WARQAD FURAN OO KU SOCOTA GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA

Guddomiyaha Golaha wakiilada SomalilandMd. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Bulshawaynta Somaliland waxay ku barbar taagan tahay mowqafka dhex-dhexaadinta ee uu qaatay, Guddoomiyaha, Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hase yeeshee waa in uu ka fogaadaa tuhun iyo tamar yaraan siyaasadeed.


Sidoo kale, Wakiilada mucaaradku u xilsaray wada xajoodka iyo Afarta wasiir ee Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadu u xilsaartay wada xaajooga iyo xalinta xaalada adag ee dalku ku jiro, waa in ay ka fogaadaan dhambaal wadayaal, waa in ay ogaadaan darenka bulshada Somaliland gudda iyo debadba.
Gudomiye waa in aad ka saxeexdaa qoraal, wakiilada matalaya dhinacyada ishaysta. Waa in ay cadaataa in ay kalsooni buuxda mucaaradka iyo xukumadaba siiyeen wakiilada ay u soo doorteen wada xaajoodka khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Afartan wasiir oo kala ah Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Wasiirka Maaliyadda, Md. Siciid Sulub, Wasiirka Hawlaha Guud, Md. Cali Ibrahim, Wasiirka Qorshaynta, iyo Md. Cabdi Xasan Buuni Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, kana kooban Wasiirada ugu cul-culus JSL Waa in ay ka fogaadaan dhambal wadayaal ka socda Md. Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa Md. Yuusuf
Sidoo kale, Xisbiyada Mucaradka cidda matalaysaa, waa in ay noqdaan kuwaa go’aan qaadasho leh xalinta xaalada adag ee loo xilsaaray kana fogaadaan fariin sidayaal ka socdaa Md Ahmed Silaanyo Gudomiyaha Kulmiye iyo Faysal Ali Waraabe Gudomiyaha Ucid.
Mar hadii Xukuumada, Md. Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa Md. Yuusuf idiin xil-saareen xalinta khilaafkan, sida daraadeed bulshada Somaliland, wax garadka Somaliland, iyo xisbiga Udub intuba dareenkoodu waxa waaye in aad ka fogaataan fariin qadayaal oo aad noqotaan kuwii go’aanka xukuumada gaadha, oo aan dib ugu noqon mar labaad xukuumada,
Sidoo kale, wakiiladda mucaaridka waa in ay wataan awood go’aan qadasho aan dib loogu noqon madaxda xisbiga marlabaad

Hassan Ali
hasomaliland@yahoo.ca

Fiiro Gaar Ah:

Waxa aanu u caddeynaynaa akhristayaasha sharafta leh in aan wargeysku masuul ka ahayn fikradaha dadku soo qoraan ee uu masuuliyadeeda leeyahay qoraagu

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: