Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 17 April


Ma dhabaa M/weyne Rayaale wuu ka tanaasulayaa Muda kordhinta?
Kulan maanta ay yeelanayaan wakiilladii sadexda xisbi u saxeexay heshiiska wakhtiga doorashada

Hargeysa (Ogaal) – Wakiillada sadexda Xisbi u saxeexay heshiiska Wakhtiga qabashada doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta codbixiyaasha ee Komishanka iyo Axsaabtu isla gaadhay ayaa lagu wadaa maanta inay mar kale kulan isugu yimaadaan. Ka dib markii uu dhicisoobay Xaflad Qaran oo lagu waday in 10-kii bisha loo qabto heshiiskaasi.

 

Gudoomiyihii hore ee Gudiga doorashada Axmed Xaaji Cali (Cadami) oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, Islamarkaana heshiiskaas u saxeexay, Maxamed Ibraahim Xijaab oo wakiil ka ahaa Xisbiga Udub iyo Cabdillaahi Siciid (Cabdilaahi Dheere) oo ka socday Xisbiga Ucid ayaa la sheegay inay maanta u balan-sanyihiin kulan ay kaga wadda hadlayaan Heshiiska ay la gaadheen Gudiga doorashada iyo Go’aanka Guurtidu ka daba keentay ee Mudada loogu kordhiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo muran badan dhaliyay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Rayaale ka soo dabcay wakhtigan taageero uu Golaha Guurtida ugu muujiyay mudo kordhinta ay ka daba keeneen heshiiska Axsaabta iyo Komishanku iskula gaadheen in Doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta lagu qabto. Taasina ay keentay In Wakiillka UDUB u saxeexay Heshiisku dalbado kulanka maanta la filayo inay dhinacyadani isugu yimaadaan.

Warku waxa uu intaa ku daray In Madaxweyne Rayaale damacsanyahay Inuu Golaha Guurtida u gudbiyo qoraal uu kaga dalbanayo inay ka noqdaan Mudada dhawrka Bilood ah ee ay ku kordhiyeen Wakhtiga loo cayimay in lagu qabto doorashada danbe ee dhacaysa December 31 2008 Islamarkaana ay is waafajiyaan mudada Axsaabta iyo Komishanku isla -qaatay. balse taa ay shuruud uga dhigayso Madaxtooyadu inay Xisbiyada Mucaaradka ahi ka noqdaan Go’aanka ay ku shaaciyeen inaanay Madaxweyne-nimo u aqoonsan doonin Mudane. Daahir Rayaale wixii ka danbeeya bisha May iyo in doorashada December noqoto ta madaxtooyada.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dhinaca madaxtooyada iyo Xisbiyada mucaaradka ah mid-na, hase ahaatee, waxay tibaaxuhu muujinayaan in Kulanka Wakiilada Axsaabta ee Maantu uu bilow u yahay Qorshayaal Xukuumadu ku doonayso inay ku dejiso dareenada kacsan ee arrintani abuurtay.

Gudiga doorashada ayaa iyagu hore shaaca uga qaaday inay tix-gelinayaan Heshiiska Axsaabta siyaasadu ay iskula qaateen wakhtiga doorashada. Sidoo kale deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa iyana niyad jab ku tilmaamay Go’aanka Guurtidu ka daba keentay heshiiskaasi. Hase-ahaatee, Xukuumada Somalilad iyo Xisbiga Udub ayaa iyagu difaacay Go’aanka Guurtida.

Maxay ka wada-hadleen masuuliyiinta Berbera iyo Mariinaska Maraykanku?
Hargeysa (Ogaal)- Kulan waqti kooban qaatay, ayaa la sheegay inuu dhex-maray saraakiil Maraykan ah iyo masuuliyiinta Berbera iyo Gobolka Saaxil, ka dib markii Salaasadii la soo dhaafay ay soo gaadheen magaalo-xeebeeda Berbera laba ka mid ah maraakiibta dagaalka Maraykanka. Sidaana waxa sheegay warar xog-ogaal ah oo aanu ka helay ilo-wareedyo kala duwan.

Sida ay wararkaasi sheegeen, laba diyaaraddaha helikobtarrada loo yaqaano ayaa ku degay garoonka diyaaraddaha Berbera, kuwaas oo sida la sheegay ay la socdeen saraakiil u muuqday inay ka tirsan yihiin ciidamada Maraykanka. Saraakiishan ayaa la sheegay inay cabaar indha-indheeyeen goobo lagu tilmaamay inay ka mid ahaayeen saldhigii uu Ruushku ku lahaan jiray Magaalada Berbera. Warku wuxuu intaa ku daray in intaa ka dibna ay xubnahaasi kulan aanu waqtigiisu badnayn la yeesheen Maayarka Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil. Sida ay wararkani tibaaxeen, xubnahaasi kulankii ay la yeesheen masuuliyiinta gobolka ka dib, waxay hadana mar kale indha-indhayn kula noqdeen saldhigii millatariga ee Ruushku goobihii uu ahaan jiray iyo garoonka diyaaradahaba. Dabadeedna, waxa la sheegay inay dib ugu noqdeen maraakiibtii ay markii hore diyaaraddahaasi ka soo duuleen. Ma jiraan warar rasmiya oo ay arrintan ka soo saartay xukuumadda Somaliland iyo waxa ay saraakiishaasi kala hadleen masuuliyiinta gobolka toona, sidoo kalena weli kamay hadlin ciidamada Maraykanku. Ka sokow, kulanka ay saraakiishaa la sheegay la qaateen masuiuliyiinta Saaxil, waxa jira warar tibaaxaya in koox saddexaad oo ka socotay dhinaca xukuumadda dhexe ay iyana qayb ka ahaayeen kulankaas. Hase yeeshee, ma jiraan warar kala xadaynaya xaqiiqada arrintaas.

Inkasta oo aan la haynin xaqiiqada rasmiga ah ee la xidhiidha imaatinka maraakiibtaas, xubnaha saraakiisha la sheegay inay kulamada la yeesheen masuuliyiinta gobolka, ayaa hadana warbaahinta caalamka ee faafisay waxa ka mid ah, Shabakadda wararka Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo xalay lagu faafiyay in laba markab ay soo gaadheen magaalada Berbera ee Somaliland, oo taasina ay ka dambaysay markii xukuumaddu u ogolaatay inay ku martigelinayaan Ciidamada Maraykanka saldhig millatari oo ay halkaa ka samaystaan. “Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhawaynayo saldhiga millatari ee uu siinayo Maraykanka, taasoo qayb ka ah dedaalka la doonayo in loogu guulaysto aqoonsiga caalamiga ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalkii shabakadda Press TV, oo sheegtay inay soo xiganayaan weriyahooda u jooga Soomaaliya.

Tan iyo intii Wasaaradda Difaaca Maraykanku shaaca ka qaaday sida ay u danaynayaan saldhig ay ku yeeshaan Berbera, waxa soo baxayay warar aan marnaba kala xaqiijinayn halka ay xukuumadda Maraykanku ka taagan tahay arrintaas, balse xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu caddaysay sida ay diyaarka ugu tahay saldhig millatari oo uu Maraykanku ku yeesho dalka Somaliland.

“Reer Somaliland waxay ku dhimanayaan aaminaadooda”

“Dalalka Gooni-isu-taag doonka ahi xaq ma u leeyihiin aayo-ka-tashigooda?”
Ururka UNPO
Hague (UNPO/Ogaal)- Ururka u dooda dawladdaha aan la aqoonsanayn ee UNPO, oo fadhigiisu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya aayo-ka-tashiga ummaddaha gaarka isu-taaga ay jid-gooyo u galeen isla Qaramada Midoobay oo aqoonsan qawaaniintaas. Sidaana waxa lagu faafiyay shabakada inter-net-ka ay khaaska u leeyihiin ururkaasi.

Warbixinta ay ururkani qadiyaddaas ka qoreen, oo lagu sheegay in lag soo xiganayo masuuliyiin kala duwan, isla markaana dalalka ay safka hore soo dhigayaan ay ka mid tahay Somaliland, waxa uu u dhignaa sidan: “Inkasta oo dhawr kulan oo caalamiya dib loogu cadeeyay xuquuqda aayo-ka-tashiga, waxa sidoo kale lagu cadeeyay qodobadda aasaasiga ah ee aqoonsiga dhuleed – waxa sare u kacaya qawaaniinta caalamiga ah ee la isticmaalayo,” sidaa waxa yidhi Thomas Grant, oo ah sarkaal sare oo dhinaca sharciga u qaabilsan Machadka Nabadda Maraykanka (USIP), isla markaana ah machad madaxbanaan oo ay sameeyeen, dhaqaale ahaana kabana Kongareeska Maraykanku, kaasoo isku daya xalinta khilaafaadyada caalamiga ah. “Xaaladdaha sharci waxay noqdeen kuwo u taagan xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Arrimahaasi waxay dhaxal-siiyeen in beesha caalamku ay dalalkaa kala duwan dafiraan aayahooda. Tusaale ahaan, badiba dalalka caalamku way diideen inay la heshiiyaan Qubrus-ta Waqooyi ee Turkiga, taasoo uu ciqaabaad ay ku haysay cunqabatayntii dhaqaale ee lagu soo rogay tan iyo sannadkii 1973-kii, ka dib duullaankii uu halkaa Turkigu ku qaaday. Somaliland – taasoo abuurtay qaran shaqaynaya oo ku yaala waqooyiga dalkii Soomaaliya – ayaa si balaadhan ay beesha caalamku uga indho-qarsatay, xataa iyada oo si joogto ah u soo ahayd shamac ka dhex-baxayay dalka aan xasiloonayn ee gobolka geeska Afrika, isla markaana xasilooni ku soo jirtay.

Marino Busdachin – Xoghayaha Guud ee Ururka Magaalada Hague fadhigiisu yahay ee metela Dalalka aan la aqoonsanayn (UNPO), oo ay ku bahoobeen 70 dhaqdhaqaaq oo aan rabshado wadan, ayaa cadaadis ku haya xuquuqda aayo-ka-tashiga – waxay mudaharaad ka horsameeyeen Qaramada Midoobay, iyaga oo kaga horjeeda in aan hoos loo dhigin xuquuqdaas. “Xuquuqda aayo-ka-tashigu waxay ku taalaa waraaqo keliya. Balse, waa la laabay,” ayuu yidhi Xoghayuhu. “Cidna dalab uguma gudbin karno jiritaanka xaqaas. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa annaga xanibaad nagu haya.” Intaas ka dib, wuxuu sheegay in aayo-ka-tashigu aanu ahayn wax ka jaah-wareerinaya dalbashada xuquuqda go’itaanka. Qoraaga wax ka qora dalalka aan xasiloonayn Seth Kaplan ayaa aaminsan in go’itaanku uu ku imanayo dhawr arrimood, sida Kosovo iyo Somaliland. “Hase yeeshee, beesha caalamku way ku saxan tahay aasaasiyan inay ka hor-jeestaan kala go’itaanka,” ayuu yidhi qoraagu, wuxuuse intaa raaciyay oo uu is-waydiiyay, ‘Sidaa daraadeed, goorma ayay cidi xaq u yeelanaysaa inay go’aan?’ “Marka ay waydo xaqa aad u leedahay inaad ka qaybgasho dawladda, isla markaana ay jiraan xaalado adag oo xadgudubyo laga galay xuquuqal iinsaanka iyo xasuuqyo….” sidaana waxa yidhi Machadka USIP, ayuu yidhi Mr Grant.

Madaxbanaanidu maaha mid had iyo jeer macne ahaan u taagan dagaal. Iyaga oo leh bulsho dalka u dhalatay oo joogto ah, lacagtooda, calankooda, ciidamadooda, dawladooda iyo diyaaradahooda, ayaa Somaliland ay tusaale u tahay sida ay bulsho gaarka ugu go’I karto iyaga oo aan sababin wax qalalaase iyo rabshado ah. Takoornaanta Somaliland ay beesha caalamku ku hayso dib umay dhigin horumarkeeda – sida ay xaqiiqdu tahay iyagaa iska caawiyay taas, sidaa waxa sheegay Qoraaga caalamiga ah ee Kaplan. “Dhimashada saamayntii dibadduhu waxay ka dhigtay farogelinta shisheeye mid xadidan, iyada oo ay ku dhimanayaan isku-tiirsanaantooda iyo aaminaadooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.”

Guddiga Anshaxa doorashooyinka oo baaq ka soo saaray
Hargeysa (Ogaal)- Guddida Anshax dhawrida ee Komshanka doorashooyinka Qaranka, ayaa ugu baaqay Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranku in ay ka dhawrsadaan waxyaabaha meel ka dhaca ku ah anshaxa suuban ee bulshada reer Somaliland ku caano-maashay.

Guddiga oo shalay kulan la seeshay Madaxda Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxay soo saareen Warsaxaafadeed kooban oo ku wajahan dhinacyada siyaasada. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Guddiga Anshaxa iyo kormeerka doorayshooyinku ka dib marku maanta kulan la yeeshay Saxaafada Madaxa-banaan iyo ta dawliga ah, kalana tashaday arrimaha socda waxa u ku baaqaya:

1- Waxay dhamaan Axsaabta iyo Masuuliyiinta ku wargelinayaa in aanu wali furmin ololahii doorashooyinka sidaa darteedna ay ka reebanaadaan arrimaha la xidhiiidha olalaha.

2- In masuuliyiinta Xukuumada, Axsaabta iyo Golayaashu ay dhawraan ilaaliyaanna wixii dhaawac u gaysanaya dhaqanka, xurmada, nabadgalyada iyo deganaanshiiyaha dalka.

3- In warbaahinta dawladda iyo ta gaarka ahiba ay illaaliyaan wixii wax yeelaynaya anshaxa Saxaafadda.

4- In shacbigu aanay ku dhex milmin aflagaadada iyo cayda waayadan dambe soo ifbaxday.

5- In Saxaafaddu kalinteedii iyo xilkeedii dhex dhexaadnimo ay xiligan xasaasiga ah ay ilaaliso.

6- In dib loo soo nooleeyo anshaxa Saxaafadda ee xiliga doorashooyinka, abuuritaanka

Xaaladaha jaahaawareerka ku abuuraya shacbiga reer Somaliland.

1- Aadax Baxnaan Xirsi, Guddoomiye,

2- Xuseen Cali Nuur,

3- Pr. Axmed Maxamed,

4- Yaasiin Maxamed Axmed,

5- Dr. Yaasiin Ibraahim Magan,

6- Dr Aadan Yuusuf Abokor,

7- Nuur Axmed Ibraahin,

8- Aadan Xirsi Suge,

9- Rashiid Sheekh Cabdillaahi,

10- Saado Xaashi Cawil,

11- Hodan Maxamed Jaamac,

12- Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Dheeg),

13- Maxamed Cabdi-raxmaan Qamariye,

14- Jaamac Maxamed Axmed iyo

15- Cabdi-qaadir Cali Xasan.

Gobolka Awdal iyo Hawl-galka Jidad bixinta
Borama (Ogaal) – Gudi gacanta ku haysa Jid isku xidhaya Magaalada Borama iyo Lix tuulo oo mudo laba sano ah laga shaqaynayay ayaa ku baaqay in laga caawiyo dhamaystirka Jidkaasi.

Sida uu ku soo waramay wariye Jirde jidka oo isku xidhaya magaalada Boorama iyo Degaanada Cadaad, Baddan-Bad, Ambase gaagaab, Xamarta Dur dur- cad, Fariid suul, Weeraar. ayaa waxa ku tashaday inay wax ka qabtaan dadka deegaanka iyo Ganacsato ka soo Jeeda Gobolka Awdal. Ganacsade Ibraahim Cabdi Iidle (Indho) oo meesha jidku ka socdo geeyey qaar ka mida saxaafada shalay ayaa codsi u diray dhamaan ganacsatada iyo hayadaha samafalka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta dhismaha jidkan inay ka caawiyaan. Ibraahim Cabdi Iidle ayaa si faah faahsan uga hadlay qorshaha iyo sida ay ugu hirgashay Banaynta jidkani oo in badan oo ka mid ah la dhamaystiray. “Dhismaha wadadan, waxaan amaan u dirayaa horta Dadka degaamada Degan oo qabtay hawsha intii ugu badanayd, iyaga oo gacan meel kale ka helin waa dadka reer miyiga ah ee dhexdooda isku tashaday, qarashkana iyagu is dabarayay ee sameeyey 12-km. mudadii ay socotay dhismaha wadadani waxay ku dhowdahay labo sano hadaanay ka badnaynba, dhaqaalaha kaga baxay dadka degaanka 12-kaa Kmitir waa lacag dhan 13kun oo dolar iyaga ayaana iska Ururirayay Xoolo iyo waxii kale ee ay helaanba lacagtan iyaga ayaa iska bixin jiray, anaga waxay nagu yidhaahdeen intaa waxii ka badan qabta oo soo hagaajiya meel aad la kaashataanba, anaguna waxaan samaynay 4km waxana nagaga baxday lacag dhan qiyaas ilaa 5000kun oo Doolarka maraykan ka ah waxana hada noo hadhay 5-km oo Buur ah waayo dooxyo ayaanu ka leexinay Buurtaa waxaa lagu qodi karaa cagafta Baldoosarta inta hada noo hadhsan waxay ku kacaysaa lacagdhan 25000$ Dooar.” Sidaas ayuu yidhi,

Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay dedaal badan u galeen, islamarkaana ay dhinacyo kala duwan ka heleen caawimo iyo balan-qaadyo. “Wasaarada hawlaha Guud waxaan rabnaa inaan la tashano kana Helo, wixii hanti farsamo khibrad ay nagu kordhin karto. Bari haduu yimaad wasiirka hawlaha guud Boorama waan soo tusi doonaa” ayuu hadalkiisii Ibraahim ku soo xidhay, jidkan cusub ayaa lagu wadaa marka la dhameeyo in uu kala badh soo gaabi doono masaafadii hore loogu socon jiray deegaanada qaarkood jid xumo awgeed.

Guurtida tii horaa loogu dul-qaatay
Annagoo ah Dhallinyarada Gobolada Bari ee Togdheer iyo Saraar, waxaanu cambaaraynaynaa waxa ay Guurtidu ugu yeedhay mudda-kordhinta oo aanu u aragno annagu “Aynu Is-dillo, doorasho dambena ma jirto iyo diktaateernimo”.

Sababta oo ah, waxa is weydiin leh, kuwa wax kordhinayaa maxay ku joogaan iyagu meesha? Jawaabtu waxa weeye “Waa isukordhin Xaaraan ah”. Waxaanuna leenahay Hal Xaaraan ahi Nirig Xalaal ah ma Dhasho.

Odayaasha Guurtida iyo Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa “Adeerrayaalow, dantiinna Kursiga ha u sadqaynina Qaranka ee Danta Ummadda ka taliya”. Waxaanu u dulqaadanay tii aad idinku isu kordhiseen oo idinku awelba Beelaad ku timaaddeen, laakiin ma qaadi karayso Madaxweynihii ummaddu dooratay ee 5ta sannadood ee lagu tijaabiyey xilka in markii ay ka dhammaatay aad tidhaahdaan iska joog annagaa dib kuu dooranaye.

Waxaanu idiinka digeynaa inaad ku adkaysataan sharci daradaa aad ku dhawaaqdeen oo dalka iyo dadka cawaaqib xun iyo dib u dhac u horseedaysa.

Ta kale, waxaanu u aragnaa haddaanu nahay dhallinyarada iyo waxgaradka Gobolka Togdheer godob badheedh ah oo Daahir Rayaale ka galay gobolkayaga markuu Badhasaabkayagiina ku eryey Banaanbax selmi ah oo Burco ka dhacay, Badhasaabka Awdalna aad u fasaxday inuu abaabulo bannaanbaxyo lagugu taageerayo. Godobtaana illaawi mayno.

Ummadda Somalilandna waxaanu leenahay Caddaaladda iyo Sharciga Daahir Riyaale waa kaa!

Magacyada Dhallinyarada:

Xirsi Maaweel Cawed
Cabdirisaaq Axmed Olol
Siciid Axmed Olol
Caydiid Faarax X. Xasan
Saleebaan Cismaan (Dowlad)
Maxamuud Cawar
Siciid Duqus
Axmed Cabdi Dirir (Catoowe)
Maxamuud Idiris
“Dawladu ha joojiso xaalad abuurka”
War murtiyeed Xisbiga UCID ka soo saaray xaalada dalka
Hargeysa (Ogaal) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray shalay kaga hadlay xaalada wakhtigan Dalka Somaliland marayso.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Xisbigaasi Xassan Xuseen waxa lagu sheegey. “Xisbiga UCID waxa u si xoogan uga soo hor jeedaa kuwa ku dhaqmaya in ay ka fuliyaan qaraxyada yaryar ee shaanida ah ee beryahan danbe la caadaystay kuwaas oo sumcadii Somaliland wax u dhimaya,” “Waxa xisbiga UCID si kulul u deedafeenayaa go’aankii ay guurtidu ku laashay heshiiskii (3) sadexda xisbi Qaran, komishinka iyo haya’daha caalamiguba isla gaadheen, waxaanay hogaanka xisbigu u arkaa go’aankaas mid qadiyada Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiyadaba mugdi geliyay, waxaanay Golaha Guurtidu moogyihiin in qorshe misaaniyeedka caalamku uu ku saleysanyahay wakhti cayiman oo leh bilow ilaa dhamaad taas oo micneheedu yahay haddii aynaan ka faa’idaysan lacagta laynugu tala galay hergelinta doorashooyinka sanadkan 2008 ee ayna suurta gal ahayn in sanadka 2009 dib loogu riixo, isla markaana niyad jab ku dhacayo dadkii sida niyad samida leh inoogu soo yaboohay.”Ayuu intaa ku daray afhayeenka UCID, sidoo kalena waxa ay canbaareeyeen dhawaaq ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu dhaliil ugu soo jeediyay wafti ka socday deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka. “Taasoo ina tusaysa inay xukumada talada heysaa aanay shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamkaba midna ka xishoon (accountible-na) u ahayn ciddii kula talisa inay hagaajiyaan oo qaladkooda u sheegtana ay aflagaadaynayaan.” Ayuu yidhi Xisbiga UCID waxana uu intaa ku daray raali -gelin uu hadalkaas ka siiyay hadalka wasiirka arrimaha dibada. “Sidii uu wasiirku sheegay maaha.ee haanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland in aad bixisaan 75% kharashka ku baxa, waananu idiin haynaa abaalkeeda waanad ku mahadsantihiin.” “Sidoo kale waxa uu hogaanka sare ee xisbiga UCID si kulul u canbaaraynayaa xil ka qaadistii badhasaabka Gobolka Togdheer, ka dib markii uu waajibkiisii xil uu gutay, waxaanu ku amaanaynaa geesinimadii uu muujiyay badhasaabku, waxaan ka tacsiyadaynaynaa shacbiga Gobolka Togdheer.”

Xisbiga UCID waxa uu ku celiyay inay taageerayaan Go’aanka Axsaabta iyo Komishanka, ee wakhtiga doorashada iyo inay noqoto doorashada hore ee dhacaysa 6/10/08 ta Madaxtooyada. Iyagoo soo jeediyay in wakhtiga ka horaysa la dhiso dawlad ku meel gaadh ah. “Waxa Golaha Fulinta iyo Golaha dhexe ee xisbiga UCID ugu baaqayaan dawlada inay joojiyaan xaalad abuurka iyo dagaalka afka ah ee beelaha Reer Somaliland laysaga horkeenaayo waana inuu maadxweynuhu xakameeyo wasiiradiisa, waxa kale oo uu xisbigu ugu baaqayaa in ay xukuumadu wax ka qabato maciishadan kacday ee cirka isku shareertay wakhtigan kulul, inta ay wakhigooda ku luminayaan yoo-yootanka” ayaa ka mid ahaa warsaxaaafadeedka UCID, Waxa kale oo ay intaa ku dareen canbaaryn ay u jeediyeen talaabo ay sheegeen in Ciyaartoy ka socday Xisbiga UCID uu kulla kacay Badhasaabka Gobolka Sool.

Kullan dhex-maray Madaxweyne Rayaale iyo Wafti ka socda UNDP
Hargeysa- (Ogaal) – Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda UNDP.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay kulankaasi.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayay Agaasimaha Laanta UNDP u qaabilsan Wadamada Geeska Afrika oo fadhigiisu yahay Magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya Mr BrunoLemarquis , waxa ay Madaxweynaha kala hadleen Mashaariicda horumarinta ah ee UNDP ay ka fulin doonto Jamhuuriyada Somaliland , kuwaasi oo uu sheegay in ay laban laabi doonaan dhaqaalaha ku bixi doona sanadkan 2008

Mr Bruno oo si qoto dheer u faah faahiyay Mashaariicda sanadkan 2008 ay ka fulin doonaan Somaliland , waxa uu sheegay in Mashaariicdaasi ay ka mid noqon doonaan , sidii loo horumarin lahaa is xukunka iyo maamulka fiican ee dalka , in dadka danyarta ah loo sameeyo mashaariic ay nolol maalmeedkooda ka soo saaraan , Mashaariicda Nabad gelyada iyo laamaha ilaalinta sharciga qaabilsan oo ay ka mid yihiin tababaro loo sameeyo Ciidamada Booliiska , Ciidamada Asluubta, Maxkamadaha dalka iyo Mashaariic kale oo ku wajahan horumarinta Bulshada.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka codsaday Laanta UNDP in ay xooga saaraan , si ay u abuuraan Mashaariic ay ka mid yihiin in dadka loo sameeyo Wershado yar yar oo soo saara Subaga Burcadka , maadaama uu dalku leeyahay xoolo fara badan , caana badana laga helo, taasi oo wax weyn ka tari doonta ayuu yidhi Madaxweynuhu in ay dadku ku kabaan nolol maalmeedkooda.

Madaxweynuhu waxa uu Laanta QM u qaabilsan horumarinta ku booriyay in ay xooga saaraan Mashaariicda ahmiyada gaarka ah u leh dalka, isaga oo ugu mahad naqay taageerada Laantaasi ay siiso Somaliland.

Shirkaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga UNDP waxa kale oo goob joog ka ahaa Sarkaalka Xafiiska UDNP ku leedahay Somaliland Mr Balma Issaka Yahaya iyo Mr Moe A. Hussien oo isaguna ka tirsan Saraakiisha UNDP.”

Gobolka Awdal iyo Hawl-galka Jidad bixinta
Borama (Ogaal) – Gudi gacanta ku haysa Jid isku xidhaya Magaalada Borama iyo Lix tuulo oo mudo laba sano ah laga shaqaynayay ayaa ku baaqay in laga caawiyo dhamaystirka Jidkaasi.

Sida uu ku soo waramay wariye Jirde jidka oo isku xidhaya magaalada Boorama iyo Degaanada Cadaad, Baddan-Bad, Ambase gaagaab, Xamarta Dur dur- cad, Fariid suul, Weeraar. ayaa waxa ku tashaday inay wax ka qabtaan dadka deegaanka iyo Ganacsato ka soo Jeeda Gobolka Awdal. Ganacsade Ibraahim Cabdi Iidle (Indho) oo meesha jidku ka socdo geeyey qaar ka mida saxaafada shalay ayaa codsi u diray dhamaan ganacsatada iyo hayadaha samafalka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta dhismaha jidkan inay ka caawiyaan. Ibraahim Cabdi Iidle ayaa si faah faahsan uga hadlay qorshaha iyo sida ay ugu hirgashay Banaynta jidkani oo in badan oo ka mid ah la dhamaystiray. “Dhismaha wadadan, waxaan amaan u dirayaa horta Dadka degaamada Degan oo qabtay hawsha intii ugu badanayd, iyaga oo gacan meel kale ka helin waa dadka reer miyiga ah ee dhexdooda isku tashaday, qarashkana iyagu is dabarayay ee sameeyey 12-km. mudadii ay socotay dhismaha wadadani waxay ku dhowdahay labo sano hadaanay ka badnaynba, dhaqaalaha kaga baxay dadka degaanka 12-kaa Kmitir waa lacag dhan 13kun oo dolar iyaga ayaana iska Ururirayay Xoolo iyo waxii kale ee ay helaanba lacagtan iyaga ayaa iska bixin jiray, anaga waxay nagu yidhaahdeen intaa waxii ka badan qabta oo soo hagaajiya meel aad la kaashataanba, anaguna waxaan samaynay 4km waxana nagaga baxday lacag dhan qiyaas ilaa 5000kun oo Doolarka maraykan ka ah waxana hada noo hadhay 5-km oo Buur ah waayo dooxyo ayaanu ka leexinay Buurtaa waxaa lagu qodi karaa cagafta Baldoosarta inta hada noo hadhsan waxay ku kacaysaa lacagdhan 25000$ Dooar.” Sidaas ayuu yidhi,

Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay dedaal badan u galeen, islamarkaana ay dhinacyo kala duwan ka heleen caawimo iyo balan-qaadyo. “Wasaarada hawlaha Guud waxaan rabnaa inaan la tashano kana Helo, wixii hanti farsamo khibrad ay nagu kordhin karto. Bari haduu yimaad wasiirka hawlaha guud Boorama waan soo tusi doonaa” ayuu hadalkiisii Ibraahim ku soo xidhay, jidkan cusub ayaa lagu wadaa marka la dhameeyo in uu kala badh soo gaabi doono masaafadii hore loogu socon jiray deegaanada qaarkood jid xumo awgeed.

Candlelight iyo Tababarada is badalka Cimilada Adduunka
Hargeysa (Ogaal)- Hay’ada wadaniga ah ee Candlelight ayaa Salaasadii todobaadkan 30 xubnood oo ka kala socday Ururada bulshada iyo Hay’adaha dawlada tababar ugu soo xidhay Huteel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo ay ka soo qayb-galeen Agaasimaha guud ee ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Agaasimaha guud ee Waxbarashada iyo marti sharaf kale, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga baran lahaa is-bedalka cimilada aduunka soo food saartay qarnigan 21aad iyo siyaabaha laga hortagi karo nabaad-guurka deegaanka iyo sidoo kale siyaabaha loola noolaan karo cimilooyinka cusub.

furitaankii tababarkan waxa hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda deegaanka Maxamed Jaamac Faarax (Baalaweyne), oo sheegay in ay Wasaarad ahaan diyaar u yihiin wax kasta oo kartidooda ah oo lagu badbaadinayo islamarkaana lagaga hor-tagi karo is bedalka cimilada, gaar ahaana deegaanka.

Agaasimuhu wuxuu Hay’ada Candleight ku amaanay dedaalka ay ugu jirto wax ka qabashada deegaanka iyo dhiiri-gelinta bulshada, isaga oo sheegay in ay meelo badan oo ka mid ah deegaanada Somaliland oo nabaadguur haleelay ay wax ka qabatay Hay’adu, sida Buurta Gacan-libaax oo kale.

Gabagabadii hadalkiisa agaasimuha deegaanku waxa uu u soo jeediyay ka qayb-galayaasha tababarkan in ay ka faa’iidaystaan, aqoonta ay barteena uga sii faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cali Cabdi Odawaa, ayaa isaguna hadal dheer oo uu halkaa ka jeediyay waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay dedaal, is garabsi iyo wacyi gelin loo sameeyo bulshada kala duwan miyi iyo magaalaba dalka Somaliland, si ay suuragal u noqoto in la yareeyo ama lala qabsado cimilada iyo deegaanka is bedalku ku yimi.

Agaasimaha guud ee Hay’ada Candleight Axmed Ibraahim Cawaale, oo ka xogwaramay sababaha dhaliyay guud ahaanba Cimilada aduunka ee is-bedalaysa ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi, “Beryahan dambe dunidu waxay ka qaylinaysaa is bedal cimilo oo soo wajahday, isla markaana saamayn balaadhan ku yeelatay habdhaqankii nolosha iyo kii dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka aduunka. Ujeedada tababarkanina waxa uu ku saabsan yahay sidii aynu wax uga baran lahayn cimiladaa is bedashay, ka dibna aynu isugu dayi lahayn inaynu helo xal lagaga hortagi karo, ama lagula qabsan karo kunoolaanshaheeda.” Agaasimaha Candleight, waxaa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanan u soo jeedin lahaa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland in ay Manhajkeeda ku darto wax ka barashada iyo xal u helida cimilada oo Iskuulada lagu dhigo..” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Hay’ada Candleigth Axmed Ibraahim Cawaale.

Xidhitaankii Tababarkaana waxa uu Mr. Axmed kula dardaarmay ka qayb-galayaashu inay waxyaabihii ay ka faa’iidaysteen muddadii uu socday ay uga faa’iideeyaan dadka aan nasiibka u helin ka qayb-qaadashadiisa iyo dalkooda.

Source: Wargeyska Ogaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: