilaafaadkii ka dhashay mudada halka sanadood ah ee xilka mudada madaxweynaha ay Golaha Guurtidu ugu kordhiyeen ku yeeshay Xarunta qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo hor dhac u ah wada hadalo waan waana oo ay rajadoodu aad u fiican tahay oo meel wanaagsan u maraya dhinacyada siyaasada isku haya, isla markaana jajo fiican laga qabo in xal fiican laga gaadho oo heshiis lagu qanacsan yahay labada dhinac ee is hayaa isla gaadhaan.

Sida waxa xaqiijiyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe mar uu caawa u waramayey idaacada Radio Hargeysa.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay kulan hor dhac ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu wehelinayey Madaxweyne Kuxigeenka Axmed Yuusuf Yaasin iyo Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale iyo Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo wada hadalo u socda labada dhinac Siyaasada isku haya meel wanaagsan ay u marayaan xal dedegana laga gaadhidoono.

Kulankan oo aanay ka soo bixin wax qodobo ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen, hadana waxa la sheegay inuu hor dhac u yahay heshiis lafilayo inay labada dhinac ku soo afjaraan khilaafaadkii ka taagnaa mudadii halka sanadood ahayd xilka loogu kordhiyey Rayaale.

Sidoo kale sida ay tibaxayaan warar xog ogaali in beri ay kulan qado ah yeelandoonaan Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayasha labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID Axmed Siilaanyo Faysal Cali Waraabe, kaas oo qodobo lagu heshiiyo la isla gaadhidoono labada dhinac.

Arrintan ayaa ku soo beegantahay iyada oo maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 15 May ay kaga eegtahay mudadii shanta sanadood ahayd ee xilka Madaxweynanimada loogu doortay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin kaga.
Si astaba ha ahaatee welwel weyn oo soo food saaray shacbiga reer Somaliland ayaa jitay, kadib markii ay hore u sheegeen labada Xisbi Mucaarid KULMIYE iyo UCID wixii ka danbeeya marka ay gaadho 15 May oo ay xilka mudad madaxweynuhu kaga eegtahay aanay madaxweyne Rayaale u aqoonsandoonin Madaxweyne Sharci ah.

Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: