Hillary Clinton oo loo malaynayo in ay hadhi doonto bisha 6aad

Hillary Clinton ayaa is-dhiibi doonta isku dayga ay isku dayayso in ay noqoto musharax, hadii aanay u suurtogelin in ay soo gaadho Barack Obama ilaa iyo bisha 6aad. Sidaa waxaa yidhi hogaanka ololaha doorashadda Terry McAuliffe.

Hillary iyo ninkeeda M/weynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton, ayaa mudadda kadib taageeradooda u wareejin doona Barack Obama, hadii ay u suurtogasho in uu doorashadda bisha 11aad iskugu soo baxaan John McCain. Sidaa waxaa yidhi McAuliffe.

Wuxuu intaa maalintii khamiista ku daray McAuliffe in aanay imika ahayn xili haboon in ay isdhiibto Hillary ilaa iyo inta laga gaadhayo xiliga murashaxnimadda olalaheedu dhamaanayo oo ku eeg 3da bisha juun.

Hillary iayaa saxaafadda maalintii arbacadda u sheegtay in aanay isdhiibi doono ilaa iyo inta la helayo musharax si cad u soo baxa.

imika gobaladda hadhay ee aan weli laga codayn ayaa ah lix gobol oo yar-yar. Kuwaas oo ah qaar aan u suurgogelinahayn in ay Clinton siiyaan ergooyin badan oo keeni kara in ay soo gaadho Obama. Marka kuligood la isku geeyo, ayaa waxa keli ah oo laga heli karaa 217 ergay oo qudha, taas oo keenaysa in aanay rajo badan siinahayn Clinton.

Todobaadkii hore guushii uu Obama ka gaadhay North Carolina, iyo bakhtiyaal nasiibkii ay Hillary inta yar kaga badisay Indiana, ayaa wuxuu cadaynayaa in culays wayni fuulay Clinton. Culayskaa oo keeni kara in ay is-dhiibto.

Waxaa kale oo dhici karta in Obama laftigiisu uu dhawaan ku dhawaaqo guul

Goobta internettka ee Politico ayaa waxaa mid ka mid ah la-taliyayaasha Obama ayaa waxaa uu sheegay in ay guul ku dhawaaqi doonaa kadib doorashooyinka gobaladda Kentucky iyo Oregon 20. may marka ay qabsoomaan.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: