Madaxweyne Rayaale oo U khudbadeeyay Shir-guddoonka labada Gole, Iyo Xubnaha Goleyaasha Qaranka

Hargeysa (sl.no)- Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta khudbad sanadeedka 2008 ka jeediyay Golayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada). Xafladan oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne ku xigenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Shirgudoonada Wakiilada iyo Guurtida , Mudanayaasha Labada Aqal , Wasiiro iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha oo ugu horeyn halkaasi ka jeediyay khudbad dheer waxa uu ku bilaabay ‘’Shir-guddoonka labada Gole, Xubnaha Goleyaasha Qaranka, waxaan dhammaan idiin soo jeedinayaa Salaan qiimo iyo qaayo badan.

Hor-dhac
Maanta oo ay bishu tahay 29 April 2008, waxa sharaf ii ah, anigoo gudanaaya Xilkayga Dastooriga ah in aan halkan idiinka soo jeediyo fadhigan loo dhan yahay ee Baarlamaanka, warbixin sanadeedkii oo taabanaysa arrimo badan.

Guddoomiye, ugu horeyn, Hambalyo iyo Bogaadin gaar ah waxaan u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo inta danaysa, “ha joogo qurbe iyo meel baraf leh; ha joogo daafaha aduunka meel dab iyo olol ka oogan yahay; ha ahaado geesiga u heegan difaaca Qaranka; ha ahaado ma daalaha u soo jeeda nab-doonaanta, caafimaadka Ubadka iyo Dumarka; ha ahaado ka waxbrashada iyo Aqoonta bulshada aan ka daalin; ha ahaado ka u xaytay in uu reerka iyo Xoolaha-ba nabad ku soo hooyo; ka u dibad galoobay ee ubad kiisi dibedda u dhigay; ka ka-damqada darxumada iyo dibin daabyada dadkiisa iyo dadkiisa; ha ahaado hooyada ama aabaha agoonta u xaytay; ha ahaado ka Xoolaha raaca ee abaarta la rafaadsan” wax kale oo aan faataxada u marayaa Illaahayna u baryayaa in uu Janadiisa ka waraabiyo inta hoygii lama huraanka ahaa inooga horeeyey,” Mujaahidkii Naftiisa u hurey Xoreyntii Dalkan iyo difaaciisa maanta; inta iilka gashay inta ay sugayeen midhaha halganka qarannimo ee aynnu hormoodka u nahay”.
Sabirkii iyo Dulqaadkii wuu midho dhalay, Somaliland waa Dal aan cidina Iska indho tiri karin, lana yaraysan karin, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in maanta aynnu awood u leenahay in aynnu Himiladeenii gaadhno oo ahayd:
In aynnu dhisno dalka ugu wanaagsan ee gobolkan illaahay inagu beeray ka jira ee lagu noolaado, “Jamhuuriyadda Somaliland” waa Dalkayga aynnu kor u nidhaahno;
Dhaxal uga tagno ubadkeena iyo kuwa dhuuxooda ku jira;
Guddoomiye iyo Mudanayaal, Caalamka meel kasta oo aanu tagno, waxa lana weydiiyaa, idinkoon la idin ictiraaf-sanayn, caawimo muuqata aydaan cidna ka helin, oo dhaqaale la taaban karo aan lahayn, sidee bay idiinku suurto gashay in aad qabataan waxa aad qabsateen?
Waxa aan ugu jawaabaa. “Sirtu waxa ay ku jirtaa talada Shacbigayga, go’aanka Shacbigayga,” waa iga run oo waxaan illaahay la hor tagayo oo aan siyaasad iga ahayn; Sirta aynnu halkan ku soo gaadhnay waa dhabar adeygeena, sabir-keena iyo ku adkaysiga go’aan keena. Waxa taa saldhig u ah, “Ummad aan Go;aan lahayn, ummad jirta ma aha”; dawladdo, hay’ado badan ayaa inoogu sadburiya waxa aan qabsannay, nacabkeenuna way ka naxaan.
Guddoomiye, Shacbiga Somaliland, waxaan maanta u sheegayaa in Dimuqraadiyadii Somaliland ee da’ada yareyd, cadow badan yeelatay oo raba in ay curdin dhadhiyaan, waayo maanta waa aynu isu soo dhammaanay oo maamulkeenii Somaliland oo dhan ayuu wada gaadhay dalkeena xuduud-kiisii; waxa aan leeyahay, waxa aynu kaga gudbi karnaa isku duubnidda bulshadeena, wada jir iyo wada tashi, foojignaan oo haddii aynu is dhalliilayno aynu wax isu reebno, yeynaan meel madow isku gawricin.
Guddoomiye, waxa inoo abuurmay dhaqan siyaasadeed; Maamulkii Somaliland oo gaadhay Xuduudihii qaranka ee dastuuriga ahaa; Kaabayaashii bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta; Xoojinta nabadgelyadda; Bulshadda caalamka oo maanta tusaale iyo Miqyaas Caalamka soo koraya inooga dhigta; illaahay waxa aan ka baryayaa in aynnu dhaqaalaheena gaadhsiino halka aynnu Dimuqraadiyadda iyo Nabadgalyadda gaadhsiinay.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, warbixintayda maanta nuxurkeedu wuxuu xambaarsan yahay Dulucda barnaamijkayga siyaasadeed ee aan ugu talo galay dawga loo marayo geediga dib u dhiska Qaranka oo ka kooban shan qodob oo kala ah, sidii aan hore ugu ballan qaaday maalintii xilka Madaxweyne la ii dhaariyey, anigoo illaahay la kaashanaya, wixii ka qabsoomay iyo waxa dhiman:
1- In laga guuro siyaasad beel ku dhisan oo loo guuro Dawlad Dastuur iyo kala dambeyn Xeer ku dhisan;
2- Baadi-doonista iyo Raadinta aqoonsiga Qarannimo;
3- Xoojinta Nabad-galyadda, fidinta iyo gaadhsiinta Maamulka Goob kasta oo ka jirta Xuduudaha Dastuuriga ah ee Qaranka;
4- Horumarinta hab-dhaqan dhaqaale iyo awood daadajinta Maamulka Xukuumadda;
5- Taaba gelinta Garsoorka iyo Cadaalada si loo helo garsoor tayo leh oo dhowra Xuquuqda iyo Xoriyaadka muwaadinka.
Kala Guurka Siyaasad Beeleed iyo Siyaasad Dastuurku hogaan u yahay
Laga soo bilaabo 1991, intii aynu la soo noqonay Xorriyaddii Somaliland, waxa aynu soo marnay marxalado badan oo taariikhi ah, waxa aynu ka soo gudubnay caqabaddo Buuraha ka baaxad weyn; waxa se aynnu dhamaan isla garanay in sida qudha ee aynnu ku xaqiijin karno himilada Gooni isu taageena iyo madax banaani mujtamaca Caalamku aqoonsan yahay ay tahay in aynnu Guntiga Dhiisha iskaga dhigno oo aynnu dhammaan u xaydanno rag iyo dumar-ba, ku dalka gudihiisa jooga iyo mid dibad joogaba, in la helo Dawlad Dastuuri ah oo sharcigu ka sareeyo qof kasta, iyo sidii aynu u yagleeli lahayn qaran ay taladiisa shacbigu leeyihiin oo danahooda u adeega. Kadib, Geeridii Madaxweynaheenii, Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Egal iyo Aftidii Dastuurka, waxa aan qayb u helay in aan Go’aanka Ummadda Somaliland aan dhaqan galiyo, waxaanan go’aansaday anigoo Illaahay iyo Shacbiga la kaashanaya in aanan beenayn Go’aan-kaa Ummadeed ee ay igu aamintay wax kasta oo iga hor yimaada-ba.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa aan halkan uga mahad celinaya Shacbiga Somaliland ee aan la’aantood aanay suurta gasheen, ee ka qayb-qaatay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka iyo u tartankii Xisbinimadda ee sida Nabadda ah ku codeeyey; iyo Ururaddii sida qaabka-san inoogu suurta galiyay dhaqan galinta Qodobka 9aad ee Dastuurka, muftaaxii Hirgelinta Dastuurka, kuwii tartankii xisbinimadda ku guulaystay iyo kuwii kale tartanka ka qayb galay; waxa kale oo aan u mahadcelinayaa xubnihii Guddiga diiwaan gelinta, xubnihii Komishanka Qaranka, Ciidamada Qaranka iyo Garsoorka oo la’aantood aynu dhaxli lahayn fidmo iyo burbur cusub sida dalal Afrikaan ah ka dhacda, ugu dambeyn, qurba jooga Somaliland iyo hay’adaha Caalamiga ah ee Dimuqraadiyada taageera.
Guddoomiye, waxa marag ma doona, iyadoo rag badan oo danaynaya isku duubnida ummadda, karaan-keena dhaqaale, iyo aragtiyo kale oo badan oo ka soo yeedhaaya, waxay talo iigu soo jeediyeen in dib loo dhigo Doorashooyinka oo la ii cusboonaysiiyo, waxaanse go’aansaday in aan ka diido oo aanan dariiqii Ummadu doonaysay ka leexan maalinna dib loo dhigin, sidii bay ku dhamaatay anigana la iigu doortay, Waxaanan u mahad celinayaa cid kasta oo u hogaan-santay, waa mid Taariikhi ah oo lama illoobaan ah, Caalamkana indhahooda inoo soo jeedisay, waxa ay i siisay kalsooni iyo jihayn in aanan soo jeedsan, seexan oo aan laba jibaaro dadaal iyo dagaal-ba sidii aan ku xaqiijin lahaa, aniga oo la kaashanaya, xilka iyo himilada Ummadu igu aamintay,
Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa aad goob joog ka ahayd in aan Maxkamadda u gudbiyey, ka dib markii Labada Gole ay cod aqlabiyadda ah 2/3 ku soo jeediyeen Sharci aan suurto gelinayn in Doorashada Wakiilada ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay, isla markaana loo cusboonaysiiyo xubnihii golaha fadhiyey waqtigaa, ana waxaan u arkay in ay caqabad ku noqonayso himiladii ummadda iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, waana ta suurta gal ka dhigtay Doorashadii Golihiinan maanta fadhiya.
Guddoomiye, Geedi socodka Doorashooyin-ku wax ay dhammaanteen iyo Caalamka u caddeeyeen, Shacbiga Somaliland in uu yahay Shacbi Bisil xaga siyaasada, kana dhab tahay Gooni Isu taaga Madaxbanaanida iyo Qaranimadda ay doonayaan. Waxa kale oo ay beenaysay sheeka xumaddii ay Caalamka kula wareegayeen Somaliland diidku, isla markaana, waxa ay abuurtay hab dhaqan siyaasadeed oo ay Afrika dhamaanteed inagu milicsato, kaas oo ah Kalsoonida la isugu hambalyeeyo natiijadda Doorashada;
Waxa uu Caalamku gar waaqsaday in ay tahay ummad iyadu isku tashatay, garaad siyaasadeed oo Qaan-gaadh ah leh oo aan taariikhda dawladaha soo koraya hore loogu arag.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, guushaasi waa mid aynnu wada leenahay (Shacbiga Somaliland oo dhan rag iyo dumar ba, ku jooga dalka iyo ku qurbaha joogaba), kaligay maan dhalin, hadii aydaan isku kay barbar taagin. Waxaan si cad u xaqiijinay in aan ummad kasta Sooyaalkeeda taariikheed, horumarkeeda iyo himiladeeda ka abuuranto fikirka, isku duubnida, wada tashiga, is af garashadda ay leeyihiin raga u kaca.
Waxaan hubaa in ummadeenu sidii ay inoogu taageertay Doorashooyinkii hore ay tanna inoogu taageeri doonto, iyadoo Doorashadan ay kaga duwanaan doonto, sidii aan horeba halkan uga ballan qaaday inaan dadkeena diiwaangelino sida dastuurkeenu dhigayo, si aynu u helno doorasho xalaal ah oo nadiif ah, oo tirada dadka wax lagu qaybsado.
Doorashooyinkii hore ee aan qabanay, waa kuwa Qarankeenu garawshiiyo kaga helay Caalamka.
Tijaabaddii ugu danbeysay maanta ayaa la inagga eegayaa, in aynu walaalaheena afrikaanka ah la mid noqono oo kursigu ka qiima roonaado Qaranimada iyo in ay dimuqraadiyadu ina hogaamiso.
Mudanayaal, waxa lagama maarmaan ah in aan is xasuusino, mandaqaddan aan ku nool nahay ee cakiran ee ay ka oogan yihiin colaada iyo qalalaasuhu, waxaan kaga badbaadnay fadliga ilaahay ka sokow, hogaaminta iyo siyaasadda Xukuumadani ay ku hagayso Ummadeeda, kagana kasbatay Jaararkeeda iyo Caalamkaba qadarinta Xilkasnimo iyo Masuuliyadeed ee ay ka muujiyeen sidii loo waajihi lahaa, iyadoo dhaabato markasti ay u ahayd Xukuumaddu inay jaararkeeda kula noolaato saaxiibtinimo iyo sokeeyenimo, waana ta aan qadarinta maanta kaga helnay Caalamka, waanan sii wadi doonaa.
Waxaanu beesha Caalamka innagoo ka bilaabayna jaararkeena sii wadi doonaa qarnaqsigeena ah, in aanu helno, xaqqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono Beesha Caalamka.
Waxaan maalmahan maqlayaa iyadoon Doorashaba la gaadhin, Rag Mas’uuliyiin Xisbiyo ah oo leh beesha Caalamkaay, na soo kala gaadha, waxaan leeyahay belaayo beesha Caalamka aan ugu yeedhno oo dalkan ka taagan ma jirto.
Bilawgii lix urur ayaan ugu tartannay si ay uga soo baxaan Saddex Xisbi Qaran, waxa nasiib u helay saddexdaa Xisbi qaran in ay noqdaan Xisbiyadii Qaranka, sharci baana xaq inoo siinaya in aan u tartanno Manaasiibta kala duwan ee dalkan.
Hadaba, waxa la yaab leh, Rag masuuliyiin ah oo Sharcigu siiyay in ay u tartamaan kursiga ugu qiimaha badan ee Dalkan, in uu u dhaqmo sidii Qawmkii Reer Bani Israa’iil ee Quraanka badhna akhriyi jirey badhna ka tagi jirey, taas oo la mida, Shuruucdu xaqa ay ku siisay badhna in aad akhrido, kuwa kalena aad ka indho qarsato.
Shuruuc baa inoo qoran si cad u qeexaysa tubta loo marayo Madaxtinimada, ka baaqsada in aad noqotaan Ashkhaas, hadba wixii afkooda ka soo baxa iskaga hadla oo aan ixtiraamin sharciga iyo Ummada midnaba.
Beesha Caalamku illaa 1991, Koonfurta Somaliya ayey u gurmaneysay, xaaladda ay ku sugan tahayna waad ogtihiin, yeesha kasmadeeda, Somaliland waxa ay kaga duwan tahay iyo horumarka ay maanta gaadhay in ay tahay; in ay tashato, degsato Xeerar kala haga oo gaadhsiiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay maanta ku naaloonayso, laguna majiiranayo.
Beesha Caalamku waxa ay inoo ballan qaaddey in ay ina siiso taageero dhaqaale oon ku maamulano geedi socodka hannaankeena dimuqraadiyadeed, sharcina innooma sameynayso, innamana maamulayso, horena saddex doorasho ayeynu u soo qabsanay oo beesha Caalamku gacan ka geysatay, iyadoo aaney innagu faragelin shuruucdeena iyo nidaamka aynu u maamulanayno.
Qaylo taagan maanta ma jirto oo idin dhaafsiisan idinka, si xalaal ah isugu diyaariya in aad tartanka uga qaybgashaan oo aad kasbataan kalsoonida shacbiga idinkoon, qalalaase galin, markastina waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono, qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.
Kursigan Ummadda Hogaankeeda cidduu u hunguri ka hayo, waxa looga baahan yahay, in uu yeesho dhawrsanaan, dulqaad ixtiraamidda shuruucda iyo inuu odhaahdiisa ka baajo erayo naxli iyo turxaan shacbiga ku noqda oo ay ka naxaan, ilaahay ha idin garansiiyo talladaas.
Waxa ayaan darro aheyd, laba Xubnood oo deeq bixiyayaasha ka socotay in mid ka midi shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka diyaaradaha markuu uu dalka ka sii baxayey, arrinkaasi oo ku ah ceeb deeq bixiyayaasha uu ka socda, innagana gef innagu ah, waliba isagoo u sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, in uu la tashi ugu noqon doono Deeq bixiyeyaasha, arrinkaa waxaan u sheegnay Deeq-bixiyeyaasha, go’aankii aanu ka qaadan lahayna Deeq bixiyeyaasha ayaanu u dhaafnay inay ka abaal mariyaan gefkaa uu ku kacay. Hadalkiisuna mid na khuseeya oo lagu dhaqmayo maaha, balse shuruucda dalkani dejistay baa lagu dhaqmi doonaa, diyaarna marnaba uma nihin in Dalkan lagu maamulo wax aan ka ahayn Shuruucda iyo Dastuurka Qaranka JSL, Diiwaangelinta iyo Doorashooyinkana, waxa lagu maamulayaa Shuruucda ay soo gudbiyeen Golaha Sharci dejintu iyo Dastuurka Qaranka JSL.
Komiishanka Doorashooyinka Qaranka anoo marar badan oo hore idiin sheegay, waxaan idin leeyahay si mug leh u barta Xeerarka tilmaamaya xil-gudashadiina oo kala ah Xeerka Doorashada Dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada Xeer Lam, 20/2001 & Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lam, 37/2007, la idiinkama fadhiyo in aad la timaadaan aaraa iyo talooyin aan Xeerarka ku aroorin, ka baaqsashada aad ka baaqsataan waajibaadka ku cad labadaa Xeer, waxay idin geyeysiin doonaan xil gudasho la’aan. Waxana waajib idinku ah in aad u raacdaan Xeerarkaas siday u kala horreeyaan, ogaadana in aad tihiin Hay’ad Xeer fullineed ee aydaan aheyn Hay’ad Xeer Dejineed.
Waxaan Shacbiga Somaliland leeyahay iyo dhammaan Hay’adaha dawliga ah oo ay goleyaasha Qaranku hormood ka yihiin, waxa waajib muqaddas ah innagu ah ku dhaqanka, Dastuurka iyo Xeerarka ka farcamay, taas uun baa ah ta aan ku gaadhayno himilladeena aan taabo gelinayno, waxa nagga reeban innagoo arkayna Xeerarkii oo ay cad yihiin meesha aan u marayno xil-gudashadeena in aan maalin kastiba warbaahinta aan ka sii dayno, “ Waa Wareey, hala tashadooy, ha la isku yimaadooy, iyadoo la iska indha tirayo Shuruucda aan dhiganay oo waajib ka dhigaya in aan ku dhaqanno”.
Waa gar wixii sharciga aan inoogu qorneyn in aan ka tashano, balse suura gal noqon mayso in Sharcigii oo yaala la iska indho tiro oo la yidhaahdo Maslaxadda Shakhsigayga ah kama arko ee aan tallo galno, taasi oo aan u arko in ay cay iyo gef ku tahay Ummadani sharciga iyo Dastuurka ay samaysatay.
Ummadan inta aan xilka u hayo, waxa aan u ballan qaaday in aan ku hago Dastuurka iyo Shuruucda ka farcantay, taas oo qudha ayaa u noqonaysa dhaxal kuwa nool iyo kuwa dhuuxeena ku jira ee dhalan doona ay u aayaan.
Waa ta aan kaga duwannahay, Walaalaheena Koonfureed, oo sharci ay sameysteen oo ay ku dhaqmaan maalin qudha la waayey, taladooduna waxay noqotay tayda haddii la yeeli waayo waxba jiri maayaan, oo ay Asaagood kaga hadheen.
Somaliland shacbi iyo Goleyaasha Qaranka, waxa innagu waajiba in aan ka feejignaano meelna uga soo wada jeedsanno, ashkhaasta damacoodu uu ka sarreeyo Sharciga ay ummadani dhigatay, kalsooni baan ku qabaa in aan shacbiga cidda noocaasi u dhaqmaysa aanu gacan siin doonin.
Badbaadadeenu waa inaan ku adkaano Dastuurkeena iyo Shuruucda ka farcantay.
Tartankeenu sidii caadada inoo ahayd Nabad iyo kalsooni halagu galo, si aan u xaqiijinno midhaha u dambeeya ee guusheena.
Adkeynta Midnimadda Qaranka Somaliland, Fidinta iyo Gaadhsiinta Maamulka Goob kasta
Guddoomiye qorshaha siyaasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojin-ayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo Nabadgalyadda Muwaadinka, waxa hagaya saddex tiir oo lagama maarmaan ah sida:
1- Muqadasnimadda Xuduudaha iyo madax banaanida Qaranka Somaliland;
2- Maamul fidinta iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo ka mid ah xuduudaha Somaliland;
3- Xoojin-ta Nab-doonaanta Bulshada iyo wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara;
Muqadasnimadda Xuduudaha iyo Madaxbanaanida Qaranka Somaliland
Guddoomiye, Dal kasta oo Caalamka maanta ka jira, waxa ugu horeeya ee lagu qiimeeyo laguna qadariyaa sida maamulkiisu Xuduudihiisa u gaadh-siisan yahay, wada jirka bulshadiisa iyo is neef ogolaanshihiisa, iyo heerka Nab-doonaanta, inagana waxa ay noqotay mudnaanta kowaad, ka dib markii Xuduudaheenii lagu soo xad gudbay. Aniga iyo Shacbiweynaha Somalilandn-a si gaar ah noo taabatay, ka dib markii aan u arkay shacbigaygii oo badhkii aanu adeegii bulshaddu gaadhin, lana gaadhsiin karin, haddii si dhakhso ah aan wax looga qaban. Sidaa darteed, waxaan go’aansady in wax kastaba aan ka horeysiiyo sidii taa loo heli lahaa, wax kasta oo dhacaba, Illaahayna wuu nala grab galay wuuna noo suurto galiyay, waxa aan halkan uga mahad celinayaa raggii hawsha illa galay oo qadarin gaara ah inaga mudan, Qof kasta ha ahaado, qof reer miyi ah oo neef-kiisi xoolaha u haneeyay, qof kasta oo lacag kaga qayb galay, qof kasta oo eray wanaagsan kaga qayb qaatay, “ Waxaan idin weydiisanayaa, Ciidamadii Qaranka guud ahaan iyo Shacbiweynaha Deegaanka ee ku naf waayey, in aad u istaagtaan oo faataxada u martaan”.
Maamul fidinta iyo gaadhsiinta Adeega Bulshada goob kasta ku nool
Guddoomiye, waxa aynu sanadkii ina dhaafay maamul-keenu gaadhay dalka Xuduudihiisa, shacbigii Somaliland ee lixdankii xorriyaddiisa marin habowday wuu dhan yahay, waanu wada joogaa, waxaanu inaga sugayaa in aynu nabad ku gaadhsiino himilada ay inagu aamineen, raga aan la hadlayaa waa, Xubnaha Goleyaasha Qaranka, hogaamiya-yaasha Xisbiyada Qaranka iyo raga leh damac siyaasadeed.
Bulshada ku nool Gobollada Sool iyo Sanaag Barri, wax la sheegi karo oo buuran uma aanu fidin, balse, waxa aan qaraar ku gaadhay in aan mudnaan gaar ah Miisaaniyadda Sanadkan ka siiyo, sidaa darteed, waxa aan idinka codsanayaa in la igu taageero sidii aynu u soo gaadhsiin karno heerarka Gobollada kale ee Qaranku gaadhsiisan yihiin, xagga tacliinta, caafimaadka, iyo adeega bulshada ee kale oo ay ugu horeyso biyaha macaan ee dadku cabo, iyadoo dhawaan aan Caasimadda Gobolka Sool ee Laascaabood gaadhsiinay 5 (Shan) Mishiin oo biyaha qadhaadh sifeeya una badela kuwa macaan, inta biyo macaan laga soo saarayo, iyada oo mashruucaas ay fulinayso Hay’adda DRC iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dalku.
Guddoomiye, Bishii lixaad ee Sanadkan, waxa aynnu ansixinay Xeerkii is Maamulka Goboladda iyo Degmooyinka oo aan idiin soo gudbiyay 19/12/06, anigoo tixgelinaya qaab dhismeedka dastuuriga oo inagu waajibiyay awood daadajinta maamulka Xukuumadda, baahida loo qabo fidinta maamulka iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo qaranka ka mid ah; Anigoo dhaqan galinaya Qodobodda Xeerkaa, waxa aan Go’aan Madaxweyne ku soo saaray, lix gobol oo kale sida Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, iyo 16 degmo oo cusub.
Waxa aan maqlaa hadalo badan oo ka soo yeedhay siyaasiyiinta qaarkood, waxa aan leeyahay waa waajib Dastuuri ah oo uu Madaxweynaha u xil saaray in uu Maamulka la daadajiyo, qof kasta oo Muwaadin ahna hal-kiisa ku gaadhsiiyo. Hadaba, Su’aasha waqtiga, waxaan idiin sheegayaa in haddii bulshadu aaney isu dhammeyn, lama fulin karo; ka dib markii aynu gaadhnay xadkii Qaranka, waxa waajib noqotay in la fuliyo codsiyadii shacbiga; walaalayaal, Dalka Somaliland waa dal ballaadhan, sida qudha ee adeega bulshada muwaadin kasta lagu gaadhsiin karaana waa maamul fidin si uu qofku haddii uu Maxkamad, dhakhtar, tacliin iwm, u baahdo, waa in uu meel u dhow ka heli karo, waxa aan ka codsanayaa bulshada degan Gobollada iyo degmooyinka Cusub inay ku dadaalaan sidii ay u taabo gelin lahaayeen maamula-dooda, iyagoo tixgalinaya qodobada Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka.
Xoojinta Nab-doonaanta Bulshadda iyo wixii Qaranka Diintiisa, Dhaqankiisa iyo Dawlad- nimadiisa waxyeelo u keeni Kara;
Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, Dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin, taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin, madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin. Sannadkii ina dhaafey ee 2007, waxa aanu dhamaystirnay Siyaasadda Nabadgelyada ee Qaranka oo aanu mudnaanta siinay dhaqan gelinta :
1. Dhismaha Ciidamada Nabadgelyada, sida Ciidamada Xeebaha; Tababarka iyo Tayeynta Hawlgal-kooda,
2. La dagaalanka falal-ka Argagaxa leh iyo Argagixisada.
Baadi-doonista iyo Raadinta Aqoonsiga Qarannimo
Waxay ku salaysan tahay Xoojinta xidhiidhka jaararka iyo xidhiidhka Urur Goboleedyada iyo kuwa Caalamiga ahba, sidii qaddiyadeena looga dhaadhicin lahaa Beesha Caalamku inay taageerto.
Dedaalka aan qaddiyadeena ku iibinaynay, laga soo bilaabo, wakhtigaa illaa imikadaa aynu joogno, si joogto ah ayuu u socdaa, Caalamkana waxaynu ka kasbannay saaxiibo badan oo inoo hadla, kuwaasi oo isugu jira Aqoon yahanno badan oo caalamka ah, kuwa Akadeemiyo iyo Jaamacado Africa, Europe iyo America maamula ha u bateene, kuwaasi oo taageera qaddiyadeena iyo goob-joogayaashii doorashooyinkeena ka qaybgalay ee daafaha dunida ka kala yimid oo ku tilmaamay hayaanka geedi socodkeena mucjisad ka soo ifbaxaysa Africa oo mudan in lagu daydo.
Waxaad ogtihiin Safarro badan oo aan anigu tagay iyo kuwa Wasiirka khaarajigu u baxay oo ku saabsanaa sidii qaddiyadeena aan u gaadhsiin lahayn Caalamka, aqoonsina uga heli lahayn.
Haddaan si kooban uga hadlo, waxaan sannadihii ugu dambeeyay ugu baxnay safaro dibadda ah oo aan ku gaadhsiinaynay qaddiyadeena dalal badan oo ka mid ah Qaaradaha Europe, America, Africa iyo Asia, kaasi oo ay ugu dambeeyeen safaradii aan ku tagay UAE, UK iyo USA, Safaradaasi waxa ka mid ahaa, kuwii aan ku tegay Dalalka East Africa oo ay ka mid ahaayeen, Kenya, Tanzania, Zambia, iyo Ugandha, kuwaasi oo dhammaantood Madaxdooda aan af iyo qoraalba ku gaadhsiinay Qaddiyadeena, waxa kale oo aan u diray Wasiirka Arrimaha Debedda iyo Wasiirka Maaliyadda, iyana Safar ay ugu kicitimeen Shir Madaxdeedkii Madaxda Afrikca, ee lagu qabtay Dalka Gambia, kuwaasi oo ay dalalkii ka soo qayb galay ay madxdooda halkaasi ku gaadhsiiyeen qoraal ka hadlaya xaqqa aynu u leenahay inaan ka mid noqonno bulshada Caalamka, waxa kaloo aan Safarro badan ku tagnay dalal badan oo Africa ka mid ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dalka GHANA, halkaasi oo aan kaga qayb galnay Maalintii ay Xornimada qaadatay Ghana, taasi oo iyana ahayd fursad weyn oo aan Masuuliyiinta Dalka GHANA iyo Madaxdii faraha badneyd ee kale ee ka soo qayb gashay Sannadguuradaasi 50aad ee Maalintii Xornimada Dalka GHANA ku gaadhsiinay dhammaantood qaddiyadeena.
Waxaan cod dheer iyo qoraalba ku gaadhsiinay Goleyaasha Caalamka iyo kuwa Gobolka aan kaga hadlayno qaddiyadeena, kuna gar-naqsanayno xaqa aanu u leenahay in aan ka mid noqono beesha Caalamka, kuwaasi oo runtii midhahoodii muuqdeen, Tusaale, Waxa aad ogtihiin oo dalka yimid wefti ka socda African Union-ka oo uu hogaaminayey, Guddoomiye Xigeenka Ururka Midawga Africa, kuwaasi oo warbixin muhiim ah ka qoray qaddiyadeena, isla markaana hor-geeyay Shir Madaxeedkii Ururka Midawga Africa ee lagu qabtay Liibiya, waxay taasi keentay in shirar badan oo Ururka Midawga Africa yeeshay lagu soo qaaday qaddiyadeena,
Waxa kaloo si joogto ah u imanayey wufuud kala duwan oo iyana u socday xogogaal u noqoshada xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kuwaasi oo Jawaabta ay ku celinayeen dawladahoodu ahaayeen qaar sawir fiican ka bixinayay Dalkeena.
Waxa kalood ogtihiin in midhaha Safaradaasi ka soo baxay ay suurto galisay in markii ugu horeysay muddo 17 (Todoba iyo Toban sanadood ah) ay dalkeena booqasho ku timaado, Masuul sare oo ka socda Dawladda Maraykanka, Mrs. Jendayi Frazer oo ah Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Africa.
Mudanayaal, waxaan idiin sheegayaa in wax fara badan oo kale-na ay Arrimaha Dibadda inooga qabsoomeen, kuwaasi oo wakhtigeeda soo bixi doona.
Somaliland, waxay meel ku gaadhi doontaa, in aan kulligeen u wada shaqeyno xaga wanaagsan, kana fogaano wax kasta oo xasaasiyad inoo keeni kara, waxaan illaahay ka baryayaa in uu inagu garab galo Dedaalka aynu ugu jirno inaynu ummaddeena gaadhsiino himilada ay ka filayso oo ku noolaada sharci, kala dambeyn iyo horumar, taasi oo aan filayo in uu illaahay inoo aqbali doono.
Mudanayaal, Xukuumaddu waxay ballan qaadaysaa, inay waajibaadka sugaya kuwiisa ugu doorka roon wax ka qaban doonto, iyadoo mudnaanta kowaad la siinaayo, Arrimaha Bulshada,
Wada shaqeynta Goleyaasha iyo taabo gelinta hay;adaha Dawladda.
Waxaan idin xasuusinayaa Maalintii Golihiinan la furayey, waxaan idiin sheegay, “ In Golihii Deegaanka ee la doortay ay taladoodu noqotay hebel hala rido hebelna hala saaro ee dadku maalintaa is waydiinayaan kii la bedeli jiraa dhaama. Ka feejignaada in aad maqaamkii Golihii idinka horreeyay mid ka hooseeya aad ku sifawdaan”.
Markaan Khudbaddii dhammeeyay, Xaaladdii ka bilaabantay Golihiina waan isla garanaynaa iyo tanaasulaadkii Madaxweyne ahaan aan anigu qaatey ee aad shir-guddoonkii isku koobteen, labadiina Xisbi ee Mucaaridka, idinkoon xisbigii idinka tirada badnaa aydaan tixgelin siinin, taas oo Caalamka Dimuqraadiyadda aan ka dhicin. “Soomalidu waxay ku maahmaahdaa, Waadaanta Isha ka xumaataa Faylka ayey la tagtaa”. Iskaga warami mayno Golihiinan baaxaa degga iyo muranka Sharci ee mudadii Xilka aad hayseen ka taagnaa, inkastoo ay imika ii muuqato in aad ka soo raynaysaan oo waayo aragnimo badan aad kasbateen, waxaan idiin rajeynayaa in aad halkaa ka sii wadi doontaan oo wixii idinka xumaaday aad sixi doontaan, Xukuumadduna waxay ballan qaadaysaa in ay kalsooni idinkula shaqeyn doonto, madasha wadatashiguna waxay markasti noqonaysaa ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda ka farcanta, waxa innaga reeban in wakhti aan iskaga lumino tallo khilaafsan sharciga Dalka oo ku dhammaata Mugdi.
Xukuumaddu, waxay ballan-qaadaysaa in albaab cusub ay u furto wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada oo muddo mugdi ku jiray,
Shuruucda aan sameynayno waa wax aan Ubedkeena Mustaqbalka u sameynayno, masuuliyad wadareed baana inaga saaran, maaha shuruuc cid gaara ama koox u adeegaysa, idinka iyo aniguba muddaan joogaynaa, laakiin shuruucdu waa wax jiilba jiil ka dhaxli doono oo waligood jiri doona, waxaan leeyahay jiilalkeena dambe aan wax wanaagsan uga tagno.
Siyaasadda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Adeega Bulshada
Xukuumadda waxay dhammaystirtay barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland sannadkii 2007, barnaamijkaas oo meelo badan wax weyn ka tari doona horumarinta Dalka shanta Sanno ee soo socota (2008-2013), barnaamijkaas waxa ku bixi doona lacag dhan $ 550’000’000/- (Shan boqol iyo Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah), waxa aanu bilaambi doonaa sannadkan badhtamihiisa.
Guddoomiye iyo mudanayaal, Shacbiga Somaliland Marwo iyo Mudane-ba, Yar iyo weynba, waxaan idiinku Bushaaraynayaa in halgan kii dib u dhiska ee Sabirka iyo Dulqaadku waraabinayey ay rajo iyo kalsooni cusub ay soo food saartay, inta aanan tilmaamin sida ay inoo soo food-saarreysay, waxa aan soo jeedinayaa.
In Dhakhliga la kordhiyo, Maamullka cashuuraha iyo dhaqaalaha bulshada oo la isu dheelitiro.
Xukuumaddu waxay xafiisyo ka dhistay Gobollada dalka oo dhan, kuwaasi oo xilkoodu yahay ururinta Cashuuraha Badeecadaha dalka ka soo gelaya xaga dhulka, Badda, Cirka iyo badeecadaha dhoofayaba, si loo kobciyo dakhliga Dalka.
Xukuumaddu waxa ay had iyo jeer la socotaa tacriifooyinka iyo Cashuuraha ka jira dekedda iyo garoomada diyaaradaha Dalka.
Awoodda dhaqaale ee dadka iyo dawladda oo is gaashaan-buureysta oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Public Private Partnership (PPP).
Waxa aanu ku tijaabinay Biyaha Boorama (Mudadii aanu darsaynay cadaysay in guul wax ku ool ah lagu gaadhi karo oo na dhiiri galisay), imikana tijaabadii labaad aanu ku eegayno Laydhka Berbera; waxa aan taa u door bidnay markii aan arkay in aanay habooneyn waqtigan in Cashuurta la kordhiyo, in cudud badan oo dhaqaale abuuri karta haddii la isu ururiyo ay baahi badan inaga saari karto; in laga faa’iidaysto khibradda iyo aqoonta waaxda dhaqaalaha gaar ahaaneed leedahay (Private Sector).
In la dhaqan geliyo siyaasad kasta oo cuna qabateyntii iibka xoolaha kaga bixi karno oo xoolaheenii la inaga iibsado.
Sanadkii 2007, Xaaladda guud ee Xooluhu aad bay u wanaagsanayd abaar iyo biyo la’aan midna ma dhicin, wax cuduro ah oo dalka dareen geliyayna may jirin.
Xukuumadu waxay baadhis guud ku samaysay sanadkii 2007 xoolo dhan 2,114,126 oo Neef, waxana la daweeyay xoolo dhan 450’000 oo Neef, iyadoo laga daweeyay Cudurada kala ah Caalka, Shilinta, Sanbabka, Darratada, Shubanka, Cadhada, Canbaarta iyo Boogaha.
Ganacsiga Xoolaha oo ah lafdhabarta Dhaqaalaha dalka, wuxuu hoos u dhacay sanadihii 1998-1999 iyo 2000-kii xilliyadaas oo layna saaray xayiraado xoolaheena lagaga joojinayo suuqyada waaweyn ee Sucuudiga, si aynu go’aan kii ummadeena dib ugu noqono.
Xukuumadu iyada oo xooga saaraysa sidii suuq loogu heli lahaa xoolaheena waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjaro lagu xannaaneeyo xoolaha, si meesha looga saaro marmarsiyihii Caafimaad darro ee lagu joojiyay xoolaheena, waxaanu iibsanayaa 2,000,000 (Laba Milyan oo Neef) Sanadkiiba. Xooluhu waxay hadda u dhoofaan Dalalka Sucuudiga, Yeman, Baxrayn, Qatar iyo Masar.
Hargaha iyo Saamuhu waxa ay u dhoofaan Dalalka Turkiga, Ingiriiska, Paakistaan, Shiinaha iyo Hindiya, halka Hilibkuna u dhoofo Dubai.
Tirada guud ee Xoolaha dhoofay sanadkii 2007 waxay ahayd 2’114’126 (Laba Milyan, Boqol iyo Afar iyo Toban kun, boql iyo lix iyo labaatan) oo Neef.
Waxa Dhismayaashoodii socdaan, laba Maxjar oo waaweyn oo kafeyn doona xoolaha aynu dhoofin doono muddo hal qarni ah, haddii Alle Yidhaahdo iyo waafajinta ogolaanshaha shuruucda guud ee Caafimaadka Adduunka (OIE Internatinal regulations).
Waxa kaloo dhismihiisii iyo qalabayntiisuba dhammaadeen, Shaybaadhka weyn ee Berbera, iyadoo ay barbar socotay dejintii cilmi-baadhis caalami ah oo ku saabsan tayada iyo miisaanka, da’da iyo qiimaynta iibka xoolaha, (Condition, qualities, age, and values of livestock export).
In Ethiopia oo aynu jaar nahay xidhiidh heshiis baayac mushtari ina dhex maro; dakadaheena, haamaheena, iyo madaaradeena-na ay isticmaasho,
In Qiimaha Dollarka la ilaaliyo oo aanu sicir babarku hogaamin, taas oo aanu isbedelin muddo shan sanno iyo dheeraad ah.
In la jiheeyo caawimada iyo taakulada hay’adaha Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay si ka faa’iidaysiga ugu badan loo heli karo, waxa aanu abuuray xafiis gaar ah oo qiimeeya.
In aqoonta Cilmiga iyo Xirfadaha kor loo qaado, lana dhiiri geliyo.
In la ogaado, lana sahamiyo khayraadka dabiiciga ah ee dalku uu leeyahay.
Si loo helo macluumaadka Batroolka iyo Macaadiinta Dalkeena, oo helitaankeeda ay duruufo adagi inaga hor taagan yihiin (aqoonsi la’aan), waxay Xukuumadu ka hawlgashey helid cid ay la kaashato macluumaadka Batroolka Dalka, waxaaney Xukuumadu heshiis la gashey shirkad la yidhaa TGS/NOPEC.
Shirkadaasi waxay inaga caawinaysaa Sahanka Macluumadka Batroolka ee Dalka, waxaaney sameysay sahamo kala duwan oo lagu sameeyey baddeena iyo barigaba, dhawaan baanu soo gabo-gaboobay sahankii oo laga hirgeliyey dhamaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, lagana fuliyey dhinaca Cirka iyo Badda. Waxay noqonaysaa markii u horeysay ee dalkani yeesho keyd dhan oo macluumadka Shidaalka dalka Bad & Barriba.
Si loo ilaaliyo Macdanta Dalka, waxa ay xukuumadu ka hawlgashey adkeynta dhoofinta Macdanta sharci darrada ah ee Dalka, iyadoo goobaha kastamada iyo Eeriboodhadaba la dhigay Masuuliyiin u xilsaaran qabashada dhoofinta macdanta aan sharciga aheyn, talaabadaasina waxay keentay in ay si weyn hoos ugu dhacdey dhoofinta Macdanta sharci darrada ah, kadib markii gacanta lagu dhigay marar kala duwan.
Sicir Bararka Dalka ka jira.
Ummad kasta ilbaxnimadeeda waxa muraayad u ah oo laga sawirtaa heerka dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo aqooneed. Ummadda dhaqaalaheeda waxa aasaas u ah, mabaadiida guud ee dhaqan dhaqaale oo ku salaysan ka faa’iidaysiga wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah. Sida aynu la wada socono dhaqaalaheenu wuu hooseeyaa, sababta oo ah waxaynu nahay dawlad yar oo aanay cidina taageerin, dhaqaaleheena daruuriga ahina wuxuu ku salaysan yahay wax aynu dibadda ka keensanno.
Ummaddina waxay ku baahi baxdaa xilliyada adag waxay la soo baxdo, (Nin waliba gacantiisa ayuu biyo kaga dhargaa).
Sida aad la socotaan, duruufaha caalamiga ah ee taagan, lagana yaabo in ay muddo sii jiitamaan, waxaan ummadda ugu baaqayaa in sida kali ah ee looga dabaalan karaa tahay, tusaalooyinkan oo waajib ummadda ku ah:
Waddaniyaddu waxay ku jirtaa isticmaalka iyo wax soo saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalkooda ugu yaraan 60%, ( Boqolkiiba Lixdan).
Si looga hortago duruufaha meceeshadda sida, yaraantooda, kala go’ooda, sicir bararkooda, waxa innagu ah muqadas in aynu carradeena dihin barano oo maallo, qof kastana wax hakala soo baxo miyi iyo magaalaba wixii uu cuni lahaa midho iyo khudaarba.
Waa in aynu caqligeena ka saaro ku tiirsanaanta dibadda ee miciishadda iyo dhaqaalaha kaleba oo aynu muruqeena maalno.
In lala yimaado midnimo, tu maskaxeed, muruqeed iyo maalba, siiba ganacstada iyo maalqabeenada mudnaanta koowaadna la siiyo dhinaca wax soo saarka Beeraha, Xoolaha, Kalluunka iyo Warshadayntoodaba.
Qaran ahaan waxa inagu waajib ah, xaqiijinta kobcinta wax soo saarka kor u qaadida heerka nolosha iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha Dalka oo ku salaysan qorshe siyaasadeed oo u adeegaya qodobada aan kor ku soo sheegay, oo ah talaabada kali ah ee ummadi kaga gudbi karto carqaladaha kala duwan ee ka imanaya maceeshadaha quutal daruuriga ah.
Xukuumaddu, waxay Miisaaniyadda Sannadkan ugu daraysaa Kharash lagu caawin doona dadka beeraha qodanaya si loo kordhiyo tacab soo saarka Cuntada Daruuriga ah,
Ganacsatadana waxaan leeyahay, sidaad horeba ugu dedaali jirteen Ummaddiina, Raashin dalka keena, iyadoo la ogyahay duruufaha sicir bararka ee Adduunka oo dhan saameeyay, hadana waxay tahay in aad dedaashaan oo dadkiina u naxariisataan.
Dadweynaha waxaan leeyahay, aan u soo noqonno in aan dalkeena beerano, cuntada aan cunaynana aan ka dhigano waxaan beeranayno, anoo Ilaahay u baryaya in uu roobab innagu fillan inna siiyo, inagana dhigo kuwa ka faa’iidaysta.
In lala dagaalamo Jahliga iyo Caafimaad darrada.
Waxbarashada.
Mudanayaal, Xukuumaddu iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa horumarinta iyo tayaynta waxbarashada dalka, waxay siisay dedaal dheeraada Waxbarashada, si aynu ula jaan-qaadno horumarka xawliga ah ee waxbarashada caalamka inagu xeerani maanta ku socdo.
Haddaba si ay taasi inoogu suurta gasho waxay xukuumadu ku tallaabsatay inay waxbarashada gaadhsiiso heer gobolo, degmooyin iyo tuulaba, waxa kale oo la furay Dugsiyada Quudinta, waana 205 Dugsi oo 54 ka mid ahi loo dhisay Madbakhyo, Istoodho iyo Hoolalka Cuntada.
Tirada Ardayda Dugsiyada Hoose dhexe ee dalku sanadkii 2007-2008 waa 189,793 Arday, tirada dugsiyada sare ee dalku waxa ay tiradoodu dhan tahay 54 dugsi, tirada dugsiyada sare ee xukuumiga ah ee la dhisay waa 23 dugsi oo ka kooban 103 Fasal, 28 xafiis, 24 Istoodh , 09 Shaybaadh iyo 4 Laabareeri.
Waxa kale oo la dhisay 5 Xarun Waxbarasho (Resource Centres), Xarunta Imtixaanaadka, 8 Guri oo ah kuwa macalimiinta ee dugsiyada ku dhex yaal, 3 ayaa la dayray iyo hal kaantiin.
Dugsiyada dhismahoodu socdo ama uu dhamaaday ee aan ilaa hadda lala wareegin waa 33 dugsi Hoose/dhexe oo iskugu jira dhisme cusub, Kordhin Fasalo ama dayactir, 9 dugsi sare oo ka kooban dhisme cusub, Kordhin Fasalo iyo dayactir 7 dayr.
Deeqaha Waxbarasho ee dibada 2003-2007 waxay dhan yihiin 249 Arday oo kala tagay Itoobiya, Kenya , Uganda , Suudaan , Yeman iyo Masar , Deeqaha Waxbarasho ee dalka gudihiisa heer Degree iyo Diploma waxa ay dhan yihiin 2591 Macalin.
Waxa dalka Somaliland ka hano qaaday oo ka abuurmay duluc iyo fikrado mucjiso ah, oo ay dad badani u haysteen riyooyin malo awaal ah, kuwaasi oo abuuray Jaamacaddo hir galay, Jaamacadahaas waxa u diiwaan gashan ayna aqoonsan tahay Wasaarada Waxbarashadu shantan Jaamacadood ee tirakoobtoodu hoos ku qoran tahay.
Jaamacada Hargeysa
2007-2008, Ardayda wax ka barata Kulliyadaha kala ah, Business Administration, Science, Medicine, Law, Islamic Studies ee Jaamacada Hargeysa waxay dhan yihiin, 425 Haweena iyo 1578 Ragga.
Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa 2004 -2007 ee kulliyadaha aan kor ku soo sheegnay, waxay dhan yihiin, 70 Haweena iyo 258 Ragga.
Jaamacada Gollis:
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacada Golis, kulliyadaheeda kala duwan ee kala ah, Civil Engineer, Criminal Investigation, BBA-IT, Sharai-Law waa: 19 Haweena iyo 153 Ragga.
Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada Golis, oo heer Diploma waa sidan: 97 Haweena iyo 338 Ragga.
Jaamacada Camuud:
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud kulliyada-heeda kala ah, Sharia and Law, Agriculture, Medicine, Education, Business, Nursing, iyo Short Courses waa sidan 302 Haweena iyo 1185 Ragga.
Ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Camuud sanadaha 2003-2007, kulliyadaheeda kala duwan, waxay dhan yihiin, 500 oo Arday oo isugu jira Haween iyo Ragg.
Jaamacada Admas
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Admas, kulliyadaheeda kala ah, Accounting, Management, Economic, ICT ee Jaamacada Admas waa sidan: 567 isugu jira Haween iyo Ragg.
Jaamacada Burco.
2007-2008, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Burco, Kulliyadaheeda kala ah, Vet nary, Business, Sharia and Law iyo Education waa sidan, 1148 isugu jira Haween iyo Rag.

Waxa nasiib wanaaga in Somaliland ay ka hanaqaadaan Shan Jaaamacadood, markii u horreysay taariikhda dalkeena, kuwaasi oo ay suuro galiyeen aqoonyahankeenu, kuwaasi oo si weyn uga qayb qaatay kobcinta waxbarasho ee dhallinteena.
Waxa la abuuray, Kulliyadda Cilmiga Badda iyo Kalluumaysiga, waxana dhigta saddex sannad dugsiyeed, waxa loogu tallo galay in looga faa’iidaysto sidii khayraadka badda looga faa’iidaysan lahaa, shaqana looga heli lahaa.
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu, waxa ay ku guulaysatay in ay dhisato dhamaan Xidhiidhada Ciyaaraha kala duwan oo kala ah:
Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland
Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Somaliland
Xidhiidhka Kubadaha Gacmaha Somaliland
Kuwaasi oo maanta kulligood si buuxda u shaqeeya oo xafiisyadooda iyo sharciyadooda leh.
Wasaaradda Ciyaaruhu, waxay ku guulaysatay in ay qabato sanadkiiba hal mar Ciyaaraha Gobollada dalkeena oo ah tartanka ugu xiisaha badan, taasi oo Xukuumadduna ku bixiso kharash badan.
Waxa kale oo la hir-galiyey tartanka Ciyaaraha ee Gobol kasta iyo Degmooyinkiisa (Inter Regional Tournament)
Waxa u qorshaysan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha sanadkan 2008 in caasimada Hargeysa lagu qabto tartan la magac baxay ‘’Diaspora Cup of Somaliland’’, oo ay ka qayb galayaan dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka socda Wadamada Norway, Denmark, Sweden, England, Finland, Canada iyo North America.
Waxa kale oo ay Wasaaradu qabanaysaa tartankii Ciyaaraha Gobollada ee sanadka 2008. iyadoo ay Xukuumaddu qorshaheedii waddo, sidii Caasimadda koonayaasheeda looga sameyn lahaa Garoomo Dhallinyaradu ku Ciyaarto, si loo dar dar geliyo Ciyaaraha (Sports-ka) oo uu ku jirto jidhka iyo Maskaxda Caafimaadka qabtaa.
Caafimaadka:
Xukuumaddu si hagar la’aan ah ayey uga hawlgashay horumarinta adeegyada Caafimaadka bulshada, waxaana loo dejiyey maamul fulin iyo ilaalin tayada adeegyada caafimaad ee dalka, taasi oo loo sameeyey istraatiijiyad wax lagaga bedelay qaab-dhismeedkii hore ee urursanaa loona beddelay hab-maamul fidsan oo wada gaadhaya dhammaan bulshada illaa heer tuulo.
Waxa horumar wayn laga gaadhay kor u qaadka xaaladda caafimaad. Xukuumaddu waxay ku guulaysatay inay la tacaasho shubankii asiibay 5313 qof oo ay 58 ka mid ahi shubaankaasi u dhinteen, waxaanu shubankaasi si rasmi ah inooga dhammaaday dabayaaqadii 2007.
Xukuumaddu waxay dayactir iyo ballaadhinba ka fulisay dhammaan lixda gobol ee Somaliland, waxana qaybo cusub oo qaliin ah laga hirgeliyey Cisbitaalada Hargeysa, Boorama iyo Burco.
Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waxaa la keenay qalab qalliin oo casri ah iyo Warshad soo saarta Oxygiinta, oo Dawladda Kuweit inagu caawisay.
Cisbitaalka Ceerigaabo waxa laga sameeyey xarun shaybaadh oo casri ah iyo laba waadh oo lagu daaweeyo cudurka Qaaxada.
Waxa la furay cusbitaalka degmada Badhan, waxaa sidoo kale la dhisay Cusbitaalada degmooyinka Oodweyne, Ceelafweyn iyo Saylac.
Waxaa lagu kordhiyey 10 xannaano (Health Centres) iyo 10 rugo caafimaad (Health Posts) lixda Gobol ee Somaliland.
Xukumaddu iyadoo ka duulaysa siyaasada Caafimaadka Qaranka Xoogana saarasya ka hor taga iyo xakamaynta cudurada faafa, waxay hir gelisay Barnaamij hoos ku qoran si loo yareeyo khatarta Cudurada Dilaaca iyo Saamaynta ay cudurada faafaa ku leeyihiin horumarka Mujtamaca Somaliland sida hoos ku cad: Barnaamijka Xoojinta tallaalada Cuduradda Dilaaga Dhallaanka iyo Hooyada, Barnaamijka Xakamaynta Cudurka Duumada; Barnaamijka Cudurka HIV/’AIDS;
Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS
Sida la wada og yahay, Cudurka HIV/AIDS-ka waxa loo aqoonsadey aafo culus oo heer caalami ah oo aan ku ekayn xuduud, midab, caqiido, jinsi iyo da’ gaar ah, balse wada saameeyay (haba kala darnaadeene) guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadamada kala duwan ee dunida ee aynu sida joogtadda ah macaamilka iyo isu-socodka ula wadaagno.
Tan & markii dalka Somaliland laga dareemay jiritaanka cudurka HIV/AIDS- ka waxay Xukumadda Somaliland, Abuurtay Komiishan ka shaqeeya HIV/AIDS-ka,15 September 2005, ayaa si rasmiya loogu dhawaaqay, Komiishanka Qaranka ee HIV/AIDS.
Dedaaladda Xukuumadda oo kaashanaysa bulshada rayidka ah iyo taageeradda hay’addaha Caalamiga ah qaarkood, waxay suurta galisay in lagu guulaysto arrimaha ay ka mid yihiin: tababaridda shaqaalaha ka hawlgala goobaha adeegyadda caafimaadka, qalabaynta iyo horumarinta shaybaadhadda cusbitaaladda, furidda xarumo daawayn, talo-siin & daryeel oo lagu diyaariyey adeeg caafimaad & daawooyin kala duwan oo lacag la’aan ah iyo wacyigelinta guud ee mar walba dadweynaha loo jeediyo.
Waxa la tilmaamaa in saboolnimadu ka mid tahay arrimaha ugu culus ee ka qayb qaata faafiddda cudurka HIV/AIDS-ka. Sidaa awgeed waxaan deeq bixiyayaasha iyo hay’addaha caalamiga aha ugu baaqayaa inay u hagar-baxaan taageeradda farsamo, aqooneed iyo tan maaliyadeed ee dawladda iyo shacabka Somaliland uga baahan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, daryeelka iyo taakulaynta bulshadda tabaalaysan, si ay uga badbaadaan halista HIV/AIDS.
Dawladda Somaliland waxa mar kastaba ka go’an in aanay ka daalin, isla markaana qaado talaabo kasta oo lagama maarmaan u ah xakamaynta HIV/AIDS- ka, ilaa inta laga tirtiraayo cabsida uu bulshada ku hayo cudurkaasi.
Waxaan ummadda Somaliland ku dardaarayaa inay ka feejignaadaan dhaqanada fududayn
kara faafidda cudurka. Waxa kale oo aan farayaa inay naxariis u muujiyaan, taageeraanna,
soona dhaweeyaan dadka xanuunku haleelay ee bulshadda ka midka ah, sida diintu inagu
waajibisay.
Taabo Gelinta Garsoorka iyo Caddaaladda
Guddoomiye, waxa xaqiiqo lagama gudbaan ah in aanay Dimuqraadiyaddi meelna ka jirin haddii aanay Xeerarku hagayn ama aan Dastuurka la kor yeelin ( Rule of Law), Xeerar kaasi oo ay ka farcamaan dawyadda lagu hanan karo himilda ummada talada iska leh inta ilaahay ka sokaysa; waxa aan cidna ka qorsoonayn in aanay suurta gali karayn haddii aan la helin Garsoor madax banaan oo xalin kara khilaafaadka dhex yimaada Hay’adaha Dawliga ah iyo Muwaadinka.
Mudanayaal, Iyada oo ay tahay waajib Qaran in la balaadhiyo garsoorka laguna fidiyo guud ahaan dalka oo dhan, si ay dadweynaha ugu fududaato helida garsoorku ayaa sanadkii ina dhaafay laga furay Maxkamadaha 15 degmo oo aan hore u lahayn garsoor.
Sidoo kale, waxa la balaadhiyay Maxkamada sare oo lagu daray 4 (Afar) garsoore oo cusub iyo Maxkamadaha Racfaanka iyo gobollada oo iyana la kordhiyay tirada Garsoorayashooda, ka dib markii la garawsaday baaxada ay leedahay hawsha ay gacanta ku hayaan.
Sidoo kale, waxa la abuuray Guddida Kormeerka xabsiyada oo ka kooban Wasaaradda Cadaalada, Taliska Ciidanka Asluubta, Guddida Xuquuqda Aadamaha Qaranka, Guddida Shuruucda ee Baarlamaanka, Ururada Wadaniga ee Bulshada Rayidka ah, UNDP iyo WHO.
A). Maxaabiista:
Iyadoo xil la iska saarayo xuquuqda Maxaabiista maadaama xorriyadii laga qaaday daryeelkoodana Xukuumada Waajib ka saaran yahay, ayaa la kordhiyay Raashinka Maxaabiista 150%, tusaale ahaan halkuu awal ka ahaa 2000 Maxbuuskii waxa hadda laga dhigay 5000 Maxbuuskiiba.
B). Xabsiyada:
Dhismayaasha Xabsiyada waxaa dib loo hagaajiyay xabsiyada Berbera, Mandheera, Gabilay iyo Xabsiga weyn ee Hargeysa oo isaga dib loo dumiyay dhismihiisiina dhammaad ku dhow yahay.
C). Barnaamijyada:
Waxaa iyana joogto u socda Barnaamijka Tababarada ee Ciidanka Asluubta oo ku aaddan hir gelinta shuruucda, Ilaalinta xuquuqda Maxaabiista iyo Nabad gelyada Xabsiyada.
Waxaa la dhamaystiray qorshaha horumarinta Caddaalada oo shan sano ah, kaas oo hoos imanaya qorshaha guud ee Horumarinta Qaranka, kuna aadan dib u habaynta iyo tarjumida Shuruucda, kobcinta awooda, sida dhismayaasha, Gaadiidka, Qalabka Xafiisyada iyo Isgaadhsiinta.
Deeganka iyo Aafooyinka Dabiiciga ah
Abaaraha iyo Aafooyinka Dabiiciga ah
Gurmad Roobabkii Dabaylaha watay ee ka da’ay Dalka
Mudanayaal,
Xukumaddu waxay Gurmad ka gashey khasaarihii ay keeneen Roobab Dabaylo watey oo ka da’ay meelo ka mid ah Dalka Sanadkii 2007 sida, Degmadda Allaybadey, Balli-Cabane, Baki, Boon, Berbera iyo Ceegaag, iyadoo Xukumadu gurmad u gashey sidii Dadkaa wax loogu qaban lahaa, iyadoo kaashaneysa Hay’addaha Caalamiga ah, waxaana dhamaan deegaanadaas la gaadhsiiyey Raashin, Weel, Baco, Biyo dhaamis sida :-
Degmadda Allay baday:-
Xukumaddu waxay Gurmad degdeg ah ka gashey Degmadda Allaybadey, si wax looga qabto masiibooyinkaa ku habsadey deegaankaasi, waxaaney ugu deeqday, 500 qoys raashinkood, 90 saacadood oo loo qoday balliyaddii jabay, 20 Mishiin oo kuwa biyaha ah iyo 1000 mitir oo tuunbooyin biyaha soo qaada ah.
Bali Cabane iyo Gumar:-
Sidoo kale Xukumadu waxay ka hawlgashey Dadkii khasaaruhu ka soo gaadhey Roobabkii ka da’ey Balli-Cabane iyo Gumar, kuwaas oo ay Dawladu gaadhsiisey , 300 qoys Raashinkood, Baco iyo darmooyin, waxa kale oo loo dhisey sadex fasal oo dugsi hoose ah.
Baki Iyo Boon:-
Xukumada iyadoo waajib saaran ay tahay ka warhaynta, Daryeelka, iyo waxa u qabashadda shacbigeeda, waxay gurmad u fidisey Baki iyo Boon, iyadoo la gaadhsiiyey 150 qoys raashinkood, baco iyo bustayaal, waxa kale oo la dayac tiray dugsi hoose iyo Xarunta hooyadda iyo dhalaanka.
BerBera:-
Sidaa si la mid ah roobabkii dabeylaha watey ee ka da’ey Gobolka Saaxil, waxay xukumadu gaadhsiisey 300 qoys raashinkood, weelka maacuunka, bustayaal iyo Bacaha guryaha lagu dhisto.
Ceegaag:-
Waxa kale oo ay xukumadu gurmad ka gashey Ceegaag, waxaana la gaadhsiiyey 250 qoys raashinkood, 3 Bilood oo biyo dhaamis ah, iyo 20 Musqulood oo loo dhisey.
Khayraadka Dibad galka
Dooxyada iyo Nabaad Guurka
La dagaalanka Biyo La’aanta
Mudanayaal, Xukuumaddu waxay sanadihii u danbeeyey culayska saartey dejinta siyaasada lagu hagaayo biyaha iyo sidii shacbiga Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiif ah, waxaana jira mashaariic qabsoontay iyo kuwo kale oo u qorsheysan in la fuliyo wakhtiga soo socda, waxaana ka mid ahaa Mashaariicdii la fuliyey:-
23 Ceel Cusub oo ku baahsan Gobolladda Dalka
16 Ceel oo la dayactiray
23 Ceel oo u qorshaysan in la qodo
Waxyaabaha kale ee Xukuumaddu wax ka qabatey wax ka mid ah, sahanka Biyaha, illaa hada waxa la sahamiyay goobo biyood oo ku kala baahsan Dalka, si loo helo Biyo nadiifa oo ku filan dad iyo duunyada ku dhaqan Somaliland
A). Biyaha Caasimadda.
Waxa si wayn wax looga qabtey cabashadii biyaha ee ka jirtey Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay hadda yaraatey cabashadaasi, waxaana Xarumaha biyo soo saarka ee Caasimadda lagu soo kordhiyey Qalab Biyo soosaar oo cusub, kuwaas oo isugu jira Mishiino, Bamam iyo qalab kale, oo wax ka tari doona baahidii biyood ee ka jirtey Caasimadda.
Gurmadka Abaaraha Dalka Saameeyay.
Mudanayaal, Xukuumaddu waxay Gurmad ka gashay Abaaraha baaxadda leh ee soo food saaray dalka Somaliland, iyadoo Xukuumadda ugu deeqday taakulo dhan $ 270’000 (Laba Boqol iyo Todobaadan kun oo dollar) iyadoo loo qaybiyey 6-da Gobol ee Dalka oo dhan, iyadoo loo eegayo siday u kala baahi badnaayeen, Gobollada Barriga, Shacbiga Somaliland ee ku nool ee Abaaruhu ku habsadeen, waxa deeqdaasi gaadhsiiyay Wefti Madaxweyne Xiggeenku hogaaminayay, halka Gobollada Galbeedkana Wasiiro Xukuumadda ka tirsani ay taakullada gaadhsiiyeen.
Biriijyada iyo Waddooyinka Dalka.
Dawladdu, waxa kalooy wax weyn ka qabatay, Dhismaha biriijyada, Burco, Qoryaale, Biriijka labaad ee Hargeisa oo wali socda, Dhismaha Buundooyinka Boorame illa Caynabo, Dhismaha Waddooyin cusub oo laami ah Berbera illaa Caynabo, Dayactirka Biriijyada Dalka, Dayactirka joogtada ah ee Waddooyinka laamiga ah iyo Buundooyinka, waxa kaloo xusid mudan in Magaalada Hargeysa, kala badh Waddooyinkeedii si fiican loo dayactiray, inta hadhayna dhakhso loo hagaajin doono.
Waxa kaloo Qorshaha mustaqbalka ee Waddooyinka ku jira, dib-u-dhiska dhamaystiran ee Berbera Corridor, dhismaha wadada Kalabaydh-Borama, dhismaha wadada Ina Afmadoobe-Ceerigaabo iyo dhismaha wadada Hargeysa – Oodweyne – Burco.
Madaarada Dalka.
Waxa iyana wax weyn laga qabtay, Madaarada Dalka, iyadoo Madaarka Caasimaddu uu Habeenkii Shaqeeyo, nabad galyadiisana la adkeeyay, lana keenay qalabka dadku dhex maro ee lagu baadho, waxa kaloo lagu rakibay Kamarado habeen iyo maalinba shaqeeya, waxa lagu daray dhisme VIP Room ah oo Marti sharafta dibadda inooga timaada loogu tallo galay. Iyadoo Garroonka Berberana laga wado dhismayaal cusub.
Waxa noo qorsheysan, mustaqbalka dhaw, in la kordhiyo Run-wayga Madaakra Hargeya, oo lagu daro illa 600 Mittir iyo dib u dhis lagu samaynayo Run-wayga, si ay ugu soo degaan Dayuuradaha (Jet-ka ah).
Kor ugu dhawaaqista cidda aynu nahay
Guddoomiye, waxa aan shacbiga ugu bushaaraynayaa in muddo dheer aynu sugaynay Idaacad dalka iyo Caalamkaba Gaadha maanta in tijaabadeedii dhammatay,
Waxa kale oo aad ogtihiin in telefiishannada Madaxa banaan ay Satalaydhka galeen, anigoo si gaar ah u hambelyaynaya oo leh magacii Qaranka ayaa kor u qaadeen ee magaciinu ha jiro.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, Warbaahinta, Madbacadaha, War isgaadhsiinta iyo telefoonada sida aad wada ogsoon tihiin, waxa culimada qaarkood ku tilmaameen, Golaha Afraad ee Dawladda Dimuqraadiyadda ku dhisan ay leedahay, waayo, waxa ay kaalin wax ku ool ah oo lagama maarmaan ah ka qaataan geedi socodka horumarinta Umadeed sida kobcinta garashada bulshada, waxbarashada Ubadka, kor u qaadista dhaqanka Suuban iyo akhlaaqiyaadka, ka tarjumista baahida Ummadda, Siyaasadda dawladda iyo sii gudbinta afkaarta kala duwan, kor u qaadista haybadda qaran iyo nab-doonaanta Bulshada iwm, oo aanan halkan ku koobi Karin.
Waxa kale oo ay ka mid yihiin illaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Guud ahaan, aniga oo aan cid gaar ah u jeedin, waxa kaalintaas sal iyo asaas u ah in ay run iyo xaqiiqo ay soo baadheen oo xirfad iyo aqoon ku salaysan u gudbiyaan wixii faa’iido ugu jirto Ummadda, in aanay noqon aalad kala aargoosata, in aanay wax yeelayn shakhsi, qoys, qabiil ama dan qaran.
Mudanayaal, in aynu ra’yiga isku khilaafno waa Dastuuri oo dan qaran baa ku jirta, balse in aynu caruurteena iyo ubadkeena Cayda, xaqiraada, beenta siyaasad aan nuxur iyo xigmad toona lahayn, waxa aan odhan karaa dhaqan guur iyo baaba umaddeed, waxa kaloo la yidhaa “Ummad aan dhaqan iyo wax ay ka xishooto lahayn waa Ummad aan jirin”.
Mudanayaal, wax badan baa inoo qabsoomay, balse waxa geediga ku lumay wax aan lacag lagu qiimayn karin oo sida loo soo celin karo ay aad u dhib badan tahay, waxa aan maanta idinka codsanayaa (Bulsho weynta Somaliland, bahda Saxaafadda, Isgaadhsiinta, Siyaasiyiinta iyo nin kasta oo ra’yigiisa cabiraya) waar hubiya waxa aad odhanaysaan sida uu wax idiin yeelayo.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxaa aan idiin sheegayaa in Fiber Optic Cable, qaada macluumadka dunidu isweydaarsato, la dhex marin doono dalkeena, kaasi oo ka soo baxaya Badda Cas, una gudbaya Wajaale, oo hirgelintiisa ay ka wada shaqeynayaan labada Dawladood ee Somaliland, Ethiopia iyo Shirkad Maraykani, kaasi oo marka uu hirgalo bedelaya xag dhaqaale iyo xag shaqaba, wax weynna ka tari doona isku xidhka dibadda iyo gudahaba.
Waxaa aan idin soo gudbiyey Xeerkii war isgaadhsiinta oo ay wax badani inagaga xidhan yihiin, waxaan idinka codsanyaa in lagu dhakhsado ansixintiisa.
Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa ayaan darro ahayd shalayto arrintii lama fillaanka aheyd ee ka dhacday Xaafadda Degmada Axmed Dhagax, taas oo ay sabab u ahayd go’aan aan laga fiirsan oo magacii hore ee Xaafaddu lahayd laga bedelay, kuna naf waayeen laba ruux dad badanina ay ku dhaawacmeen, oo aan ka tacsiyadaynayo inta ku dhimatay, inta wax ku noqotayna aan ilaahay uga baryayo in uu caafimaad siiyo.
Arrintaa oo u dhacday khalad Maamul oo u baahneyd oo kaliya in la saxo, ayaa si ayaan darro ah fidno wadayaal uga faa’iidaysten. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hay’adaha dembi baadhista, waxaan farayaa in si dhaba u soo baadhaan, si dhinacyada hawshaas ku lug lahaa, looga abaal mariyo dhibaatada ka dhalatay.
Guntii iyo gaba-gabadii,
Guddoomiye iyo Mudanayaal, waxa waajib innagu ah, si aan u gaadhno, himillada iyo mustaqbalka ay ummadani innaga sugayso, in aan guntiga dhiisha isaga dhigno, muujino Masuuliyad wadareed, Masuul kasti, waxa ku waajiba ah in uu u fikiro, kana shaqeeyo wada jirka Somaliland Dal iyo dad ahaan oo isku dhan, waxaanan inagga waaninayaa, in aan ka fogaano, wax kasti oo turxaan ah, ha ahaato odhaah, ha ahaato ficil, wada jirka iyo Midnimada Shacabka Somaliland.
Shacbiga, waxaan la socodsiinayaa, hunuu hunuu-da dadka qaarkii kula dhex jira, ee leh qalalaase ayaan sameynaynaa 15-ka May, waa in ay ka feejignaadaan, sababtoo ah, dadka noocaasi lihi ujeedadoodu waxa weeyaan, In beertii aan beeraneynay 17 sanno, ee ay inoo qorsheysnayd in aan u dabaal degno, in ay Rag damacoodu uu maskax maray, ay ku riyoonayaan in ay qalalaase galiyaan, waxaan shacbi weynaha ku wargelinayaa in ay feejignaadaan, cidii waxaas iyo wax la mid ula timaadana ay jawaab waafiya siiyaan.
Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu dalka ugu sii wado Nabadgelyada iyo Horumarka uu maalinba maalinta ka sii dambeysa ku tallaabsanayo.
Waxaa kalloon Ilaahay ka baryayaa in uu Abaarta ka soo jabiyo oo roob ina wada caam yeela ina siiyo, Aamiin, ………….Aamiin,…………Aamiin,
Xukuumaddu, waxay marksti ballan qaadaysaa in ay sii waddo xoojinta amniga, Xidhiidhka walaaltinimo ee jaararka iyo ka midho dhalinta Raadinta Aqoonsiga Madaxbannaanida Qaranimada Somaliland.
Beesha Caalamka, waxaan ugu baaqayaa in ay ka jawaabaan baaqyada ay Ummada Somaliland ka codsanayso in ay aqoonsi ka helaan, mar haddii aan buuxinay shuruudihii dal lagu aqoonsan lahaa.
“Ilaahoow noo hiili, hankayaga iyo himiladayadana noo hirgali”.

Qaran

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: