Shir sannadeedkii Xisbiga Qaranka KULMIYE laantaNorway ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Oslo Norway. 01.Mai.2008.

kulmie, originally uploaded by same_kab.

Oslo(sl.no) – Shir sannadeedkii xisbiga KULMIYEee laanta Norway ayaa wuxuu ka dhacay hoteleka weyn ee Anker Hotel, Oslo Norway. Waxaana ka soo qayb galay dhamaan tageerayaasha Kulmiye ee gobolada dalka Norway kala degan.


Shirkaas oo ahaa mid aad iyo aad loo soo abaabulay, dad badani ka soo qeyb galeen.
Furitaan shirka waxaa halkaa uu Guddoomiye Kulmiye Norway, Ahmed Barud ka jeediyey haddallo aad u qiimo baddan isagoo markii hore ku bilaabay hadalkiisii waxqabadkii, xisaabcelintii Kulmiye Norway iyo xog-warranka waddanka Somaliland xaga siyaasadda, dhaqaalaha, nabad gelyada iyo guud ahaan xaaladda guud ee dalku marayo. Iyadoo intaana uu haddalkiisaa xog-warranka ahaa uu dhex waday talooyin iyo guubaabooyin uu ku tilmaamayey doorka looga bahan yahay in qurbe-joogtu ka ciyaarto Badbaadinta jiritaanka Somaliland, taas oo maanta khatar weyn uu ku hayo maamulka wakhtigiisii 2 usbuuc ka hadhsan yahay, Gudoomihu wuxuu aadna uu ugu boorinayey in wadankeenii uu maraayo maanta meel uu aad iyo aad noogu baahan yahay, loona midooba sidii looga badbaadin lahaa dawladaa wakhtigii dhamaaday.
Waxaa iyaga halkaa ka hadlay qeybihii kale ee Gudida Kulmiye Norway iyo dad badan oo dhamaantood aad uga hadlay in baahinyahay shir aan caadi ahay oo laga hadlo 2 qodob:

* Qaabkii Kulmiye Norway uga qeyb qaadan lahaa badbaadinta Somaliland.
* Qaabkii Kulmiye Norway uga qeyb qaadan lahaa Doorashooyinka soo socda

Waxaa loo saaray 4 xubnood oo soo qaban qaabiya shirweynaha oo dhacaaya. 01.Jun.2008.
Somaliland dadkayda iyo Somaliland dalkayga.

Xisbiga Kulmiye……
Norway.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: