CUDUR-DAAR JACEYL “Qeybtii lixaad”

Waa sheeko dhab ah oo ku dhacday Qoraaga sheekada oo ah C/laahi Axmed Caarshe

Qormadii Lixaad……………

marka ay Aamina hadalkaa leedahay waxay eegaysey dareenkayga, balse aniga waa ii qudhgooyo markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan ugu jewaabay “walaal m haddii aad hadalkaa igu tidhaahdid geeribaan ka xigaa, waxa keliya ee aan ku badbaadi karaa waa adiga oo caawa igu yidhaahda Amba Kula Mid Baan ahay” markii aan Aamina intaa ku idhi ayay Aamina oo ay ka muuqado farxad marbana ku dhufanaysa qosol googoosa ayay igu tidhi “walaal C/laahi caawa si fiican ii dhegayso warka aan kuu hayo waxan umalaynayaa in aanad weligaa ilaawayn” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan ku idhi “haye walaal waan ku dhegaysanayaa ee warka soo daa” Aamina oo marba qosol ku dhufanaysa ayaa igu tidhi “walaal C/laahi aad ayaan u dareensanaa in jacayl ku haleelay, jacaykuna waa wax jira mana aha wax lays kula yaabo,muddadii aan ku cel-celinayeyna xumaan igama ahayn ee adiga ayaan ku xaqiijinayey in jacaylku kaa dhab yahay iyo in aad been uugu sheekaynaysid, balse waxan ogaadey in jacaylku kaa dhab yahay daacadna aad tahay, imika laga bilaabona wax walba waan kula qabanayaa.

Jacaylkana waan kula daadihinayaa wax allaale wixii xagayga xaaga xidhmana aniga ayaa dhamaynaya, diyaarna wax walba waan kuula ahay, imika laga bilaabona gacantaadii midig ayaan ahay, wixii dhib hore ku soo gaadheyna iska illow walaal wixii wer wer iyo walbahaar ku soo marayna niyadaada ka saar, jacaylkana kugu eegi mayo,e dhinaca ayaan kula hayaa, waanna iskaa siiyey walaal” markii ay Aamina ii soo bandhigtay in ay jacaylka dhinaca ila qabanayso warkaa farxaddalena ay iidhiibtey. Ayaa markiiba neecow qabow ayaa jidhkayga saaqday, waxa ii baryey waa cusub sidoo kalena niyaddayda ka naxay wixii wer-wer iyo walbahaar ahaa, waxan noqday qof habiya muddo ayaan Aamina jewaab ku celin kariwaayey aniga oo farxad awgeed isla maqan, cabaar ka dib ayaan soo miiraabay waxanna Aamina u sheegay in aan farxad la miyior beelay, markii aan Aamina u sheegay in aan farxad la miyir beelay, ayay ina oohin bilowday iyada oo dib u xusuusatay waxa dhicilahaa haddii ay i odhan lahayd waxba jacaylka kaala qaban maayo, waxayna ogaatey in aan sidaa u dhicilahaa, waxayna Aamina igu tidhi “walaal waxan la ooyayaa haddii aan ku odhan lahaa waxba kula qaban maayo, malaha waad dhiban lahaydba” markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi iyada oo weli ooyaysa ayaan ku idhi aniga oo aad u faraxsan, “walaal Aamina aammu, waynu guulaysanay jecaylkeeniina wuu midho-dhalay arrinkeenuna wuxu marayaa halkii ugu fiicnayd, wixii horena walaal iska illow” runtii Aamina waxay la ooyaysey oo ay aamintey haddii ay i odhan lahayd waxba kula qaban maayo, in aan geeri ku dhowaan lahaa. Aamina waxan ku qanciyey in ay wixii hore iska ilowdo, waxanna u sheegay in ay jacaylka dhinaceeda ka adkayso, iyada oo Aamina ii muujinaysa dareen naxariisleh ayay igu tidhi “walaal dhinacayga haka wer-werin imika anaaba kaa daran oo jacaylku igu cusub yahay” runtii muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney waxay ahayd habeenkii iigu wacnaa ee aan gaadhey yoolkaygii aan muddada dheer rafaadka igu soo jirey. xilli danbe ayaanu aniga iyo Aamina isku gaadhney, waxayna noqotay wakhtigii aannu kala seexan lahayn, waxan Aamina ku sii maca salaameeyey hees uu ku luuqeeyo fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar heestaasoo oo ah mid aan ku ducaysanayey Aamina ugu muujinayey in ay tahay tii aan doonayey waxann aku bilaabay sidan.
Damiir hal adeegnimiyo
quruxda lagu daahayee
darandar indhii arkaan
marnaba daymada kadaaline

timaha kala degay dusheediyo oo
ilkaha dabarkaley dilee

waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa

dadnimo dhaqankeeda iyo
quruxda lagu deyrayee
dadkaba ruuxaysbartaan
kolnaba diiqad aanan gelininee
degeni socodkeeda iyooooo oooooooo
dibnaha madowgaleey dileeeee

waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa.
markii aan heestaa aan ku ducaysanayey aan dhameeyey ayay Aamina oo aad u faraxani igu tidhi “dee walaal C/laahi fanaan baad noqotay, mise jacaylka ayaa kaa keenaya heesaha jacaylka ah, ee kaa soo burqanaya” aniga oo aad Aamina ugu faraxsan ayaan ku idhi “bal Aaminay yaan ku arag adiga oo maalin dhow heesaya” inta ay Aamina qososhay ayay igu tidhi, “in la arko aniga oo heesaya ayaa lagayaaba, sida wax u socdaana kama fursanayso in aan heeso jacayl ah kuu soo qaado, waana la arki doonaa aniga oo kaa badiyey C/laahiyow” aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi “waa lagaa sugayaa Aaminay heeso jacayl ah” inta ay qososhay ayay tidhi, “waaba la ogaan heesaha jacaylka ah ee aan soo bandhigo” runtii Aamina ehel uma ahayn heeso balse waayaha jacaylka ayaa bari-doon. habeen badh ayay noqotay intii aanu Aamina hada hadlayney, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay. Aamina oo hadalkayga xiisaynaysa ayaa igu tidhi “walaal waxan moodayey in aynu saacad wada hadlayney, maba moodayn in ay habeen badhtahay” fadxad ayaanu habeenkaa Aamina ku kala seexanay, waxay ahayd habeenkii iigu farxadda badnaa muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney, waa habeenkii aan gaadhey hadafkaygii ugu weynaa ee aan muddada dheer rafaadka iyo hurdo la’aanta ugu soo jirey. waa habeenkii aan gaadhey yoolkaygii ugu muhiimsanaa oo ahaa in aan Aamina soo xero geliyo. inkastoo aan guulweyn gaadhey hadana waxa adkayd sida Aamina muuqeeda loo arko,muddo dheer ayanu tilifoonka ka wada sheekaysanayney. runtii Aamina oo aanu hore u soo marin jacayl ayaa waxa haleelay jacayl, waxayna gaadhey heer ay seexan weydo ilaa ay ila soo hadasho. iyada ayaa iga wer-wer iyo walbahaar badnayd, markastana waxay soo garaaci jirtey telefoonka, halkii aanay markii hore ku soo dhici jirin in ay telefoonka soo garaacdo inta ay xishood ka qabto, balse markii danbe jacaykiibaa ka xoog badatay kuna qasbay in ay markasta telefoonka soo garaacdo. waxa Aamina la deris noqday nabar jacayl, waxay dhex gashay mowjado jacayl ah. muddo sagaal bilood ah ayaanay noo suura-gelin in aanu Aamina is aragno waayo, sida aan hore u soo sheegay Aamina waxay ahayd inan aan gurigooda ka soo bixin, marka laag reebo muddo gaaban oo ay ku maqantahay wax barashada, Aamina waxay ahayd gabadh aad loo kool-kooliyo waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ka soo jeedey qoys sabool ah, reer kayaguna ay ahaayeen reer miyi. balse Aamina ma ogayn waxa aan ku noolahay, muddo sagaal bilood ah markii aanaan is arag oo aanu telefoonka uun ka wada sheekaysanayney, ayna adkaatay in aanu fursad isu helno, ayaa waxa soo gashay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bisha Ramadaan awgeed ayaa Aamina hooyadeed u ogolaatay in ay salaada taraawiixda ku soo tukato masaajid aan sidaa gurigooda uga fogayn. iyada oo Aamina tixgelinaysa jacaylka qotada dheer ee naga dheexaya, ayay igu wargelisey in ay habeen danbe ila kulmayso. runtii aniga waxay igu noqotay u qaadan waa waayo, marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa oo aad arkaysaa. aniga oo aad ugu faraxsan bushaarada Aamina ii sheegtay ayaan ku idhi “walaal miyaad igu ciyaaraysaa mise waa kaa dhab,walaal waxa u qaadan waa igu noqotay qoftii Aamina ee aad muddada sagaalka bilood ah is arki weydeen ayaa habeen danbe kula kulmaysa”inta ay Aamina qososhay ayay igu tidh “walaal C/laahi ma waxad isla ahayd marnaba kuu suura-gelimayso in aad i aragtid” aniga oo u qaatay in aan Aamina la joogo ayaan ku idhi, “walaal marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa ama aad jaanis u helaysaa,imikase waxay iiga dhigantahay aniga oo ku arkay, mar haddii aad tidhi habeen danbe waynu kulmaynaa” Aamina ayaa hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi ‘C/laahiyow miyaad garanaysaa sababta keentay in aynu habeen danbe kulano? aniga oo aan garanayn sababta keentay in aanu Aamina habeen danbe kulano, ayaan ku idhi “walaal ma garanayo sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waayo, waxan ogaa in aan laguu ogolayn in aad meel u baxdid, mar haddiise aad tidhi waynu kulmaynaa caawa waxay iila mid tahay inaga oo kulanay.
La soco ……………………….

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: