ROOB AAD LOOGU DIIRSADAY AYAA KA DA’AY Galbeedka Gobolka Hargeisa iyo Gobal weynaha Gabiley (Qodaal)

 Waxaa Xalay ilaa maanta ka da,ay roob weyn laga soo bilaaba magalaada Hargeisa ilaa Magaalada Togwajaale. Roobkaas oo ahaa roob weyn oo ka curtay dhamaan dalkeena Somaliland.

 Dib Unoqo
  ALLAYBADAY. 8.May.2008

Waxaa Xalay ilaa maanta ka da,ay roob weyn laga soo bilaaba magalaada Hargeisa ilaa Magaalada Togwajaale. Roobkaas oo ahaa roob weyn oo ka curtay dhamaan dalkeena Somaliland
 
Dhinaca magaalada Allaybaday oo hada ku sugan waxaa ka da,ay roob aad loogu qaboobay, roobkaas oo ahaa mid aad u laxaadleh oo da,ayay mudo dheer waxa uu  wada buuxiyay dhamaan dhaamamkii waawaynaa ee Allaybaday, Roobkaa ayaa ay dadwaynaha ku dhaqan  deegaankaasi ay aad ugu qabowsadeen kadib jiilaal adag iyo kaliil dabadheeraatay  oo baryahan danbe ay dadka ku dhagan deegaanla Allaybaday ay bilaabeen hayaan ay ugu guurayeen meelaha ay raxmadu ka da’day si ay  xoolaha ugu helaan biyo iyo baad, balse maanta waxa ka muuqda dadka ku  dhaqan Allaybaday jawi ka duwan kii hore, taasi oo farxad iyo rayrayn badani ka muuqatay wajiyadooda.
hadaba dadwaynaha reer Allaybaday oo ku caan baxay waxsoosaarka xaga beeraha ayaa waxa ay ahaayeen qaar in  muddo ahba isku diyaarinayay waxbeeris, balse ay ka dib dhaceen roobabkii xiliga gugu oo la filaayay, ayaa maanta aad looga dareemay durba dhaqdhaqaaq ku wajahan xaga waxbeerashada ee dhamaan dagaanka Degmada Allaybaday iyo dagaanke kale ee gobolka.
 DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: