ARAGTIDA AXMED SIILAANYO EE KHUDBADII MADAXWEYNE RAYAALE

“Madaxweynuhu kama garaabin dhibaatooyinka waqtigan jira iyo sida uu ugu tuntay geeddi-socodka dimuqraadiyadda, caddaaladda, arrimihii xoriyalatal-qawlka, siduu uga tallaabsaday amaanidii dadka iyo dalku u dhiibtay”
Axmed Siilaanyo

Burco(sl.no) 30apr.2008 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULIYE, ayaa Xalay shir jaraa’id oo uu ku qabatay Huteelka City Plaza ee magaalada Burco kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sida uu u arko khudbad sanadeedkii Madaxweyne Rayaale ka akhriyay fadhigii wada jirka ahaa ee labada aqal ee agauurtida iyo wakiilada.

qorshahooda ku wajahan marka la gaadho 15Mey,iyo Tacsi u diray Qoyskii iyo dhamaan shacabka Somaliland geeridii ku timi Marxuun Maxamed X.Ducaale Axmed (Dhoolayare) oo shalay si heer qaran ah loogu aasay Burco.
Hadaba waxa uu Md.Siilaanyo ku bilaabay hadalkiisa “Waxaan halkan u nimi in aanu ka qaybgalno anigoo hogaaminaya Wafti balaadhan oo Xisbiga ka tirsan Aaskii Marxuun Maxamed X.Ducaale oo maanta (shalay) si weyn loogu aasay magaalada Burco.Marxuunka oo ahaa dadka magaca weyn ku leh Somaliland iyo soomaliyaba,kana soo qaybqaatay halgankii xornimodoonka ee ingiriiska,kana mid noqday barlaamkii xiligii Soomaaliya. Waxa uu ahaa Marxuunku nin weyn oo aan la ilaabi Karin taariikh iyo sharafna ku lahaa Umadeena, Islamarkaana kaalin weyn ka soo qaatay ku dhawaaqidii gooni isutaaga Somaliland iyo shirarkii nabadeynta Beelaha Somaliland. Waxaan leeyahay ilaahay haw naxariisto dhamaaan Qoyskii iyo shacbiga samir iyo Iimaan haynaga siiyo.”

Waxa kale oo Md.Siilaanyo intaa raaciyay, “Waxaan jecelahay inaanu halkan ka cadayno mawqifkayaga ku wajahan xaalada dalku marayo kaasoo aanu uragno mid aad u qalafsan,marka hore ilaahay ayaanu ka baryaynaa inuu raxmaad inoo shubo,marka labaad waxaanu jecelnahay inaanu muujino inaanu aad uga xunahay in wakhtiga sidaas u qalafsan ee miyi iyo magaalaba wada saameeyay in dawladan maanta dalka ka jirtaa ay la eegatay ummada wakhtigan shidaalkii kor u kacay,maanta oo kalena waxay ahayd in dawladu cashuuraha dhinto,oo iyadu dadka kabto oo shacabka gacansiiso “ waxase nasiib daro ah in shidaalka ka yimaada itoobiya uu boqolkiiba boqol ka jabnaado ka dekada berbera ka soo dega”,oo shirkad iyo cid la shuraako ahi u xidhnaandaan haamihii shiidaalka berbera,arinraasina waa ummada nolosheedii waanan uga tacsiyadaynaynaa shacabka arintaa axmaqnimada ah ee aan tudhaalaha lahayn. Isagoo ka hadlayay Md.Siilaanyo Khudbadii Madaxweyne Rayaale ka akhriyay labada gole hortooda waxa uu yidhi; “Waxa uu maanta [shalay] Rayaale ku faanayo ee uu baarlamaanka hortooda ka sheegayo ee uu leeyahay waxaasaanu qabanay waa wixii Ummadu gacanteeda ku qabsatay, hadday jaamacado tahay iyo hadday dhistahayba.”
Md. Axmed-siilaanyo waxa kale oo sheegay in iyadoo maanta la marayo geeddi-socodkii dimuqraadiyadda uu ka horyimaado Rayaale dimuqraadiyaddii ama uu ummaddii ka dhigo Laaluush qaatayaal,waynu ognahay waxa todobaadkan ka dhacay Hargaysa,waxaas oo dhana waxa gaystay dawlada,oo waynu ognahay ciidamadii qaranka ee jiida hore difaacayay inay suuqa ku soo yaaciso si ay shacabka ugu cabudhiso,waynu aragnaa dadka suuqyada lagu laynayo iyo kuwa xabsiyada loo taxaabayo waxaas oo dhana waanu cambaaraynaynaa,waanan ka xunahay.

“Uma aragno in dawladaasi tahay tii dadka iyo dalka u adeegaysay, waxaannu u aragnaa oo maantana shirkagayii ka soo baxay in aanu cadeyno marka la gaadho 15Mey, in waqtigiisii dhamaaday anagoo Labada Xisbi ah,loona baahan yahay in maalintas Talo laysugu yimaado sidii loo meelmarin lahaa go,aankii sadexda xisbi qaran, komishanka, deeqbixiyayaasha iyo cida sida fiican u fekeraysaa isla garteen,sidii loo socodsiin lahaa ee xalkeeda la raadsho.” Intaa ka dib waxa

Md.Siilaanyo oo la waydiiyay su,aal ahayd siduu arko Khudbadii Madaxweyne Rayaale Maanta(Shalay) ka akhriyay baarlamaanka hortiisa,waxa uu ku jawaabay “Runtii maan joogin khudbada,ee iminka inyar oo aan Tv-ga ka arkayay, Madaxweynuhu kama garaabin dhibaatooyinka wakhtigan jira iyo geedi socodka dimuqraadiyada siduu ugu tuntay, siduu caddaaladda ugu tuntay, arrimihii xoriyalatal-qawlka siduu ugu tuntay iyo siduu uga tallaabsaday amaanidii dadka iyo dalku u dhiibtay, ma aha qofku inuu durbaankiisa iska tunto, ee waa in dadku u gartaa waxa uu qabtay.

Waxa socdaalkan ku waheliyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Gudoomiye ku xigeenka wakilada Somaliland Md.Cabdicasiis Samaale, Muj.Muuse Biixi, Md. Cabdiraxmaan Saylici, Xil.Cabdiraxmaan yuusuf cartan, Md.Jidhif iyo xubno kale.

Kayse Axmed Digale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: