Munasabada 18 May Oo Si Weyn Looga Xusi Doono Oslo


Dhamaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Oslo iyo agagaarkeeda waxaaa lagu wargelinayaa in la qabanaayo munaasabad lagu xusayo sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay gooni isutaaga J.Somaliland oo ku beegan Axada 18 May 2008.
Munaasada Xafladaha lagu xusayo waxa loo kala qabanayaa sidan soo socota:
  • Tar-tan Kubadda Cagta ah oo dhawr kooxood ku tartami doonaan. Kooxdii ku guulaysatana la guddoonsiin doono koob loogu talagalay munaasibadan.
  • Xaflad habeenkii ah oo lagu soo bandhigi doono Khudbado ka hadlaya maalintan iyo qiimaheeda. Waxaa kaloo goobta ku diyaara dhalintii fanka iyo hidaha oo iyana dhanka maaweelada daadihin doona.

Tar-tanka kubada cagtu wuxu dhacayaa maalinimada Axada 18/05, isagoo bilaaban doona 11:00 baraqnimo. waxaana lagu qabanayaa garoonka Dæhlenenga idrettsanlegg, Malmøgt.

Halka xaflada fiidnimadu ka dhaceyso Tøyenbekken, Grønland. Waxaanay soconaysaa inta u dhaxeysa saacadaha 17:00 – 01.00.

Barnaamijka ka hadlaya isku aadka kooxaha ku tar-tamaya munaasibada iyo habsami u socodka xaflada habeenkiiba, dib ayaa laga soo baahin doonaa.


Allaa Mahad Leh

Gudiga Qaban-qaabada

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: