WARARKII WARGEYSKA OGAAL EE MAANTA OO ISNIIN AH 28 APR. 2008

Khasaaraha ka dhashay mudaharaad ka dhacay Hargeysa iyo khalaadaadka Dawlada

Hargeysa (sl.no) – Laba qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex-maray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, shalay magaalada Hargeysa.

Muddaharaadkan shaqaaqada watey oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ka dhaca magaalada Hargeysa mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa si lama filaan ah shalay barqadii uga bilaabmay xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa, waxana uu ku baahay suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa, iyada oo dadka mudaharaadayey oo u badnaa dhallinyaro tuurayey dhagax ay soo gaadheen saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ayaa ka hortegey dadkaa muddaharaadayey, iyaga oo qaarkood u isticmaalay rasaas nool-nool, taas oo ay ku dhinteen laba dhallinyaro ahi. Islamarkaana aan la hayn tirada rasmi ahaan ku dhaawacantay.

Jawigii Hargeysa

Sanqadha rasaasta ayaa la maqlayey, waxaana albaabada loo xidhay meheradaha ka agdhaw Saldhiga Iftin iyo garoonka Kubada Cagta ee (Hargeysa Stadium) iyadoo sidoo kale Albaabada loo laabay meheradaha suuqa dhexe markii muddaharaadku soo gaadhey badhtamaha magaalada abbaaro 11:00 baqanimo, kadib markii mawjado dad mudaharaadaya ahi ay ka soo tallaabeen Biriijka weyn iyo dooxa Hargeysa, iyada oo dhallinyaro kalena ay kaga biireen suuqa dhexe iyo xaafadaha Waqooyiga Hargeysa, isla markaana boolisku uu difaac ka galay Saldhigga dhexe ilaa Biriijka. Iyadoo agagaarka Saldhiga dhexe ee ay marto waddada ugu mashquulka badan magaalada Hargeysi ay mar qudha haawatay, dadka iyo baabuurtuna ay waddada hareeraheeda iyo luuqluuqyada ku gabanayeen.

Muddaharaadka oo ujeeddo badan ahaa, ayaanay suurtagal ahayn in saxaafaddu dhexgasho maadaama labada dhinacba ay gacanta ka hadlayeen gaar ahaan ciidamada Boliska oo tiraba sadex wariye gacanta ula tagay, waxana uu sii ballaadhanayey marba marka ka dambaysa.

Muddaharaadka ayaa la sheegay markii u horreysey inuu ka bilaabmay dad ka cabanayey magaca loo bixiyey degmo cusub oo uu Golaha Deegaanku magacaabay dhowaan, taasoo la sheegay in hore loo odhan jirey “Cabdi Iidaan”, balse, Golaha Deegaanku u bixiyey “Sheekh Cumar”. Hase yeeshee, waxaa ku biiray dad kale oo ka cabanayey sicirbararka maceeshadda Shidaalka iyo mudda-kordhinta Guurtida iyo arrimo kale.

Hawlgaladii Xukuumada

Ciidamada Booliska ayay ku adkaatay inay kala hakiyaan mawjadaha dadka cadhaysan ahaa ee muddaharaadayey, iyada oo laba dhallinyaro ahi ay ku dhinteen rasaas ay ridayeen boolisku, isla markaana mid ka mid ah dhallinyaradaas maydkiisa ay is dultaageen weriyayaashu. Iyadoo sidoo kalena ugu yaraan 10 Askari ku dhaawacmeen. Dhagax ay tuurayeen mudaharaadayaashu.

Waxayna xukuumaddu bilowday waanwaan ay xaaladda ku dejinayso abaarro 12:30 duhurnimo.

Wasiirrada Caafimaadka iyo Duulista Hawada oo ay weheliyaan dhawr Suldaan ayaa kadib u tegey dhallinyarada Muddaharaadayey oo ku guuleystey inay xidhaan waddada Biriijka, isla markaana la hadlay. Waxayna ku wargeliyeen in laga noqday degmooyinkii cusubaa ee Golaha Deegaanku magacaabay, kuwaas oo cabasho ka dhalatay ay horseed ka ahayd muddaharaadka, iyada oo Wasiirka Duullista Hawada, mudane Cali Warancadde uu halkaa ka akhriyey warqad arrintaa ku saabsan oo uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Guduhu. Isla markaana waxay ka codsadeen inay rabshada joojiyaan, iskana kala tagaan. Waxa kale oo ay u ballanqaadeen salaaddiintu in tallaabo laga qaadi doono ciddii masuulka ka ahayd magacaabista degmooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa isla shalay 12:00 duhurnimo wareegto uu soo saaray ku tirtiray degmooyinka cusub ee Golaha Deegaanku magacaabay oo uu ku tilmaamay sharci darro ah.

Wasiirku waxa uu ku amray Golaha Deegaanka inay ka soo jawaabaan go’aankaas.

“Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu laalay Jiritaanka Saddex degmo oo uu magacaabay Maayarka Caasimada Hargeysa, talaabada Magacaabista Saddexdaasi degmo waxay baal marsan tahay sharciga Gobolada iyo degmooyinka isla markaana aanu wax talo ah soo waydiinin Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waxaan leeyahay Golaha degaanka iyo Maayarka Hargeysa ka soo war bixi sababta aad ugu xad gudubteen Sharciga u yaala magacaabista Gobolada iyo degmooyinka ee 23/20” ayuu ku yidhi Wasiirku qoraalkiisa.

Muddaharaadkaas ayaa lagu soo gebagebeeyey waanwaanta xukuumadda iyo salaaddiinta, waxaana la furay waddooyinkii la xidhay 1:00 duhurnimo ee shalay.

Labada xisbi-mucaarad oo si adag ugu cambaareeyay xukuumadda dhacdadii shalay

“Dhacdadii 1982-kii waxa ku geeriyooday arday, maantana inka badan 2 qof, taasina waxay muujinaysaa in dawladda joogtaa ay ka arxan-daran tahay tii Siyaad Barre”

Hargeysa (Ogaal)- Labada Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa si wada-jir ah si adag ugu cambaareeyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, inay ku dhaqaaqday tallaabooyin ka arxan daran kuwii dawladii Taliskii Siyaad Barre, isla markaana waxay soo jeediyeen in ummadu kala xisaabtanto cidii dilkaas kula kacday.

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexnaayeen Labada guddoomiye Xisbi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Inj. Faysal Cali Waraabe, oo xalay warbaahinta loo qaybqaybiyay, ka dib kulan degdeg ahaa oo ay arrintaa ka wada yeesheen, ayaa qoraalkiisu uu u dhignaa sidan: “Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE, fadhi deg-deg ah oo ay wada yeesheen maanta (shalay), waxay kaga wada-xaajoodeen arrintii Argagaxa iyo naxdinta lahayd ee ay Xukuumaddu ugu gaysatay dilka iyo dhaawaca dadkii shicibka ahaa.

1- Labada Xisbi waxay tacsi u dirayaan eheladii qoysaskii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkaa ay xukuumaddu laysay oo tiro ahaan ilaa hada inta la xaqiijiyay ay yihiin saddex qof (laba wiil iyo gabadh), Marxuumiintaas Illaahay Jannadii ha ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, waxase khasab ah in ummadu kala xisaabtanto cidii dishay.

2- Waxa kale, oo aanu si aad iyo aad ah u cambaaraynaynaa sidii foosha xumayd iyo xoogii ka bad-badiska ahaa ee loo adeegsaday dadkii maatida ahaa ee cabirayay dareenkooda iyo shucuurtooda wadciga maanta taagan, arrintaa oo na xasuusisay dhacdadii ka dhacday Magaaladda Hargeysa markii ay taariikhdu ahayd 20/2/1982-kii. Dhacdada maalintaas waxa ku geeriyooday hal arday, halka ay maanta ku geeriyoodeen inka badan 2 qof, taasoo muujinaysa in dawladdan maanta joogtaa ay ka arxan daran tahay tii Siyaad Barre. Arrintana waxaanu ka yeelanaynaa wada-tashi laba Xisbi ahaan.

3- Waxa kale oo labada Xisbi ay ummadda u sheegayaan inay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada Golle-dhexe iyo Labada Gole-fulineed ee Xisbiyadu uu qabsoomi doono marka ay soo dhamaato hawsha dhex-dhexaadinta ah ee uu wado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).”

“Cida falkan kicisay iyo ka Xabad shicib dhagax sita ku dhuftay-ba sharciga hala horkeeno” Suldaan Bare

“Waxay noogu muuqataa, in nabad-gelyada duulimaad lagu yahay oo aan siyaasiyiintu u kala sokayn” Suldaan Cumar Suldaan Maxmed

Hargeysa (Ogaal) – Salaadiinta Beelaha Bali-gubadleh ee Gobolka Hargeysa ayaa Dawlada u soo jeediyay in sharciga la horkeeno cidii hurisay mudaharaad shalay ka dhacay degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, Islamarkaana waxa ay bulshada ugu baaqeen in la ilaaliyo nabad-gelyada.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Bare Xusseen iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo shalay gelinkii danbe shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Hadh-wanaag ee magaalada Hargeysa waxa ay ku tilmaameen mudaharaadkan mid looga faa’iidaystay dano gaar ah. “Waxay anaga noogu muuqataa, in nabad-gelyada lafteedii duulimaad lagu yahay oo aanay u kala sokayn intan Siyaasada Somaliland ku jirtaa. Waxaanu doonaynaa innagu in aanu jecelahay in Bulshada Somaliland nabad ku wada noolaato. Waana in laga daayo qod-qodka dadka damqaya ee jawigooda badalaya. Dadka ku jira saaxada siyaasaduna waa in aanay dadka dhiigooda u isticmaalin inay mabda siyaasadeed ku fushadaan.

Kolay beesha lafteeduna kama madhna oo xubno ka mid ah ayaa ka qayb qaatay barnaamijyadan, intubana waxaad moodaa inay u adeegayaan sidii nabadani khal-khal u geli lahayd. Aad ayaanu runtii uga xunahay, Bulshada Somaliland-na waxaanu leenahay raali ka noqda maaha wax beeshu toos u samaysay, waa wax laga sameeyay.” Sidaas waxa yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, waxana uu intaa ku daray, isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “markaad maanta (Shalay) mawduucii meesha yaalay ama bulshadii meesha cararaysay aad eegto. May ahayn runtii beesha oo kaliya, Hargeysa oo dhan ayaa meesha yaacaysay, nin waliba wejiga uu doono haku soo galo, laakiin way u dhamayd Hargeysi dadkii dhagaxa tuurayay, dadka dhibaatadu ku soo gaadhayna Hargeysi way u dhamayd, marka ay caynkaa tahayna maaha in Beesha loo isticmaalo waji aan fiicanayn oo aan dhaqankeeda ahayn. Beeshu (Arab) waa Beesha Somaliland ku dhisantahay, anaga ayay ahayd beeshii dhistay nabada ee Hubka wareejisay, ilaa maantana u taagan inay nabada Ilaaliyaan” Suldaanku waxa uu sheegay in la ilaaliyo, nabada mudadaa dheer soo taxnayd. Islamarkaana laga daayo Bulshada qod-qodka Xukuumad iyo mucaarad-ba. “Hadii doonida laga dayn waayo daloolinta way inala wada degaysaa, hala ogaado. Ummadii iyadoo Abaaro iyo Sicir barar haysto in Musbaar la geliyaa ma fiicna, anigu mucaarad iyo muxaafad makala saarayo. Laakiin waxaan leeyahay mid walba nolosha dadka waa inaad ka horaysiisaa mabda’aaga” Ayuu raaciyay.

Suldaan Bare Xuseen oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa ku duceeyay, dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay mushkiladan, Isaga oo farta ku fiiqay in mashaqadaa ka dhacday shalay Waaxda Axmed Dhagax ay u arkayaan inay ka danbayso Dawlada Hoose, “Dadka u shaqeeyaa la yidhiye ma dadka fidno geliyaa la yidhi.” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Bare, waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Cidii dhibtaa geysatay, ee umadaa isku soo kicisay ee sababta lahayd sharciga hala horkeeno, kii wax dilay ee Xabad qof shicib ah oo dhagax sita Shafka kaga dhuftay-na sharciga hala horkeeno. Waxaanu ku baaqaynaa intaa yar ee aynu yab-yabanay yaan la kal ridin”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, ayaa isna sidoo kale tilmaamay in bulshadu wakhtigan abaaro iyo xili adag ku jirto, Islamarkaana aan loo baahnayn in laga dhex abuuro mushkilad, waxaana uu soo jeediyay in sharciga la hor keeno cidii ka danbaysay arrintan. “Waxaanu beeshayada faraynaa in halka arrintaasi ka dhacday aan wax danbe kor loo qaadin. Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa cidii ay gaarka ugu dhacday Geeridu inay maydkooda Aastaan… arrinkana yaan loo arkin mid fudud ee waa in culayskeeda la arkaa, aad ayaananu uga xunahay dhibaatada dhacday, waxaanu ka codsanaynaa xukuumada inay hawsheeda ka soo baxdo cida dhibtaa geysatayna sharciga la hor keeno.”

“Waxaan ka xumahay arrintan kicisay dhibaatadu in aanay ahayn arrin sharciyan sax ah”

“Waxa Madaxweynuhu Iclaamiyay in Total loo xidhanyahay aanay Jirin”

Cali Warancade

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa sheegay inuu Madaxweyn Rayaale, fasaxay keenista Shidaalka, isla markaana uu qof waliba halka uu doono ka keeni karo, waxa kale oo uu Cali Warancade, ka hadlay Mudaharaadkii shalay ka dhacay Hargeysa, isaga ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee arrintaa dejinteeda ku guulaystay.

Wasiirka oo ka dib markii ay kala dareeriyeen Mudaharaadayaasha la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in Golaha deegaanka Caasimada Hargeysi si qalad ah ay ugu dhawaaqeen Degmooyin cusub. “Waxaanu ka Xunahay shaqaaqadan saaka (shalay) dhacday ee Magaalada badh-keed- ka dhacday, iyada oo aynaan baryahan dambe u baranin oo aynu ilawnay dadka reer Hargeysa oo is dhex yaacaya, oo dhagaxan la isku tuurayo iyo wadooyinka oo taayiro lagu gubayo maynaan arag, arrintaana dadka reer Hargeysa waanu uga tacsidayadaynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Duulistu. Waxaanu u mahadnaqay dadkii iyagu ka qayb-qaatay daminta iyo qaboojintii rabshadihii Mudaharaadka “Aduunka meel walba dadku way cadhoodaan, mudaharaadadu way dhacaan, laakiin inagu waxaynu kaga duwanahay waxeenu waa yab-yab, oo baabuurka laga jabiyo muraayadaha waxa laga yaabaa qofka lihi inaanu kaba soo kabanin, meherada ama dukaanka wax la yeelaana sidoo kale weeye. Dhaqaale ahaan iyo duruufta maanta jirta awgeedna ma awoodno in aynu wax is yeelo. Sidaa darteed waa inaynu dulqaadanaa, waayo wadankeenu maanta inta badan indhahaa lagu hayaa, oo imtixaan baynu ku jiraa. Markaa waa inaynu noqonaa dad waxbadan u dulqaata oo dawladnimada ilaaliya.” Ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Cali Maxamed Warancade.

Wasiirku waxa uu sharci-darro ku tilmaamay go’aankii Golaha Deegaanka Hargeysi ku magacaabay degmooyinka cusub, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan aad uga xumahay arrintan dhacday ee kicisay dhalinyarada ee dhibaatada gaysatay inaanay ahayn arrin sharciyan sax ah, Magaaladda sida loo qaybiyayna may ahayn wax laga tashaday, cida qaybisay ee ku dhawaaqdayna cidii awooda u lahayd may ahayn. Sidaynu ognahay Gobolo iyo Degmooyin waa laga bixiyaa dalka, Hargeysina waxay ka mid tahay Gobolada degmooyinka laga bixinayo, mana wanaagsana waxaan Madaxweyene saxeexin in lagu dhawaaqo oo dadka loo sheego.” Waxaanu ku dooday Mr. Warancade oo uu yidhi, “Arrinta Golaha deegaanku ku dhaqaaqay waxay ahayd mid aan laga tashan Madaxweynaha, oo aan wax-garadka lagala tashan, in Golaha deegaanku talaabadaa qaadaana qalad ayay ahayd, waa arrin ceeb ah oo fool xun, dadweynahana waanu ka raali galinaynaa arrintaa oo ahayd mid aan dawlada dhexe soo gaadhin, oo aanu ka naxnay dhibta ay keentay.” Isla markaana Wasiirka Duulista iyo Hawada gaadiidka cirku Cali Maxamed Warancade, mar uu ka hadlayay magacyada degmooyinka loo bixiyo waxa uu yidhi, “Waxa jirta oo dadkeenu isticmaalaan marka magac degmo la bixinayo, in la soo qaato nin magac weyn lahaa, nin mujaahid ahaa iyo nin dalka iyo dadka wax u soo qabtay, waxaanan qabaa in dadka sidaas ah la ururiyo oo la diiwaan-geliyo, marka magac la bixinayana waa inaanay noqon Degmadan Warancade ayaan u bixiyay ee waa inay noqotaa wax laga wada-tashaday, oo la isla ogol yahay, oo la soo qaataa qof taariikhda ku jira, oo Mujaahidiinta iyo dadkeena wax Garradka ah sida ay u kala horeeyaan loo kala horeysiiyo, ee maaha in uu qofba magac iska soo qaato, oo uu dadka ku kiciyo.”

Wasiirka mar wax laga weydiiyay arrinta sicir-bararka sababta ay wax uga qaban waayeen xukuumad ahaan, maadaam loo arko inay qayb ka tahay arrimaha kiciyay dadweynaha waxa uu yidhi, “Waynu ogoyn oo Sicir barar baa dhacay, oo in Shidaalkii qaaliyoobay ayaa dhacay, oo Total ayaa ugu weyneyd Shirkadaha shidaalka keena iyo shirkado yar-yar. Waxaana Madaxweynuhu Iclaamiyay in cid waliba meeshii ay shidaal ka keeni karto ka keento oo Total loo xidhan yahay aanay jirin, oo cid waliba meesha ay dalka ka soo gelin karto ee Total ka sicir jabani ay ka keento, taana waxa la sheegayaa inay ilaa saaka Faastada Naaftada ahi hoos u soo noqday qiimaheedu.”

Go’aankii Muddo Kordhinta ee Guurtidu Wuxu Qaawiyey

Dastuur Jebintii ay Reer Somaliland Ku Wada Socdeen

Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

Jidkii Siraad

Somaliland waxay cagta saartay Jidkii Siraad. Haddii ay dhinacaas u ciirto waxay khatar ugu jirtaa inay muquurato lama-degaan ay ka botorinayaan col iyo abaari; haddii ay dhinaca kale u ciirto waxay foodda la gelaysaa waadigii nabadda iyo caanaha dimuqraadiyadda iyo ictiraafka.

Kol haddaad Jidka iraad cagta saarto dib loogama guran karo, hore ayuun baa loogu siqi karaa, bidix iyo midig dhanka aad u dhacaysaana waxay ku xidhan tahay camalkaagii hore. Xikmadda iyo taxadarkana lagama dayrinayn.

Maxaa Dhacay Haddeer ilaa Nofembar2007 ?

Waxa ummadda u qorshaysnaa wareeggii labaad ee doorashooyinka deegaanka iyo madaxtooyada oo ay ahyd inay dhacaan 15 Diisambar 2007 iyo 14 Abriil 2008.

Beelsha Caalamku maaliyad shilis ayay u qoondaysay hirgelinta doorashooyinkaas. Waxay beesha caalamku jilayaalsha siyaasadeed ee Somaliland ku qancisay in doorashooyinkan laga hormariyo diiwaangelin. Oggolaanshaha fudud ee diiwaangelintu wuxu dhab ahaantii noqday kan ragaadiyey gebi-ahaanba qabashada doorashooyinka, waxa laga yaabaa inuu dhibaato intaas ka badan inoo keeni karo. Waxay noqotay in doorashooyinku u xanibnaadaan diiwaangelinta, halkii diiwaangelintu noqon lahayd wax qurxiya doorashooyinka.

Aqoondarro, waayo-aragnimo la’aan iyo daacad darro is barkaday ayaa u sabab noqday inaan doorashooyinka la qaban muddadooyinkii qorshaysnaa.

Komishanka Doorashooyinku wuxu dabayaaqadii 2007dii shaaca ka qaaday in aanay suurtagal ahayn in muddada xadidan ee doorashooyinka ka hadhay awgeed aanay diiwaangelinta qaban karayn. Halkii ay jilayaalsha siyaasdeed ka odhan lahaayeen diiwaangelintu waa qurxine doorashooyinka ku tallaabsada ayaa waxay oggolaadeen in doorashada deegaanka dib loogu riixo 28ka July, tan madaxtooyadana 7da ogost.

Waqti yar ka dib ayaa Madaxweyne Rayaale waraaq u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga codsanayo inay sharciga waafajiyaan dib-u-dhigista doorashada golayaalsha deegaanka oo waqtigoodu kaabiga saarnaa. Rayaale wuu ka aamusay tan madaxtooyada oo waqtigeeda 5 bilood ka hadhsanayd.

Axsaabta qaranka, Golaha Wakiilada iyo muwaadiniinta, cidina kama hadlin in muddooyinkaas cusubi ay ka daba-marayaan muddadii uu madaxweynaha xilku kaga buuxay iyo tallaabooyinka dastuuriga ah ee loo baahan yahay in la qaado. Axsaabta qaranku diyar bay u ahayd in Rayaale dhawr bilood xilka ku sii muddo-dhaafo.

Mar labaad ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaca ka qaadeen inaanay diiwaangelinta ku qaban karayn muddooyinkii cusbaa ee iyaga iyo saddexda xisbi qaran isku raaceen. Mar kale ayay saddexda xisbi qaran oggoladeen taariikh cusub: in diiwaangelinta soo gebagebowdo 5ta Oktoobar, labada doorashona midna la qabto 6da Oktoobar tan kalena dabayaaqada Diisambar. Weli dareenka xisbiyada mucaaridku wuxu u egkaa mid indhaha ka qarsanaya muddo-dhaafka madaxtinimada Rayaale.

Xaalku wuxu si weyn isu beddelay markii Rayaale warqad u soo qoray Golaha Guurtida uu kaga dalbanayo inay xeerka waafajiyaan dib-u-dhigidda doorashada madaxtooyada oo waqtigii ay qabsoomi lahayd kaabiga saarnaa isagoo tix raacaya muddadii cusbayd ee ay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyin.

(Waxa wararka qaar tibaaxayaan in Guurtida damacsanayd inay Madaxweynaha laba sano u kordhiyaan, haseyeeshee, markii sababaynta arrintaasi ku adkaatay ay go’aansadeen inay sanad ugu duugaan).

Dan lagama gelin kordhinta sharci darrada ahayd ee Guurtidu u samayasay Golayaalsha Deegaanka. Haseyeeshee, haddii ay Guurtidu raaci lahayd wixii axsaabta iyo komishanku isku raaceen, sharci-darradanimada arrintaas indhaha ayaa laga qarsan lahaa.

Malaha, sharci darrada laysku raacsan yahay waa sharci, haseyeelshee waxa habboon in taas dastuurka la waafajiyo.

Muddo kordhintii sharci-darrada ahayd ee Guurtidu waxay qaawisay sharci-darraddii iyo dastuur jebintii ay reer Somaliland ku wada socdeen. Arrintaasi waxay bilawday in qodobadii dastuurka dib loo akhriyo in la lafaguro waxa dastuurku sheegayo nuxur iyo micne ahaanba (scrutinize the spirit and letter of the constitution). Waxa soo xidhmay tigtiga-leexintii (short-cut) iyo mindi-roortayntii ay jilayaalsha siyaasadda iyo hay’adaha qaranku kula kacayeen dastuurka iyo xeerarka ummadda u yaal.

Halkee ayaa Xaal Taagan yahay:

1. Axsaabta mucaaridka ahi ma oggola muddo-dhaafka Madaxweynaha oo waqtigisu ku eg yahay 15/05/08

2. Go’aanka muddo-kordhinta Guurtidu ee Madaxweynaha iyo Golayaalsha Degaanku dastuurka ayuu baalmarsan yahay

3. Diiwaangelinta ayaa u sabab ah inaan doorashooyinku waqtigoodii ku qabsoomin

4. Wixii 15ka May ka danbeeya, Golaha Wakiiladu waa hay’adda keliya ee la soo doortay ee sharci ku fadhida

5. Golaha Wakiilada ayaa sharciga waafajinaya wixii ay ku heshiiyaan Axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ee la xidhiidha:

a) waqtiga doorashada la qabanayo,

b) hoggaanka dalku yeelanayo inta u dhaxaysa16ka May ilaa waqtiga doorashadu dhacayso

c) Diiwaangelintu meelshay ka baxaysaa kol haddii doorashooyinku qabsoomi waayeen muddadii loogu

talogalay

1. Xukuumaddu waxay doonaysaa inay ku sii socoto sharci jebintii

2. guurtidu madaxweynihii afarta sano u kordhiyey ayay sanad ugu abaal gudday

Guntii iyo Gebagebadii

Jidka keliya ee xooggaga siyaasadeed u furani waa kan wada tashiga iyo in dastuurka lagu dul shaqeeyo, sidaas daraadeed waxa lagama maarmaan ah in Madaxweynaha iyo Guurtidu ka tanaasulaan ku adkaysiga sharci jebinta aynnu dhammaanteen masuulka ka nahay

Walaaca laga qabo weerarada sii kordhaya iyo dardarta kooxaha iska-caabinta

Muqdisho (W. Wararka)- Dagaal culus ayaa shalay lagu qaaday wersheddii hore ee baastada Muqdisho, iyo meelo kale oo fadhiisin u ah ciidamada itoobiyaanka, sida ay faafiyeen shabakaddaha wararka caalamku.

Dagaalkan oo la sheegay in laysu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, ayaa la sheegay inuu dhaawacyo u geystay wershedda furshaanta oo halkaa ku dhaw, isla markaana waxa wararka halkaa ka imanayaa shaaciyeen in ugu yaraan ay toban qof ku naf-waayeen dagaalladan shalay ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Sida lagu faafiyay shabakadda wararka AP-da, Soomaaliya oo loo yaqaano inay ka mid tahay dalalka caalamka ugu rabshaddaha badan, ayaa la daalaa-dhacaya kacdoono adag oo ay dawladda mbeghati iyo ciidamada itoobiyaanka ee taageera kala horyimaadeen kooxaha loo yaqaano wax iska-caabinta ee Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in uu arkayay dhawr qof oo maydadkoodu dhulka yaalaan, isla markaana ay dagaalyahanku isticmaalayeen nooc kasta oo hubka ah. Dagaalkani waxa uu ku soo beegmay maalin keliya ka dib markii weerar laxaad lahaa lagu qaaday dhismaha Villa Baydhaba oo saldhig u ah ciidamada dawladda mbeghati, halkaas oo khasaare balaadhan loogu geystay, sidoo kalena la sheegay in saraakiil ciidanka mbeghati ka tirsani ay ku dhinteen.

Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka dayriyay xaaladdaha bani’aadaminimo ee dadka shicibka ah, isla markaana Hay’adda UNHCR xafiiskeeda Nairobi ee Soomaaliya ayaa shalay ka hadlay tirada badan ee dadka guryahoodii ka qaxaya, kuwaas oo ay ku sheegeen inay kun qof kor u dhaafayaan dadka maalmihii ugu dambeeyay ka qaxay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, magaalada Jawhar oo ay markii saddexaad xoogaga maxaakiimtu gacanta ku dhigeen, ayaa dadweynaha ku nooli u muujiyeen soo-dhawayn, isla markaana wararku waxay intaa ku darayaan in magaalada Qansax-dheere ee koonfurta Soomaaliya ay iyadana qabsadeen dagaalyahanka Al-shabaab.

Xisbiga Kulmiye oo isugu yeedhay Xubnihiisa Golaha dhexe

Hargeysa(Ogaal) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirka xubnaha golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 29-ka bishan April.

Gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi[Saylici], ahna gudoomiyaha gudddida qaban qaabada shirka golaha dhexe, ayaa sheegay in shirka golaha dhexe lagu qaban doono Huteelka Ambassador, ee magaalada Hargeysa 29-ka bishan.

Qoraal kooban oo uu Cabdi-raxmaan Saylici soo saaray ayaa u qornaa Sidan:-

|”Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxa la ogaysiinayaa in Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga la qaban doono maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 29/04/2008.

Xubnaha Shirka ka soo qayb-galayaa waa liiskii Magacyadooda laga ansixiyey Shirweynihii 2aad ee Xisbiga, iyo Xubnaha xilka ay hayaan dartiis Golaha kaga midka ah. Waxa shirka lagu qaban doonaa Hotel Ambassador, wuxuuna furmayaa 08:00 subaxnimo”.

Ururka Basaska Hargeysa iyo doodda sicirka shidaalka

Hargeysa (Ogaal) – Guddoomiyaha ururka Basaska Hargeysa Cabdiraxmaan Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ilaa hada aanay haynin wax badan oo iska badalay Qiimaha shidaalka ee todobaadkan ugu danbeeyay cirka isku shareeray.

Gudoomiyaha Ururka Basaska oo xalay wargeyska Ogaal la soo xidhiidhay isaga oo daba joogay dhawaaqa ka soo yeedhay Afhayeen u hadlay Kaalmaha shidaalka iibiya oo Laanta af Somaliga ee Idaacada BBC-da ka sheegay in uu jabay hoosna uu uga dhacay sicirka qaaliga ahaa ee qiimaha shidaalku isku taagay todobaadkan. “ Dhawaaqaasi waxa uu keenay in dadkii iyo Basaskii isku margadaan markaa, waxaanu shaacinaynaa inaan waxba ka dhicin sicirka shidaalka ilaa hada, wax la filayo mooyaane.” Sidaa ayuu ku dooday Gudoomiyaha Ururka Basaska Hargeysa. Mar aanu sii waydiinay in ay ka daynayaan rakaabka Shan boqol oo shilin oo ay Saareen Kun-kii shilinka ee hore Basaska ka dhex shaqeeya Hargeysa loogu raaci jiray ka dib sicir bararka shidaalka. “ In kasta oo wax waliba qaaliyoobeen, hadana hadii uu shidaalku jabo. Waa khasab waananu isku noqonaynaa,” sidaas ayuu yidhi.

wadan

Waar yaadhaheen horta aan idin xusuusiyee meeshu waa danlay, Duulbana waxbaa u muuqda.

. UDUB ku darsaa u muuqata, Mucaaradkana ka ritaa u muuqata,

Guurtida Abaal-kiil baa u muuqda, Wakiilladana daynbaa u muuqata, Komishankan is kalif baa u muuqata, Ganacsatada Kiishkeedaa u muuqda, Total Kaash-keedaa u muuqda, Is-gaadhsiin ku shubaa u muuqata, Suldaanana ku qabsaa u muuqata, dadweynaha way ka soo rayn-baa u muuqata, Askari ku ridbaa u muuqata, Annigana kala celli uunbaa ii muuqata

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: