GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO TALAABO ANSHAX MARIN AH KA QAADAYA GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOMISHANKA, ANSHAX MARINTAA OO LA XIDHIIDHA SHIRKII JARAA´ID EE UU SHALAY QABTAY

Hargeisa(SL.NO) – Gudoomiyaha Komishinka doorashooyinka Somaliland, Md, Maxamed Ismaaciil Maxamed [Kabo-weyne], ayaa sheegay inay komishinku ay talaabo anshax marin ah ka qaadayaan, Gudoomiye ku xigeenka Guddidaasi oo Jawaab kulul ka bixiyay qeybo ka mid ah khudbadii Madaxweynaha Somaliland, uu Salaasadii ka jeediyay fadhigii wada jirka ahaa ee labada gole ee Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida].

Gudoomiyaha Komishinka Doorashooyinka, ayaa maanta saxaafada u sheegay in komishinku aanay la qabin hadalkii shalay ka soo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka Komishinka, Md. Xirsi Cali X. Xasan, oo sheegay in arrimaha doorashooyinka ay Madaxweynaha ula macaamilayaan isagoo ah Gudoomiyaha xisbiga UDUB.

Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed, oo ka hadlayay hadalkii ka soo yeedhay ku xigeenkiisa, ayaa waxa uu yidhi “Hadalkii Gudoomiye ku xigeenka Komishinka shalay ka soo baxay, muu ahayn hadal uu komishinka kaga wakiil ahaa, lamana aanu qabin ee waxay ahayd fakir Xirsi Cali X. Xasan, uun ku kooban.”.

Gudoomiyaha Komishinka doorashooyinka Somaliland, waxa uu sheegay inay talaabo anshax marin ah ka qaadi doonaan Gudoomiye ku xigeenka Komishinka, waxaanu yidhi “Sida uu xeer Hoosaadkayagu dhigayo waxaan ka tashanaynaa talaabo anshax marin ah oo aanu ka qaadno gudoomiye ku xigeenka.”.

Gudoomiye ku xigeenka komishinka doorashooyinka, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo uu soo xulay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaan la sheegin talaabada anshax marinta ah ee laga qaadi doonaa nooca ay tahay, lamana garanayo in xilka laga qaadi doono iyo in kale, iyadoo xubintii xisbiga UCID soo xulay ee komishinka Axmed X. Maxamed [Bidaar], uu dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay shaqada ka joojiyeen lixda xubnood ee kale ee komishinku, kadib markii lagu eedeeyay inuu saxaafada ka sheegay warar aanay Guddida doorashooyinku la qabin.

Source: Waaheen

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: