SHIR HAWLEED AY ISUGU YIMAADEEN DHAQAATIIR & KALKAALIYEYAAL SARE OO KA DHACAY OSLO NORWAY

Dr. Jama Y. Elmi, Brigitte Awad iyo Dr. Ahmed H. Hassan Awad

Oslo(SL.NO) 03 may 2008 – Shir-hawleed ay ka soo qeyb galeen dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad sare oo ka kala socday wadamada Norway, Danmark iyo Jarmalka ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Oslo. Shirkaas oo aqoonyahanadii ka qeyb galay ay asal ahaan ka soo kala jeedeen wadamada Somaliland iyo Somaliya. Kuwaas oo ku midoobay urur dalad ah oo lagu magacaabo ” Somali Psychiatric Network”.

Ururkan oo ah mid midaynaya shaqaalaha caafimaadka ee aqoonta u leh cudurada dhimirka. Wuxu u asaasmay sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba cudurada dhimirka(maskaxda) ee ku nool dalalkaa. Waxaana ururada ku bahoobay daladan qaarkood hawlo shaqo oo mudo sanad & dheeraad ah socday ka wadeen magaalada Burco. Iyaga oo halkaa ka soo dhisay fureyna xarun caafimaad(clinic) lagu daweeyo cudurada maskaxda. Xaruntaa caafimaad oo u gooni ah caruurta iyo dhalinyarada.

Hadaba, qodobadii lagaga wada hadlay kulan hawleedkaa layslana meel dhigay waxa ka mid ahaa:
1. Sidii mashruuca lagu magacaabo ”life without chains” ee ka socda magaalada Burco loogu balaadhin lahaa magaalooyinka waaweyn sida Borama. Taas oo la qorsheeyey in xagaaga la sameeyo sahan, lana qabto siminaaro.
2. In la sameeyo sahan lagu eegayo sidii loo caawin lahaa dadka ku waxyeeloobay dagaalada Somaliya. Khaasatan kuwa qaba cudurada maskaxda iyada oo lala kaashanaayo xarumaha caafimaad ee ka jira Muqdisho sida cusbitaalka dhimirka ee Dr. Xabeeb.
3. In lala xidhiidho kuliyadaha caafimaadka ee Jaamacada Camuud iyo Muqdisho. Si loogu dhiiri geliyo ardayda dhigata kuliyadahaa iyo dugsiyada kalkaaliyeyaasha caafimaadkaba kobcinta aqoonta cudurada dhimirka. Dhakhaatiirta qurbuhuna u siin lahaayeen duruus ku saabsan cuduradaa.
4. In la sameeyo erey bixin xagga cudurada dhimirka oo Soomaali ah. Si ay u fududaato isfahamka shaqaalaha caafimaadka iyo dadka qaba xanuunadaasi.

Gabagabadii aqoonyahanadii ka soo qeyb galay shir-hawleedkaasi waxay u balameen shirwayne dambe oo ka dhici magaalada stokholm ee dalka swidhan bisha saddexaad ee 2009.
Aqoonyahanadii caafimaad ee ka soo qayb galay sharkaasi waxay kala ahaayeen:
• Dr. Jaamac Yuusuf Cilmi – Norway.
• Drs. Faadumo Sh. Cali Jumcaale – Danmark.
• Dr. Axmed X. Xasan Cawad – Jarmalka.
• Brigitte Cawad – Jarmalka.
• Safiya Yuusuf Cabdi – Norway.
Oslo

Somaliland.no

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: