Xukuumada oo Markii u horeysay fasaxday in ganacsatadu shidaalka meesha ay doonaan ka keeni karaan

Hargeysa(SL.NO)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay qiratay masuuliyadda go,aanka shirkada TOTAL ku kordhisay qiimaha shidaalka

Sidaana waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Ganacsiga, oo shalay xafiiskiisa ugu waramayey qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah.

Sidoo kale, waxa Wasiirku xog-warankiisa ku caddeeyey in xukuumaddu u fasaxday ganacsatada madaxbannaan keenista shidaalka, halkii markii hore uu ku koobnaa shirkadda TOTAL oo keliya. Maaha markii ugu horreysay ee xukuumaddu ku dhawaaqdo in keenista shidaalka dalka ay muwaadiniintu u madaxbanaan yihiin, haseyeeshee badhtamihii sannadkii 2006-dii markii Wasiirka Ganacsiga go’aankan oo kale ku dhawaaqay, kaas oo socon waayey kadib markii markab shidaal ah ay keentay shirkadda Al-xarbi, balse loo diiday inay ku shubto haamaha shidaalka ee Berbera, arrintaas oo keentay khilaaf ballaadhan, maadaama xukuumaddu heshiis si kooto ah ula gashay shirkadda TOTAL inay keento shidaalka muddo 50 sanno ah.

Waxaana arrintan ogolaanshaha keenista shidaalka caddeeyey Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cismaan Qaasin Qodax oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta maxliga ah ugu waramey xafiiskiisa. Waxa kaloo Wasiirku waraysigaa ku caddeeyey inay wasaaraddiisu u ansixisay shirkada TOTAL kor-u-kaca qiimaha shidaalka. Waxaannu Wasiirku ku tilmaamay wax lala yaabo waxa markiiba looga qaylinayo qiimo-kaca shidaalka ee looga hadli la’yahay ka raashinka ee in ka badan boqolkiiba boqol kor u kacay.

Md. Cisaam Qaasin waxa kale oo uu sheegay in aanay dawlad ahaan awood u lahayn inay horistaagaan qiimaha kor u kacaya ee ku yimi shidaalka iyo maciishadaha kaleba.

Wargeysiga ay warbaahintu la yeelatay Wasiirka iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

S: Sida laga wada warqabo maalmahan dambe waxa cirka isku sii shareeray qiimihii shidaalka oo foostadii waxa ku kordhay in ka badan 43% (boqolkiiba saddex iyo afartan), maxaa sababay qiimo korodhkaa degdega ah ee ku dhacay shidaalkii lagu isticmaali jiray Somaliland?

J: Horta shidaalka qiimihiisu wuu kordhay sidaad u sheegayso, mana aha shidaalka oo keliya waxa kordhay ee maciishadii adduunka oo dhan baa koradhay oo waa laga wada qaylinayaa ee wax noo gaar ah maaha. Waxaad moodaa in su’aashaadu meel ku wajahan tahay oo aad leedahay maxaa shidaalku u kordhay, waxaan kuu sheegayaa shidaalka marka laga soo bilaabo bishii September ee sannadkii hore ilaa iyo iminka sidaad sheegayso 43% baa kordhay, laakiin raashinada kale ee magaalada yaala qiimaha kordhay baan kuu sheegayaa ee aan cidina hadal haynin oo shidaalka uun lagu soo jeedo, kiishka bariiska ahi wuxuu ahaa 21 dollar iminkana 39 dollar ayuu marayaa, wuxuu kordhay 85% (boqolkiiba shan iyo sideetan), kiishka daqiiqda ahi 20 dollar ayey ahayd iminka 40 dollar ayey maraysaa, waxay koradhay 100% (boqolkiiba boqol), kiishka sonkorta ahi 17 dollar ayey ahayd iminkana 23.5 dollar bay maraysaa, waxa kordhay 38% (boqolkiiba sideed iyo sodon). Markaas wuxuu shidaalku la mid yahay maciishadaas qiimaheedii caalamka kor uga socdo ee aad aragto qaar boqolkiiba boqol kordhay, qiimo gaar ah oo cidi kordhisayna maaha ee waa qiimihii uu dunida ka joogay. Wasaaraddayadan ayaa ansixisay kadib markii ay TOTAL noo keentay qiimo-sheegteedii ee aannu aragnay iyo tii ay u dhigtay, halkan waxa noogu yimi ganacsatadii Warashada shidaalka siinaysay. Sidaas ayuu shidaalku ku kacay oo caalamka oo dhanka kacay, qiimahanina yahay ta TOTAL ku soo iibsatay illeyn dunidu waa xaafad yar oo wax qarsooni ma jiree. Qiimaha foostada shidaalka ahi Berbera uu ku yimaado iyadoona la cashuurin markii aannu meel walba galnay $191 (boqol iyo sagaashan iyo kow dollar) ayuu Berbera isu soo taagay, markaa qiimaha TOTAL kordhisay waa qiimahaa uun.

S: Haddii qiimo-kacani yimi illeyn waa mushkilad dadka soo waajahdee maxaa xal ah oo xukuumad ahaan iyo ka Wasaarad ahaanba idiinka meel yaala arrintan?

J: Dhaqaalaheenu wuu iska kooban yahay oo ma saamaxayo oo wax iminka aynu odhan karno shidaalka waddanka yimaada ha lagu kabo ma jiro, wixii ay dawladdu ka qaban kartaana asalkeeduba wuu iska kooban yahay haddii aynaan hadal doonayn ee ma waxaad u timaadeen oo aad na waydiinaysaan shidaalkii bay TOTAL iska kordhisay oo qiimo aan adduunyada joogin bay saartay?

S: Wasiir waddanka waxa ka jira abaaro ba’an oo iminka waxa lagu jiraa biyo dhaamis, waxaanay foostadii biyaha ahayd la siinayaa 30,000 shilin (sodon kun), markaa shidaalka kacay iyo biyo la’aanta waddanka ka jirta bal adigu wasiir baad dadka u tahaye TOTAL miyey ku saxsan tahay mise way ku khaldan tahay?

J: Horta TOTAL sida ay ganacsatadeenu raashinka u keensadaan bay u keensataa oo ay waddanka kaga iibisaa, dawladda haddaanu nahay iminka intaanu bakhaaradda tagno ma odhan karno raashinkaa aad ganacsatoy ku soo iibsateen qiimahaa intaa hoos u dhima oo jara, sidaa aan ninka gadbadiisa loogu odhan karin qiimahaa aad soo siisatay waxaa ka jar ayey TOTAL la mid tahay oo waa kambini ganacsanaya. Markaa TOTAL haddii aynu u jeedno waa macne, haddii aynu u jeedno sicirkii caalamku waa sidane maxaa laga qaban karaa dawlad ahaana waa mid.

Waxaan idiin sheegayaa maanta anigu Wasiirka Ganacsiga ayaan ahay nin kasta oo reer Somaliland ah oo shidaalka TOTAL mid ka jaban keenaya cashuurta dawladda ayaa laga qaadayaa waa loo ogol yahay, aniga ayaa taa ku dhawaaqaya oo cid kasta oo keenaya shidaal ka TOTAL ka duwan oo cashuurtii dawladda nidaamkeedii soo maraya maanta laga bilaabo waa u fasax.

S: Dhawr jeer oo hore Wasaaradda Ganacsigu waxay ku dhawaaqday inay dadka ganacsatada ah u ogoshay inay keensadaan wax kasta, laakiin ma dhacdo oo weli shidaalkii TOTAL uun baa haysata, markaa arrintaasi siday u suurtogelaysaa?

J: Marka wax la ogolaanayo nidaam buu leeyahay sharcigu la maro, ciddii nidaamkaa loo sameeyey soo mariwayda waxba looma ogalaanayo. Ninka soo xadaya shidaalka Itoobiya kuma jiro, dawladda Itoobiya iyadaa kabta shidaalka naaftada ah, kaasi waa koorabaan xadka laga soo gelinaya ee cashuurtii dawladda la baxsanayaa kuma jiro, ninkii sifo sharci ah shidaal ku keenaya oo ka jaban shidaalka TOTAL anigaa Wasiirkii Ganacsiga ah oo u ogolaanaya.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo ku wehelinayey xafiiska ayaa isagoo su’aashaas ka jawaabayey waxa uu ku bilaabay: Marka uu Wasiirku leeyahay shidaalka waa la keeni karaa, horena waanu u nidhi oo mar ay dhacday in shidaalku kala go’, waxay noqotay in aannu fasaxno kaydii qaranka, kadibna Jabuuti baa laga keenay, Caddan baa laga keenay, tan iminkana Wasaaraddu iyadoo xukuumadda iyo Madaxweynahaba kaga wakiil ah, shidaalkan la leeyahay TOTAL baa kicisay sida hadalku u dhacaayo, haddii ay TOTAL kicisay oo wax xaaraan ah saartay ka ogolaan mayno, dawadeeduna waxay tahay keena muwaadiniintaay oo soo dejiya shardina waxa ah sharciyadda soo mar, loona xidhi maayo TOTAL.

S: Wasiir dawlad ahaan miyeydaan awood u lahayn in aad ganacsiga qiimo go’an u jartaan oo la dhaafin, illeyn ummaddu idinka oo kale ma wada aha ee dad masaakiin ah baa jiree?

J: Horta dunida waad ogtihiin oo wixii ay raashin soo saari jirtay way xidhatay, intaynu su’aalahan isu taagtaaga ah waxa ka wanaagsan in aynu dadkeena wacyigelino oo aynu nidhaahno xilli-roobaad baynu joogaane wax beerta oo wax soo saarkii dhulkiina u jeesta. Ninkaa bariiska beertay markii caalamka cuntadii ku yaraatay ayuu dadkiisii u xidhay, waxaanan leeyahay ninowna ha u hanqaltaagin waxaanad lahayn ee nin kastowba waxaad leedahay baad leedahay dhulkiina beerta, si aynu uga badbaadno maciishad yaradan adduunyada ku soo socota.

S: Arrintan shidaalka ee TOTAL, maadaama ay dhib badani ka dhalatay oo ay marba heer marayso, ka Wasaarad ahaan ma soo jeedinaysaan in wax-ka-beddel lagu sameeyo heshiiskii TOTAL?

J: Sharciga wax-ka-beddelkiisa golayaal baa leh, TOTAL ninkii haysto waa laguu fasaxay shidaalka keenistiisa ee haddaad diidaysaan cashuurtii dawladda iyo kiradii haamaha dawladda oo waad leedihiin ma ogolin waa meesheeda, laakiin ninka leh TOTAL shidaal bay kooto ku haysataa ee mid ka jaban ayaan hayaa lagu fasax.

S: Shidaalka ka sakow maciishadii aad bay u qaaliyowday, waxaana la sheegayaa in ganacsatadii ay keydsanayaa raashinkii oo ay xaraysteen, markaa arrintaa maxaad wax uga qaban waydeen?

J: Haa way jirtaa oo ganacsatadii markii ay saadaalin kariwayday qiimihii adduunyada, waa run oo wuu jiraa dareenkaasi in raashinkii la keydsanayo, waxaanay ka warwarsan yihiin bilay qiimaha aad iminka siiso goordhow kuu soo gayn waayaa, laakiin dhibaatada uu keenayaa waxa weeye marka raashinku suuqa ku yaraado in sicirkuna kor u sii socdo, taas wax baanu ka qabanaynaa oo ganacsatada waxaannu ugu baaqaynaa raashinada ay hayaan ee istoodhada yaala inay dadka ka iibiyaan.

Sourc Togdheernews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: