Madaxwayne Rayaale Oo Maalinta Beri Khudbad U Jeedinaya Labada Gole Ee Baarlamaanka Somaliland.

Hargeysa-(sl.no) – Madaxwaynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa khubad sanadeedkii 2007/2008 u jeedinaya labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland(Guurtida iyo Wakiilada) maalinta bari ee 29ka bishan April.

Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu khudbad sanadeedka Dastuuriga ah ee uu u jeedinayo labada Gole uu ku soo qaado khilaafka Siyaasiga ah ee ka taagan Muddo kordhinta halka sano ah ee Golaha Guurtidu u kordhisay iyo sida looga bixi karo marxaladan kala guurka ah ee dalku galay.

Madaxwaynahu waxa kale oo ay wararku sheegayaan in khudbadiisu ay u badnaan doonto waxqabadkii xukuumadiisa ee Shantii sano ee la soo dhaafay iyo Culayska ay Xukuumadiisu saartay Qadiyada Ictiraaf raadinta Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Maxamed Xasan Kaahin(Kayse) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray maanta ayaa mudanayaasha Labada Gole ku wargaliyay inay ka soo qayb galaan fadhi wada jir ah oo labada Gole ay madaxwayne Rayaale kaga dhagaysanayaan Khudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa.

Khudbad sanadeedkan Dastuurku u jidaynayo Madaxwaynaha inuu sanadkasta hal mar u jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa Dhowrkii sanadood ee la soo dhaafay aan dhicin,lamana garanayo Sabobta uu Xiligan u go’aansaday inuu hortago Baarlamaanka.

Source:Qaran

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: