HALKAN KA AKHRI WARARKII WARGEYSKA OGAAL CADADKII KHAMIIS 08MAY 2008

“Hadaan 15-ka May wax is badalin waxaa inoo balan ah inaynu dareenkeena cabiro”

Hargeysa: Dardar-gelinta Siilaanyo, Duurxulka Cadami iyo dareenka isu soo baxa Kulmiye

Hargeysa (Ogaal) – Hogaamiyayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa Shalay khudbado u jeediyay Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo isugu soo baxay fagaaraha Xarunta dhexe ee xisbigaasi. Islamarkaana masuuliyiinta Kulmiye waxaa ay ugu baaqeen dadweynaha inay wadaan banaanbaxyada wixii ka danbeeya 15-ka bishan May hadii aan wax is badal ahi dhicin inta ka haraysa.

Isu soo baxan ayaa dadka ka qaybgalay waxay lulayeen Boodhadh iyo qoraalo ay ka muuqdaan halku dhegyo ka dhan ah muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somalilad oo wakhtigii shanta sano ahayd ee la soo doortay kaga egtahay 15-ka bishan May.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo fagaarahaasi kala hadlay dadka taageerayaasha ah ee isu soo baxay ayaa sheegay in culays iyo cadaadis xoog leh ay Xukuumadda Somaliland saartay Xisbigooda iyo taageerayaashiisa, iyada oo aanay jirin wax sabab ah oo loo cuskanayo sida uu ku dooday. Cadaadiskaasi oo ay ka midyihiin ayuu yidhi in xadhig iyo in dhinaca dhaqaalaha iyo shaqooyinka lagala tagaalamo.“Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, Kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabada iyo danaha ummadiiisa. Iyada oo aynu nabadgalyada ilaalinayno, wada jirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana hadaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo balan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Rayaale.” “Waxaanu leenahay Madaxweyne Rayaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii fadhiyin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranka oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa, doorashada sidaynu u wajahnaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye, waxaanu ku eedeeyay dib u dhaca doorashooyinka in uu Madaxweynuhu ka masuul yahay. Islamrkaana waxa uu ku dooday inay samir badan hore u muujiyeen mucaarid ahaan, imikana ay diyaar u yihiin sii wadida samirka ay u hayaan dalkan iyo dadkan Somaliland.

Mar uu si gaar ah ula hadlayay Guddoomiyaha Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa, Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar ragbaana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Xisbiga Kulmiye ugu jira, ayaa sheegay, isla markaana dadweynaha u soo jeediyay inay iyagu Xisbi ahaan yihiin Xisbiga u taagan nabadgalyada, sidaa darteedna taagaarayaasha looga baahan yahay inay ku sii dedaalaan adkaynta nabadgalyada, iyaga oo la shaqaynaya Ciidamada amniga. Xildhiibaanku waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay nabadgalyadu u leedahay jiritaanka noole kasta oo dunida jooga iyo tilmaamaha ay diinta Islaamku ka bixsay.

Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada, isla markaana laga soo doortay Xisbiga Kulmiya, ayaa sidoo kale sheegay in uu Madaxweynaha talada hada hayaa si nabadgalyo ah maamulka dalka ku qabtay, isla markaana looga baahan yahay inuu si nabadgalyo ah uga dego marka xilku ka dhamaado, “Xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu 80 cod ayuu kaga helay, waananu haniyaynay. Markaa waxaanu leenahay Madaxweynuhu taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo, oo si nabadgalyo ah ayuu ku yimi ee si nabadgalyo ah hakaga tago, oo doorasho ayuu ku yimi ee doorasho xaq ah oo xalaal ah ha sameeyo oo hagaga tago, haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf. “Aduunka waxaynu ka iibinaa laba shay, kuwaas ah wadankeenu inuu nabad yahay iyo inaynu dimuquraadi nahay, labadaasbana waxa beeniyay Guurtida, oo iyada oo aynu nabad nahay ayay yidhaahdeen sannad ayaanu u kordhinay, dimuquraadiyadii socotay intay ka talaabsadeen ayay sannad kordhiyeen.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali.

Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegaya imtixaanka aduunka oo dhami wuu soo maraa waxaan lagaga guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, oo shacbiga dulqaata ee dhabar-adayg sameeyaa mishkilad kasta wuu ka gudbi karaa, maanta waxa la inooga baahan yahay dhabar-adayg.” Sidaa ayuu yidhi Cadami. Isaga oo faah-faahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horeeyay shir Xisbiga iyo Madaxdiisu isugu timaado, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambeeysa waynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo wadamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyada gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, deebadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna Carruurtoodii ayaa soo gaadhay.”

Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinku, mar uu ka hadlayay qaabka qaldan ee ay dadku wax u isticmaalaan waxa uu yidhi “Waqtigii Xamar la joogay ee xaaladu ay kululayd, ee la kacaamaysnaa ee ay ciidamadu wax walba soo qab-qabanayeen, waxa aan raacay qolo wafti ahayd oo meel ayaa la soo furay guri ah oo uu lahaa maamulihii degada Marka oo Talyaani ahaa, guriga waxa la yidhi waa cusub yahay, aniga laftayda waa la I caameeyay oo waan u qaatay inuu cusub yahay, sannadkii dambe ayaa la yidhi ina keen, waanu tagnay mise gurigii ayaaba la rinjiyeeyay mar labaad oo la soo furayaa, isla markaana gurigaa rinjigu ku socdo ayaan sheeko ka bixiyay oo waxaan idhi ‘Ma laga baqaa gurigaasi inuu hadlo maalin maalmaha ka mid ah, oo uu yidhaahdo waar wax kasta igu qabta oo, rinjiga faraha badan iga daaya.” Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu Cadami intaasi ku daray, “Marrkaa waxaan maanta leeyahay sidaa si le’eg ma laga yabaa nabadgalyada wanaagsan ee aynu ku jiro in aynu maalin ka hadlino, oo ay tidhaahdo qoladan masaakiinta ah maaha cida nabadgalyada xumaynaysaaye waa qolada awooda leh (xukuumadda), haday hadli waydo inaga ayaa ka hadli doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu ku dooday inay yihiin ummad garnaqsanaysa, oo dhaqankii dalkani ku soo caano maalay dabada haya oo aan laga leexin karayin.

Md. Cadami, waxa uu xusuusiyay Madaxweyne Rayaale, sidii uu ula dhaqmay waqtigii muddadii xilka komishanku ka dhamaatay ee loo kordhiyay “Madaxweynuhu Komishankii hore markii muddadu ka dhamaatay isaga ayaa ugu horeeyay oo yidhi waqtigiinii waa dhamaaday, kaftan badana wuu ku daray, anaguna waxaanu leenahay saacadu way is garaacaysaa, taar ayaanu kuu soo diriynaa, oo aan wax kuugu sheegaynaa, oo waxaanu leenahay intay goori goor tahay taariikhdii iyo abaalkii ummadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo orod, dhaca.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Somaliiand Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

Somalia: Weerarada Muqdisho, Baydhaba, Kala-baydh iyo khasaaraha ay geysteen

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Qarax xoog lahaa, ayaa xalay lala beegsaday ciidamo dawladda mbeghati ka tirsan oo marayay duleedka magaalada Baydhaba. Sidaana waxa lagu sheegay wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya.

Qaraxan oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid loo adeegsaday miinooyinka nooca rimuudka lagu hago, waxa la sheegay inay ku dhinteen laba askari, toddoba kalena ku dhaawacmeen. Hase yeeshee, ma jiraan war rasmiya oo caddaynaya khasaaraha uu geystay inta uu le’eg yahay. Sidoo kale, Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay inay shalay subaxnimadii ka ambabaxeen degmeda Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa shalay duhurkii lagu weeraray degaanka Garasyaani ee bartamaha Gobolkaas. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ku soo beegmay waqti uu gobolka Hiiraan ku sugan yahay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Isbaheysiga la baxay Dib-u-xoraynta Soomaaliya, Cumar Xaashi Aadan. Kaas oo sheegay inuu Soomaaliya ka soo galay dhinaca Xuduudka Kenya, soona maray dhinaca dhulka. “Waxaan soo maray Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelada Dhexe, immikana waxaan joogaa Gobolka Hiiraan,” ayuu yidhi Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in uu Soomaaliya u yimi arrimo ku saabsan sidii dadka Soomaaliyeed looga dhaadhicin lahaa inay dib u heshisiiin iyo wadahadal ku wajahan mashkiladda Soomaaliya wada yeeshaan. “Cadawgu (Ciidamada Itoobiyaanka) hadda dalka waa uu ka sii yaraanayaa, wuxuuna ku soo hadhay saddex magaalo oo kala ah Muqidsho, Baydhabo iyo Afgooye, iyana way ka bixi doonaan ugu dambaynta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidankaas oo watay 30 gawaadhida dagaalka ah ay dhexda u galeen xoogag ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya. Lama kala oga khasaaraha uu dagaalkaasi geystay. Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo la sheegay inay sugan yihiin degaanka Kala-baydh ee Gobolka Hiiraan, ayaa iyana shalay subax lagu weeraray Madaafiic hoobiyayaal ah, balse madaafiicddaasi waxa la sheegay inaanay wax khasaare ah geysan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), oo ku sugan degaanka Kala-baydh.

Dhinaca magaalada Muqdisho, qarax balaadhan oo la sheegay inay dad ku geeriyoodeen, ayaa shalay ka dhacay degmada Dharkaynley ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsanayay gaadhi ay saarnaayeen koox ka tirsan ciidamada dawladda mbeghati, oo agagaarkaa marayay. Ilaa laba qof oo shicib ah iyo askari ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday qarraxaas.

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

Waa maxay aragtidaadu

Waxaanu qormadan ugu talagalay intii suurtagal ah inay dad-weynuhu ku cabiraan arragtidooda ku wahan xaalada wadanku marayo iyo muranada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

1-Yuusuf Khadar Cabdi: “Khilaafka siyaasadeed ee haatan wadanka ka taagani, waxa uu salka ku hayaa kursi-jacayl. Waxaanuu muuqaal u yahay inuu dalku sii galayo rajo-xumi. Khilaafkaasi wuxuu sii xumaynayaa oo uu isku gudbayaa ictiraafkii inoo muuqday ee aynu sugaynay. Wuxuuna khilaafka xukuumada iyo Axsaabta Mucaaradku waxba kama jiraan ka dhigaya wixii aynu soo marnay iyo horumarkeena. Sidoo kale, dalku wuxuu noqday kubad dhex-taala laba naadi oo waawayn, kuwaasoo kala ah; Guurtida oo dhamaanteed Muxaafad ah iyo Wakiillada oo inyar mooyee, wada mucaarad ah. Kuwaas oo jiq iyo bus isku siinaya wax kasta.

Waxaan talo ahaan soo jeedinayaa xaalada dalka in shicibka lagala tashado, waa la tix-geliyo wixii dantoodu ku jirto ee ay rabaan. Taasoo micno ahaan noqonaysa in shicibku wax kasta ka horumariyo sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd noocay doonto ha u dhacdo, cidii doontaana ha ku guulaysatee.”

2- Iid Ciise Jaamac: “Waxaan qabaa khilaafkan siyaasadeed ee dalku galay in aanu inoo wanaagsanayn, oo aanu u wanaagsanayn caalamka oo inoo qiray inaynu nahay wadanka keliya ee ka bad qaba Geeska Afrika. Waxaan leeyahay markaa, siyaasiyiinta Somaliland guud ahaan waar waad ogtihiin dhibaatadii dalka loo soo maray ee dalka haynaga burburinina, la tashina arrimahan oo kale kala yeesha umadiina, kana ilaaliya wixii nabadgeliyo xumo u gaysanaya sumcada dalkeena.”

3- Eng. Guuleed Daahir Jaamac: “Maadaama dalku ku jiro marxalad adag. Waxay ila tahay in xukuumadu samayso tanaasulaad ay ku xalilayso khilaafkan siyaasadeed, oo aanay iyadu horseed u noqon burbur dalka ku yimaada, xisbiyada mucaaradkuna inay laftoodu sameeyaan istiraatiijiyad cad oo wax ku ool ah oo badbaadin karta dalka.”

4- Khadar Abiib Cismaan: “Khilaafkani waa laba waji. Mid xisbiyada dhexdooda ka taagan, iyo mid la xidhiidha xilliga doorashada iyo qabsoomid la’aanteeda wakhtigii loogu talo-galay.

Siyaasadu haddii ay cakiranto ciday saamaynaysaa waa dadweynaha. Doorashada oo aan xiligeedii qabsoomin ayaa ka kow ah khilaafkan, taasina waxay ka timi xagga xukuumada talada haysa, kordhintana umanay marin habkii sharciga ahaa ee dib-u-dhigista, komishanka oo aan xilkiisii garanayn ayaa ka qayb ah khilaafaadka taagan ee siyaasadeed. Golaha Guurtida oo muddo kordhintii ay Madaxweynaha u sameeyeen u marin wadadii saxda ahayd.

Waxaan qabaa in waxyaalahaas lagaga baxo iyada oo ay iskaashadaan Axsaabta, Culimada, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada iyo indheer-garadku oo ay u kordhiyaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Halka sano ee Guurtidu u kordhisay iyo Hal sano oo kale, Isku Laba Sano, si dalka ay uga dhacdo diiwaan-gelin xalaal ah oo laga baaraan-degay.

Waayo, nimankan Komishanka ah ee Todobadii nin heshiin la’yihiin dal dhan kama garnaqi karaan masiirkiisa oo ma kala saari karaan waxba.
Waxaan leeyahay Waar Sanad iyo Laba wax ka wayn baa la sugaaye samir aan yeelano, oo aan dib u xusuusano waxyaalihii aynu soo marnay qarnigii dhamaaday.”

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

“Hadii aad xil-qabato arragtidaadu sidii hore ma ahaanayso” Maxamuud Cabdilaahi Guuleed

Hargeysa (Ogaa) – “Waad ogtihiin in Go’da weyn loo magacaabay Degmo, waana arrin dastuuriya in dawladu maamulka daadejiso, dadka deegaankuna arrintaa way ka mahad-naqeen, waananu ku celinaynaa. tan ah in la ii soo jeediyay in degmada la ii magacaabo, way jirtaa oo arrintaa waxa aad uga shaqeeyay odayaasha iyo wax-garadka Beesha, qofka loo dhiibayaan culays weyn ayaa fuulaya oo waa meel cusub, mar hadii ay soo jeediyeen wax garadkuna meel aan ka dhaafaa ma jirto.” Sidaa waxa yidhi, Maxamuud Cabdilaahi Guuleed (Fiiqay) oo ka mid ah Aqoon-yahanka degmada Go’o oo aan wax ka weydiinay hadal hayn la xidhiidha in wado qorshe la doonayo in degmadaas loo magacaabo.

Maxamuud waxa uu sheegay in hore degaankaasi ay wax badan dadweyne ahaan uga qabteen isaga oo aan xil haynin, uuna qayb ka ahaa xubnihii dedaalka u galay in Degmada Go’da weyni yeelato, Saldhig Bolis Goob caafimaad iyo adeegyo badan oo kale. Islamarkaana uu diyaar u yahay inuu qabto xilkaasi iyo inuu ka qayb galo hurumarka degmada.

Maxamuud waxa uu ka mid ahaa xubnaha firficoon ee ka dhex muuqda Urur siyaasadeedka Qaran, sidaa darteed waxa wax laga weydiiyay arrintaasi iyo hawshan loo wadaa sida ay isu qabanayaan. “Uma arko inay arrintaasi wax carqalad ah keenayso, qofkuna marka uu madaxbanaan-yahay iyo marka uu xil hayo way kala duwan-tahay, oo wax badan ayaa iska badalaya taas hadii aad xil-qabato. Oo qofkii wuxuu masuul u noqonayaa dad aragtiyo kala gaar ah wata. Sidaa daraadeed waxaan go’aan saday, hadii aan hawshaa qabto wax xisbi la yidhaahdo inaanan faraha la gelin. Waxaana aan ku dedaali doonaan sidii aan danta dagmada iyo horumarkeeda uga shaqayn lahaa.” Sidaas ayuu yidhi Maxamuud, waxana uu ku dooday inuu si weyn ulla shaqaynayo wasaarada Arrimaha gudaha ee ay wada shaqayntu ka dhaxayso hadii arrintaasi u hirgasho.

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

70 – cisho oo Bad-weyn ah

ka dib ayay ka soo caaryeen Lughaya

Borama(Ogaal)- “Laba bilood iyo dheeraad (70 casho) ayaanu dhex heehaabaynay mawjadaha Bada Cas, ka dib markii matoorka Laashka aanu wadanay uu fadhiistay. Anaga oo markaa ka nimi Dalka Yemen oo xaasaskayagu deganyihiin.”

Sidaas waxa yidhi, Mursal Cali Mursan iyo Maxamed Xasan Siciid oo ah laba nin oo dhawaan Laash kula soo caaryay xeebta Lughaya, oo doraad la keenay Cusbitaalka Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Labadan nin waxa ay sheegeen inay ka soo jeedaan Koonfurta Somalia, islamarkaana ay yihiin Kaluumaysato, ka ganacsan jiray Kaluunka ka hor intii aanu la soo caaryin Laashkii ay wateen ee aanay soo lumin.

Madaxa laanta Baadhista ee Saldhiga Booliska Degmada Lughaya Maxamed Xirsi Ismaacii oo Wariyha Gobolka Awdal Jirde arrintan wax ka weydiiyay ayaa sheegay inay xeebta Degmada Lughaya ku arkyeen Doon sabaynasa bada guudkeeda, islamarkaana ay direen qaar ka mid ah ciidanka Booliska oo Dabaal ugu tagay, “waxay soo Noqdeen labadii nin ee aanu diray iyagoo labo caagadood iyo labo nin kala wada oo dhinaca ay ku soo qaadeen, ragii Doonta watay oo aad u tamar yar daal badanina wajigooda ka muuqdo” ayuu yidhi Maxamed Xirsi.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray inay labadan nin Lughaya ku hayeen Lix maalmood, islamarkaana ay u soo gudbiyeen Cusbitaalka Boorama oo ay hada ku sugan yihiin, laguna dawaynayo.

Labadan nin ee doonida saarnaa oo magacaantoodu kala yihiin: Mursal Cali Mursan iyo Maxamed Xasan Siciid oo kasoo kala jeeda Beelaha Digil iyo midhifle iyo Biyo Maal ee koonfurta Soomaaliya. Taliyada Booliska Lughaya ayaa waxa uu sheegay inay lix casho ku hayeen labadan nin magaalada Lughaya ka dibna ay usoo gudbiyeen Cusbitaalka Guud ee Borama halksaas oo ay hada ku sugan yihiin laguna dawaynayo.
Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

Itoobiya oo markii u horaysay

ka hadashay tirada Ciidamada lagaga dilay Somalia

Addis-Ababa (Ogaal/W.Wararka)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tirada Ciidamada kaga dhintay gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay Ciidamadeeda geysay Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Wahide Belay, ayaa sheegay in ay boqolaal askari kaga dhinteen dagaallada had iyo jeer dhex mara iyaga iyo Ciidamada Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama gudaha Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee Somalia. Kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiyaanka ee Soomaaliya.

Afhayeenkani waxa kale oo uu sheegay in Ciidamadooda uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo qaarkood hadda lagu dawaynayo Cusbatallo ku yaala dalka Itoobiya.

Inkasta oo Afhayeenkan u hadlay Dowladda Itoobiya uu sheegay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay dhan yihiin 3,000 oo Askari, haddana hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenku, waxa uu khilaafsan yahay hadal uu hore u sheegay Sarkaal Itoobiyaan ah oo ka qeybgelay Xaflad Ciidamada Itoobiya Muqdisho loogu sameeyay dabayaaqadii sanadkii hore, kaasi oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya ay ka badan yihiin 50 Kun oo Askari.

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

Magacyada guddi M/weyne Rayaale u magacaabay qaban-qaabada Xuska 18 May

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa magacaabay Guddi ka kooban 9 xubnood oo uu xil saaray qaban-qaabada Xuska 18-ka May, oo muddo yari ka hadhsan tahay.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadu, guddigan ayuu Madaxweyne Rayaale ku amray inay sida ugu dhaqsaha badan uga hawlgalaan qaban-qaabada Xuska 18-ka May oo ku beegan 17 guuradii ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqday inay Somaliland Xorriyadeedii Qaranimo dib ugala soo laabatay Somalia.

Sidoo kale, waxa Warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Madaxweyne Rayaale faray Maayarrada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada dalka in loo diyaar-garoobo maalintan.

Magacyada Guddiga loo xil-saaray qaban-qaabada:

-Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’ – Wasiirka Arrimaha Gudaha

-Nuur Aamin Ismaaciil – Wasiirka Madaxtooyada

-Axmed X. Daahir Cilmi – Wasiirka Warfaafinta

– Eng Xuseen Maxamed Jiciir – Maayarka Magaalada Hargeysa

-Cabdillaahi Cali Ibraahim – Wasiirka Gaashaandhiga

-Cabdirisaaq Waaberi Rooble – Wasiirka Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka

-Siciid Caddaani Mooge – Afhayeenka Madaxtooyada

-Nuux Ismaaciil Taani – Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

-Maxamed Saqadhi Dubad – Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

– Cali Xasan Maxamuud , Badhasaabka gobolka Maroodi jeex

Wararka Xarunta Wargeyska Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: