War Degdega: Madaxweyne Rayaale Oo Gobol Cusub U Magacaabay Degmada Baligubadle

Hargeysa(sl.no) – Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay Gobolka Cusub oo la yidhaahdo Howd oo ay magaalo madax u tahay Degmada Baligubadle ee Gobolka Maroodi jeex.

Sida waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo nuqulka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin waxa uu digreeto Madaxwayne oo uu maanta soo saaray uu ku magacaabay gobolka Howd oo ay magaalo madax u noqon doonto degmada Balaygubadle,ka dib markii madax dhaqameedyada iyo waxgaradka gobolkaasi ay codsadeen gobolkan, isla markaana Wasiirka Arrimaha Guduhu uu soo jeediyay.

Waxa si dhakhso ah loo magacaabi doonaa degmooyinka Gobolkan oo noqon doono Gobolka 13aad ee uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland”.

Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: