Oodweyne iyo Munaasibad Balaadhan oo Loogu Wanqalay Gobolka Cusub..Iyo Sawridii Xafladaa

 

Xildh.Cali Xaaji.
 Munaasibad balaadhan oo loogu wanqalayay gobolka cusub ee dhowaan loo magaacaabay Odweyne,oo ay ka soo qaybgaleen Koox Wasiiro ah,Xildhibaano ka tirsan wakiilada,Masuuliyiinta g/togdheer,golaha degaanka Burco, Cuqaal,Salaadiin,Hayadaha Wadaniga iyo martisharaf kale oo badan ayaa maalinti shalay) ka lagu qabtay xarunta Gobolkaasi.   

 
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md.C/llaahi Ciro,oo Munaasibadaas xadhiga ka jaray ayaa sheegay inuu ugu  hambalyaynayo dadweynaha Reer Odweyne gobolnimadaa cusub ee la siiyay islamarkaana soo dhawaynayaan.
 
 
Wasiirka Hawlaa Guud


Waasiirka Arimaha Gudaha.


Waxa uu intaa ku daray Wasiirku in hawlaha wasaarad ahaan ka khuseeya Gobolka ay sida ugu dhakhso badan uga fulin doonaan, Haseyeeshee waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan Nabada galyada oo ah shayga ugu muhiimsan “Waad la socotaan waxyaalaha maalmahan dambe laga wado hargaysa ee la doonayo in nabadgalyada lagu khalkhal galiyo,Mana aha mid  aanu raali ka noqonayno.”
 
.”

Dadweynhii Odweyne  iyo Fagaarihii Lagu Qabtay Munaasibada.

Wasiirka Hawlaha Guud Siciid sulub Maxamed ayaa isaguna munaasibadaa ka sheegay in xukuumadihii wadanka soo maray reer Odweyne  ay waydiisan jireen laba arimood oo ah Gobolnimo iyo Dhismaha jidka isku xidha Odweyne iyo Hargaysa,Balse  labadii arimoodba   waxa u fuliyay M/weyne Rayaale.Waxa uu intaas raaciyay Siciid Sulub in halkan hada laga sheegay in Odweyne yahay degaan hodon  ku ah dhinacyada Xoolaha iyo beeraha sidaas darteed Bulshada looga baahan yahay sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen khayraadkaas “Horumarka iyo hirgalinta Gobolka cusubi waa mid ku xidhan dadweynaha odweyne”.
 
Waxa kale oo Wasiirku  halkaa ka sheegay in lala wada socdo arimihii Wasiiraka daakhaligu ka sheegay BBC-da,waa Runtii warkuu sheegay,waayo Isagaa Aminga dalka u qaabilsan,cida waxa wadaana kama iman meel dheer ee waa gudaheena “Waa rag doonayaa inay burburiyaan Nabada iyo Horumarka aynu gaadhnay ee aduunku inagu majeeranayo…Miyaynu ka yeelnaa …Dadweynihii..Maya..Maya. Isagoo Siciid Sulub ka hadlaya Arimaha Doorashada waxa uu yidhi “M/weynuhu marnaba ma odhan hay lay kordhiyo,ee waxa uu markasta cadeenayay inuu diyaar u yahay doorashadu inay wakhtigeeda qabsoonto.
 Waxa Wasiirku ku soo koobay hadalkiisii in Gobolka Odweyne yahay mid u dhexeeya Reer somaliland oo dhan,cid gaar u lihina aanay jirin.Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Reer Sool,oo Munaasibadaa ka qaybgalay ayaa  sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista gobolada cusub isagoo arimahaa faahfaaniyana waxa uu yidhi “Dadbaa lahaa gobolada cusub waa khalad oo cambaareynayay,hasehaatee anigu waxaan leeyahay waa talaabo wanaagsan,waayo Tirada iyo tadawarka dadku waa sii kordhiyaa markaa waxa loo baahan yahay in la kordhiyo gobolada iyo degmooyinka oo aan la taagnaan halkii ingiriisku inagaga tagay.
Waxa kale oo Xaabsade tilmaamay inuu ahaa gudoomiyihii golaha wakiilada Somaliland ee ugu horeeyay,balse uu markii dambe aan cadho kaga tagay iyadoo lawada ogyahay,hadana dib ayaan ugu soo laabtay Somaliland sababtuna waxay tahay markaan arkay in  xisbiyo siyaasadeed la furay oo isbedel yimi oo wixii aan ka cadhooday shalay ka baxeen meesha “Waxaan hada isku soo sharaxayaa jagada M/weynaha soo codka isiin maysaan”.
Waxa uu ku soo koobay Xaabsade hadalkiisii in Reer Odweyne looga baahan yahay sidii hanashada gobolkooda cusub.
 Xildhibaan Cali Xaaji oo ka mid xildhibaanadii baarlamaanka ee ka soo baxay degaanka Odweyne ayaa isaguna sheegay in hada gobolka  Burco iyo Odweyne yihiin laba gobol oo siman,kana madaxbaanaday.Xildhibanku waxa uu intaa raaciyay in dadweynaha Odweyne looga baahan yahay sidii ay muujin lahaayeen gobolkooda.waxaanu ku soo koobay hadalkiisii in xafladani tahay mid loogu talagalay gobolnimada cusub iyo mid duco ah maadaama xaalad abaareed oo xun lagu jiro,olaahayna ka baryayno inuu raxmad khayr qabta inoo shubo.
 
  
Gudoomiyaha Cusub Ee G/Odweyne  

 
Cheif..Maxamed Daahir


Xaabsade 

 

               
Duqa magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan(Dhegalaab)ayaa munaasibadaa ka cadeeyay inay soo dhaweynayaan gobolnimada cusub ee Odweyne tahayna wax u soo kordhay togdheer,waxa uu intaa ku daray in Xiligii aanu Maleeshiyada ahayn Odweyne u magacaabnay Gobolka Daadmadheedh,sidaas darteed magaca Goblku yahay Daadmadheedh,ugu dambayntii waxa bulshada Odweyne kula dardaarmay inay ka hawlgalaan horumarinta gobolkooda oo camiraan Balse aanay hada markaanu ka caraabno naga soo daba caraabin ee ku nagaadaan gobolka.
 
 
Duqa Burco

    
Badhasaabka Burco.
Gudoomiyaha Goblka cusub eeOdweyne  Col.Maxamed Cabdi Libaan ayaa balan qaaday in si cadaalad ah ugu shaqayndoono dadweynaha gobolka,kana hawlgalidoono sidii dhamaanteen inagoo gacmaha ishaysana u horumarin lahayn gobolkeena.
 
 Suldaan..Qoobey.         

 
Suldaan Galaal.
                                
Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Duqa Odweyne,Chief,Maxamed Daahir,Suldaan Maxamed C/laahi(Galaal),Suldaan Qoobey,iyo Xubno kale oo badani ay ka hadleen Munaasibadaas loogu talagalay gobolnimada Cusub ee Odweyne,Waxa kale oo munaasibadaa Wacdaro ka muujisay Kooxda Baanbooyda.
Munaasibadan loogu wanqalayay gobolada Cusub ee Odweyne ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Hawlaha Guud,Arimaha Gudaha,Beeraha,X/xoolaha.Wasiir udawlaha Arimaha dibada,Wasiir ku xigeenka wasaarada Ganacsiga,Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Martisharaf badan ,waxayna ahayd munaasibad si weyn loo soo agaasimay.
 Xigasho Qaran News
 Kayse Axmed Digaale
 
 
 
 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: