Baarlamanka Yurub oo Kulan ka Yeelanaya Qaddiyadda Dalalka aan la Aqoonsan oo Somaliland ku Jirto

Brussels (sl.no) 15 may 2008 – Xubnaha Baarlamanka ururka Midowga Yurub ayaa Khamiista foodda innagu soo haysa ee toddobaadkan ayaa kulan ballaadhan ka yeelanaya qaddiyadda dalalka aan aqoosniga haysan oo Somaliland ku jirto.

Kulanka ay yeelanayaan Baarlamanka Midowga Yurub oo ka dhici doona xaruntooda Brussels ee caasimadda waddanka Biljam, ayaa waxa soo abaabulay dalka Transniestria oo sannadkii 1990kii ku dhawaaqay madaxbannaanidiisa, kadib markii uu ka go’ay Maldora oo ku yaal bariga qaaradda Yurub, isla markaana ka mid ah dawladaha aan beesha caalamka ka haysan aqoonsi sida Somaliland.


Shirkan oo ah kii ugu horreeyey noociise ee Baarlamanka Yurub ka yeesho qaddiyadda dalalka aan aqoonsiga caalamiga ah haysan oo ay ka mid yihiin Somaliland, Transniestria, Abkhazia, Woqooyiga Qubrus iyo Taiwan, waxa hal-ku-dheg looga dhigay ‘KU DARIDDA AJANDAYAASHA CAALAMIGA AH EE DUNIDA QADDIYADDA WADDAMADA AAN LA AQOONSAN,’ kaas oo si qoto dheer loogaga hadli doono caqabadaha iyo fursadaha ay dalalkaasi ku leeyihiin qaanuunka dawliga ah, waxana ka qaybgeli doona ergooyin metelaya dhammaan waddamada xubnaha ka ah Baarlamanka Yurub.
Kulanka Khamiista u furmaya Baarlamanka Yurub oo ay ka qaybgelayaan khubarro iyo aqoonyahanno caalami ah, isla markaana hal maalin socon doona waxa loo kala jebiyey saddex qaybood oo ta hore tahay, in lagaga doodo sidii qaddiyadda dalalka aan la aqoonsan ee buuxiyey dhammaan shuruudaha iyo xeerarka dawladnimo loogu soo bandhigi lahaa bulshada caalamka, iyadoo loo eegayo xeerarka dawliga iyo kuwa caalamiga ah ee dunida, qaybta labaadna waxa lagu falanqayn doonaa arrimo la xidhiidha xaaladaha caafimaadka, dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka jira waddamadaas, waxana qodobadda ugu xiisaha badan ee qaybtan lagu soo qaadan doono ay ka mid yihiin caqabadaha ka hortaagan inay dalalkaasi galaan heshiisyo ganacsi oo caalami ah iyo in ay maalgashi caalamiya ka helaan dunida, halka qodobka saddexaadna si weyn loogu lafoguri doono dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga ka jira dalalka aan la aqoonsan iyo weliba mushkiladaha ka xannibay fulinta ku dhaqanka nidaamka dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga, iyadoo qaybtan ay ku ladhan tahay in diiradda lagu saaro xeerarka xuquuqal-insaanka, dhismaha ururrada bulshada rayidka ah iyo heerka dimoqraadiyadeed ka jira waddamadaas siyaasad ahaan beesha caalamku go’doomisay.
Shirkan ayaa la sheegay inuu muhiimad gaar ah yeelan doono waddamada aanay beesha caalamku aqoonsayn, balse dal ahaan buuxiyey shuruudihii iyo xeerarkii dawladnimo ee lagu ictiraafi lahaa, kulankaas oo ay hagayaan kooxda la magac-baxday ‘Isbahaysiga Xornimada iyo Dimoqraadiyadda Qaaradda Yurub’ (ALDE), kaas oo ah isbahaysi dhexdhexaada ahna ururka saddexaad ee ugu awoodda weyn Baarlamanka Midowga Yurub, iyadoo ay intaa u dheer tahay in isbahaysigani taageero ka haysto ururka caalamiga ah ee metela dalalka iyo dadka aan la aqoonsan ee magaciisa loo soo gaabiyo ‘UNPO.’ Kulankaas waxa si weyn loogu fallanqayn doonaa sidii waddamada aan beesha caalamka ictiraafka ka haysan looga taageeri lahaa ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda iyo dawlad-wanaagga, isla markaana qaddiyadaha aqoonsi-raadintooda loogu soo bandhigi lahaa masraxyada dunida, iyada oo ujeeddada ka dambaysa shirkanna tahay sidii waddamadaasi caalamka uga heli lahaayeen aqoonsi dawladnimo oo buuxa.
Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay, kadib markii shir ka dhacay magaalada London ee carriga Ingiriiska Arbacadii toddobaadkii hore si weyn loogaga hadlay qaddiyadda dalka aan aqoosniga rasmiga ah haysan ee Transniestria, waxana kulankan ka qaybgelaya Guddoomiyaha Baarlamanka dalkaas Mr. Yevgeny Shevchuk, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga ugu weyn Transniestria oo la yidhaa RENEWALL, kaas oo si qoto dheer uga hadli doonaa sida dalkiisa iyo waddamada kalee aan ictiraafka haysan ay beesha caalamku ugala bakhayleen inay u fidiyaan aqoonsi buuxa. Sidoo kale waxa shirka tegi doona wakiillo ka socda waddamada aqoonsiga haysan sida Somaliland, Taiwan, Woqooyiga Qubrus iyo Abkhazia.
Waxyaabaha kale ee kulankaas lagu soo qaadi doono waxa ka mid ah in diiradda lagu saaro heerarka xuquuqal-insaanka, xoojinta ururrada bulshada rayidka ah iyo ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda ee ka jira dalalka siyaasad ahaan la faquuqay ee aqoonsiga loo diiday iyagoo buuxiyey dhammaanba shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa ee ka jira waddamada ku kala yaal Yurub, Aasiya iyo Afrikaba, kuwaas oo aan la garanayn sababaha rasmiga ah ee ilaa hadda dunidu isaga indho-tirtay ictiraaf buuxa.
Kulankan ayaa la filayaa inay ka soo baxdo natiijo muhiim ah oo ka farxisa dalalka u baahan in la aqoonsado, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shanta dale e Somaliland, Transniestria, Abkhazia, Woqooyiga Qubrus iyo Taiwan.
TogdheerNews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: