Warbixin:Saameyn intee Leeg Ayey ku Yelatay S-Land Murankan Siyasadeed

Hargeysa 19Apr. 2008 – Taan iyo intii golaha gurtida Somaliland ay mudo sanad ah ugu dareen xilka madaxaweynaha Somaliland,waxaa ka dhashey qas siyaasadeed oo soo wajahay Somaliland,hadaba Warbixintan ayaa waxaan ku eegeyna sida ay guud ahaan arintani saameyn ugu yeelan karto Qadiyada dhinac walba leh ee Dalka Somaliland,Sida la wada ogsoonayahay Murankan siyaadeed ee sadex geesoodka ah oo udhexeeya,Goolaha Gurtida,Xukumda Somaliland iyo Xusbiyada Mucaaridka oo dhinac ah.

Murankan siyasadeed ayaa guud ahaan waxaa uu Fashilyey kala fooganshaha iyo cadaawada gaamurtey ee u dhaxaysa Xukumda iyo Xusbiyada mucaaridka Somaliland,taaso guud ahaan ka gudubtey xuduudaha caadiga ah ee lagu cabiro umad Wadan wada leh nidaam iyo sharci dastuuri ahi ka dhaxeeyo isla markaana khilaafadkooda ku xalin kara hab dastuuriya oo sharciga waafaqsan.

Murankan Siyaasadeed oo u xuubsiibtey hab dhaqan CADOWTINIMO xanbaarsan ayaa waxaa uu ku yeelan doona raad siyaasadeed Dalka Somaliland,taaso haatan ay u muuqato dalka Somaliland in uu galey Marxalad loolan madaxtinimo oo aad u foolxun iyada oo laga cabsi qabo in labada dhinacba ay baal maraan Axdi qarameedkii xakamaha u ahaa Dalka Somaliland.

Macano ma sameyneyso in warbixintan lagu soo badhigo cida masuul ka ah murankan siyaasadeed,maxaa yeeley waa muran soo jiitamaayey mudo dheer oo aaney dhacdadan hataan xadirka ahi Bilow U ahayn,balse ay U muuqato in la iskula dhacay cadhooyin gaamurey,iyada oo si toosa ay sanadiihii ugu danbeeyey ay siyaasada gudaha Somaliland uga dhex muuqatey muran siyasadeed oo aad iyo aad ubaaxad weyn.

SAMEYNTA LOOLANKAN SIYADEED UU KU YEELAN DOONO MUSTAQBALKA SHACABKA

Shacbka Somaliland ayaa loolankan siyaasadeed waxaa uu ku yeeshey saameyn weyn,shacabka ayaa waxaad arkeysa sida ay ugu kala qeyb sameen mawajadahan siyaasadeed ee ka socda gudaha Somaliland iyaga oo si weyn uga doodaya mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland,waxanaad ilaa iyo hada arkeysaa in shacbku ay aad uga warwarsanyihiin in arintu gacan tagto hadii aan xal waara loo helin,takle shacbka ayaa sidoo kale warwar xoogani ka hayaa hay’adahan qaranka Somaliland ee aan haba yartee isku meel u jeedin ee khilaafaadkoodu gaadhey heer walba,arintaas oo hadii ay sii socodaana dhalin karta niyad jab xoogan oo ku yimaada shacbka Somaliland.

SOMALILAND IYO BULSHADA CAALAMKA

Marar badan ayaa waxaa la is weydiyaa su’aasha ah maadaama Somaliland ay buuxisey shuruudihii asaasiga ahaa ee dal madaxbanaan,muxuu aduun weynuhu u aqoonsan waayey Somaliland? Runtii waa su’aal ay adagtahay in jawaab hawl yar loo helo,balse su’aal kale ayaa jirta oo odhaneysa amuu aduunku Somaliland u arkaa si ka duwan sida ay Somaliland isu aragto? Taas oo ay Bulshada Caalamku tix raacayaan,waxyabo gaar u ah oo ay ku cabiraan marka dal loo fidinayo aqoonsi buuxa,kuwaas oo noqon kara qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida.

1-Dhinaca Dumuqradiyada iyo ku dhaqankeeda.

2-Dhinaca wada shaqeynta golaysha qaranka,ilaalinta Dastuurka iyo Axdi Qarameedka,isla markaa wada shaqeynta asaasiga ah ee u dhaxeeya Xusbiyada Qaranka.

Runtii waa su’aal u baahan in lagu sameeyo daraasad aad u baaxad weyn. waloow ay jiraan warbiximo dhor ah oo laga qorey Somaliland oo muujinya in Somaliland ay buuxisey shuruudihii Dal Madaxbanaan,ayaa hadana waxaa hubaal ah iney jiraan warbiximo kuwaas ka duwan oo qarsoodi ahi,oo sababey in la Hakiyo Aqoonsi ay beesha caalamku u fidiso Somaliland,oo ay ka kow tahay in aduun weynhu Somaliland u arko kuwo aaney ka dhab ahayn ku dhaqanka nidaamka dimuqradiyada sidoo kale ilaalinta shurucda iyo qawaaninta ay Somaliland dhigatey.

Warbixintan ayaan kusoo afjareynaa digniino kasoo baxaya qaybo kamida bulsho weynta caalmka ee u dhuun daloola arimaha Somaliland oo dhawaan uu heley Tvsleurope,Digniinahaas oo tilmaamaya in dhamaan si biila shuurada loo dhameeyo xurgufaha siyaasadeed ee soo wajahay Somaliland isala markaana la joojiyo Ereyda qalfasan ee dhinacyada is hayaa ay is weydaarsanayaan ee aan macnaha ku dhisneyn,Dalkuna u diyaar garoobo doorashoyin xaq ah oo ku dhisan cadalad,ayey kusoo gabagabeeyen qaarka mida beesha caalamku DIGNIINTOODA.

Source: Tvsleurope

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: