CUDUR-DAAR JACEYL “Qeybtii sideedaad”

Waa sheeko dhab ah oo ku dhacday Qoraaga sheekada oo ah
C/laahi Axmed Caarshe

Qormadii Sideedaad……………

Markii ay Aamina heesataa quruxda badan ee ay ugu soo dhowaysey ii soo bandhigtay, ayaan kula aftamay Aamina hadalkan “walaal Aamina waxad noqotay fannaanad, aniga uun baad ila yaabayde adna ma lagu haleelay” Aamina oo aad u qoyslaysa ayaa igu tidhi “walaal heestan jacaylka ah waxa iga keenay jacaylka I haya, adba waad ogtahay C/laahiyow in aanan ehel u ahayn heesaha, laakiin horaa loo yidhi, Caano Iyo Nabad Waxaan Ahayn Waa la Kala Qaadaa, markaa C/laahiyow jacaylkii wuu igu sii fiday, wuuna iga awood baday, heesana isaga ayaa I baray” intaa markii ay Aamina igi tidh,i ayaan anna ku idhi “walaal ina mari mar haddii aynu jacaylka wada qabno wax ka wanaagsani ma jiraane” sidii baanu Aamina isku soo raacnay waxanu nimi meel aan xaafadda aan degan ahay aan sida uga fogayn. Runtii Aamina waxay ahayd inan ILAAHAY qurux ku manaystay, waxa ka muuqatey haybad diinaya.


Habayaraatee Aamina kama ay muuqan in yar oo nuqsaami. Intii aanu wada fadhiney waxan ku mashquulsanaa daawashada Aamina. Gacmeheeda xaaddu qarisay, timeheeda jooga labada miskood, sanqaroorka aad mooddo in la saaray, indheheeda aad quraarada moodo. Markii ay I wada wikhisay quruxdii Aamina ayaan soo xusuustay maanso uu lahaa abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame [Hadraawi] maansadan oo aan Aamina quruxdeeda ku soo bandhigay.

Idaa subag laga lulaa
Lo’baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa
Sengaa orod lala ekayn
Sareedo Illaahay baa leh
Hablaa Soomaaliyeedna
Haddaan quruxdooda saanyo
Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh
Aaminay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya

Aaminay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin

Aaminay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay

Aaminay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta
Saaray baanad ahayne
Saancad weeye jacaylku
Surradaan la dhigaynin
Heeryo weeye ku saran
Soodh halbowlaha gooya
Seef ku guud sudhan weeye
Nin ka saahidey oonta
Aawadaa uga soomay
Saymo looma horseedee

Aaminay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Runtii quruxda Aamina waxay ahayd mid aan la soo koobi karayn, aad ayay Aamina xishood badnaydm narkeliya Aamina ma awoodi-karayn in ay I soo eegto, markastana indheheeda ayay hoos bay iifa jeedinaysey. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanaa kulanka aniga iyo Aamina, waxay ii ahayd habeen taariikhiya, oo aad u farxad badan waxanu ahayn aniga iyo Aamina labo qof oo isu bohil-yooney, Aamina reerkoodo waxay moodayeen in ay taraawiixda ku maqantahay, marka salaada laga soo boxona guriga ayaa laga sugayaa in ay in yar dib u dhacdona laga yeeli-maayo.markii aan maqlay in salaaddii laga soo baxay ayaan Aamina ku idhi “walaal waataa salaaddii laga soo baxaye ina mari hanku sii dhiweeyee” waxayna Aamina igu tidhi “haye ….walaal ina mari haddii aan in yar habsaamo bustahaygu waa dibada, adna meel aad I seexisid mahayside haddii lay soo eryo, kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ” hadalkaa kaftanka ah markii ay Aamina igu tidhi ayay iigu sii dartay “walaal aad ayaan u jeclaa in aan kula sii caweeyo, laakiin wakhtiga ayaan inoo saamaxayn in aynu sii wada caweuno. Laakiin habeen kasta waan kuu imanayaa, aadna waan ugu faraxsan ahay kulankeena, habeen taariikhiya ayuu inoo noqonayaa habeenkani, marnaba ma illaawayo habeenkan C/laahiyow, adna ha illaawin” markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan aniga aad u faraxsan ku idhi Aamina “walaal sidee baan u illaawaa habeenkan, buuga xusuusta ayaan inoo ku qorayaa adna buuga xusuusta inoo ku qor” intaa ka dib Aamima waxan ku sii dhoweeyey meel in dooea gurigooda u jirta, iyada ayaa codsatay in aan halkaa kaga hadho, iyada oo ka baqaysey in ay dadka ay jaarka yihiin arkaan iyada oo wiil la socota. Halkaasaan Aamina ku sii macasalaameeyey. Aamina waxay igu sii tidhi “walaal marnaba amiga dhicayga ka wer-werin, wax waliba waxay u socdaan sidii loogu tallo galay, Wed Iyo Calaf Waxan Ahayn Jacaylkeenaa Ka Weyn” Aamina markii ay intaa igu sii tidhi ee aanu kala dhaqaaqnay, ayaan aad uga helay socodkii Aamina oo ahaa mid miisaaman, waxay iiga dhaqaaqday si aad u qurux badan, waan ka jeesan waayey ilaa intii Aamina muuqeedu iga libdhayey. Aniga halkii taagan oo isla maqan, ayaan Aamina ka dabo diray hees ka mid ah heesaha gabdha Soomaliyeed sida weyn loogu ammaanay waxannna ku bolaabay.

Culeys kuma dhaqaaqdo
Mana cararto
Cagta socodka
Kuma dhererto ciidee
Way cidhib sataa
Ceeb male yartaniyoo
Quraankaa Cadeeyoo
Caynkeeda oo kale
Lacadaabi maaye

Waa curad ninkii dhaley
Laga siiyo cuudoo
Waa curad ninkii dhaley
Mahad looga celiyaa

Cududaha gacmaha
Cidiyaha faraha
Casarkii cadceedoo
Godka cidhifka galiso
Ka sokeeyoo caadoo
Falaadh wada casaan ah
Ku cadeeysay baalaha

Ama laanta canabkoo
Hoobaan la ciirtiyo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon
Cidi daaqin weeye
Ila cidhibta hoosiyo
Tinta caaradeeda
Cad xun ku arki mayside,
(ama cidhibta hoosiyo
naaska caaradiisaba
cad xun ku arki mayside

Waxa ay cidlo lama amaanee
Waxa ay la cayntahey
Sida geed caleen loo
Cosob gu ka baxayoo
Ceeynku roobku u curanyahey
Laamaha caleentii
ay midiba cayntahey
Lagu wada cayaaroo
Loo ciid tagoo
Caano iyo nabad loo
Ceel buur ku yaaley
Caynkiisa leedahey.

Ma celceliso hadalkoo
Runta kama cabsootee
Carab dalableh
Calool weecsan
Kugulama caweeysee.

Ceeynkastaba u eegoo
Cadho ku arki mayside
cid waxey ku dhaaftaa
koley camal samaantee.

Waa curad ninkii dhaley
Laga siiyo cuudoo
Waa curad ninkii dhaley
Mahad looga celiyaa.

Cududaha Gacmaha
Cidiya faraha
Casarkii cadceedoo
Godka cidhifka galisoo
Ka sokeeyo caadoo
Falaadh wada casaana
Ku cadeeysey baalaha

Ama laanta canabkoo
Hoobaan la ciirtoo
Canbaruud bislaadiyo
Cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon
Cidi daaqin weeyee.

Ilaa cidhibta hoosiyo
Tinta caaradeedaba
Cad xun ku arki mayside

Waxa ay cidlo lama amaanee
Waxa ay la cayn tahey
Sida geed caleen loo
Cosob gu ka baxayo
Ceeynku roobku u caranyahey
Laamaha caleentii
Ay midiba cayntahey.

Lagu wada ciyaaroo
Loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaaley
Caynkiisa leedahey.
La soco ………………….

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: