WAREYSI LALA YEESHAY KOLKII UU KU GURYO NOQDAY DALKII XILDH. MAXAMED NUUR CARAALE “DUUR” OO KA MID AHAA XILDHIBAANADII GOLAHA WAKIILADA EE BOOQASHADA KU YIMID DALKA INGIRIISKA & DALAL KALE OO YURUB AH

“Inta dhaliisha ayaan ka mid ahay haddii xukuumaddu dhaliil leedahay, xitaa mucaaradku sooma uu bandhigin siyaasad ay dadka ku hoggaaminayaan”
Xildh. Maxmed Nuur Caraale ” Duur”

Hargeysa (SL.NO) 21 Apr. 2008 – Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ahaa xubnihii Golaha Wakiillada Somaliland ee booqashada dhawaan ku tagay cariga Ingiriiska iyo dalal

kale oo ka tirsan Yurub, haatana ku soo laabtay dalka, ayaa daboolka ka qaaday in aannu jirin sidii hore loo sheegay ictiraaf daaqada yaalaa, isaga oo xildhibaanku ka hadlaya siyaasadda gudaha ee dalkana waxa uu sheegay in mucaarad iyo muxaafadba ay siyaasadoodu tahay mid ku riday rajo-beel gudo iyo dibadba shacbiga Somaliland.
Md. Duur oo shalay Jamhuuriya iyo TV-ga SLSC la yeesheen waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu isaga oo faahfaahsan u dhacay sidan:


Su’aal: Marka hore xildhibaan waxaad nooga warantaa safarkii adiga iyo mudanayaasha kale ugu kicitinteen waddanka Ingiriiska, waxyaabihii aad kala kulanteen iyo waxa Somaliland uga soo kordhay?
Jawaab: Waxaan ku maqnayn safar qaatay ilaa laba bilood inkastoo qaar naga mid ahi in kar maqnaayeen, waxaan filayaa safarkaa xildhibaanadii naga soo horreeyey baa ka waramay, laakiin nuxur ahaan waxaan ku soo koobi lahaa, waxa uu ahaa safar si fiican loo soo agaasimay oo ahaa martiqaad rasmi ah oo aannu ka helnay Baarlamaanka Ingiriiska, iyagiibaanuna kulamadii ka bilawnay oo waxaan jira ilaa 38 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska kuwaas oo qaddiyadda Somaliland u ololeeya, kuwaas oo la baxay magaca ‘All Party Parliamentary Group.’ Waxa kale oo aannu la kulanay nin wasiir ah oo u qaabilsan horumarinta Afrika, waxaannu la kulanay ‘Wales Assembly’ oo baarlamaan hoosaad ah. Kulamadaas waxa ugu qiimaha badan ee ka soo baxay ee aan taabo karo waxa weeye, in laba xubnood oo ka tirsan weftigayagii ay heleen fursad muhiim ah oo ay kaga qaybgaleen si goob-joognimo ah shirkii ururka waddamada Barwaaqo-sooranka (Common Wealth), fursada ku jirtaana waxa ahayd halkaa waxa isugu yimi baarlamaanadii dunida oo dhan, kuwaas oo ay la kulmeen labadaa xubnood.
Waxa jira in talada dhinaca siyaasiga ah uun laga eego maahee, waxa muhiim ah iyana dhinaca bulshada laga hadlo, waddamadaa aannu tagnay dad baa inagaga maqan, halkana dad baa ku nool, markaa in mujtamaca halkaa inagaga nool iyo kuweenan miisaan la saaro duruuftu halkay marayso.
S: Wax natiijo ah oo la taabo karo oo ku saabsan qaddiyadda ictiraafka Somaliland oo aad ka keenteen safarkiinaasi ma sheegi kartaa?
J: Ma jirto natiijo la taaban karaa, annagu waa markii koowaad ee ka mid ah kuwa ictiraaf raadinta ah ee Golaha Wakiilladu baxaan bay ahayd, maadaamu kii koowaad yahay wax la taabo karo oo ah waqtigaasaa la idin aqoonsanayaa ama markaad martabadaa gaadhaan baa la aqoonsanayaa nalama odhan, laakiin waxa naloo muujiyey uun jawiga ah in wadashaqaynteenuna sii shaqayn doonto, inaguna aynu horumar samayno waxa inaga dhimana aynu qabyo tirano. Qolada Ingiriisku waxay inagu yidhaahdeen hawsha ictiraaf raadintu halkanba idiinma taalo, waa in aad Afrika oo aad ku taalaan ka hawlgashaan. Markaa wax midho ictiraaf-raadin ah oo aannu soo qaadnay ama aannu soo aragnay inay waqtigaa soo go’ayaan ma jiro.
S: Wufuuda dibaha u baxda ee xukuumadda ka tirsani, markay soo noqdaan waxay sheegaan in ictiraafkeenii daaqadda saaran yahay, idinku xubnihiinan Golaha Wakiilladu waad ku khilaafsan tihiin arrintaa miyaa?
J: Maya runtii anigu khilaaf ma odhan karo oo iyagaa ka shaqaynayey, waxaanay u baahan tahay in la soo madal-joojiyo. Ummaddu 17 sannadood ayey ictiraaf sugaysay, waxaanad moodaa ictiraafku laba qaybood ayuu noqon lahaaye horumar la’aanta inna ragaadisay iyo rajo daaqada saaran oo aan weligeed iman, markaa iyaga ayey u baahan tahay in la soo joojiyo oo la yidhaahdo waar ummaddu 17 sannadood bay sugaysay ictiraaf, annaguna safarkaas oo keliya baanu galnay, isagii uun baanu ka waramaynaa wixii nooga muuqday oo dhab ah, markaa cidda leh daaqadda ayuu soo saaran yahay waxaynu leenayay sow daaqadda ma soo dhaafo. Ummad reer Somaliland ah ayaa qurbaha inagaga dhaqan, kuwaas oo dalka ka haajiray, laakiin dad dalka u maqan ah. Dadkaasi nidaamkii halkaa yaalay may dhexgelin ee waa dad rajo ka qaba inay maalin maalmaha ka mid ah dalkooda ku soo noqonayaan, waxayna subax walba la socdaan isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda. Dadkaa waxaad moodaa siyaasad xumida maanta dalkeena ka muuqata iyo yooyootanka warbaahinta ka muuqda inay raad tabban ku reebayaan, iyadoo dadkaas ay haysato duruuf adag oo kaga timi bulshadii ay la noolaayeen oo aanay isku dhaqan, isku diin iyo isku aftoona aanay ahayn, dhallinyaradii dhulkaa ku dhalatay iyaga laftooda duruuftii baa ku adkaatay oo xabsiyada ayey ku jiraan. Markaa dad dhibaato haysato oo dalkii jecel, ayaa maanta waxa muuqda muranka ma dhalayska ah ee dhexdeena ka muuqdaa wuxuu ku keeni karayaa inay niyad-jabaan, iyagoo jaaliyaddaheenu yihiin dad dhaqaale badan dalka soo geliya oo qiyaas ay sameeyeen dad dhaqaalayahan ahi waxay ku cabireen in afar boqol oo kun oo doolar ($400,000) ay sannadkii inaga soo galaan qurba-jooga, maadaama dakhli fara badani innaga soo galo dadkaas umaynu samaysan siyaasad aynu ku jeclaysiino dalkii, dadka wax soo diraana waa dadka waayeelka ah ee iyagoo qaangaadhay halkaas tagay, laakiin ubadkii halkaa ku barbaaray waynu luminay. Dadkaa aan qurbaha kula kulmay waa markii koowaad ee ay ka rajo-dhigaan Somaliland, waxaana quusta ku dhaliyey dadka iyo siyaasiyiinta gudaha jooga ee aan anigu ka midka ahay, sababtu waxa weeye dadku rajo ayey ka qabeen dalka, tiina way aasantay oo waxay keentay dadkii dalka maalgashan lahaa inay hadda Afrika iyo carabaha ay maalgashadaan.
Dalka gudihiisii waxa jirta duruuf adag abaar miyi iyo abaar magaalo ayaa ina haysta oo gadbadii bariiska ahayd way laban-laabantay, dhaqdhaqaaqii ganacsi wuu istaagay, markaa dadkii maanta waxay u baahan yihiin in xal siyaasi ah la keeno mucaarad iyo muxaafidba, matalan haddii inta dhaliisha ayaan ka mid ahaye xukuumaddu dhaliil leedahay, xitaa mucaaradkii soomuu bandhigin siyaasad ay dadka ku hoggaaminayaan iyagoo dhaliilaha jira ka faa’iidaysanaya, markaa waxaad moodaa in xaaladeenii yooyootan isu beddashay, taas oo da’yarteenii ku keentay inay badaha isu guraan iyagoo tahriibaya, kay u tahriibayeen isna rajo xumo ayaa ka muuqatay, anigu waxaan odhan karaa waa markii koowaad ee gudo iyo dibadba ay dadkeenii rajo la’aan weyni ka muuqato, mar hadday taasi jirtana waxaynu u baahanahay in siyaasad cusub iyo caqli cusub keeno. Waxa kale oo gudo iyo dibadba dhibaato ku haya bahalka qaadka la yidhaa oo iyadoo nolosheenii adag tahay ayaa dhaqaalaheenii wuxuu ku baxayaa qaad. Maanta dhibaatada bulshada haysata cid ka hadashaana ma jirto, warbaahinteenii oo dhana waxaynu ku ururinay qof siyaasi ahi mid kale af-lagaado ugu jawaabo, waxaana ina haysta asqo siyaasi ah, taasi oo ah hoggaamiyayaasheena dadku ruug caddaaga u yaqaanaa weli umay bislaan inay dadka ku haggaan siyaasad caqligooda ka timi oo ay iyagu u madaxbannaan yihiin, qofka hoggaamiyaha ah waxa la doonayaa inuu bulshada hor socdo oo uu garaad, fikir iyo aqoon siyaasadeed oo uu leeyahay uu ku hago, maaha in qofka siyaasiga ahi sida bulshadu u sheekaynayso uu markasta u sheekeeyo. Anigu waxaan qabaa siyaasadda Somaliland ee maanta xukuumadda ama mucaaridku ka sheekaynayaan waxa weeye uun waxa dadka ku jira oo ilaa 60-kii lagu qancinayey in iyagu siday u fikirayaan uun siyaasiguna u fikiro, bal eeg hadda, markii aynu xornimada qaadanay midowgii Soomaaliya waxa siyaasiyiinta ku khasbay dadkii reer Somaliland, maanta siyaasadda in ictiraaf uun la is waydiiyaa waxay ka dhalatay dadka, markaa qofkii siyaasiga ahaa ma doonayo inuu dadka duruufta jirta si dhab ah uga waramo, laakiin wuxuu doonayaa inuu ku khaweysiiyo waxay iyagu ku sheekaysanayaan. Inta bulshadeena iyo siyaasaddeena marfashyada laga haygayana weligeen horumarimayno, waxaynu u baahanahay hoggaamiye adag oo dadkiisa runta u sheega iyo siyaasad aan yooyootan lahayn oo ka duwan taa marfashyada lagaga sheekaynayo. Haddii danta ummadda laga hadli waayo sidaynu ictiraaf u sugayno ee aynu leenahay ma berri ayuu imanayaa, mise saadambe ayaa la ina qabsan doonaa ama aynu ku kala dareeri doonaa.
S: Waxa dalka inta badan maalgashaday oo dib u dhisay dadka qurbo-joogga ah, imminka waxa jira warar sheegaya in dadkii doonayey inay dalka sii maalgashadaan ay cabsi ka qaadaan siyaasadda dalka oo ay hantidoodii geliyaan meelo kale, intii aad halkaa joogteen idinku dadkaasi maydin kala hadleen arrintaas?
J: Runtii waannu aragnay, saddex qoddob baana ku kallifay oo kala ah horumar la’aanta dalka ka muuqato, markii hore dalka waa lagu soo qamaamay oo qof waliba wixii uu hayey ayuu geliyey, dabadeedna waxa uu eegay maxaa horumar kaaga soo baxay hantidii uu geliyey; ta labaad dakhligii qofkani dhulka geliyay waxa ka gala mooyaane wax uga soo go’ay ma jirto labadaa; ta saddexaad daaqaday dadku innaga daawadaan waa warbaahinta, waxaanay arkeen horumar la’aan iyo siyaasad xumo aanay rajo meelnaba ku qabin, dadka badankiisu rajo kuma qabaan maamulka dhisan, sidoo kale rajo kuma qabaan mucaaradka soo socda, waxay leeyihiin waar maanta waanu hubnaa oo isbeddel siyaasadeed baa loo baahan yahay, laakiin isbedelka siyaasadeed ee loo baahan yahay maaha uun qof kursigii in qof kale beddelo, balse waxa loo baahan yahay xaaladda nololeed, dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka ka jirta in la beddelo, tiina cid weli ku dhawaaqday ilaa hadda ma jirto. Markaa dadkii dibay isu taageen, waxaana dhaqaale aad u fara badan qurbo-joogeenii Afrika geliyeen, sidoo kale waxay reerihii dejinayaa dalalka carabaha. Ta kale ee meesha ku jirtaa waxa weeye qurba-joogeenii maynaan kasban oo soo maynaan dhawayn, waxay ku soo dhiiradaan oo ay dalka ku yimaadaan siyaasiyiintii may abuurin, dadka intii xidhiidhka la lahaydna way sii gaboobaysaa oo shaqadii way ka sii baxaysaa, kuwii yar yaraana dalkii ugumaynaan yeedhin.
S: Adigu Golaha Wakiillada ayaa ka tirsan tahay, waxaanad tahay Xoghayaha Guddiga Dhaqaalaha, markaa golihiinu ma sameeyey qorshe lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka oo aad qurbo-joogga ugu baaqaysaan?
J: Maya Goluhu ma leh qorshe siyaasadeed oo dhaqaalaha lagu kobcinayo, laakiin goluhu waa sharci-dejin, siyaasadda dhaqaalaha kor loogu qaadayo iyo qaabka dekhli ee dalka soo gala intaba waxa gacanta ku haysa xukuumadda oo iyaduna dakhliga soo gala ayuun baa dib loo isticmaalaa oo u dheelitiran waxa soo galaya, ma leh siyaasad xitaa dakhliga lagu korinayo, xogogaalna uma aha dakhliga ka baxsan ee dalka soo gala, waayo dakhli waa mid xukuumadda u soo xarooda oo ay wax ku qabato, laakiin waxa jira dakhli qaran oo kale oo uu ka mid yahay ka qurba-jooggu, kaa siyaasad ku wajahan weli ilaa hadda cid hadal haysa ma leh. Anaga laftayada isku xidhnaan la’aanta Golaha Wakiillada dhexdiisa iyada lafteedu rajo la’aanta waxay ka tahay qayb weyn oo muhiim ah, isku xidhnaan la’aanta Golaha Wakiillada aannu istaraatijiyad dhab ah iyo inuu isagu siyaasadda albaabkan xidhan uu furo uu isku raaci kariwaayey oo haddii aannu isku raacno aan qabo in aannu isbeddel badan samayn lahayn.
S: Miisaaniyaddii qaranka lagu dhaqayey ee sannadkii hore ee 2007-dii waa la laalay oo laguma dhaqmin, miisaaniyaddii sannadkana weli lama keenin iyadoo bishii afraad dabayaaqo tahay, bal ka waran arrintaa maxay keenaysaa dal aan miisaaniyad lahayni muxuu mustaqbalkiisu noqonayaa?
J: Intii aannu jirnay laba miisaaniyadood ayaa anaga noo yimi, miisaaniyaddii ugu horreysay ee 2006-dii golaha oo cusbaa waxaannu raacinay talo, waxaannuna ugu sii daynay xukuumadda siday doonaysay, laakiin talladayadii waa la tuuray miisaaniyaddii 2006-diina sideedaa loo isticmaalay. Miisaaniyaddii 2007-dii waxa distoorku awood noo siiyey in aannu celino ama ansixino ama isbedel ku samayno, waxaannu ku samanay isbeddel, laakiin wixii aannu soo jeedinay ee goluhu ansixiyey weli garanmayno waxa xukuumaddu isticmaasho oo sannadkaa hore ee tagay Golaha Wakiilladu war uma hayo xukuumaddu waxay isticmaalaysay, sababta aanaan warka ugu haynin waxa weeye xukuumadda annagu dakhliga uma hayno siday u maamulatayna waxay u baahan tahay in iyada la weydiiyo, waayo tii golaha iyo wixii sharcigu siiyey way iskaga tagtay. 2008 ayaa hadda lagu jiraa ilaa hadda miisaaniyad soo socota oo muuqataa ma jirto, xataa haddii ay timaado anigu shakhsiyan ama ka gudi ahaan ma jecli sabab loo keeno, waayo sababta xukuumaddu miisaaniyad ay golaha u keento anigu garanmaayo ilaa hadda cid ka jawaabaysana garanmaayo, waayo haddii aan talada golaha aan la ogolayn, haddii isbedelka goluhu sameeyo aan la ogolayn, haddii goluhu miisaaniyadda celiyo aanay xukuumaddu miisaaniyad kale keenayn oo mar walba kharashka ay iyadu gacanta ku hayso siday doonto u isticmaalayso annagu shaqo aannu miisaaniyad ku leenahay iyo mid nala waydiiyaa mid ma jirto. Maanta in miisaaniyad la keenana qofka caqliga leh ee Golaha wakiillada ku jira wax macno leh oo ay u samaynaysaa ma jirto.
S: Dhawaan Golaha Guurtidu wuxuu muddo-kordhin hal sanno ah u sameeyey Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, maadaama waqtigii uu kaga dhan yahay 15 bisha soo socota, arrintaa weli Golaha Wakiilladu kamuu hadal, adigu shakhsiyan sideed u aragtaa?
J: Muddo-kordhinta anigu waxaan u arkaa in waxna ay yihiin wax lagu daray waxna duruufi keentay. Golahayagu duruuftaa keentay lafteeda kuwii abuuray ayuu ka mid ahaa, Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha anigu xubnihii sida cad uga hor yimi ayaan ahaa, waxaan u arkaayey laba masalo in aanu caqligal ahayn in maanta ummad reer guuraaga ah, oo raacato ah oo rarato ah la yidhaa goob codbixineed baa lagu diiwaangelinayaa, xeerkaasi waxay Golaha Wakiilladu shardi uga dhigeen in isagoo la sameeyo mooyee doorasho qabsoomayn, yaan muddo kordhin uun laga hadline xeerkaasi waa carqalad aannu abuurnay, taa markaa laguma eedayn karo xukuumad, Guurtid iyo Komishan toona, laakiin ciddii xeerkaa dejisay ee ansixisay baa leh. Duruufta dib-u-dhigista inay daraaseeyo oo Komishanka iyo xisbiyada qaranku ka tashadaan waa mid aad u macquul ah oo muhiim ah cid walibana way ku khasban tahay, laakiin iyadoo duruuftaa la xaliyey oo Komishankii yidhaa doorasho waanu qaban karaynaa in waqti kale oo aan loo baahnayn lagu daraa macquul maaha, Guurtidu inay ku dartana ma habboona, xukuumaddu inay ku dartana ma habboona, Komishanku inay ku daraana ma habboona, laakiin anigu waxaan leeyahay waar xeerkan iyo waqtiga laga gudbayo iyo duruufta isaga ka dhalan karta doorasho sannad iyo ka badanba way laalaysaa.
S: Dalka markay murano sharci yimaadaan waa maxay kaalinta Golaha Wakiilladu ka qaadan karo isu soo dhawaynta dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo si aannu dalku burbur ugu dhicin?
J: Golaha Wakiilladu door dhexdhexaad ah ma qaadan karo aniga caqligayga, sababtu waxa weeye goluhu dhexdhexaadnimo muu muujin oo waanu qaybsanahay, waxaannu qayb ka yahay xisbiyadda jira iyo cidda murmaysa ayuun buu qayb ka yahay. Cid door dhexdhexaad ah qaadan kartana waabay fashilantay oo tii ugu dambaysay ee u muunadda badnayd ee ahayd ergadii dhexdhexaadinta waatii ku fashilantay ee culimaa’uddiinkii iyo awbaanadii sharafta lahaa lagu qaawiyey, markaa cid dambe oo maanta ergo noqonaysa ayaa jirta anigu isma lihi.
S: Golihiina Wakiillada dhaliil badan baad u soo jeedisay, miisaaniyaddiina waadiga sheegay in xukuumaddu siday doonto u isticmaasho, shuruucda aad samaysaana ma dhaqangasho, markaa miyaan la odhan karin golihii la soo doortay wuu fashilmay haddii ay sidaa tahayna maxaad isku casiliwaydeen?
J: Golaha Wakiillada waanu is dhaliilnaa, dhaliishana qaybtayada ayaanu qaadanaa, waxay ka mid tahay sharafta in aad adigu garato ceebtaada intaanad ceebta qofka kaa soo horjeeda arag. Si cad baan u sheegaa oo Golaha Wakiilladu kaalintii ummaddu ay ka filaysay wuu dabooli kariwaayey, waanan sababayn karaa oo waxaan odhan karayaa sharciga iyo distoorka inoo yaalaa awoodda badankeedii cid buu siiyey Golihii Wakiilladuna nidaamka, aqoonta iyo fikirkuu isula yimi mid uu isku raacay may ahayn, goluhu wuxuu qayb ka yahay aqal Baarlamaan la yidhaa oo laba gole ah oo Guurti iyo Wakiilo, baarlamaankii baan qayb ahay, xukuumaddii iyo maxkamadiina xaggaasay iga xigaan, markaa waan marmarsiyoon karaa oo waxaan leeyahay dawladnimadii laba qaybood iyo badh ayaa xaggaa iga xiga, aniga badhkayna xaggii loo badnaa buu iska raacay, markay intaasi is raacdo intii soo hadhayna qaaqul uun bay iska noqotay oo ciddiba dhegaysan mayso, waxaas oo dhan aniga oo odhan kara haddan xayndaabkii dhaliisha kama baxayo.
Waxa timi maxaad isu casiliweydeen inta iscasilaysa ee ay waajibka ku tahay ee qaylinaysaa waxay noqonaysaa nisbo yar, waayo intii kale waxay u aragtaa inay sax tahay, haddii intaa yari iscasisho oo ay meesha ka tagto dawo ma ka dhalan kartaa? Waxaan leeyahay maya, sababtu waxay weeye doorashadii Somaliland qof walba qof baa ku daba qornaayoo kursigani marna banaanaanmaayo, markaa ka dambe ee I beddelayaa ma nin laftiisu duruufta iska raaci doonaa mise waa mid wax dhaliili doona, labaduba way iman karaan.

Xigasho..Jamhuuriya.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: