Madaxweyne Rayaale Oo Digreeto Madaxweyne Ku Dhantaalay Xilkii iyo Awoodii Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cali Sanyare.

Hsrgeysa(sl.no), 04.may 2008 – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wiiqay awoodii Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah ee qaranka Somaliland. Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wiiqay awoodii Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah ee qaranka Somaliland Md. Cali Ibrahim Maxamed, ka dib markii uu qayb culus oo ka mid ah xilkiisa u magacaabay masuul kale oo si toos ah u hoos tagaya xafiiska Madaxweynaha.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Rayaale dhawaan digreeto Madaxweyne ku magacaabay muwaadin magaciisu yahay Xuseen Maxamed Faarax, kaas oo noqon doona la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha qorshaynta xidhiidhka hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ilahaasi waxa ay sheegeen in magacaabista masuulkan cusub aan lagala tashan islamarkaana lala socodsiin Wasiirka qorshaynta Md. Cali, balse uu xafiiska Madaxweynuhu si gaar ah ugu gudbiyay hay’adaha Qaramada Midoobay. Wasiirka oo uu Geeska Afrika xalay isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay u suurto gelin.

Cali Ibrahim Maxamed, oo ah aqoonyahan magac ku leh hay’adaha caalamiga ah iyo urur goboleedyada qaaradda Afrika, ayuu Madaxweyne Rayaale magacaabay badhtamihii sannadkii 2006, waxaana magacaabistiisa soo dhaweeyay hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland, waxaanay xilligaas Md. Cali ku tilmaameen inuu yahay nin u qalma xilka loo magacaabay. Waxaanu mudadaas uu xilka hayay wax weyn ka bedelay xidhiidhkii ka dhexeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo dawladda Somaliland, isaga oo islamarkaana qayb laxaad leh ka qaatay go’aankii dawladda Sweden kal hore qaadatay ee ahaa inay dhinaca mucaawinada Somailland ula macaamili doonto dal gaar ka ah Somaliya.

Si rasmi ah looma garanayo ujeedada uu Madaxweyne Rayaale u dhantaalay awoodda wasiirkiisa Cali Ibrahim Maxamed, oo lagu tilmaamo inuu yahay ninka ugu culus ee ku jira xukuumadiisa. Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya inuu muddooyinkii u dambeeyay jiray mad madow soo kala dhex galay Wasiir Cali iyo Madaxtooyada Somaliland, mad-madawgaas oo soo dedejiyay go’aankan cusub ee Madaxweyne Rayaale.

Cali Ibrahim Maxamed, ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin ku kooban shaqadiisa iyo hawlaha Madaxweyne Rayaale magacaabay, ayaa waxa uu noqon doonaa sarkaalka xafiiska Madaxweynaha u qaabilsan xidhiidhka hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaana halkaas ku dhantaalmaya qayb culus oo ka mid ah shaqadii Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay.
wasaaradiisu qabato, inta badana kama dhex muuqdo shirarka jaraa’id ee qaar ka mid ah wasiirada xukuumadu ku difaacaan madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Hase yeeshe waxa la sheegaa in Wasiir Cali Madaxtooyada looga aqoonsanyahay nin qab weyn, taasina ay noqotay sababta keentay in la qaniino islamarkaana uu Madaxweynuhu awoodiisa dhantaalo.

Lama saadaalin karo go’aanka uu Wasiir Cali ka qaadan doono tallaabadan uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ku wiiqay awoodda xilkiisa wasiirnimo, waxaana jira warar sheegaya in Wasiir Cali iska casili doono xilka Wasiirnimo ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Masuulkan

Geeska Afrika.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: