RUUSHKA IYO WAJIGA CUSUB EE DALALKA AQOONSI RAADISKA AH

“Waxa la gaadhay xilligii dalalka aqoonsi-doonka ah hoosiiska laga saari lahaa”- Madaxa Xafiiska Jinsiyadda Ruushka”.

By Sergei Markedonov

Moscow (W. Wararka/sl.no) – Madaxa Xafiiska Qawmiyadda ee machadka siyaasadda iyo arrimaha millatariga ee magaalada Moscow ee dalka Ruushka Sergey Markedonov, ayaa faaqidaad dheer ugu soo bandhigay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalkaas Dmitry Medvedev inuu xidhiidho wanaagsan la yeesho dalalka aan la aqoonsanayn, oo ay ku jirto Somaliland.

“Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah, iyo tilmaamaha uu u baahan yahay Mr Dmitry Medvedev, marka loo eego siyaasadda arrimaha dibadda Ruushka ee la xidhiidha wada-shaqaynta dalalka iskood u taagan, ayaa ah inuu Ruushku haatan ku shaqeeyo nidaamkii Midawgii Soofiyeetiga,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay khabiirkan arrimaha millatariga ku takhasusay Sergey Markedonov. Waxaanu intaa ku daray, “Waxa jira dhawr mashaakilaad oo kale oo la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda, kuwaasoo ku xidhiidhsan amaanka gudaha Ruushka, maadaama xaaladdaha siyaasad-jinsiyeedka ka taagan South Ossetia iyo Abkhazia, oo si toos ah saamayn ugu leh xaaladdaha ka jira Jamhuuriyaddaha Waqooyiga Ruushka ee Gobolka Caucasus.”

Isaga oo ka hadlaya sababaha haatan Ruushka ku kelifaya la-shaqaynta dalalka aan la aqoonsanayn, waxa uu intaa raaciyay, “Ka hor sannadkan 2008, isku-dayo lagu bedelayo aqoonsi-siinta meelaha khilaafaadyadu ka jiraan may ahayn wax ka qayb ah istaraatiijiyad habaysan oo la raaco, hase ahaatee, tani way is-bedeshay markii beesha caalamku aqoonsadeen madaxbanaanida Kosovo. Xataa iyada oo booska rasmiga ah ee ay ka taagan yihiin arrintan maamulka Washington iyo Brussels uu yahay in aayo-ka-tashiga Kosovo uu naadir yahay, ayaa haddana dalka Kosovo aanu waxba ka duwanayn kuwa kale. Kama dambaysta, aqoonsi siyaasadeed oo uu Ruushku siiyo dalalka aqoonsi-raadiska ah ee gobollada kala duwani aad bay muhiimad ugu leedahay Ruushka, taasoo uga miisaan cuslaan doonta aqoonsi sharciya oo ay helaan. Maraykanku waxa uu la shaqeeyaa Jasiiradda Taiwan, waxaanu ka kabaa mashaariicda arrimaha bulshada Nagorno-Karabakh, iyada oo aanay jirin wax caddaymo muujinaya waddamo aqoonsaday. Israa’iil waxay xidhiidh firfircoon oo wada-shaqayneed la leedahay Somaliland, iyaga oo aan dhawaaq taageero rasmiya ka haysanin dalkii hore u gumaysan jiray ee Ingiriiska. Dabiiciyana Ingiriiska laftiisu wuxuu Somaliland kula shaqeeyaa magaca inuu yahay dal uu hore u gumaysan jiray oo boqortooyadiisa hoos joogay, isla markaana xaqiiqada ah aqoonsi sharci ahi kama shaqaynayso halkaas (Somaliland). Arrinta ugu muhiimsani waa wada-shaqaynta siyaasadeed iyo wada-shaqaynta arrimaha amaanka, iyo weliba rajooyinka ay danta u bidayaan Somaliland xaaladdaha siyaasadeed ee taagan. Ruushku ma duduucayo dardar-gelinta hanaanka aqoonsi rasmiya oo ay helaan dalalka qiilka u raadinaya aqqonsiga caalamiga ahi, balse xilligan xaadirka ah, waxa aad u muhiim ah in dalalkaas laga soo saaro hadhka iyo hoosiiska ay ku soo jireen, si taageerooyin siyaasadeed loogu fidiyo, looguna muujiyo siyaasad shaqaynaysa.”

Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: