WAREYSI DHINACYO BADAN TAAABANAYA OO XILDHIBAAN Yuusuf Maxamed Cabdi “Tuke” LAGULA YEESHAY MAGAALADA OSLO OO UU HAWLO SHAQO U JOOGGO

 

Xildhibaan Yuusuf M. Cabdi “Tuke”

Oslo(sl.no), 14Apr.2008 – Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cabdi “Tuke” oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada JSL kana soo baxay xisbiga kulmiye, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanadii hawsha shaqo ku yimi Boqortooyada Ingiriiska. Ayaa wuxu jaaliyadda SL ee Oslo shir kula yeeshay xarunta jaaliyadda12/04/08. Haddaba waxa maanta14/04/08  wareysi khaas ah la yeeshay anigoo ah    Cabdirisaaq Cismaan Fadal. Wareysigaa oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu u dhacay sidan: 

S/: Mudane Yuusuf waxad warbixin kooban naga sii socdaalkaagan?

J/: Waxan ka mid ahaa xildhibaanadii lagu soo casuumay dalka Ingiriiska. Hawlahayagii halkaasu kolkii ay dhamaadeen waxay noqotay in jaaliyadaha kale ee reer SL in aan u warano. Sababaha aan  halkan Norway u imina waa sababtaa. Kolkaa jaaliyadda oo isku dhan ayaan u waramay 12/04/08. intii ka dambeyseyna hawlo xisbiga kulmiye ee aan ka tirsannahay ayaan ku guddo jiray dhakhsona waxa ugu noqonayaa Ingiriiska ka dibna waxan tegayaa dalkii.

S/: Dalkan Norway wax masuuliyiin ama xukuumada ha noqoto ama Baarlamaanka ha noqdeene ma la kulantay?J/:  May muddo yar oo dhawr cisho ah baan joogay cidna kalamaan kulmin. Jaaliyadda iyo xisbiga uun baan shirar gaar-gaar ah la lahaa iyaguna imika waa gaba-gabo.

p4120218

S/: Xaalada dalkii xilligan imika lagu jiro is mari waa baa jira Guurtidu waa tii xilliga u kordhisay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Dhanka kale komishanku waa kuwii ay isla ogolaadeen Saddexda xisbi xilliga doorashooyinku dhacayaan. Ka xildhibaan ahaan iyo ka xisbi ahaan xaalada dalku sidan ay ku sugan tahay sidee ayaad u aragtaa?J/: Walaahi waa nasiib daro in geedi socodkeenii dimuqraadiyadda iyo halgankii qadhaadhaa ee aynu soo marnay ee SNM aynu dib ugula soo noqonay gobonimadeena kuna asaasnay JSL in himilooyinkii meel lagaga dhaco waa nasiib daro. Is mariwaaga imika taagani ma qeybsana waa dhinac waana dhinaca xukuumada. Xeerka doorashada waxa had iyo goor asaas u ah axsaabta tar-tarmeysa waxa ay ku heshiiyaan. Kolkaa komishanka ayaa u udub dhexaad ah. Iyadoo dimuqraadiyadeenan curdinka ah la doonayo in lagu wado sawo-sawo iyo in ay doorashooyinku inoogu qabsoomaan si cadaalad ah. Waa adigii ogaa wixii axsaabta iyo gudiga doorashadu ku heshiiyeen. Waxad moodaa taasu inay ka degi la´dahay  xukuumada guurtidana iyagaa soo adeegsaday meel guurtidaasi arinta ka soo gashaana may jirin meel uga banaaneydna ma jirin waxa weeye waa waxay soo maamuleen xukuumadu. Waxaad moodaana in xukuumadan maanta taagani ilowday dhiigii dalkan loo soo daadiyey oo aanay ku talo galinba inay ka degaan meesha. Waxaana aad u sii cadaanaya arin dadka shacbiga iyo dadka siyaasada u dhuun daloolaaba odhan jireen oo aheyd xukuumadani diyaar uma aha in ay doorashooyin gasho ee waxay dooneysaa inay sidaa ku sii heysato dalka. Waxaanay noqoneysaa in laga gil-gisho umana suurtagaleyso sidaa aad maantaba u maqleyso ee ka dhacday Burco ee mudaharaadada dadku ay isugu soo baxeen iyagoo iskuuladii, meheradihii iyo shaqooyinkoodiiba ka yimi. In umaddu ka gil-gilitaabay noqoneysaa oo ay diidaan si loogu soo dabaalo sharciyada oo ay xukuumadu dhageysato.

S/: Haddii xukuumadu muddo kordhinta guurtida ku adkeystaan oo meel mariyaan. Maxay xisbiga kulmiye yeelayaan ama talaabada ay ku dhaqaaqi karaan maxay noqoneysaa? Ma xaaladan cakiran bay dhankooda ka sii adkeynayaan? Mise dariiq sharci iyo maxkamadeed bay marayaan?

p4120214

J/: Horta ayaan darada jirta horta in xog-ogaal la noqdaa ayaa wanaagsan waxad arkeysaa Golaha Wakiiladda iyo Axsaabta Mucaaridka oo dhinac ah iyo Guurtidii, Xukuumadii iyo Maxkamadihii oo dhinac ah. Markaa maxkamad la isla tagaa wax ay kordhineysaa ma jirto waa isla meeshii, xisbiyada mucaaridku way cadeeyeen mowqifkoodii ma aqoonsanayaan xukuumad jirta 15-ka May wax ka dambeeya. Maalintaa wixii ka dambeeya Rayaale iyo ninka suuqa jooggaa talada waa u siman yihiin.

S/: Haddii Hay´adihii Dawliga ahaa kala qeybsanaanta intaa le´eg aad ka sheegayso. Madaxweynahana aad leedahay 15-ka May wixii ka dambeeya sharciyadiisu sii jiri mayso yaa isu imanaya oo dalkan taladiisa xal ka gaadhaya?

J/: Waxa weeyaan sidii aynu ku soo hanaqaadnay  runtiina aynu halkan ku soo gaadhnay waxay ahayd dadka xilkaskiisu dee inay isu soo dhaweeyaan. Nasiib darada guurtida inagaga dhacday ee ay xilkas u noqon weyday, waxay aheyd kaalintaa kaalintii la doonayey in marka dhibaato siyaasiyi dhacdo ileen maanta beelo isuma haynoe kuwii daweyn lahaa ee xaqa ka sheegi lahaa iyaga weeyaan. Laakiinse iyagi waa kuwan ku milmay xukuumadii. waxay noqonaysaa in sharciyadda loo hogaansamo umadda karaamadeeda, cisigeeda iyo sharafteeda la dhawro oo la tixgeliyo. Waayo haddii taasu dhiciweydo oo sida aynu imika maqleyno ay ku sii socoto oo xitaa madaxdii mucaaradka iyo dadka waayeelkiisii ayaa qaarna la qab-qabtay qaarna la doon-doonayaa. Waxay noqoneysaa dawlad tan ka xoog weyn oo dawladii Siyaad Bare ah oo Afrika ugu xoog wayneyd ayaa la iska celiyey waa la iska celinayaa.

S/: Golaha Wakiilada markii la soo doortay ee ay kuraasida ku fadhiisteen ee ay bilaabeen shaqada khilaaf baa ka dhex bilowday iyaga iyo xukuumada. Khilaafkaa la kawsaday golaha wakiilada bilowgoodii ma kula tahay inu soo gaadhsiiyey ilaa xilligan dalkii xaaladan adag ee uu ku jiro.

J/: Xaaladan adag ee dalku ku jiro waxa soo gaadhsiiyey xukuumada. Golaha wakiiladu waxay soo gaadhsiiyeen ma ay jirin, sharci dajin bay mandate u leeyihiin oo dastuurku siiyey tii bayna sameynayeen. Cida wadanku ka dhaqaaqi kari la´yahay cida horumarka laga sameyn kari la´yahay  cida maanta aqoonsiga sababta loo la´yahay, iska hor imaadka iyo iska horkeenka dadka, caga jugleynta, dadka sare joogga lagu xukumayo ee gudiyada nabad gelyadu ay ku xukumayaan, xuquuqul insaanka hay´adihii ahaa sida Shuuronet ee lala wareegayo, saxaafada la cabudhinayo, siyaasiyiinta la qab-qabanayo Waxay ka socdaan dhinaca xukuumada. Taasi ma sii soconeyso xaqiiqo weeyaan ma sii soconeyso, ma sii waari karto ma sii jiri karto umadda SL-na qaadan meyso. Rayaale waxa u wanaagsan inuu si wanaagsan uga tago haddii uu uga tagi waayo sidii kuwii ka horeeyeyba ay xumaan uga tageen ayuu uga tegayaa isagoo ka lugaynaya. Taasu waa biyo kama dhibcaan.

S/: Xaaladan xaaladii ka horeysay waxay ahayd khilaafkii komishanka ee soo taxnaa, xisbigan aad ka tirsan tahay ee kulmiye qudhiisu xubintii uu komishanka ku lahaa muddo dheer buu soo gudbin waayey oo komishanku inu shaqadiisa qabsan lahaa xilligan xilli ka horeysa ayaa suuragal ahaan laheyd. Ma qireysaa arintaa.

J/: Waxaasu waa dacaayadaha raqiiska ah ee xisbiga udub iyo xukuumadu sameyso. Waxa weeye komishanka markii ugu horeysay iyada oo ay shuruudihii loogu talagalay iyo sidii loo soo xulayey aanay buuxin oo aanay xitaa isu dhameyn ayuu madaxweynuhu soo gudbiyey. Waxay ahayd inu soo gudbiyo markay afarta kale yimaadaan ee la eego miisaanka dalka iyo sida afarta kale loo kala helay. Iyagoo kala dhimanba inu soo gudbiyo ma ay ahayn, ku talagal inu kulmiye ku cidhiidhi geliyo. Golaha wakiilada ayaa markaa dib ugu celiyey, maxkamad baa gashay. Waxaas oo dhami waxay ku dhex laalaayeen madaxtooyada, maxkamada iyo golaha wakiilada. Wax uu shaqo ku lahaa kulmiye ma jiro. Maalintii ay timi ee loo codeeyey, ee maxkamadu tidhi ha loo codeeyo kulmiye midhkiisii maalintiiba wuu keenay. Meesha ay wax ka xumaadeen ee khasbeysay ee sharciyada dhaafsiisnayd ee hab dhaqankeenii dhaafsiisnayd cidda ku kacday waxa ay aheyd xukuumada. Xeerkan imika codbixiyeyaasha diiwaan gelintoodana waxa laga sugayey golaha wasiirada saddex bilood oo kaamila ayuu golaha wasiirada gudihiisa ku jiray. Iyagaana wakhtiga riday.

p4120203

S/: Haddii aan u soo noqono xaggaaga adigu goormaad dalkii ku noqoneysaa?

J/:  Halkan bisha 16-keedaan ka noqonayaa ilaa bisha dhamaadkeena Hargeysa ayaan ku beeg nahay.

S/: Maxaad sii hormarineysaa oo aad dadka u sheegaysaa. Haddii ay tahay xaaladan jirta iyo haddii ay tahay waxqabadkiinii qoladiinii hawsha shaqo u soo baxday?

J/: Waa mide annagu ka gole wakiilo ahaan waxan aad iyo aad runtii ugu jeedinayaa xubnaha golaha wakiilada ee walaalahey ah in ay halkii ka sii wadaan sharci dejintii iyo ku ilaalinta xukuumadu inay fulinayso wixii loo igmaday ku daba galkeeda iyo ku ilaalinteeda. Umadda reer SL dhiig iyo hanti badan ayey gobanimadani ku joogtaa. Inay gobanimadooda ilaashadaan oo aanay nina ugu tanaasulin xaqdaro, kibir, caga juglayn iyo cadaadis. Inay isu soo baxaan xukuumadaha si nabad gelyo ah ayaa lagu bedeli karaa. Waxa weeye waxa muuqaneysa inay  xukuumadu aanay cid ay u kala aabo yeelaysaa jirin ciidamadii furinta la soo noqotay boliskii qaranka u adeegsaneyso inay ciddii ay doonayaan qab-qabtaan. Taa waxan leeyahay ciidamadayada sharafta leh iyo kuwayaga nabad gelyada ee lagu jooggo wadanka. In ay ka taxadaraan in loo adeegsado arimo siyaasiya. Umadduna waa in ay ka feejignaataa oo ilaashataa karaamadeeda, gobanimadeeda iyo madax banaanideeda. Xukuumada iyagaa leh xaq bay u leeyihiin haddii ay garan waayaan inay eryaan oo yidhaahdaan rayaalow soo dhaaf. Taas ayaan fari lahaa salaamu caleykum warax matu laah.

 

p4120194

Gud. Jaaliyadda Xuseen Aadan Cadib

 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: